Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Saadaasha Siyaasadda Soomaali Galbeed: EPRDF, SDP iyo ONLF

W.Q. Faysal Cabdi Rooble

Waxa saaka si aan la siishaacin Jigjiga u yimid R/W Abiy Axmed.  Socdaalkan ayaa ku soo beegmaya saddex  arrimood oo muhiim ah: R/A xukuumaddiisa oo sannad jirsatay; xisbiga talada ka haya deegaanka Soomaalida oo dibiskuhabeeyay, iyo ONLF oo 15ka bishan qorshaynaysa shirkeeda golaha dhexe ka dib markay madaxda Jabhaddu soo dhammayso socdaal balaadhan oo ay deegaanka ku marayaan.

Haddaba saddexdan dhacdo ee aan kor ku xusay, saamayn noocee ah ayey ku leeyihiin siyaasadda deegaanka Soomaali Galbeed?

Waxaan Soomaali Galbeed u leeyahay weli majiro magac Soomaali oo dhani isku raaceen. Ilaa hadda waxaa la wataa magac uu xisbi gaar ah, oo isla markaana xulifo yihiin EPRDF oo laga dhaxlay TPLF.

Si kastaba ha noqotee, waxa lafgur u baahan in la ogaado saddexdan dhacdo iyo saamayntooda.

In la yaraysto ma aha in R/W Abiy xilka markii uu qabtay, April 2018, iyo maanta uu sannad dhamaystay, April, 2019, socdaalkiisa ugu horreeya uu labada jeerba ka dhigto Jigjiga. Siyaabo badan ayaa loo micnaysan karaa. (1) Mid waxa la odhan karaa deegaanka shidaalka ku jira awgeed ayaa arrintan horseeday; (2) Jigjiga-Berbera corridor awgeed ayuu Abiy rabaa in uu ahmiyad gaar ah siiyo; (3) waa gobol amnigiisu aanu fududayn; (4) In uu Abiy faataxada ugu khatimo hawsha xisbiga SDP oo la soo afjaray iyo xulifaysiga oo la xoojin rabo.

Arrimahan oo dhammi qayb ayey ka yihiin ahmiyadda uu R/W Abiy siinayo deegaanka.  Waxaase muhiimaddu tahay in R/wasaaruhu uu gacanta ku dhigo deegaanka codka Soomaalidana si buuxda uu u helo.

Sida lawada ogyahay, Itoobiya weli nidaamkii shuuciyadda bolqolkiiba boqol lagama guurin, in muddo ahna waa sii dhisnaandoonaa.  Haddaba Abiy waxa uu fahansanyahay xisbiga talada hayaa in uu maamulo deegaanka, lacagta, TV, Idaacada, iyo shaqaaladaba uu gacanta ku hayo.  Waxa Abiy ka dhaadhacsan in 2020 marka lagaadho aanay cidina caabiyi karayn SDP. Sidaas darteed, aad ayuu ugu baahanyahay SDP, waana sababta uu markiiba Jigjiga u yimid.

Xisbiga Demoqraadiga Soomaalida (SDP) waji cusub ayaa u billaabmay.  Wajigaas cusub gacanta sare in Mustafa Muxumed Cumar (MMC) uu yeeshay ayay weliba xilliga dhow ay u egtahay.  Sida warar Jigjig ka imanayaa ay sheegayaan, golaha Fulinta oo sagaal (9) xubnood ka koobaan, ugu yaraan toddoba (7) waxay ay siyaasadda xulufoku yihiin MMC.  Dadk qaar ayaa faalooyin hordha ah sheegi jiray oo odhan jiray Golaha Fulinta ayaa MMC cuni doona.  Maantase arrintaasi waxba kama jiraan ayey noqotay. Sida qaalibka ahna, maanta oo taariikhdu tahay Abril 3, 2019, muruqa siyaasadeed ee MMC kii shalay in uu ka weynyahay ayey u egtahay.

Intaas waxa weheliya in Golaha Fulinta ee cusubi uu dhimay awoodda siyaasadeed ee kooxda federaalk sida tooska ah ugu xidhnayd.  Waxa giddi ahaanba saaxadda Golaha fulinta ka maqan amase kuba yar Golaha dhexe waxa afka qalaad loo yaqaan “old Guard.”  Taasina guul muuqata ayey MMC u tahay.  Sidoo kale waxaan inabba xubno wax ku ool ah aan ku lahayn Golaha Fulinta Cabdi Muxumed Cumar xulifadiisii iyo kooxdii iyana mucaaridka ahayd ee Addis Ababa dagganayd.

Hadaanay wax weyn ama dhul gariir siyaasadeed aanu dhicin, waxay saadaashu u badantahay in ay SDP (MMC) iyo EPRDF (Abiy) is naas nuujiyaa marka laga qayb galo doorashooyinka 2020.

Suaashu waxay tahay, ONLF iyadu sideebay shaxda siyaasadeed u dagi doontaa?  Ilaa imika ONLF–tu MMC waxay u dhaqaaleeyeen sidii wiilkooda wax tacshiirad ahna ku may furin.  In uu dago wakhti waafi ah ayey siiyeen.  Lakiin mar haddii ololaha 2020 astaamihiisii la arko, maxa u qorshaysan ONLF?

Waxa hadda isasoo taray warar xaqiiq ah oo sheegaya in badhtamaha Abril uu qabsoomi doono shirkii ONLF ee Golaha Dhexe.  Waxaana laga munaaqashoon doonaa jihada cusub ee ONLF.  Su’aalah ugu culus waxay kala yihiin: ONLF magaca ma badali doontaa? Ma labixi doontaa Soomaali National Liberation Party? Ama magac kale oo sal-balaadh ka dhigidoona Jabhadda? Haddii Jabhaddu magaca badasho, waxa hubaal ah in raadka siyaasadeed ee Jabhaddu balaadhan doono uuna gaadhidoona Qoray ilaa Qolaji, Sitti illaa Siinka dheer ee Qalaafo, Faafan iyo Feerfeer.

Waxa kale ee ONLF ka faa’idaysan kartaa saluuga laga muujinayo SDP iyo EPRDF xulifaysigooda oo inta badan lagu eedeeyo in uu danaha Itoobiya ka horumarinayo ta dadka iyo xuquuqda maxaliga ah ee Soomaalida.  Waxa kale oy ka faa’iidaysan karaan Waddaniyadda ciillan ee Soomaalida haysa, una aragta ONLF in ay xaqa ummadda soo dhicin karto, sidii ay horayba naftooda iyo maalkooda ugu hureen.

Ilaa hadda waxa dad badani ONLF ku eedayn jireen ama kaga dideen magacan.  Cid tidhi Soomaalinimada u daacad maha weli lama hayo; hadday jirtana wax cilmi ku qotoma ma aha.

Waxay maanta ONLF dul taagantahay laanqayr ama “crossroad.” Dhinacay u dhaqaadoba waxyaabo mug leh ayaa laga dareemi doonaa meel kasta oy Soomaali degto.  Waanan ka war sugaynaa.

Gabogabo

Xisbiga SDP la mid ma aha deegaanka Soomaaliyeed.  Waa xisbi, xisbigana koox isku hadaf ah ayaa samaysata.  Marka laga qaylyayo in Xisbugu talo ku gaadhay in qowmiyadaha kale ee deegaanka daggani ay dhismaha iyo siyaasadda deegaanka xaq ku leeyiin, arrintaasi ka ma dhigna in Soomaali isku raacday.  Kaliya waxay ka dhigantahay in xisbiga SDP iyo guddoonkoodu (MMC iyo Shide) ay sidaa maqsuud ka yihiin.  ONLF iyo xisbiyada kale kuma qasbana ama laguma sandullayn karo arrin noocaas ah.

Waxay ahayd hawlwadeennada SDP in ay si fiican u sharraxaan. Soomaaliduna waa in ay fahantaa xisbi iyo dal isku mid maha. Haddaanay ummadda Soomaaliyeed jeclayn qoddobkaas ku jira xeer hoosaadka SDP, jidka u furani waxa weeya in ay dadka tusaan qaladkaas kuna garaacaan SDP xiliga doorashada.

Geeddi-socodka dib u hanashada xuquuqaha ka maqan Soomaalida wax ka reeban laba arimood:

1.       In la isku liso ONLF, insha Allah magac cusub, iyo SDP.  Arintii 1994 deegaanka ku dhacay in aanay soo noqon.

2.       In labada dhinac ay ka midoobaan hadafka weyn ee ah ayaaha iyo mustaqbalka Soomaalida. Waana in falsafadda Soomaalinimada la wadaagaa lana xoojiyaa.  Waxa taktikada siyaasadda waa lagu kala duwanaan karaa; hummaaguse waa in uu mid noqdaa.

W.Q. Faysal Cabdi Rooble
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.