Sunday, April 28, 2024
Wardheer News
  • Global News & Politics
  • Slideshow
  • Warar

Labo boqol oo arday oo maqalka naafo ka ah oo dib u helay fursad waxbarasho

Labo boqol oo arday oo maqalka naafo ka ah oo dib u helay fursad waxbarasho
Iskuulka Dhagoolayaasha ee Degmada Howl-wadaag oo dib loo furay, muddo uu dhaqaale la’aan u xirnaa kaddib/Naciima Saciid/Ergo

(ERGO) – Khadar Maxamed Cilmi wuxuu dib u billaabay waxbarashadiisa 10 bilood oo uu guri joog ahaa kaddib. Bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafey ayaa waxaa ka xirmay Iskuulka Dhagoolada ee degmada Howlwadaag, kaasi oo uu si bilaash ah ku dhiganayay. Waalidkiisa oo danyar ah ayaa u awoodi waayay inay ku daraan iskuulada lacagta ah ee ku yaala magaalada.

Hay’ad taageeri jirtay iskuulka ayaa joojisay lacagtii ay siin jirtay, gabaabsi dhanka dhaqaalaha oo ku yimid awgeed. Arrintan ayaa saameeyn ku yeelatay 200 oo arday ah oo maqalka naafo ka ah, kuwaasi oo ka soo jeeda qoysas danyar ah. Bishii sagaalaad ee sanadkan ayaa waxaa dhaqaalaha ku baxaaya iskuulka la wareegtay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Ardayda iskuulka dhigato ayaa laga taageeray lacagta waxbarashada iyo quudin bilaash ah.

Khadar oo ah 16 jir ku hadla luuqada suul-dhabaalaha ee u gaarka ah ardayda maqalka la’, ayaa xusay in dib u howl gelinta iskuulkani ay u leedahay dareen gaar ah. Wuxuu tilmaamay inuu ka walwalsanaa mustaqbalka waxbarashadiisa.

“Markii aan maqlay in iskuulkii ay wasaaradda la wareegtay, aad ayaan u farxay maadaama ay meesha ka baxayso in waxbarashada la waayo ama waalidka ay awoodi wayaan. Dhaqalaha ku baxaya waxbarashada waxaan hada rajaynaya inaan la waayin oo aan nabad qab ku dhameysto iskuulkayga,” ayuu yiri.

Wiilkan ayaa dib u billaabay waxabarashadiisa fasalka kowaad ee dugsiga sare. Waalidiinta ardayda dhigata iskuulka ayaa sidoo kale ku farxay dib u howl-gelintiisa.

Nadiifo Maxamed Cabdiqaadir waa hooyada siddeed carruur ah. Wiil iyo gabar ay dhashay oo maqalka naafo ka ah ayaa dib u billaabay waxbarashadooda.

Haweeneydan ayaa xustay in murug ay ku hayday waxbarasho la’aanta labadeeda carruur oo kala jira da’da toddobbo iyo 13 sano jir.

“Saddex sano ayay dhiganayaan iskuulkan, waxbarashadoodana si fiican ayay ugu socotaa. Iskuulkan ka hor ilmaha kale marka ay u foofayaan waxbarashada, iyaga waa ay isliidi jireeen oo guriga ayay iska joogeen, hadda shacabka kale ayay ka mid yihiin oo dhib ma qabaan. Aniga iyo iyagaba waan ku wada faraxsannahay waxbarashadan,” ayay tiri.

Mudaadi uu xirnaa iskuulkan ayay xustay inay ku fikirtay in goob kale oo lacag ah ay geeyso. Haaseeyeeshee, waxay awoodi weyday dhaqaalihii ay uga bixin lahayd.

Nadiifo ayaa tilmaantay in wiilkeeda uu ku dhashay maqal la’aanta, halka gabadheeda ay sabab u noqotay jug soo gaartey. Waxay sheegtay in iyada oo ka yar lix bilood ay dhulka uga dhacday, sidaasi na ay u gabtay hadalka.

Waxay tilmaantay in muddadii uu iskuulka xirnaa ay isku dayday inay daryeel caafimaad u hesho gabadha, si ay wax ula barato ardayda maqalka leh. Balse, waxay awoodi wayday dhaqaalaha ay u sheegeen dhakhaatiirtii ay la kulantay.

“Gabadhayda waa ay roontahay. Aabbe iyo hooyo waa ay dhahaysaa oo waa ay caymataa. Dhakhtar aanaan geyn wuu yar yahay, waxay i shegeen in gabadheyda ay u bahan tahay sameecadda maqalka. Waxay igu dhaheen Kenya ayaa laga helaa, warkaas markaan maqlay waan ilmeeyay, sababtoo ah anigu uma awoodo gabadheyda inaan geeyo meel ka baxsan xamar,” ayay tiri.

Maxamed Cumar waxaa iskuulka u dhigta wiil uu adeer u yahay oo agoon ah. Wuxuu tilmaamay inuu aad ula walwalay waxbarasho la’aanta wiilka, intii uu iskuulka xirnaa. Guriga ayuu sheegay inuu wax ku bari jiray, maaddaama uu awoodi waayay inuu geeyo iskuulada lacagta ah.

“Wiilkan waa agoon, aabbihiisa 2010 ayuu ku geeriyoodey tahriib badda Liibiya. Aniga ayaa masuuliyadiisa la wareegay. Shaqo ma haayo, balse hadda waxaan ka faa’ideysannay waxbarashadan,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in maalmaha uu fasaxa ka yahay iskuulka uu ka dareemo cidlo iyo inuu san ku faraxsanayn joogidda guriga, maaddaama uu la qabsaday ardaydan ku baahida ah.

Xamdi Maxamed Cumar oo ah maamulaha iskuulkan ayaa sheegtay in dhaqaalaha ku baxaya ardayda ay si toos ah ula wareegtay wasaaradda waxbarashada. Taageridda ay wasaaradda ka heleen ayay xustay inay ku timid cabashooyin ay gudbiyeen ururada ay ku mideysanyihiin dadka baahiyaha gaarga ah qabo iyo baahinta Raadiyow Ergo.

“Waxbarashada ardaydan maanta ay haystaan waxay ku heleen, markii baahidooda dhowr mar oo kala duwan laga baahiyey Raadiyow Ergo. Haddii aan xogtooda la baahin lahayn, surta gal ma ahateen inay helaan waxbarasho,” ayay tiri.

Inkastoo ay hadda waxbarashada dib u billowatay, waxay haddana walaac ka muujisay caqabad ka haysata dhanka gaadiidka, taasi oo aysan weli xal u helin.

“Wasaaradu waxay na siisay wax walba oo aan ubaahneyn, mana jiro iskuul ay wasaradu ka bixiso gadiidka. Hadda waxaan haysannaa laba hoomey oo duq ah. Waxaa loogu tala galay 20 arday. Afartan arday ayaan hadda ku qaadnaa, caqabadda jirta awgeed. Marka baahidaasi waa mid banaan cid kastoo naga tageeri karta,” ayay tiri.

Maamulka ayaa sheegay in 130 arday uga yimaadaan degmooyin ka fog iskuulka. Iskuulkan oo ah midka keliyah ee dadka maqalka naafada ka ah ay si bilaash ah wax uga bartaan, ayaa waxaa gacanta ku haysay hay’adda CARE. Dhammaadkii sanadkii la soo dhaafey ayay hay’adda u sheegtay in mashruucii ay ku taageeri jirtay uu ka dhammaadey, taasi oo keentay in gebi ahaanba uu xirmo. Raadiyow Ergo ayaa xilligaasi ka diyaarisay warbixin la xiriirta saameynta uu xirnaashaha iskuulka ku yeeshay carruurtan maqalka naafada ka ah.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.