Monday, April 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Baydhabo: Qoysas naafo ah oo ka baxay xero barakac markii dib-u-dajin loo sameeyay

Kaydka Ego

Daa’uud Ibrahim Cabdi oo ah aabbaha shan carruur ah wuxuu ku nool yahay guri uu ka dhistay xaafadda Dugaan-dug ee magaalada Baydhabo. Sagaal iyo tobankii bisha Oktoobar ee sanadkan ayuu ku wareegay gurigan, muddo uu barakaca ku ahaa xerada Al-aamiin ee duleedka magaalada Baydhabo.

Ninkan oo lughaha naafo ka ah ayaa booska uu dhistay ku iibsaday lacag uu ka helay hay’adaha ACTED iyo World Vision. Wuxuu ka mid ahaa 80 qoys oo naafo ah oo la siiyay $2,000 midkiiba, si ay dhul ay degaan ugu iibsadaan.

Daa’uud iyo saddex qof oo kale ayaa isla iibsaday dhul cabbirkiisa yahay 40m2. Waxay u kala qeybsadeen min rubac. Wuxuu qeybtiisa ka dhistay qol uu qoyska ku hooydo iyo musqul.

“Intaan xerada ku jiray iyo hadda oo aan guri yeeshtay farqi wayn ayaa u dhexeeya. Hadda, waxaan noqday qof isaga iyo qoyskiisii guri leh, deegaan ah oo waxba aan ka maqnayn. Laakiin markii hore, waxaan ahaa barakac ku dhex jira boqollaal qof oo aan la kala garanayn midka xanuunsan iyo kan caafimaadka qaba,” ayuu yiri.

Daa’uud oo degnaa xerada Al-aamiin toddobo sano ayaa ka soo barkacay deegaanka Yeed ee gobolka Bakool. Colaad iyo abaar isbiirsaday ayuu tilmaamay inay ku qasabtay inuu soo barakaco. Wuxuu halkaa ku lahaa beer saddex hektar ah.

Inkastoo uu ku faraxsanyahay dhulka uu iibsaday, wuxuu haddana sheegay inay walwal ku hayso waxbarasho la’aanta carruurtiisa. Nolosha qoyska ayuu ka maareeyaa xirfadda gacanta. Wuxuu cillad bixiyaa sacadaha iyo raadiyaha, taasi oo uu maalinkii ka helo lacag u dhaxeeysa $5-$10. Lacagtan ayuu tilmaamay inaysan u kala go’eeyn biilka qoyska iyo waxbarashada carruurta.

“Waxaa hadda igu weeyn ee aan la dhibaatoonaayo ayaa ah in carruurteeyda aysan haysan waxbarasho.  Haddii aan iskuul geeyo, ma haayo kharash aan uga bixiyo – Magaalada farsamadaa yar ayaan ku qaraabtaa, iyadana nolosha qoyska kama badna. Waxbarasho la’aantu waa tan aan hadda dadka ka codsanayo,” ayay tiri.

Maxamed Nuur Aadan ayaa sidoo kale ka mid ah dadka muddada barakaca ku ahaa duleedka magaalada Baydhabo ee hadda u guuray guri u gaar ah. Wuxuu xusay inuu ka soo barakacay deegaanka Rooble-sheeg oo Baydhabo 40 km dhanka koonfurta kaga beegan.

Ninkan oo ah aabbaha sagaal carruur ah ayaa xusay in noloshiisa aysan wax badan iska beddelin, inkastoo uu guri helay. Wuxuu tilmaamay in qoyskiisa aysan lahayn il-dhaqaale.

Subixii ayuu sheegay inuu magaalada u dawarsi tago, si uu biilka maalinlaha qoyskiisa ugu soo dhiciyo. Wuxuu tilmaamay inuu soo helo $3-$4. Lacagtan ayuu xusay inaysan ka badnayn raashinka hal waqti.

“Walaahi meel uu hadda dhaqaale naga soo galo ma leh. Dawarsigaasaan ku noolnahay. Xaaskuna ma shaqayso, carruurtayduna ma gaarin shaqo. Hadda qofka uu qoysku ku tiirsan yahay waa aniga, aniguna sidaasaan iska ahay oo curyaan ayaan ahay,” ayuu yiri.

Maxamed oo naafo ka ah lugaha ayaa sheegay in abaar soo lab-laabtey ay ka soo barakicisay deegaankiisa. Qoyskiisa ayuu sheegay inay ku tiirsanayeen beer ay halkaa ku tacban jireen, taasi oo ay abaartu saameeysay.

Inkastoo uu tilmaamay inuu ku faraxsanyahay guriga uu helay ee cabbirkiisu yahay 40 m2 xilligaan roobka lagu jiro, wuxuu haddana walaac ka muujiyay culeeysyada kale ee ka haysta nolosha inteeda kale.

“Markii hore waxaan iska ahayn qoys beeralay ah. Abaar ayaa eber ka dhigtay beertii, marka sidaasi darteeda baan uga soo tagnay deegaankeenna. Magaalada ayaan soo maciin bidnay, halkaanna weli culeeysyadii ayaa na haysto,” ayuu yiri.

Qoysaska qaar ee lacagta helay ayaa u isticmaalay inay isaga gudaan deymo lagu lahaa.

Xasan Cabdow Salaad oo ah aabaha lix carruur ah wuxuu weli deggan yahay xerada Al-aamiin. Lacagtii la siiyay wuxuu $800 ka mid ah isaga bixiyay dayn lagu lahaa, halka inta soo hartay uu carruurtiisa ugu soo iibiyay raashiin iyo dhar ay xirtaan, sidoo kale na uga reebay wax ay biishaan.

Ninkan oo naafo ka ah lugaha ayaa sheegay inuu ku tiirsanaa lacag yar oo ay xaaskiisa ka soo heli jirtay shaqo nadaafad ah oo ay xaafadaha magaalada ka soo qabanaysay. Wuxuu xusay in tan iyo intii uu lacagta helay ay noloshiisa wax badan iska beddeshay. Maalinkii ayuu tilmaamay in qoyskiisa ay dabka shitaan labo jeer, halka markii hore ay ku adkayd helidda hal waqti.

“Caawinaadda ka hor xaaladdanaga aad ayay u adkayd. Carruurta saxriir iyo silaac ayay ku jireen oo raashin fiican ma heleeyn. Hadda, waxbo lama weeysano oo raashin ku filan ayay labo waqti helaan,” ayuu yiri.

Qoysaska guriga iibsaday ayaa bogaadiyay caawinaadda ay heleen. Waxay sheegeen in xilligii ugu habbonayd ay soo gaartey, maaddaama uu hadda socdo roobka dayrta ah.

Raadiyow Ergo waxay la xiriirtay xafiiska World Vision ee magaalada Baydhabo, si ay xogta wax uga weydiso. Haseeahaatee, waxay ka cudur daarteen inay wareysi bixiyaan.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.