Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Book Shelf
  • Maqaallo
  • Slideshow

Jid Cusub: Gaso, Ganuun iyo Gasiin: Gorfeyn

W.Q. Dr Cabdirashiid M. Ismaaciil

Gaso, Ganuun iyo Gasiin, markaan buuggan qacanta ku dhigay, erey kasteba waan dul istaagay. Dhowr daqiiqadood ayaan maanka ku ruxay, si wax uga soo baxaan. Haseyeeshee, waxba way ka soo dhiiqi wayday. Galka buugga qaybtiisa dambe ayaan u rogay, ishaan la raacay falaqaynta kooban ee buugga : “Buug-suugaaneedkan xambaarsan sheekada la magac-baxday Gaso, Ganuun iyo Gasiin oo uu ku fara yaraystay Cali Jimcale Axmad, waxaa lugu tilmaami karaa waa cusub oo u beryey fanka sheeka-qorista Soomaaalida.”, waxaa faalladaa ka bixiyay buuggan Hal-abhuuraka caanka ah ee saxiibkay Maxamed Dahiir Afrax oo ah nin khibrad weyn u leh hab-qoraalka iyo suugaanta Soomaaliyeed ba.

Haseyeeshee, Gaso, Ganuun iyo Gasin, weli waxba iigama cadcadda, wax aanan ahayn malayn iyo mala’awaal. Qoraaalkii gaabnaa ayaan si watay : “Waa sheeko hodan ku ah aqoon ballaaran iyo erayo  dhumuc weyn. Waa sheeko jiilka cusub indhaha u furaysa, hal-abuurka Af-Soomaaliga wax ku qorona waddo cusub u jeexaysa. Waddo jid-bixiyeenimo oo ka duwan tii la isla yiqiin.”

Waxaan is weydiiyay, ma ereyo madax-u-salaax baa mise wax baa ka jira ? Waxaan is idhi haddana, aanoo og aqoon suugaaneedka iyo hab-qoraalka Maxamed Dahir Afrax, erayadan buunbuunis ma gali karaan, waayo waa ereyo micnohoogu cad yahay. Anoo weli saluugsan falaqaynta oo sugaya wax uun ii iftiimiya ereyadan ciwaanka buugga ka tirsan, ayaan sii watay akhriskii : “Waa isku dhaf sheeko-tabin, hal-abuurnimo, aqoon-tabin macallinnimo, is xusuusin sooyaalkii …Af-Soomaaligu hodan ku ahaa, ee in badan oo ka mid ah ay ka baxeen ama ka sii baxayeen qaamuuska Af-Soomaaliga maanta lagu hadlo, sida qacda horeba laga dhadhansan karo magac sheekada ‘Gaso, Ganuun, iyo Gasiin.” Markaas ayaan fahmay in ereyadan “Gaso, Ganuun, iyo Gasiin”, ay yihiin ereyo in Bare sare Cali Jimcaale Axmed uu ka soo xulay Af-Soomaali tegay, ama sii socda. Waa kow

Haddii ay dadku yaqaaneen sheeko meel ka billaamata meelna ku dhammaata, sheeko qofna tiriyo qofna dhagaysto, sheeko uu qofka tirinaya iyo qofka qalinka ku duugaya ay mid ahaadaan ama meel qudha ay ka soo jeedaan, sheekada Gaso, Ganuun  iyo Gasiin, xeerarkaas way wada jebinaysaa.  Sidaadarteed, buuggan markaan gudo galay oo iridii ciwaanka aan xarbi ku soo dhaafay, hirdan kale ayaa markiiba ii billaabmay, oo laba goor ayay sheekadu barxaddii loolanka ay iga soo tuurtay. Qoruhu wuu ugu tala galay inuu akhristahu loolankaas la galo, isaga oo sugaya in akhristuhu dadaal muujiyo si uu u maalo buugga aqoonta ku ladhan. Waa tii hore loo yidhi : “nin aanan shaqaysan shaah ma cabo.” Waa laba. Marku cutubkii u horreeyay ii dhammaaday baan ku dhacay waddadii caddayd ee sheekada. Cutubkan hore, labada dacal ee sheekada ayuu isku xidhayaa, markuu dacal kaa maqan yahay,  fahanka akhristuhu wuu dhantaalan yahay, haseyeeshee markuu dadaal muujiyo oo uu sheekada dhammaysto, buu u bogayaa xirfadda qoraha iyo hoggaankiisa. Waa dhab, Qoraa Cali Jimcaale Axmed waxa uu hindisay hab-qoraal ku cusub qoraal-sugaaneedka Soomaalida. Hab-qoraalkuna waxa uu ka marag furayaa qoraha iyo baaxadda fikirkiisa,  waa arrin aan ku soo laaban doono.

Maxaa kale oo ku cusub buuggan oo tusaalaynaysa baaxadda fikirka qoraaga ? Cali Jimcaale waa sugaanyahan, tifaftire, falanqeeye , Bare Jaamacadeed, cilminafsina, haddii uunan ku takhasusin, waayo-arganimo iyo khibrad inuu u leeyahay ayaad ka dheehanaysaa buuggiisa. Oo waa ka na leh dhimirka ayaa kuu horseeda in aad wax legeddo ama dibir lagugu harfaco.

Qoraagu ayuu yahay ? Ayuu u qorayaa ama la hadlayaa ? Maxayse ujeeddadiisu tahay ? Waa su’aalo had iyo jeer uu akhristu is weydiiyo, haseyeeshee qoraaga dhaafsiisan amaba uusan isweydiin. Waa farqiga u dhexeeya qoraaga iyo akhristaha. Buugga oo akhristuhu aanu weli kala furin  ayuu magac qoraaga, iyo deegaanka uu ka soo jeedo, iyo ciiwaanka buugga oo qudha micne ka daalacanayaa, lugumana eedayn karo. Waxaase xidhmay ama xidhmaya fikirkii akhristaha…oo ku hadhay “mid walba waxa uu qoraa waxa uu yahay”…Oo tolow, maxaa uu qoruhu yahay?…Maxaase la yahayba?

Cali Jimcaale, waxaa uu mararka qaarkii, si debecsan, haseyeeshe durugsan, u tusayaa sida qalinku uu u leeyahay awood dhaafsan maanka qoraaga oo marmarka qaarkii uu is wado…Immisa goor ayuu qalinku uu la foof tagaa qoraaga…uu kanu dib, xarbi ugu soo cesha, marmarna uu iska raaca…Xarbigaas Qoraha iyo qalinka u dhexeeyana sheekadani way ka waramaysaa.

Buuggan waxa kaloo la moodaa, dib iyo dacal, gun iyo guud ba, innuu u xarbiyayo furitaanka maskaxdaa xidhan tahay…oo tusaale u yahay is maan dhaafka akhristaha iyo qoraaga, taasoo ku lug leh is aaminaada iyo isku kalsoonida luntay.

Haddaba, qoraaga buuggan Gaso, Ganuun iyo Gaso, waa kuma ? Ma kan uu buugga dhexdiisa uu akhristuhu kula doodayaa, mise waa kan magaca buugga sita ? Maxaase u dhaxeeya labada qore ? Qofka qoraagu ma dhalasho ayuu xayndaab ugu jiraa ? Qoraaga xayndaaban iyo ka kale maxaa lagu gartaa ? Oo haddii akhristuhu isaguba xayndaab uu ku jiro, sidee buu u garan karaa qoraaga baalasha furtay ?

Cali Jimcaale, si koolkoolin ah ayuu rabaa inuu akhristuhu u soo raaco oo uu baalasha la furto, si uu ula safro, oo markaas ay aragti wadaagaan.

Si walba ha ahatee, qoraaga buuggan, kuu doono ba ha ahadee,  muraayad ayuu is hor dhigtay si uu isu fiiriyo oo iskula xisaabtamo. Muraayaddaas waa akhristaha uu alifay oo su’aalo iyo aragtiyo gaar ah had  iyo jeer la qaybsanaya qoraaga. Sheekooyin dhextaal ah, dooddaha u dhexeeya sheekeeyaha iyo qoraaga, ama sheekeeyaha iyo akhristaha, oo mid walba boqol baad buugga ay u yeelayso, waa tusaalaynta fikirka ay sheekada ka soo maaxday, intuu le’eeg yahay… Aynu ka gudubno !

Weli guudka aynu ka joogno sheekada oo aynu in yar jaleecno dhinaca luqadda lugu qoray Gaso, ganuun, iyo Gasiin. Waa luqadda sugaanaysan oo la moodo inay ka soo unkamayso Af-Soomaaliga jiriddiisa, mid hore oo tegay : “Waxay noloshu kugu kalliftaa in aad naqtiimiso tab ama xeelad hore oo dayro noqotay ama u baahan gufeyn iyo malaas horleh oo habaysan.” Meel kale : “Waa tan hore u soo sheegay in noloshu sideedaba tahay kaabi ama ufuq aad eryanayso ; waa sidaas waxa indhaha foolka loogu dhejiyey. In aad fahamto wixii tegay, in aad xisaabtanto, in aad ta’wiisho tagto iyo timaado adoo weli fijaankii ku horyaal… ” Buugga waxa la moodaa inuu hal-ku-dhigyo is daba jooga ka sameysan yahay. Luqad hufan iyo fikir baaxsan markay is haleelaan, waa intii salka u ahayd abwaanka dhabta ah.

Sheekada gunteedu waa ceel qofkaste oo u harraadan sooyaalkii Soomaaliyeed, iyo fahamka dhiiladii ku timi gayiga Soomaalida qarnigii la soo dhaafay uu kaga daalacan karo. Waa sheeko ka fog siyaasad kharibmatay iyo dowlad burburtay, beelo isku dhacay iyo dad la dhacay, caddaalad luntay iyo qaraxyo dhiig qubay, waxba dul ahaan kuma laha arrimahaas…Reerka uu Sheekeeyuhu sheekadooda taxayo, waxa la yidhaa reer Jabaq, Jabaq oo ah curadka qoyska. Maaha, wiil inkaar qabe ah, oo waalidkii boobay, waa wiil reerkiisa taakuleeya, ka damqada dhiifta iyo nolosha, aan caasi ahayn, una beernugul hadalka ama weerta waalidkii.   Muxuu haddana abbihii uga dhaxlay magacii qoyska ? Sahankan qoyskan ka soo barakacay tuuladii ay degenaayeen oon dartii, maxay ahayd noloshii ay ku noolaayeen, maxay ka soo dhaxleen, maxay noqotay tan ay u soo boqooleen ? Nololi waa “keento, koolkooliso,  kocbiso, kibriso, kufiso”, haddii aanu hadalka qoraha ka maroojisano. Reer Jabaq ma kibrin, wayse kufeen, debedeedna hooyo ayaa u baxday, oo ula carartay duurkii…

Dhinac haddii aad ka eegto, waxaad is weydiinaysaa, sheekandan tolow ma sarbeeb baa, mise dhab ? haddana waxaad leedahay, sarbeeb way dhaafsan tahay ! Waa sheeko qaarkeen u soo joogeen, waa sheeko salkeeda iyo dulucdeeduba ay qaar u muuqannayso? Dhaqan guuray, dhul rogmaday iyo waxa rogay ayaa la moodaa inay uga waramayso si aqoon ballaadhan (mid dhaqameed, mid aftahanimo, mid maan-garad) ku dheehan tahay. Hab cusub bay u dayaysaa waxa ku habsaday Ballad Saciid Maxaad Raage ay Reer Jabaq ka soo guureen. Waa run “mar mar waxaa loo bahanyahay in qalab kale loo adeegsado sidii loo arki lahaa kobta iyo mugga ooddinta aad la itaaldaran tahay.” Lakiin waa qof iyo garashii.  Markaas, arrinka ay sheekadu ka waramayso meel dheer buu ku laalan yahay, hase ahaatee waxaynu ogaanahay in  Kor waayeel indho wada yahay, hadalna mergi yahay. Markaa…Sheekoy, sheeko !

Sheekadan  Gaso… mid gunteeda la gaadhi karo maaha, waa sheeko furan (Open work). Ceel biyo leh guntiisa laysku ma hawlo, ee waa laga dhurtaa uun. Gaso, Ganuun, Gasiin, waa ceelkaas ay cilmiyahanada ka faallooda qoraal-suugaaneedka ay ku naalloondoonaan, akhristayaashuna wax badan ka korarsan doonaan.

Ugu dambayn, qoraa Faransi ah oo falaqaynta suugaanta Afrika  ku xeel dheer ayaa yidhi :  « Soo noolaasha suugaanta Afrikada Madow waxay taariikhdeedu barbar socotaa taariikhda soo noolaashaha Siyaasadeeda. Xeeladaha waawayn ee labadaa tariikh waa isku mid, mar Alli iyo mar walba oo damiirka siyaasadeed uu kaco, mar walba oo tallaabo loo qaado dhinaca madaxbannaanida, waxa soo ifbaxa hal-abuur muujinaya jid-cusub… “ waxay ila tahay, sida uu Maxamed Dahir Afrax, soo sheegay, in Gaso, Ganuun, Gasiin ay taas tahay amba ay ka mid-tahay.

W.Q. Cabdirashiid M. Ismaaciil
Email: [email protected]
——–

Dr Cabdirshid M. Ismaaciil waa Bare Sare oo wax ka dhiga Jaamacadda Jabuuti.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.