Monday, April 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Dhadhabaab: Labo kun oo qaxooti ah oo cunno xumo iyo hoy la’aan ay isku darsameen

by Jibril Osman

Khadijo Jaamac Yussuf oo hor fadhisa guri yar oo daash ah oo ay ku nooshahay/Bashir Gaaxnuug/Ergo

Cabdi Cabdow Axmed oo ah 73 sano jir naafo ah ayaa ka mid ah dadka dayaca iyo daryeel xumada ay ku haysato xaafadda N5 oo xerada qoxootiga Xagardheer ka tirsan. Waxaa ugu wacan inuusan lahayn dad xigto la ah oo waqti ku bixiya ka warqabka xaaladdiisa.

Gargaarka kooban oo ay siiyaan dadka ku la nool xerada iyo kaalmo gaarsiisan iyo kiilooyin raashin ah oo uu ka helo hay’adaha samafalka ee Dhadhaab ka howlgala ayaa ah waxa ugu badan oo nolol ahaan uu ku tiirsan yahay. Wuxuu sheegay inuusan joogto u heli Karin cunno ku filan saddexda waqti.

“Ma igu filno. Saddex kiilo baan helaa. Waa wax aan saddex beri aan dabka ku shidanayo. Waxay ii tareyso malahan. Waan ka baahanahay maalin walba.“

Xaaskiisii, shan carruur ah oo uu aabbe u ahaa iyo walaalkiis ayaa ku dhintay dagaalkii sokooye ee Soomaaliya. Wuxuu xusay in madfac ku dhacay 1997 guri ay degganaayeen oo ku yaalay magaalada Muqdisho ay sababtay geerida ku timid qoyskiisa.

Wuxuu xusay inay jiraan dhibaatooyin kale oo ku haysta xerada, taas oo ay ka mid tahay hoy la’aan muddo dheer ku haysata xerada uu ku nool yahay.

Cabdi si kuleylka qoraxda ee xeryaha ka jirta uga badbaado wuxuu gabbaad ka dhigtaa xarun carruurta wax lagu baro oo ay leedahay hay’adda badbaadada carruurta ee Save the Children oo aan ka fogayn halka uu deggan yahay.

“Caqabadda dhabta ah ee i haysata waxaa weeye waa baahidaas guri la’aanta ah oo gogol la’aanta ah. Wax kale kuma seexdo mana hayo.“

Cabdi wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay inay haysato xaalado caafimaad darro, maaddama weli jirkiisa ay ka muuqdaan dhaawicii addimadiisa kala dhantaalay ee naafo-nimada u horseeday sidookalena uu la nool yahay cudurka macaanka.

Wuxuu sheegay marka uu daawo u baahdo inuusan ka iibsan karin isbitaallada, maaddama uusan awoodin lacagta daawooyinka, taasina ay ku qabasto inuu weydiisto dadka iyo xarumaha caafimaadka.

“War daawo isiiya  walaallayaalow baan ku dhahaayo way i siiyaan. Tuugsi weeyeba hadde waxaan ku noolahay sidaydaba waa tuugsi.“

Dadka da’da ah ee qoxootiga ku ah xerada Xagardheer waxy ka siman yihiin dhibaatooyinka nolosha. Inkastoo ay sii kala duruuf adag yihiin.

Khadiija Jamac Yusuf oo sidoo kale  ka mid ah dadka lixaadka la’ ee ku nool xerada Xagardheer waxaa ku adeg inay hesho cunno ku filan.

Khadiija oo aan haysan wax carruur ah waxay sheegtay inay tahay cidla ciirsi kali ku ah nolosha adeg ee xerada ka jirta.

Waxay xustay inaysan nolosheeda ku filnayn gargaarka hay’adaha ay siiyaan, maadddama la dhimay inta badan kaalmadii lacagta iyo raashiinka ee lagu taageeri jiray dadka haysta kaarka qoxootiga.

“Afar boqol baa laga dhigay. Afar boqol maxay tahay. Qof bini’aadan ahi ma ku noolaan karaa bishii? Meel kale oo dhaqaallo iga soo galo ma jirto oo aan intaa ahayn.“

Waxay tilmaantay inay xaalad dhib badan mudatay bishii hore, markii uu ka cilladoobay gaariga ay ku socdaan dadka naafada ah, balse hadda waxay ku socotaa gaari cusub oo loo iibiyay 24 bishii August, kaas oo shan iyo toban kun  oo lacagta Kenya ah ugu soo gadeen dhallinyaro is xilqaantay oo xerada deggan.

Haweeneydaan oo 70 jir ah waxay sheegtay inay ku tiirsan tahay cunno bisil oo labo waqti ah oo ay ku caawiso gabadh dariskeeda ah.

“Waxay isiineysaa saddexdeyda xabo canjeelo ah. Habeenkiina digir iyo bariiskaas bey casho iigu keeneysaa oo ilmaha u karsato. Iyaduba waa qof dhibaateysan oo faqiira.“

Haweeneydaan oo naafo ka ah labada lug waxay waxyeello ka soo gaartay qarax uu ku dhintay wiil ay dhashay xilli ay ku socdaalayeen waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye sannadkii 1993.

Haweenaydaan oo tan iyo 2006 ku nool xerada Xagardheer. Waxay ka soo qaxday magaalada Garowe ee gobolka Nugaal, si ay u hesho nolol wanaagsan oo ay ka rajeyneysay xeryaha Dadaab.

In ka badan shan kun oo isugu jira dad da’a ah oo naafo ah iyo kuwa lixaadka u dhameystiran yahay ayaa dhibaatooyinkaas nolosha ah ku wajahaya xerada Dadaab oo Xagardheer ay ka mid tahay.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.