Horta Qalinkaaga Aamin!

Horta Qalinkaaga Aamin!

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Uma malaynayn in uu noqon doono qoraal ay akhristayaal badan oo raba in ay wax qoraan ama horeyba wax u qoray u riyaaqi doonaan, saamayna ku yeelan kara hamigooga qoraanimo. Waxa uu ahaa qoraal kooban oo aan kaga falcelinayay farriin aan ka helay akhriste su’aal i soo weydiiyay.

Haseyeeshee qoraalkaasi waxa uu noqday midkii ugu falceliska badnaa abid intii aan wax qorista ku dhex jiray. Tan iyo  bishii May, 2015, oo qoraalkani ku soo baxay degelka WardheerNews ilaa xilligan aan joogno way yartahay toddobaad aanan farriin Email ah ka helin akhristayaasha iyagoo iiga mahadcelinaya siday uga faa’idaysteen qoraalkan.

Dadkaas aan farriimaha ka helaa waxay isugu jiraan da’yar hadda ku hamiyaysa in ay qoraa noqdaan iyo kuwo horey wax u qoray intaba. Waxay farriimahoodaasi i dareensiiyeen baahida weyn ee ay qorayaasha jiilka cusubi u qabaan in ay helaan cid hagta, kana taageerta sidii ay ugu guulaysan lahaayeen hammigooda qoraanimo. Waxay inta badan i soo weydiiyaan talooyin anna kama hakrado wixii aan ku dhaamo in aan u gudbiyo.

Haddaba Maxamed Colaad Ciise isagu markii uu akhristay maqaalka farriin mahadcaelin ah iimaanu soo dirin, ilamana soo xidhiidhin ee qoraalkii oo dhan ayuu xaday!

Waxaa yaab iyo amankaag igu noqotay markii dhawaan akhriste email uu ii soo diray, iigu soo guntay links, iina raaciyay su’aal ahayd qoraalkani miyaanad adigu lahayn? Tolow maxaa dhacay ma wax aad qortay baa la dhibsaday ayaa markiiba maskaxdayda ku soo dhacday!

Waan furay links-kii mise waa qoraalkaygii oo inta degel kale lagu daabacay nin kale magaciisa ku qortay iskana dhiga in uu isagu qoray. Yaab. Qoraalka oo lagu daabacay degelka burconline 7dii bishii Janaayo ee sanadkan, sida aad ka arki kartid marka aad riixdid links-ka, min billow ilaa dhammad waa sidiisii, wax isbedel ahna laguma samayn marka laga reebo laba meelood. Mid waa meeshii magacaygu ku qornaa oo lagu bedelay magaca ninka sheegatay oo ah Max’ed Colaad Ciise, midda kalena waa meelo ay ku taalay WardheerNews oo iyana lagu bedelay karinnews oo aan filayo in uu wax ku qoro ninka maqaalka sheegtay.

Waa basarxumo iyo fal aad u liita in wax aanad lahayn iska sheegato. Qofku haddii uu rabo in uu qoraa noqda waxaa fiican in uu qalinkiisa aamino. Waa arrin marar badan dhacda aanay caadaysteen mooryaanta internetku in ay ku kacaan falalka noocaas.

Waxaa la yaab leh in qoraalkan la bililiqaystay laftiisu uu uga digayay dadka raba in ay wax qoraan in ay soo minguuriyaan qoraallada dadka kale (Plagiarism). Miyaanu arrinkani markaa u ekeyn naagtii dhaqanxumada laga waaninayay ee tidhi waa la i sugayaa ee ii dhakhsada.

Waxaynu maraynaa casri teknoolajiyadu horumartay, si dhib yarna lagu ogaan karo haddii aad soo minguuriso qoraallo dad kale iska leeyihiin, iskana dhigto in aad adigu leedahay. Fadeexad iyo sumcad xumo wax aan ahayn oo aad ka dheefi kartaana ma jirto. Sidaa darteed waxaa habboon in aad ka dheeraato arrintaas.

Waxaan shaki lahayn haddii aad dadaasho, iskuna kalsoonaato in aad ka libin keeni kartid hami kasta oo aad leedahay.

Haddii aad rabtid in aad qoraa noqotid ha xadin qoraallada dadka kale ee horta aamin qalinkaaga.

W.Q. Khaliil Cabdraxmaan Xasan
Email: khaliilha484@hotmail.com