Category: Maqaallo

Home » Maqaallo » Page 36
Saadaasha Siyaasadda Soomaali Galbeed: EPRDF, SDP iyo ONLF
Post

Saadaasha Siyaasadda Soomaali Galbeed: EPRDF, SDP iyo ONLF

W.Q. Faysal Cabdi Rooble Waxa saaka si aan la siishaacin Jigjiga u yimid R/W Abiy Axmed.  Socdaalkan ayaa ku soo beegmaya saddex  arrimood oo muhiim ah: R/A xukuumaddiisa oo sannad jirsatay; xisbiga talada ka haya deegaanka Soomaalida oo dibiskuhabeeyay, iyo ONLF oo 15ka bishan qorshaynaysa shirkeeda golaha dhexe ka dib markay madaxda Jabhaddu soo dhammayso...

MAANA-FAAY (falanqayn)
Post

MAANA-FAAY (falanqayn)

W.Q. Xuseen Maxamed Cabdulle ”WADAAD” Maana-faay waa Buug Sheeko-faneed Casriya, soona ifbaxday xilli baahi loo qabay. Waxay ahayd tii nooceeda ugu horreysay Deegaannadeeda, waxayna noqotay curaddii sheeko qoraaleedka casriga ah ee Soomaalida. Waxaa ka farcamay oo waddadeedii qaaday kuwa badan oo iyana galay taariikhda Sheeka qorista Soomaalida. Sheekada ama Qisada MAANA-FAAY, ma ahayn oo keliya...

Musuqmaasuqa Ma La Dabargoyn Karaa?
Post

Musuqmaasuqa Ma La Dabargoyn Karaa?

W.Q. Faarax Xaaji Maxamed-Canbaashe Musuqmaasuqu waa aafo ka mid ah aafooyinka bulshooyinka casriga ah soo waajaha. Waa arrin aad u baahday, isla markaana ka mid noqatay nolosha dadka, noqotayna astaan ku tusaysa sida looga dheeraaday qiyamkii, akhlaaqdii iyo dhaqankaii suubanaa. Macna ahaan musuqu waa eray u dhigma, dhaqan xumo. Waa eray lid ku anshax kasta...

Caagleyaasha iyo Ciidammada Qaranka
Post

Caagleyaasha iyo Ciidammada Qaranka

W.Q. Liibaan Axmed Madaxweynihii hore ee Buntland,  Dr Cabdiweli Gaas, ayaa isku dayay inuu tirakoobo ciidammada kala duwan ee Buntland  ku dhowaad sanad  kaddib markuu xilka la wareegay.  Mushaarka ciidammada ayaa bil kasta sii kordhayay, inkastoo ciidan cusub aan la qorin.  Taliyeyaal  ka tirsan Ciidanka Difaaca Buntland, ayaa hor istaagay qorshihii uu Gaas ku doonayay...

Jid Cusub: Gaso, Ganuun iyo Gasiin: Gorfeyn
Post

Jid Cusub: Gaso, Ganuun iyo Gasiin: Gorfeyn

W.Q. Dr Cabdirashiid M. Ismaaciil Gaso, Ganuun iyo Gasiin, markaan buuggan qacanta ku dhigay, erey kasteba waan dul istaagay. Dhowr daqiiqadood ayaan maanka ku ruxay, si wax uga soo baxaan. Haseyeeshee, waxba way ka soo dhiiqi wayday. Galka buugga qaybtiisa dambe ayaan u rogay, ishaan la raacay falaqaynta kooban ee buugga : “Buug-suugaaneedkan xambaarsan sheekada...

Dharaarihii na soo maray, maxaydaan u dhugan wali?
Post

Dharaarihii na soo maray, maxaydaan u dhugan wali?

W.Q: Ubax C. Aadan Geesiyaasheydii Xawaadle iyo Duduble qoraal ah baan qori baan ku iri adeer, anigoo rabey in aan wax ka ogaado taariikhda uu u leeyahey labadaa qabiil. Dulucda qoraalka markuu i weydiiyay, buu iigu jawaabey – “Xigaba laga xigee, waranka xanaftiisa”. Taa oo ay macnaheedu tahey abaal laysku leeyahey, sheegid ma mudna. Waxaan...

Miyay Habboon Tahay in Wadahadal Lala Galo Al-shabaab?
Post

Miyay Habboon Tahay in Wadahadal Lala Galo Al-shabaab?

W.Q. Liibaan Axmad Wadahadallada u socda Maraykanka iyo Talibaan waxay Soomaali badan ku dhaliyeen su’aashan: Miyaa la joogaa waqtigii Al-shabaab lala hadli lahaa? Peter Mackenzie oo ka tirsan Danish Refugee Council iyo Joanne Crouch oo ah cilmi-baare u shaqeysa Saferworld Somalia waxay isweydiiyeen in wadahadal lala galo Al-shabaab uu habboon yahay xilligan oo Maraykanku la...

Fahamka Dawladnimo
Post

Fahamka Dawladnimo

W/Q Maxamed Nuur Shire Dawladnimada waxaa lagu qeexi karaa: hab maamul oo bulsho meel deggan lagu hago, waxaana dawladdu ay ka koobantahay: 1)dad, 2) dal iyo 3) dastuur. Dawlad kasta waxa ay leedahay astaamo lagu aqoonsan ogyahay oo ay dunida kale kaga soocantahay, sida: calan, dhul xad la yaqaan leh, baasaboor iyo astaan qaran oo...

Horta Qalinkaaga Aamin!
Post

Horta Qalinkaaga Aamin!

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan Uma malaynayn in uu noqon doono qoraal ay akhristayaal badan oo raba in ay wax qoraan ama horeyba wax u qoray u riyaaqi doonaan, saamayna ku yeelan kara hamigooga qoraanimo. Waxa uu ahaa qoraal kooban oo aan kaga falcelinayay farriin aan ka helay akhriste su’aal i soo weydiiyay. Haseyeeshee qoraalkaasi waxa...

MUSUQMAASUQA IYO WAHAABIYADA: ISBAHAYSI AAN BARAKAYSNAYN
Post

MUSUQMAASUQA IYO WAHAABIYADA: ISBAHAYSI AAN BARAKAYSNAYN

W.Q: Cabdiraxmaan Cilmi Xaashi Waxaa dhammaan culimmada arrimaha bulshadu isku raaceen in horumarka bulshada, xasilloonida siyaasadda iyo guud ahaan qummaati u socodka bulshadu uu si toos ah ugu xiran yahay heerka musuqmaasuqa ee dal. Dalalka hodanka ah iyo kuwa saboolka ah waxay ku kala duwan yihiin heerka xakamaynta musuqmaasuqa,lagamana yaabo in bulsho saboolnimo iyo rafaad...