Monday, April 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Soomaaliland: Xoolo-dhaqato billaabay kiraynta geel uga badbaaday abaarta si ay cunno ugu helaan qoysaskooda

 by Jibril Osman

Kaydka Ergo

Yuusuf Cali Barre oo soddon iyo shan geel ah ku dhaqda miyiga tuulada Farowayne ee Soomaaliland ayaa ku qasbanaaday in uu kireeyo afar ka mid ah xoolihiisa oo irmaan, markii ay saameeyeen abaaraha soo laalaabtay.

Xoolahan waxaa ka kiraystay ganacsade si casri ah ugu dhaqda geella duleedka Hargaysa, kaas oo ku la heshiiyay in halkii neef uu ku siiyo bil walba $80. Wadarta guud ee lacagta uu ka hello xoolihiisa ayaa ah $320.

Qorshahan oo uu billaabay bishii afaraad ee sanadkan ayaa ka caawiyay qoyskiisa in uu ka baxo xaaladdii cunno xumo ee haysay. Waxay helaan saddexda waqti ee maalintii cunno ku filan.

Yuusuf ayaa sidoo kale awoodday $13 oo bishii ay wax ku bartaan labo ka mid ah carruurtiisa oo gabdho ah. Waxay dhigtaan iskuulka hoose iyo dhexe ee deegaan Farowayne.

“Isbeddelka waxaa kow ka ah dhaqaalaha. Dhaqaale joogto ah oo leexleexad lahayn ayaa helnaa. Wuxuu noqday mid la hubo oo bishii aad helayso. Noloshii reerka haddii ay raashinkii noqoto, waxbarashadii labada hablood. Nolosha si sax ayaan ugu dabaraa hadda walaal.”

Xoolaha uu kiraystay waxay ka mid yihiin lix geel ah oo u dhalay sanadkan. Labo ka mid ah ayuu reebtay si carruurtiisa oo 8 ah ay u isticmaalaan caanahooda. Dhaqaalaha uu ka helo inta kale ayuu bil walba ku iibsadaa raashin uu guriga u dhigo qoyskiisa.

Wuxuu sheegay Yuusuf in uu xal u helay duruuftii dhaqaale xumo ee haysay tan iyo markii xoolihiisa uu ku daray xero lagu xannaaneeyo.

“Xaaladdu markii hore waxay ahayd mid aad iyo aad iskaga adag. Xiliyada abaarta oo kale xoolihii iibkooda ma helaysid ama sicirkooda mid hooseeya ayuu noqonayaa. Xoolihiina way iska xumaanayaan (caatoobaan). Xilliga noocaas ah ayaan ka badbaadnay xilligan.”

Wuxuu ka oggaaday in xoolaha la kiraysto mid ka mid ah ehelkiisa oo ku war-galiyay fursaddan oo xoolo-dhaqato badan ay ka faa’iideysteen. Wuxuu sheegay in uu la kulmay mid ka mid ah ganacsatada hel xeryaha lagu dhaqdo geella. Wuxuu ku qancay heshiiska uu u soo bandhigay, taasi oo ku kalliftay in xoolihiisa uu ku xareeyo.

Yuusuf ayaa tilmaamay in geella loo xannaaneeyo ay helaan daaq ku filan, biyo iyo daawayn bilaash ah. Wuxuu booqdaa labadii bilba mar. Wuxuu xusay in ay ka nacfi iyo cayil badan yihiin geella u haray, kuwaas oo hadaba meel uu u la hayaamo si ay daaq u helaan.

Wuxuu sheegay in uu dib u soo ceshan karo xoolihiisa marka uu doono, taas oo uu xusay in uu dhigayo heshiiska ay wada galeen isaga iyo ganacsadaha. Si la mid ah dad xoolaha xannaaneeya ayaa iska celinkara neefka haddii uu caano beello.

Maxamuud Cabdi Xirsi oo xero geella lagu xannaaneeyo ku leh deegaanka Biyo-shiine oo 6 km u jira Hargaysa ayaa Radio Ergo u sheegay in kiraynta xoolaha ay fursad dhaqaale u tahay xoolo-dhaqatada iyo ganacsatada uu ka mid yahay.

Xerada uu ku xannaaneeyo xoolaha ayuu aas-aasay billowgii sanadkii 2022. Fikraddan ayaa ku dhalatay, markii uu arkay baahida loo qabo badbaada xoolaha reer guuraaga oo haraad iyo daaq la’aan u dhimanayay.

Xoolaha uu dhaqdo waxay ka kooban 28 geel ah. Shan ka mid ah isagaa ayaa leh, halka inta kale uu soo kireystay. Wuxuu xusay in caanaha uu ka liso xoolahan uu u suuq-geeyaan Hargaysa. Dhaqaalaha laga helo ayuu u qaybiyaa saddex qayb oo kala ah kirada, calafka xoolaha iyo faa’iidada u gaarka ah.

“Dadka xoolo-dhaqatada ah ee miyiga jooga ee aan fursadda wanaagsan u heli karin in ay caanahooda iib-geeyaan ayaan ka soo kiraysannay halahaas, markii ay dhaleen. Waxaanu ku fikirnay kolka hore in halaha aan magaalada u soo dhawayno, kaddib aan xannaaneyno. Calafkooda iyo biyahooda meel ugu diyaarino. Caanaha ay soo saaraana ayaan uga faa’iidaynaa bulashadii magaalada. Annaguna aan ka faa’iideysannaa. Sidoo kale dadkii xoolaha iska lahaana iyagana waan uga faa’iideynaa.”

Xerada uu geela ku xannaaneeyo oo ka sameysan bulukeeti waxaa ku dhinac yaalla ceel-biyood riig ah iyo beer uu ka baxo calafka xoolaha. Xeradan sidoo kale waxaa ka howl gala dhakhaatiir xoolaha daaweeya.

Wuxuu sheegay Maxamuud in xoolo dhaqatada ay la galaan heshiis afeed. Waxaa marqaati ka noqda saddex qof oo mid ka mid ah uu yahay oday-dhaqameed deegaanka laga yaqaanno, kaas oo xaliya haddii khilaaf uu yimaado.

“Xoolaha oo badqaba oo dhalay ayaanu kala wareegnaa xoolo-dhaqatada, kaddib marka ay bishu dhamaato Ayaa u dirnaa lacagtii ama kharashkii aanu kaga soo kiraysanay neefka oo aan kala heshiinay.”

Xerada Maxamuud waxay ka mid tahay 12 goobood oo lagu xannaaneeyo xoolaha, kuwaas oo ku yaalla duleedka Hargaysa.

Xoolo-dhaqatada heshiiskaas ku jira waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Maxamed Aadan oo loo xannaaneeyo saddex halaad oo dhalay bishii toddobaad ee sanadkan. Waxay ka mid yihiin 23 geel ah oo uga badbaaday abaarta.

Wuxuu ku nool yahay tuulada Bali-axmed oo Hargeysa koonfur kaga beegan 65 km. Wuxuu bil walba ka helaa ganacsatada u haysa xoolihiisa $240. Lacatan ayaa wax wayn u tartay qoyskiisa oo 7 ah, kuwaas oo markii hore ay ku adkayd in ay dabka shitaan.

Cabdiraxmaan wuxuu ku faraxsan yahay fursaddan dhaqaalaha uu uga helayo kiraynta xoolihiisa oo ah mid ku cusub xoolo-dhaqatada Soomaalida ah.

“Markii hore wuxuu ahaa mid isaga loo soo qaadi jiray raashinka iyo cunnada. Laakiin imika waxaa uu noqday geellayagii mid shaqeynaya oo sidii tukaan oo kale aad isaga dhaqaale ka helayso. Dhaqaalaha naga soo gala faa’iidooyin fara badan ayaa ka helnay. Waxyaabo badan ayaan uga faa’iideysanaa.”

Wuxuu qorshaynayaa in xoolaha kale ee u dhalidoona uu geeyo xeryaha lagu xannaaneeyo si uu u kordhiyo dhaqaalaha soo gala isla markaana ay u helaan daryeel caafimaad, daaq iyo biyo joogto ah.

Toban sano ka hor Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ah geellayda caanaha ay ka lisaan xoolahooda u suuq-geeya Hargaysa iyo magaalooyinka kale, balse abaaraha soo laalaabtay ayaa caqabad ku noqday.

Roob-yarida ayaa sababtay in ay ku nagaan waayaan hal deegaan. Waxay noqdeen kuwa joogta u guura si ay daaq iyo biyo ugu helaan xoolahooda sida uu sheegay Cabdiraxmaan.

“Waxaa laga yaabaa sanadkan ama bishan bisheeda kale in aan joogo howdka Itoobiya oo aanan joogi karin halkan, sidaas darted suuro gal inooma ahan. Deegaanka iyo doogga ayaan daba raacaa. Manihi dad joogta ah oo ka ganacsan kara caanaha.”

Xoolo-dhaqatada Soomaaliland oo abaar iyo suuq la’aan ku dhacday xoolahooda ay isku-biirsadeen ayaa fursad wanaagsan u arka nidaamka xoolo kiraynta, kaasi oo soo galinaya dakhli bille ah sidoo kalna waxtaraya xoolahooda oo daryeel joogta ah hella.

Xigasho; Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.