Thursday, July 18, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Galgaduud: Dhallinyaro macallimiin noqday oo helay dhaqaale ay ku dhigtaan jaamacaddaha

Kaydka Ergo

by Jibril Osman

Bile Cali Cismaan oo shaqo macallinnimo ka helay bishii July ee sanadkan iskuulka hoose iyo dhexe ee Hog-dugaag ayaa awood u yeeshay in uu ku biiro heerka koobaad ee jaamacadda oo dhaqaale la’aan ay ka hor istaagtay labadii sano ee u danbeeyay.

Wuxuu ka mid yahay 105 dhallinyaro ah oo wasaaradda waxbarashada Galmudug ay u dirtay in ay barrayaal ka noqdaan 35 iskuul oo ku yaalla deegaano oo hoos taga magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Bile wuxuu bishii mushahar ahaan u qaataa $100. Lacagtan ayuu sheegay in ay soo celisay hamigiisii waxbarasho oo hakad gashay, markii uu dhameeyay dugsiga sare.

“Awal jaamacad rajo kama aanan qabin. Laakiin hadda dhiiragalin ayay iitahay in aan jaamacadii iska bixin karo oo aan isku filnaaday. Awal waxaan islahaa carradaadaas iska joog oo meelahaas ka xamaalo, laakiin maanta hami aan ku sheqeeyo oo aan waxbarasho ka shaqeeyo oo weliba aan deeegaan horumar gaarsiiyo ayaan taaganahay.”

Bile wuxuu maalmaha khamiista iyo jumcada dhigtaa mid ka mid ah jaamacadaha ku yaalla degmada Cadaado. Intaas waxaa u dheer in uu kaalin muuqata ka qaatay maaraynta nolosha qoyskooda oo dan yar ah.

Wuxuu sheegay in mushaharka uu qaato bishii uu konton ka mid ah ku kabo nolol maalmeedka qoyskooda oo ka kooban labo carruur ah oo walaalihiis ah iyo labadiisa waali.  in kasta oo dhaqaalaha soo gala weli uusan dabooli karin baahidiisa haddana wuxuu aamin san yahay in uu joogo billaw wanaagsan.

Qoyska dayarkan oo ahaa xoolo-dhaqato ayaa awoodi waayay in ay jaamacad ku daraan markii ay 200 neef oo ari ah oo ay dhaqalayeen ay abaarihii dalka soo maray uga dhamaadeen saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Wuxuu hadda ku faraxsan yahay inuu aqoontiisa ku shaqaysanayo iyo inuu soo saarayo arday sidiisa oo kale ka soo jeeda deegaanka. Ninkan oo iskuulka ka dhiga maadoonkinka Cilmiga Bulshada, Teknooloji iyo sayniska ayaa sheegay in muddada uu iskuulku ka furan yahay deegaanka ay ka faa’iidaysteen arday gaaraysa 200 oo arday oo iskugu jira carruur iyo dad waawayn.

“Maalintii ay noo keentay wasaaradda waxbarshada iyo maanta farqi wayn ayaa u dhexeeya markii hore waxaa deegaanka ku yaraa qof wax qora ama wax aqriya hadda xaafad kasta waxaa laga heli karaa dad wax aqrin kara waxna qori kara.”

Bile labadii sano ee ay hakadka gashay tacliintiisa si uu kaalin uga qaato nolosha reerka wuxuu soo qabtay shaqooyin muruq maal ah ka hor inta uusan shaqadan helin. Wuxuu ahaa xamaali ka shaqeeya dhismaha guryaha.

In ka badan siddeed saac ayuu maalin walba ka shaqayn jira shaqadaas oo uu u soo aadi jiray magaalada Cadaado. Wuxuu sheegay inay aheyd shaqo waqti badan uu kaga bixi jiray uusanna ka heli jirin wax u dhigma dedaalka uu ku bixinjiray.

Wuxuu ka heli jiray ugu badnaan maalintii $5 doollar. Wuxuu shaqadas iska daayay markii loo sheegay inuu ka mid noqday dadka baranimada loo xushay. Waxaa lagu xushay in uu ahaa arday si fiican u fahsanaa moodooyinka uu dhigayo sidoo kalana reerkiisu deegaanka  deggan yihiin.

Bile ayaa waxbarashadiisa ilaa dugsi sare ku soo qaaatay magaalada Cadaado. Inkasto oo waalikiis la jeclaayeen waxbarashada haddana waxay awoodi waayeen in ay jaamacadda ka dhiibaan maadaama xoolihii ay ku tiirsanaayeen ay abaarta ku marteen.

Dhamaan dhallinyaradan shaqo abuurka helay iskuuladan ayaa ah kuwo ka soo jeeda deegaanada la ga furay iskuulada, balse dugsiga sare uga baxay magaalooyinka Cadaado, Godinlabe iyo Baxdo.

Maxamed Daahir Maxamed oo 23 jir ah wuxuu ka mid yahay barayaasha la shaqaalaysiiyay bartamihii sanadkan. Wuxuu maadooyinka af-Soomaaliga iyo Ingiriiska u dhigaa ardayda ku jira fasalada koowaad ilaa siddeedaad ee iskuula hoose dhexe ee deegaanka Dhuumoodle oo Cadaado hoos taga.

Si la mid ah Bile Shaqadan ayaa ka caawisay in uu helo dhaqaalo uu ku billaabo jaamacadda iyo qaar uu ku taageero nolosha qoyskooda.

“Hadda jaamacad ayaan dhigtaa aniga ayaana iska bixiya, dhanka waalid kana waxaan ku tari karo ayaan u diraa. Aniga mushaarkaygu waa $100 $25 jaamacadda ayaan iskaga baxshaa $75 dollar lacag gaaraysa ayaa iisoo harta iyadana waxaan u kala qaybiyaa  reerka iyo noloshayda.”

Maxamed wuxuu sheegay shaqada ka sokow in uu waxbarashadiisa ku dabaray ay u dheer tahay in uu ku guulaystay in bil karta uu reerka u iibiyo raashin min 12 kiilo ah oo iskugu Baur, Bariis iyo sonkor.

Wuxuu sheegay in qoyskooda oo ku tiirsanaa tira ari ah oo ay dhaqdaan ay hadda tan u noqotay il kale oo dhaqaale ka soo galo. Wuxuu sheegay in horay ay ugu adkeed in mar kasta ariga yar ee u jooga laga helo neef dhiig leh oo la iib geeyo, balse hadda ay ka maarmaan markii laga waayo. Waxuu ku faraxsan yahay shaqadiisa maadaama uu kaga gudbay culaysyo badan oo haystay noloshiisa iyo tan qoyskiisa.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay. Nin gurigiisii jooga ayaan ahay. Wax badan ayaan aniga xitaa ka faa’iiday (aqoon ahaan) wax badan ayaa ii kor dhay oo dad ayaan waxbaraa taas waxa ay iisii sahlaysaa in aan sanado badan wax sii baro dadka.”

Maxamed oo dugsiga sare dhameeyay sanadkan wuxuu ka walaac sanaa sidii uu ku heli lahaa dhaqaale uu ku bilaabo jaamacadda taas oo hadda meesha ka baxday. Wuxuu aaminsan yahay in tani tahay fursad wax wayn ka tartay hamigiisii waxbarashada.

Iskuulada ay dhigaan oo ay aas-aastay wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa ku kala yaalla ilaa 35 deegaan oo Caadaado ka tirsan. Ujeedka ugu wayn ee laga lahaa ayaa ah in dadka reer miyiga ah ay helaan tacliinta heerka hoose iyo dhexe si loo helo waxbarasho baahsan.

Agaasimaha waxbarashada ee degmada Cadaado Xuseen Cali Sahal ayaa sheegay dhallinyaradan mushaharka ay qaadaan uusan ku filnayn balse ay wasaaraddu siiso kab yar oo ay ugu talagashay in ay gaari raac ka dhigtaan. Wuxuu intaas ku daray in ay hadda qorshaynayso qaabkii ay mushahar ku filan ay ku heli lahaayeen.

Wuxuu sheegay in qorshaha ay wadaan ay qayb ka tahay in ay sii badiyaan macalimiinta maadaama ay jiraan weli deegaanno aan waxbarashadu gaarin. Dhallinyaradan oo aan horay uga soo shaqayn wax barista ayuu sheegay in wasaaraddu ku qasbanaatay in ay shaqo geliso maadaama aysan awoodin in ay qaadato macallimiin horay u soo shaqeeyay sida uu sheegay.

“Macalimiinta horay wax u soo dhigay dhaqaalaha ay ku tagi karaan tuulo marka loo dirayo aad ayuu u sarreeyaa, laakiin dhallinyaradaan labo qaab ayaan ka heliynaa oo haddii waxyar oo loo heli karo la siiyo waa ku qancayaan oo waa ku tahayaan tuuladii iyo qodobka labaad oo ah in dadkii ehelkooda ahaa oo ay na loolaadaan in ay ka heli karaan deegaankii. Taas ayaa keentay in aan macalimiin horay wax u dhigi jiray aanan gayn deegaanada waxa la dhigayana waa waxbarashadii aas-aasiga ayad oo ay ka bixi karaan.”

Arrintan ayaa yaraysay baahidii waxbarashada ee ka jirtay deegaanada miyiga ah.   Waxaa meesha ka baxday culays waalidiinta ka haystay in ay carruurtooda waxbaraan. Waxay ku qasbanaayeen in ay u diraan magaalooyin ka si ay wax uga soo bartaan iyaga oo aan awood u la hayn in ay bixiyaan sharashaadka uu magaalada ku joogayo.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.