Sunday, April 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Baladwayne: Qoysas soo barakacay oo iskutashi ku dhistay iskuul ay wax ku bartaan carruurtooda

 by Jibril Osman

File photo/ Ergo

 Boqol iyo konton carruur ah oo qayb ka ah qoysaska deggan xerada barakaca ee Raage-iidle oo ku taalla Baladwayne ayaa fursad u helay waxbarasho lacag la’aan, markii waalidiintooda ay isku tashi ah ku dhisteen iskuul hoose iyo dhexe ah bishii Ogoosto ee sanadkan.

Faarax Maxamed Saneey oo aabbe u ah qoys sagaal qof ah shan ka mid ah carruurtiisa ayaa ka faa’iideysanaya iskuulkan oo ka kooban labo qol iyo labo suuli. Wuxuu ku yaalla miyi qiyaastii u jira Baladwayne 8 km. Wuxuu ku faraxsan yahay Faarax in carruurtiisu ay waxbarasho helaan, kaddib muddo sanad ah oo barakac uu ku yahay xerada uu deggan yahay.

“Maaddama waxbarasho ay ii heleen aad iyo aad baan u soo dhawaynayaa waana ku faraxsanahay. Awal waxbarashadooda waan ku taamayay. Laakiin waan awoodi waayay. Waxbarashada lacag bay noqotay. Laakiin hadda ilmahayga waxay ii heleen waxbarasho lacag la’aan ah. In ay wax ii bartaanna wana ku faraxsanahay. Aad iyo aad baan u soo dhawaynayaa.”

Wuxuu tilmaamay Faarax in dhaqaale xumada haysa ay ka hor istaagtay in uu lacag uga qayb qaabto dhismaha iskuulka, balse taas baddelkeed oo ku tabarucay xooggiisa. Wuxuu ka mid ahaa raggii dhisay xarunta iskuulka.

Wuxuu sheegay in isbaddel uu ku yimid hab dhaqanka carruurtiisa tan iyo markii ay billaabeen in ay waxbartaan. Wuxuu xusay in ay meesha ka baxday walaacii ka haystay mustaqbalkooda waxbarasho.

Intaas wuxuu ku daray in uu yaraaday fursaddii ay ku ciyaari jireen isla markaana ay guriga ku joogi jireen carruutiisu. Galinka hore ee maalintii waxay iskuulka ku qaataan duruusta maadiga ah, halka galinka danbana ay dhigtaan dugsi qur’aan.

“Galab iyo subax iyagoo ciyaaraya ayaan u imaan jiray. Laakiin hadda waxaa Ilaahey mahaddiis ah in subixii ay diyaar garow galayaan waxbarashada, markii aan soo laabto waxaa u imaadaa iyagoo buugtii akhrisana ama qoraya. Isbaddelkaas baan ka dareemay.”

Wuxuu sheegay in subax walba uu u kalaho helidda nolol-maalmeedka carruurtiisa. Wuxuu ka shaqeeya dhismaha guryaha. Shaqadan joogto maahan, balse wuxuu xusay in maalinta uu shaqeeyo in uu helo lacag u dhaxeysa $6 ilaa $7.

Dhaqaalahan uu ka helo shaqada dhagax-jabinta wuxuu raashin iyo arrad-tir ugu iibiyaa qoyskiisa. Shaqadan ayuu billaabay sanadkii hore, markaas oo barakac uu ku yimid magaalada Baladwayne.

Wuxuu ka soo barakacay miyiga tuulada Buuco ee gobolka Hiiraan, halkaas oo colaad ay ku dhexmartay ciidamada dowladda iyo Alshabaab. Qoyskiisa wuxuu ka soo tagay guri mudul ah iyo beer saddex hiktar ah. Wuxuu ku beeran jiray dalag iskugu jira khudaar iyo raashinka ka baxa dalka.

Dugsigan carruurtiisu ay dhigtaan waxaa ka howl-gala 4 macalin oo duruusta siiya ardayda. Waxay dhamaantood deggan yihiin xerada lagu barakacay. Mid kasta oo ka mid ah wuxuu bishii ku shaqeeya $100. Lacagtan waxaa iska soo aruuriya waalidiinta dhalay carruurta waxbaranaya.

Cabdicasiis Caddow Axmed wuxuu ka mid ah waalidka carruurtiisu ay fursadda waxbarasho u heleen. Siddeed ka mid ah ayuu geeya waxbarashada labo bil ka hor, kaddib 6 sano oo uu degganaa xerada Raage-iidle ee yeelatay xarunta waxbarasho.

Ninkan ayaa dhismaha iskuulka uga qayb qaatay $9. Wuxuu sheegay in bil walba ay ku soo aaddo lacag ka yar $5, taas oo lagu bixiyo mushaharka macalimiinta. Dhaqaalaha yar ee uu bixiyo ayuu xusay in ay wax badan u gooyeen carruurtiisa oo intooda badan uu waxbarashada ku daray.

“Waxaan dareemayaa farax aad iyo aad u wayn, mustaqbalka ilmahaan waxay noqon doonaa kuwa hoggaanka dalka wax ka noqda sida aan rajaynayo. Subax kasta iyo galab walba iskuulkay noo aadaan dugsigay noo dhigtaan aad iyo aad baan ugu faraxsanahay.”

Wuxuu tilmaamay in saddex ka mid ah carruurtiisa uu ka joojiyay shaqada casaynta kabaha, markii uu u helay waxbarashada bilaashka ah. Wuxuu sheegay in ay u soo dhicin jireen qoyska maalin walba lacag dhan $4.

Lacagta ay soo shaqaynayeen ayuu xusay in uu ka doortay mustaqbalkooda danbe si ay wax u bartaan. Wuxuu sharraxayaa baahida uu u qabay in carruurtiisu ay waxbarasho helaan.

“Iskuulka markii la dhisayay dadkii ugu horreeyay ee soo dhaweeya anigaa ka mid ahaa. Maxaa yeelay aniga 8 ilmood oo waawayn oo waxbarasho aanan u heli karin ayaa i hoos joogta aadna ugu baahnaa in ay wax ii bartaan. Maxa yeellay annaga waalidiinteena fursad uma helin in ay wax na soo baraan. Waxaa nolosha nagu adkeeyay oo sababtay in aan maanta xero ku noolaano waa tacliinla’aanta. Haddii shalay waalidiinteena ay wax na soo bari lahaayeen maanta nolosheena sidaan way ka wanaagsanaan lahayd.”

Ninkan oo qoyskiisa uu ka kooban yahay 21 qof wuxuu ku tiirsan yahay shaqo xoogsi ah iyo xaaskiisa oo ka shaqaysa suuqa qudaarta Baladwayn. Waxay ku leedahay dukaan ay ku iibiso noocyada kala duwan ee khudaarta.

Cabdicasiis wuxuu qoyskiisa kala soo barakacay sanadkii 2018 deegaanka Jicibow ee gobolka Hiiraan. Wuxuu ku lahaa beer 4 hiktar ah, taas oo fatahaado soo laalaabtay ay saameyeen. Wuxuu soo miciin biday Baladwayne, halkaas oo nolol cusub uu ka billaabay.

Iskuulka ay carruurtiisu dhigtaan ayaa fekerka lagu hirgaliyay uu ka yimid maamulka xerada, kuwaas oo wacyi galin u sameeyay waalidiinta si carruurtooda wax loo baro.

Ololahaan waalidka lagu fahamsiinayay muhiimadda waxbarashada waxaa qayb ka ahaa dhallinyaro xerada ku nool oo fursad u helay in ay gaaraan heer jaamacadeed. Waxaa kamid ah Maxamed Axmed Ibraahin Maamulaha iskuulka hoose iyo dhaxe ee Raage-iidle.

Wuxuu sheegay in ay arkeen baahida loo qabo waxbaridda carruurta xerada ku nool oo sanad walba kordhaya, maaddama dadka ku soo barakacaya xerada ay sii badanayaan.

“Iskuulku wuxuu ku yaalla horta meel ka fog magaalada oo aysan u dhawayn wax iskuullo ah. Sidaas darteed waxaan go’aansanay, maaddama xerada ay deggan yihiin carruur badan in aan isku kaashanno annaga iyo guddomiyaha kaamka si aan ilmaha waxbarasho ugu helno. Si aysan hadhow u noqon darbi-jiif, taas baa nagu dhalisay. Maasha Allaha haddana howshu way noo socotaa.”

Inkastoo waxabarashada iskuulka ay billow tahay haddana Maxamed wuxuu sheegay in ay caqabad ka haysto dhinaca agabka iyo qololka wax lagu barto oo ku yar, kuwaas oo uu rajaynayo in laga taareero iskuulka.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.