Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Miyay Habboon Tahay in Wadahadal Lala Galo Al-shabaab?

W.Q. Liibaan Axmad

Wadahadallada u socda Maraykanka iyo Talibaan waxay Soomaali badan ku dhaliyeen su’aashan: Miyaa la joogaa waqtigii Al-shabaab lala hadli lahaa? Peter Mackenzie oo ka tirsan Danish Refugee Council iyo Joanne Crouch oo ah cilmi-baare u shaqeysa Saferworld Somalia waxay isweydiiyeen in wadahadal lala galo Al-shabaab uu habboon yahay xilligan oo Maraykanku la xajoonayo Talibaan.

May aha markii kowaad oo cilmibaareyaal ay eegeen suurtogalnimada wadahadal Al-shabaab iyo dowladda Soomaaliya dhexmara. Borefesor Afyare Cilmi iyo Cabdi Caynte waxay ku taliyeen in dowladdii ku meelgaarka ahayd wadahadal la gasho Al-shabaab, oo ay markaas u arkayeeen urur awood-daran kaddib markii Xamar laga saaray oo waayay canshuurtii ururlu ka heli jiray Suuqa Bakaaraha.

Haddii Soomaaliya ay wadahadal la galayso Al-shabaab sidee loo jabinayaa caqabadda kowaad oo ah in Al-shabaab ay qabto in madaxda Soomaaliyeed riddoobeen iyo in daadinta dhiggoodu bannaan tahay?

Ka soo qaad in Al-shabaab aqoonsatay dowladda iyo qarannimada Soomaaliya, yaa lala la hadlayaa? Ma ururka sare – Al Qaacida – oo ay Al-shabaab daacad u tahay mise madaxda Soomaalida ah ee Al-shabaab hoggaamisa?

Haddii la isku raaco in Al-shabaab lala hadlo side laga yeelayaaa madaxda ururka oo muddada dheer bannaynayay falalka ururku ka geysto Soomaaaliya?

Madaxda sare ee Al-shabaab waxay noqon karaan kooxdii ugu horreysay oo lagu soo eedeeeyo gaboodfal ka dhan ah xuquuqda.

Halista dowladda Soomaalidu la kulmi karto haddii ay wadahadal la gasho Al-shabaab waa mid ka iman karta qoysaska dadkii dhibaatadu ka soo gaartay weerarrada ururka.

Dhowaan waxay Al-shabaab soo saartay filim muujinaya dilalka qorsheysan oo uu ururku ka fuliyay Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya. Dambiga ururku dusha ka saaray ragga la dilay waa inay gaaloobeen. Al-shabaab waa urur Soomaaliya saldhig ka samaystay dadka ay kala aragti-duwan yihiinna gaaleeysiiya. Dhowr sano ka hor ururku wuxuu ku tilmaamay Ahlu Sunna Wal Jamaaca “ mushrikiin”.

Dadka ugu badan oo weerarrada Al-shabaab dhibaatadu ka soo gaartay waa rayid. Waa suurtogal in madaxda ururku ballanqaadaan inay ka tagaan dagaalka ku

salaysan diinta. Miyay dowladdii wadahadal la gasha Al-shabaab ballanqaadi kartaa in madaxda Al-shabaab aysan dacwado kala kulmi doonin dalalka ururku weeraray sida Keenya , ama dalalka ururka ku xiriirinaya colaad ka dhan ah danahooda?

Sidee bay madaxda Al-shabaab u arki kartaa baaqyo wadahadal oo dowladdu la yeelato ururka haddii siyaasadda degsani tahay in ragga xilalka siyaasadeed ka soo qabtay ururka aysan u shaqyn karin dowladda Soomaaliyeed ama maamul federaaleedyada?

Wadahadal nabadeed uma baahna in lagu xiro shuruudo haddii dhinacyada ishaya ay isku raacsan yihiin mabda’ sal u noqon kara wadahadalka. Haddii Al-shabaab aysan rumaysnayn in Soomaaliya tahay qaran ka mid Qaramada Midoobay oo uu xil ka saaran yahay u hoggaansanka Qaynuunka Caalamiga ah, ajendaha ugu horreeya wuxuu noqon karaa qarannimada Soomaaliya, waa haddii Dowladda Federaalka Soomaaliyeed qaadato inay la hadasho Al-shabaab si loo soo afjaro colaadda ku salaysan xagjirnimada diimeed oo Soomaalida kala sii fogeynaysa.

W.Q. Liibaan Axmad

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.