Thursday, May 09, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Baydhabo: Dad la soo barakiciyay xilli ay u diyaar garoobayeen tacabka beerahooda

Haweenay ka soo barakacday beerteeda/kaydaka Ergo

(ERGO) – Saddex boqol oo qoys oo barakac ku tagay magaalada Baydhabo bartamihii bishii Maarso ayaa wajahaya cunno yari, hoy xumo iyo biyo yari. Waa qoysas faro maran oo naftooda ka la soo baxsaday dagaal u dhexeeya ciidanka dowladda iyo Al-shabaab.

Waxay ku biireen xeryo magaalada ku yaala oo kuwii horay u daganaa aysan ku helin gargaar cunto iyo adeegyada waxbarashada, biyaha iyo caafimaadka.

Qoysaskan oo u badan beeraley ayaa barakacoodu ku soo beegmay xilligii ay tacban jireen beeraha. Si ay uga faa’ideystaan roobabka guga oo billowday horraantii bishan April.

Cali Maxamed Cabdi oo dadkaas ka mid ah waxay qoyskiisu degeen xerada Mubaarak. Wuxuu sheegay in waxa kaliya ee dabka ay ku shitaan tahay raashiin ay ku caawiyaan dadka xerada kula nool. Xaaladan oo kale ayuu xusay inaysan waligiis soo marin.

“Carruurta maanta wax aan u owoodo malahan. Sedex wakhti carruurta maanta uma awoodo. Hal wakhti oo dad walaal ah oo masaakiin ah iyaguba ayaa isiiya. Dhibaato iyo nolol xumo tii ugu xumed ayaa nahaysata.”

Qoyska Cali ma haystaan hoy ay ka galaan roobka Gu’ga iyo qoraxda maalinkii oo ah mid aad u kulul. Wuxuu sheegay in marka uu roob da’ayo ay galaan buushaska dadka dariskooda ah, habeenkiina ay seexdaan meel bannaan oo uu ku xeyn daabay dhir uu soo guray.

Ninkan oo ah aabbaha toban carruur ah ayaa tilmaamay in toddobaadyada uu joogo uu raadiyay shaqo xoogsi ah oo nolosha reerka uu ka dabbaro, balse wali ma helin.

Wuxuu xusay in reerkiisu ka baahan yihiin 17 loor oo ah masago ka soo hartay dalag uga soo go’ay beertiisa oo lix hiktar ah. Wuxuu goostay Dayrtii la soo dhaafay. Wuxuu qorsheynayay in qoysku sii isticmaalo illaa bisha July, markaas oo filashadiisu aheyd inay u soo ga’aan dalagyo kale oo gugan uu beerto.

Wax walba ayaa is beddalay 19 bishii Maarso, markaas oo duqeyn Iyo dagaalo goos goos ah oo ka dhacay deegaanka Ceeldhuun oo uu ku noolaa ay ku qasbeen inuu ka soo cararo beertii noloshoodu ku tiirsaneyd, raashiinkii ay cunayeen iyo hoy uu leeyahay oo ah labo qol oo baraako ah.

Nasiib darro weyn iyo waxaan niyadiisa ka go’eyn ayuu ku tilmaamay in isagoo arkaya uu ka tago wixii ugu muhiimsanaa noloshooda. Labo maalin ayay soo lugeynayeen si ay u soo gaaraan magaalada Baydhabo oo u jirta 34km.

“Markii aan deegaankeyga aan ku sugnaa nolosheena aad ayey u ficneyd beeraheena ayaan iska tacbaneyney iyo wixii masago ah badar ah oo beerta nooga baxo ayaan iska cuni jirney. wixi waa nanaga soo buriyey wax aan hayno malahan.”

Cali oo 47 jir ah uma cadda waqtiga ay ku qaadan doonto noloshan hubanti la’aanta ah. Rajadiisa ayaa ku xiran deegaankiisa oo xasilooni hela, balse qiyaas lagama bixin karo xilli dhow iyo mid fog goorta ay noqon doonto.

Qoysaska colaaddu saameysay ayaa ka soo barakacay tuulooyin ka tirsan gobolka Bay oo kala ah Kurta, Ceeldhuun, Dhurey iyo Calanka. Waxay badi degeen xeryaha Mubaarak iyo Bogey.

Ibraahim Cali Nuur oo dadkaas ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in cunno yarida iyo hoy la’aanta ay u dheer tahay helitaanka biyaha oo ay ku dhiban yihiin.

Ku dhowaad afar toddobaad oo ay ku nool yihiin xerada Mubaarak ayuu tilmaamay in biyo yari awgeed aysan ka qubeysan boorkii soo qabsaday maalin iyo bar ay soo lugeynayeen.

Biyaha oo ay dadku ka soo iibsadaan ceel gaar loo lee yahay ayuu sheegay in fuustadii oo $2 ah aysan awoodin inay gataan, taasi waxay ku qasabtay in dadka ay weydiistaan in yar oo ay u isticmaalaan cuntada iyo cabitaanka.

“Dadkaas ayaan dhahaa walaalow isii waxaan ku karsado shaaha  oo dabka wax ku saarsado. Anigu ma awooda jiirkaanka lacagta shanta kun ah ee lagu gadanayo.”

Ibraahim ayaa tilmaamay inuu ahaa ganacsade laga yaqaano tuulada Ceeldhuun oo uu ka soo barakacay, taas oo uu ku noolaa 38 sano. Halkaas wuxuu ku lahaa dukaan lagu gado raashiinka iyo bagaashka oo reerkiisu ku tiirsanaa.

Ibraahim oo ah aabbaha 12 carruur ah ayaa sheegay inay ku jireen nolol aan warwar laheyn balse ay bedeshay mid adag oo dhaxal siisay in hal waqti dabka ay ku shitaan raashiin ay dawarsi ku keento xaaskiisa oo sidoo kale maalmaha qaar qabata shaqo aan joogto aheyn oo ah dhar dhaqis ay maalinkii ka hesho $1 illaa $1.5.

Ibraahim oo 51 ji ah ayaa xusay in dukaankiisa uu maalinkii ka heli jiray $6 illaa $8. Wuxuu sheegay in gacanta uu ku hayo furihii, balse uusan tagi karin deegaankii, sidoo kalana aysan jirin cid halkaas ku hartay oo uu ka wareysto xaaladda uu ku sugan yahay.

Daruuraha madow, hilaaca iyo hugunka cirka waa astaan roobaad oo beeraleyda ku dhiiri galisa inay u qalab qaataan tacbashada beeraha, balse markan Sulub Axmed Cabdi waxay uga dhigan tahay xilli walaacu ku sii siyaado, maadaama uusan haysanba hoy uu ka galo roobka, sidoo kalana uu ka caagan yahay inuu tacbado beertiisa oo ah afar hikter, kuna taalla deegaanka Ceeldhuun oo amni darro awgeed uga soo cararay.

“Hada beertii cid xamaartey malahn. Qof abuurayo malahan, halkan ayaanba joognaa. Aad ayay murug noogu haysaa anagoo beeraley ahayn beeraheena suubsan jirney. Hadda murug baa ihaysa.”

Qoyskiisa maalintii hal waqti ayay helaan waxay cunaan, waana raashiin bisil iyo mid ceyriin oo ay ku caawiyaan dadka horay u deganaa xerada Bogey oo uu ku nool yahay.

Sulub ayaa ahaa bare Qur’aanka u dhiga 50 arday, lacag bille ah kama qaadi jirin, balse asbuuc kasta maalinka Arbacada ah waxay waalidku canug kasta ka dhiibi jireen Shan kun oo Shillinka Soomaaliga ah ($0.2).

Dhaqaalaha dugsiga ka soo gala ayuu ku dabari jiray iidaanka, balse maanta waa shaqo la’aan guri joog ah oo reerkiisu ka baahan yihiin digir iyo masago saddex loor ah oo ay uga soo tageen hoyga ay ka soo barakaceen.

“Waxaan is laheyn Baydhabo ayaa leydinku qaabilayaa oo xeryaha ayaad gargaar ka heleysaan oo nolol ka heleysaan. Markan nimid waxba ma helin, hadana qaabkan aad aragto ayaan ku nool nahay.”

Dadka ku nool xeryaha lagu barakacay ee magaalada Baydhabo inta badan ma helaan gargaar joogto ah, waxayna badi ku tiirsan yihiin shaqooyin xoogsi ah oo aan baahidooda dabooli karin.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.