Monday, April 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo

Kaydka Ergo

Xaawo Maxamuud Salaad iyo shan carruurteeda ah oo ay dhashay oo ku hoy beelay dab baabi’yay deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag ayaa ku hoyanaya geedaha hoostooda tan iyo 14 bishii Sabteembar ee sanadkan.

Waxay ka mid yihiin 1,150 qoys oo hantidoodii uu dabku galaaftay. Xaawo waxaa isku biirsaday cunno xumo iyo hoy la’aan, markii ay ka gubteen saddex qol oo ka sameysnaa jiingad iyo labo dukaan.

Waxay sheegtay in 24 saacba hal waqti oo ka mid ah ay helaan cunno bisil. Waxaa ku caawiya qoys ay daris yihiin oo dhaqaale ahaan dhaama. Waxay ka walaacsan tahay nolosha aabbeheed oo 80 jir ah isla markaana ay xannaanayso, kaas oo aan u adkaysan karin qoraxda, qabowga iyo cunno xumada ay wajahayaan.

“Dhir baa la harsadaa. Waa meel kaliil qorax ah, bacad ah. Gogol lama haysto. Dhar la gashto lama haysto. Hoy la galo lamahaysto.”

Waxay tilmaamtay in nolosha qoyskeedu uu ku tiirsanaa ganacsiga ka gubtay oo u dhigma lacag dhan $30,000. Waxay tabcaysay muddo siddeed sano ah. Waxay ku billowday $650 oo ay ka amaahatay bangi ku yaalla Puntland.

Waxay sheegtay in ganacsigeeda ay ka heli jirtay maalintii faa’iido lacageed oo dhan $50 ilaa $70. Dhaqaalahan ayay ku dabbari jirtay nolol-maalmeedka qoyskeeda iyo waxbarashada labo ka mid ah carruurtooda.

Iskuulkii ay dhigan jireen ardaydan ayaa ka mid noqday goobaha ku basbeelay dabka baabi’iyay deegaanka Milxo. Xaawo waxay kali ku tahay korinta carruurteeda oo wajahaya duruuf nololeed. Aabbohood ayay ka tageen dhowr sano ka hor.

Waxay xustay in si guud nolosha dadka deegaanka uu u saameeyay dabka, kuwaas oo u baahan gurmad deg-deg ah.

“Cabashadeena ugu weyni ay tahay hoy la,aan. Hoy la,aan iyo hanti la’aan baa iskugu kayo darsan tahay.”

Dabka saameeyay nolosha qoyska Xaawo ayaa la sheegay in uu ka kacay meherad cunnada lagu kariyo, kaas oo ku fiday qaybo badan oo ka mid ah magaalada. Maamulka deegaanka Milxo ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in guryaha ku yaallay tuulada oo u badnaa cooshado ay u nugleeyeen magaalada dabka baabi’iyay.

Cabdikariin Axmed Cali oo ah aabbaha todobo caruur ah wuxuu ka mid yahay dadka qasaaraha ka dhaxlay dabka. Qoyskiisa ayaa xaalad nolol-xumo ku wajahaya duleedka deegaanka Milxo oo ay u barakaceen, markii hoygoodii oo ka koobnaa saddex qol oo jiingad ah uu basbeelay.

Wuxuu la degay qoys xoolo-dhaqato ah oo ehello yihiin, kuwaas oo ka taageera dhinaca cunnada, balse weli xal uma helin dhinaca hoyga. Carruurtiisa waxaa gabaad u ah geedaha hoostooda. Waxay ka galaan qorraxa iyo qabowga.

Deegaanka Milxo wuxuu ku lahaa saddex dukaan oo mid ka mid ah ay u yaalleen qalab harqaan oo dharka uu ku tolayay. Dhaqaalaha uu ka helayay ayaa door fiican ka ciyaarayay nolol-maalmeedka qoyskiisa. Wuxuu sheegay in hantida ka gubtay ay ku qiimaysnayd $11,000.

“Anigu saddex meheradood baan ku lahaa meesha laba meelood oo la iga shaqaynaayey oo midi hargaaqanka dharka lagu tolo taalay ayaa ku gubatay. Lama qiyaasi karo qasaaraha I soo gaaray.’’

Wuxuu sheegay in uusan hayn qorshe uu kaga dabaasho xaaladda nolol-xumo ee la soo daristay. Waxaa se uu rajaynayaa in laga caawiyo sidii uu uga soo kaban lahaa qasaaraha soo gaaray hantidiisa.

“ Dad deggan meesha oo dukaamo lahaa oo qoysas ah oo intii timaadaba ummad iyagu wax siin kara bay ahaayeen. Haddase iyagii baa barakac ah. Wax Alle wax ay haystaan ma jirto noloshoodu waa wax kala dhiman habeen iyo maalin bay ka la tahay.”

Deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag waxay degmada Laasqorey u jirtaa 27 km. Dadka ku nool ayaa ku tiirsanaa ganacsiga noocyadiisa kala duwan. Sida uu sheegay maamulka Laasqoray oo deegaankan uu hoostago in ka badan 700 oo dukaan ayuu baabi’iyay dabku.

Cabdikariim Yuusuf Jaamac oo ah guddoomiyaha Laasqoray ayaa raadiyow Ergo u sheegay in uu meesha kala soo kulmay xaalad Bini’adamnimo oo aad u daran.

Wuxuu sheegay in qoysaska hoy la’aanta ah qaarkood ay gaarsiiyeen bacaha roobka, maacuun iyo kiilooyin cunno ah oo qoyskasta la siiyay.

Intaas wuxuu ku daray in ay wadaan dedaalllo loogu gurmanaayo qoysaska dabka ku hanti beelay.

“ Afar boqol oo qoys baan hadda gaarnay waxa aan u gaynayna waxa ay ku filan yihiin shan iyo labaatan beri todobo boqol iyo konton qoys ma aanan gaarin weli waxba lama gaarsiin, todobadii boqol ee qof ee ganacsatada ahaa ee hantidoodu burburtayna Iyana meel bay joogaan oo weli gacantu ma gaarin lakin hay,adaha dowladda iyo dadka muxsiniinta dhammaantood baaq baa noogu maqan” ayuu yiri gudomiyaha degmada laasqorey.

Dabka ka kaca deegaannada iyo suuqyada Soomaaliya ayaa sanadihii danbe noqday mid joogta. Kumanaan qoys oo ay ka mid yihiin dadka tuulada Milxo ayaa ku hanti iyo hoy beelay, kuwaas oo la daalaa dhacaya nolol-xumada ka dhalatay.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.