Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow
  • Warar

Caagleyaasha iyo Ciidammada Qaranka

W.Q. Liibaan Axmed

Madaxweynihii hore ee Buntland,  Dr Cabdiweli Gaas, ayaa isku dayay inuu tirakoobo ciidammada kala duwan ee Buntland  ku dhowaad sanad  kaddib markuu xilka la wareegay.  Mushaarka ciidammada ayaa bil kasta sii kordhayay, inkastoo ciidan cusub aan la qorin.  Taliyeyaal  ka tirsan Ciidanka Difaaca Buntland, ayaa hor istaagay qorshihii uu Gaas ku doonayay inuu ku ogaado tirada ciidammada Buntland.

Maamulkii Gaas wuxuu ku qasbanaaday inuu oggolaado bixinta mushaarro loogu talagalay askar aan jirin, oo  tiradoodu kor u dhaafayso 6000. Magaca  ciidammada aan jirin ee Buntland loo bixiyay waa Caagleyaal.

Markii Dowladda Federaalku ay u dhaqaaqday tirokoobka ciidammada ka tirsan Xoogga Dalka, gadood bay ciidammada qaarkood sameeyeen. Waxay ku dooddayaan in dowladdu aysan bixinin  mushaarkooda dhowr bilood. Wasiirka Maaliyadda , Dr Cabdiraxmaan Bayle, wuxuu sheegay in habka cusub oo ay dowladdu ku bixin doonto mushaarka ku salaysan yahay tirokoob: askariga yimid meelaha  ciidammada lagu tirokoobayo uun baa mushaar qaadan doona. 

Su’aasha dad badani isweydiinayaan waa: maxaa loo beegsaday ciidammada ku sugan Muqdisho iyo labada Shabeelle haddii askarta aan jirin  laga heli karo maamul federaaleedyada kale ? Shirkii London oo ay dowladda Biritishku u qabatay Soomaalida bishii Maajo ee sanadkii 2017kii, waxaa ka soo baxay hannaan aan la fulinin oo nabadgelyada dalka sal  inuu u noqdo loogu talagalay ( Security Architecture ).  Maqnaanshaha  aragti midaysan oo siyaasiyiinta Soomaalida wadagaan si dib loogu unko Xoogga Dalka waa dhibta curyaamisay dadaallada dib u habaynta qaybaha kala duwan ee  Xoogga Dalka.  Ciidanka Buntland ku sugan lama yiraahdo Xoogga Dalka. Kuwa ku sugan Muqdisho, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe waxaa loo yaqaan Xoogga Dalka.  

Ciidammada qaarkood ayaa furimaha ka soo baxay. Tani waxay keentay halis ah in dablayda Al-shabaab ay  dib u qabsan karaan degmooyinka ururku gacanta ku hayn jiray. 26,000 oo askari bay dowladu mushaar siin jirtay. Tirokoobka kaddib 16,000 oo  askari baa iskugu yimid meelaha ay dowladu u astaysay tirinta  askarta ka tirsan Xoogga Dalka. 9000 kun oo askri oo ay dowladdu mushaar siin jirtay  baa la la’yahay.

Dowladdu xilka way ka qaadday taliyeyaashii guutooyinka askartoodu u bateen askar aan jirin. Lacagta baaqanaysa waa mid wax loogu qaban karo askarta dhaawucu soo gaaray iyo  daryeelka qoysaska askartu ka geeriyoodeen. Waa sida ugu fiican oo loo tusi karo askariga Soomaaliyeed in dadkiisu abaal u hayaan ciidammada u heellan sugidda nabadgelyadooda. Haddii mushaarka  askarta ama shaqaalaha aan jirin uu ku dhaco jeebka taliyeyaasha iyo madaxda rayidka ah, musuqmaasuqu wuxuu garabsiinayaa cadawga ku howlan burburinta hantida iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.

Biishii Maarso ee sanadkii 2017kii ayuu Wakiilkii hore Xoghayaha Guud  ee Qaramada Midoobay, Michael Keating, u sheegay Soomaali iskugi timid kulan ka dhacay Oslo in Xoogga Dalka askarta ka tirsani u badan yihiin hal beel. “Weliba ciidanka ku sugan Marka waxay u badan hal jifo. Soomaaliya may laha ciidan qaran” buu Keating yiri. 

Cutubyo ka tirsan Xoogga Dalka oo salaan bixinaya 

Sababta madaxda Soomaaliyeed heer kasta uga aamusnaayeen xaaladda dhabta ee Xoogga Dalka  ilaa hadda may cadda. Haddii dowladdu ay weli ku howlan tahay samaynta ciidan Qaran oo loo dhan yahay, maxaa keenay in magaca Xoogga Dalka lagu sunto  ciidammada  Soomaalida oo ka hawlgala gobollada qaarkood, isla xisaabtankuna iyaga ku koobnaado?

Waa maxay wanaagga ka soo bixi kara go’aanka dowladda federaalku ku beegsatay qaybaha ciidanka ku sugan laba gobol oo keliya? Haddii dowladda federaalku soo afjartay musuqmaasuqii ku jiray ciidammada iyo dowladda gaar ahaan dhinaca mushaarka, dowladdu xaq bay u yeelanaysaa inay la xisaabtanto maamul federaaleedyada. Isla xisaabtanku wuxuu keeni kara in xoogga la saaro dhowrista Soomaalida  xuquuqdooda dhaqaale iyo siyaasadeed  lagu duudsiiyay habka 4.5.

Lacagta iyo tababbarrada ugu badan waxay ku baxaan ciidammada Xoogga Dalka ku sugan Muqdisho iyo labada gobo loo deriska la ah. Hufnaanta maaliyadda ee Xoogga dalku wuxuu meesha ka saarayaa eedeymo sadbursi oo wax u dhimi kara dhexdhexaadnimada Dowladda Federaalka. 

Habka federaalku wuxuu u ekaaday  heshiis beelaha waaweyn u dhexeeya si aysan dowladnimo uga hanaqaadin Soomaaliya, waayo ololaha hufnaanta maaliyadeed oo ay dowladda federaalku u guntatay waa mid argaggax ku riday geddislayda siyaasadeed. 

Inta musumaasuq ka jiro Xoogga Dalka waa lagama-maarmaan inay Soomaaliya  ku sii tiirsanaato  Amisom oo hesha in ka badan 95% yabooha lagu soo ururiyo magaca Soomaaliya. Haddii Soomaaliya aysan ka maarmi marin ku tiirsanaanta Amisom, kaalinta  dowladda federaalku waxay sii ahaanaysaa mid lacag ay ugu soo ururiso ciidammada nabad-ilaalinta Afrika oo, sida  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ka sheegay shirkii London ee 2017kii,  “u jooga Soomaaliya inay ka hortagaan halis dunida  uga iman karta” xoogag argaggixiso ah oo ku sugan dalka. 

Liibaan Axmad
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.