Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun Waxa ku geeriyooday magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga, Alle naxariistii janno ha siiyee- Maxamed Xaashi Cilmi. Marxuum Maxamed Xaashi ayaa ahaa siyaasi magac iyo maamuus ku leh guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Soomaaliland iyo Soomali Galbeed, isagoo aad loogu xasuusto dhinaca hufnaanta maamulka, la dagaalanka musuqa iyo kobcinta...
Baydhabo: Qoysas naafo ah oo ka baxay xero barakac markii dib-u-dajin loo sameeyay
Daa’uud Ibrahim Cabdi oo ah aabbaha shan carruur ah wuxuu ku nool yahay guri uu ka dhistay xaafadda Dugaan-dug ee magaalada Baydhabo. Sagaal iyo tobankii bisha Oktoobar ee sanadkan ayuu ku wareegay gurigan, muddo uu barakaca ku ahaa xerada Al-aamiin ee duleedka magaalada Baydhabo. Ninkan oo lughaha naafo ka ah ayaa booska uu dhistay ku...
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Xaawo Maxamuud Salaad iyo shan carruurteeda ah oo ay dhashay oo ku hoy beelay dab baabi’yay deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag ayaa ku hoyanaya geedaha hoostooda tan iyo 14 bishii Sabteembar ee sanadkan. Waxay ka mid yihiin 1,150 qoys oo hantidoodii uu dabku galaaftay. Xaawo waxaa isku biirsaday cunno xumo iyo hoy la’aan, markii ay...
Galgaduud: Dhallinyaro macallimiin noqday oo helay dhaqaale ay ku dhigtaan jaamacaddaha
by Jibril Osman Bile Cali Cismaan oo shaqo macallinnimo ka helay bishii July ee sanadkan iskuulka hoose iyo dhexe ee Hog-dugaag ayaa awood u yeeshay in uu ku biiro heerka koobaad ee jaamacadda oo dhaqaale la’aan ay ka hor istaagtay labadii sano ee u danbeeyay. Wuxuu ka mid yahay 105 dhallinyaro ah oo wasaaradda waxbarashada Galmudug...
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato billaabay kiraynta geel uga badbaaday abaarta si ay cunno ugu helaan qoysaskooda
by Jibril Osman Yuusuf Cali Barre oo soddon iyo shan geel ah ku dhaqda miyiga tuulada Farowayne ee Soomaaliland ayaa ku qasbanaaday in uu kireeyo afar ka mid ah xoolihiisa oo irmaan, markii ay saameeyeen abaaraha soo laalaabtay. Xoolahan waxaa ka kiraystay ganacsade si casri ah ugu dhaqda geella duleedka Hargaysa, kaas oo ku la heshiiyay...
Labo boqol oo arday oo maqalka naafo ka ah oo dib u helay fursad waxbarasho
(ERGO) – Khadar Maxamed Cilmi wuxuu dib u billaabay waxbarashadiisa 10 bilood oo uu guri joog ahaa kaddib. Bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafey ayaa waxaa ka xirmay Iskuulka Dhagoolada ee degmada Howlwadaag, kaasi oo uu si bilaash ah ku dhiganayay. Waalidkiisa oo danyar ah ayaa u awoodi waayay inay ku daraan iskuulada lacagta...
Baladwayne: Qoysas soo barakacay oo iskutashi ku dhistay iskuul ay wax ku bartaan carruurtooda
by Jibril Osman Boqol iyo konton carruur ah oo qayb ka ah qoysaska deggan xerada barakaca ee Raage-iidle oo ku taalla Baladwayne ayaa fursad u helay waxbarasho lacag la’aan, markii waalidiintooda ay isku tashi ah ku dhisteen iskuul hoose iyo dhexe ah bishii Ogoosto ee sanadkan. Faarax Maxamed Saneey oo aabbe u ah qoys sagaal qof...
Dhadhabaab: Labo kun oo qaxooti ah oo cunno xumo iyo hoy la’aan ay isku darsameen
by Jibril Osman Cabdi Cabdow Axmed oo ah 73 sano jir naafo ah ayaa ka mid ah dadka dayaca iyo daryeel xumada ay ku haysato xaafadda N5 oo xerada qoxootiga Xagardheer ka tirsan. Waxaa ugu wacan inuusan lahayn dad xigto la ah oo waqti ku bixiya ka warqabka xaaladdiisa. Gargaarka kooban oo ay siiyaan dadka ku...
Boorama: Gabar da’yar oo ka caawisa qoyskeeda cunnada iyo waxbarashada markii ay ku shaqo billowday Mooto-bajaaj
Najax Maxamed Cige oo 17 sano jir ah ayaa ku filnaatay nolosha qoyska ay ka dhalatay oo danyar ah. Waxay uga shaqaysataa magaalada Boorama mooto-bajaaj lacagta ay ku iibsatay qayb ka mid ah lagu leeyahay. Dhaqaalaha ay ka hesho ayay ku dabbartaa cunno saddex waqti ay helaan qoyskeeda. Waxaa kale oo ay waxbarashada ka bixisaa saddex...








