Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Masiibo Qaran iyo Hoggaan Fadhiid ah: Qaraxii Muqdisho

WardheerNews

Marka dhibaato ku dhacdo dad iyo dal, khaasatan dhinaca amniga, caqligu wuxuu ina siinaya in la is weydiiyo:

1) Maxaa keenay dhibta, ayaa mas’uul ka ah ama ka dambeeyay

2) Sidee ayay ku dhacday

3) Maxaa looga hor tegi kari waayay (where was the security breakdown)

4) Qorshe ku aadan sidii looga gaashaaman lahaa mustqbalka, iyo

5) Qorshe shaqo ka caydhis lagu sameeyo hoggaanka howlaha Amniga

Masiibadii Qaran ee ka  dhacay Muqdisho Oktoober 14, 2017, ee ay ku dhinteen dad kor u dhaafay 300 oo qof, islamarkaana ku dhaawacmeen in ka badan 200, ilaa haddana tiradu sii kordheyso, ayaa ilaa hadda mas’uuliyiintii Qaranku aanay sameyn wax qorshe daba gal ah.

M/weyne Farmaajo ( midig) iyo Kheyre

Xog badan oo ay soo ururisay WardheerNews, ayaa tilmaamya in dhamaan madaxdii dalku ay ku mashquuleeen howlaha gurmadka. Taasi oo ay aheyd in looga dambeeyo hay’addaha ku shuqulka leh taakuleynta iyo gurmadka, lana siiyo taageero buuxda si ay u fushaan una maareeyaan adeega hawlaha gargaarka.

” Howlihii Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, iyo hay’addaha kaleeto ee khibradda u lahaa ayaa dhamaan shaqadoodii adeegu ay gaabis noqotay, oo tayaddii hoos u dhacday” Sidaa waxaa WardheerNews u sheegay mas’uul ka tirsan Gargaarka dadkii ku waxyeeloobay qaraxa Muqdisho.

Mas’uulka ayaa intaas ku daray ” waxa dhacday in Ra’iisal Wasaarihii , Wasiiraddii iyo mas’uuliyiin kaleeto iyaga oo wata ciidan tiro badan, ay buuxiyeen goobtii masiibadu ka dhacday, oo gacmaha la galeen howsha gurmadka, iyaga oo bixinaya amar  (orders), taasi oo  keentay in gaabis ama hoos u dhac ku yimaado maamulkii iyo maaareyntii gargaarkii  ee loo fidin lahaa dadka qaraxa ku waxyeeloobay.

Xukuumaddu ilaa hadda lama ay iman wax qorshe ah oo darsaya sida ay wax u dhaceen iyo sidii looga hor tegi lahaa (leadership role). Halkii ay shir degdeg ah (emergency meeting) iskugu iman lahaayeen, ayay xitaa baajiyeen shir asbuuceedkii golaha Wasiiradda. Taasi oo muujinaysa qorshe iyo hoggaan la’aanta ka jirta xukuumadda Soomaaliya.

Waxa xusid muddan, inkasta oo uu madaxweynuhu markii la soo dorrtay uu bishii Abril ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab, ilaa hadda ma jiro wax dagaal ah, oo muuqda oo lagu qaaday Al shabaab.

Run ahaantii Al Shabaab ayaa xoojisay dhawaanahan dagaalka, iyaga oo dib u qabsaday goobo hore looga kacshay, sida Bariire, dagaalo kalena ku qaaday goobo badan oo ka tirsan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed bishii Ogost -Sebtember ee 2017-kii.

Dad badan oo masuuliyiin ah ayaa u sheegay WardheerNews, in qaraxa Muqdisho iyo xaaladda ammaan darada sii kordheysa ay muujinayso habac-sanaanta hoggaanka dalka, iyaga oo sheegay in masiibada qaraxa iyo arinkii Qalbi Dhagax ay marag cad u noqon karto fadhiid-nimadda hoggaanka dalka ee wakhtigan xasaasiga ah.

Dowladdu haddii ay ka go’antahay in ay wax ka qabato ammaanka dalka waa:

  • In is-badal degdeg ah lagu sameeyo hoggaanka Waaraddaha iyo hay’addaha Amaanka iyo nabad suggida, kuwaasi oo ku fashilmay gudashada howlihii loo igmaday
  • In xisaabtan dhab ah lala galo hay’addaha ku lugta leh Ammaanka dalka
  • In hoggaanka Amniga loo igmado dad karti iyo aqoon u leh
  • In la joojiyo lana so af jaro xiisada Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada
  • In la soo celiyo dagaalkii dib u xoreynta deegaanada ay gacantu ku heyso Al Shabaab ee ay wadajirka u wadeen AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya.
  • In dib u eegis lagu sameeyo caqabadaha hor taagan dib u dhiska iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
  • In loo qoondeeyo dhaqaale joogta ah oo lagu howgeliyo Ciidanka dalka
  • In qorshe Qaran loo sameeyo tayeynta iyo dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

One Response to “Masiibo Qaran iyo Hoggaan Fadhiid ah: Qaraxii Muqdisho”


    Fatal error: Uncaught Error: Class 'Roots_Walker_Comment' not found in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php:11 Stack trace: #0 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/comment-template.php(1554): require() #1 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/content-single.php(46): comments_template('/templates/comm...') #2 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(772): require('/home/forge/war...') #3 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(716): load_template('/home/forge/war...', false, Array) #4 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/general-template.php(204): locate_template(Array, true, false, Array) #5 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/single.php(1): get_template_part('templates/conte...', 'single') #6 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/base.php(23): include('/home/forge/war...') #7 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template-loade in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php on line 11
    WordPress › Error

    There has been a critical error on this website.

    Learn more about troubleshooting WordPress.