Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dharaarihii na soo maray, maxaydaan u dhugan wali?

W.Q: Ubax C. Aadan

Geesiyaasheydii Xawaadle iyo Duduble qoraal ah baan qori baan ku iri adeer, anigoo rabey in aan wax ka ogaado taariikhda uu u leeyahey labadaa qabiil. Dulucda qoraalka markuu i weydiiyay, buu iigu jawaabey – “Xigaba laga xigee, waranka xanaftiisa”. Taa oo ay macnaheedu tahey abaal laysku leeyahey, sheegid ma mudna. Waxaan ku iri adeer, dhaqankaa iyo caadadaa jiilkaagii yaqaaney, jiilkeyga haddey baranayaan, jiilka naga dambeeyaana xaq bey u leeyihiin in ay wax ka ogaadaan caadadaa.  Adeer ima fahmin. Waana dulucda qoraalkaan. Dharaarihii na soo marey, maxeydaan u dhugan wali.

Casharrada taariikh laga dhaxlaa waa kuwo bulsho dhisa, hadba sidii looga faa`iideystaana ay ku xiran tahey. Waxyaalihii na soo marey illaa burburkii dalka, waxa ugu halista badnaa ee laga dhaxley baan u arkaa in ay tahey burburkii heybadda qaranimo iyo karaamadii shacab. Akhristoow, ma is weydiisey sidee loo abuuri karaa heybad qaranimo oo aan wada leenahney? Yaase ka mas`uul ah howshaa? Ma dowladdaa laga sugaa? Mise adigaa lagaa rabaa? Mise waa mas`uuliyad leysla wada leeyahey?

Abuuridda heybad qarannimo waxaan aaminsanahey in ay tahey mas`uuliyad saaran hoggaanka dalka.  Hoggaanka ayaa laga doonayaa inuu shacabkiisa u bidhaamiyo meesha loo jiheysan yahey, waxa la hiigsanayo iyo waxa uu qiimaha shacabkiisu ku saleysan yahey. Taas oo la iftiimiyaa waxay sahleysaa bilowga iyo ka hadalka  waxa haybadda qaranimo ee maanta loo baahan yahey ay tahey. 

Waana sababta aan u soo qaatey oraahda qoraalkan `geesiyaasheydii Xawaadle iyo Duduble`. Taariikhda Soomaaliya waxaa soo marey geesiyayaal iyo dhacdooyin qaar xusid mutey oo ka mid noqdey taariikhda iyo manhajka waxbarashada. Halka qaar kale, qaasatan halgamayaashii dumar ay noqdeen kuwo dadaalkood qalinka taariikhda muteysan.

Waxaan aaminsanahey, dhici kartana in xilligii dagaalka, oo ahaa wakhti aad u fool xun, naxariis iyo nabad gelyo ay ahaayeen wax lagu diimo, in daruufahaa oo jira aawadeed, ay ka dhasheen geesiyaal naftooda iyo maalkooda u hurey badbaadinta iyo difaacidda xaquuq kale ee soomaali. Dadkaa waxey mudan yihiin in taariikhda lagu xuso?  Aniga geesiyaashii i soo marey ma aha oo keliya kuwo aan akhristey, ee waa kuwo aan ficilkooda la soo kulmey.

Qoraalkii abidkey iigu cabsida badnaa haddana iigu dhiirrigelinta badnaa, ilaa iyo haddana fariimo ka helo mararka qaarkood, ayaa ahaa qoraal ku saabsan xilligii dagaalka iyo mar aan la heyste u noqoney dad aan u heysaney cadowgeen balse Rabbi Raxmaan nooga dhigey kuwii gacantooda lagu badbaaday.

Aniga geesiyaasheydii waan sharfey. Adiga geesiyayaashaada sharaf ma kaa mudan yihiin? Ficilkaa iyo damiirka ay wakhtigaa muujiyeen waa waxa aan labadaa qabiil aan weligey ku amaani, halka adeer uu ka aaminsa yahey, waajib laysku leeyahey lama sheegsheego. Haddeynaan wanaageenna isu qirin, yaa noo qiri?

Akristoow haddaad taqaano dad ku dhiirradey wax aan lagu dhiirran karin, min fadlag- sheeg, oo qor, oo ka hadal oo muuji, oo balaadhi. Badbaadadeena baa ku jirta. Iftiiminta wanaagga iyo naxariista laysu geystey, waxey naga yareyn kartaa xumaantaan la caadeystey waayahan. Waxeyna noo sahli kartaa dib u soo celinta iyo abuuridda hanka iyo heybadda qaranimo ee aynu wada leenahney.

Wabillahi Tawfiq. 

Ubax C. Aadan waa Aasasaha iyo Guddoomiyaha Haldoor-Raising Voices. 

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.