Category: Maqaallo

Home » Maqaallo » Page 13
Post

Dhabtii Jacayl waa loo dhintaa (Qaybtii 1aad)

W.Q. Cabdiraxmaan Aadan Cabdi Caawa dareenka aan ku suganahay ma aha mid aan hore ula kulmay. Cagaha markaan    tallaabo  qaad is idhaahdo waxaad mooddaa in cag walba kiish ciid ah la  igaga xidhay. Sidii  qof tooray lala dhacay ayaan u luudayaa.  Madaxayga sida denbiile askar muruqyo waaweyni  garbaha ka hayaan oo maxkamad loo sii wado...

Post

Sheekh Shariif Sheekh Axmed: Musharraxa ugu Habboon in uu Hoggaamiyo Madaxtooyada Soomaaliya

W/Q Sayid Maxamed Axmed Gurey Doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya, oo in badan dib u dhacday, ayaa lagu wadaa in ay ka qabsoonta teendhada aadka loo ilaaliyo ee Afisiyoone ee ku taalla gegeda Diyaaradaha ee Muqdisho maalinta Axadda ee bishu tahay 15ka May, maalintaas oo ku beeggan maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed oo loo dabbaal dago aasaaskii ururkii SYL...

Post

Warqad Furan oo ku Socota Baarlamaanka 11-aad

W.Q. Cabdullaahi Janno Mudanayaal iyo Marwooyin: Marka hore Ramadan Mubarak. Marka xigtana waxaan idiin rajeyn inuu Alle idinku guuleysiiyo xilka aad shacabka Soomaaliyeed ku matashaan. Ujeedkaygu ma ahan inaan wax cusub idiin sheego – ujeedkaygu waa xasuusin. Mudanayaal iyo Marwooyin, hawsha ballaaran ee idin sugeyso waa labo nooc oo isgarab socda: Rajo-gelin iyo Sharci-dejin. Sharci-dejinta...

Post

MAAMULKA SOMALILAND SI SIMAN MA U SAAMI-SOORAA DEGMOOYINKA?

W.Q. Maxamuud C/llahi Axmed Waxa maalmahan saaxadda siyaasadda ee Somaliland (SL) ka socota dood kulul oo ka aloosan qoondaynta lacageed ee ay qasnadda dawladda dhexe siiso dawladaha hoose. Su’aasha taagan baa ah: wasaaradda maaliyaddu si siman ma u saami-soortaa dawladaha hoose ee Somaliland? Kolayba erayada caddaalad iyo sinnaan waa erayo macno balladhan oo akhlaaqi ah,...

Post

Dabeecaddaha Kelitalisnimada & Gaboodfallada ka Dhasha Midiidinta-Qeybta 2-baad

WQ: Cabdiraxmaan Al KawakibiTarjumadii Dr. Maxamed Sh. Cali (Doodishe) Ra’yiga culimada rogrogta taariikhda dabeecaddaha diimaha, waxa uu isugu biyo shubtay in kelitalisnimada siyaasaddeed ay ka dhalato kelitalisnimimada diinta, qaarkoodna waxa ay yiraahdaan haddii aysan jirin in ay is dhaleen, waa walaalo oo aabahood waa amar-ku-taaglayn, hooyadoodna waa madaxtinimo, amaba waa kuwa si aad ah isugu...

AFGEMBIGII WAHAABIYADA IYO KU XOOGSIGA DIINTA
Post

AFGEMBIGII WAHAABIYADA IYO KU XOOGSIGA DIINTA

W.Q:CabdiRaxmaan Cilmi Xaashi Kalabarkii qarnigii hore iyo bilowga qarnigan (miilaadiga) waxay wahaabiyadu ahayd dhaqdhaqaaqa ama mad-habta ugu firfircoon dunida islaamka. Wahaabiyadu kacaannadii aydiyoolajiyeed ayey u egyihiin xagga abaabulka, qallafsanaanta iyo iskukalsoonida. Waxay leeyihiin calaamado ay isku gartaan sida gar weyn, surweel kor loo qaaday iyo indho shareer. Faafista wahaabiyada waxaa sabab u ahayd halkudhigyadooda siyaasadda...

Post

Gorfeyn Buug: Labo Isma Saarin: Xusuus Reeb

Gorfeyntii: Dr Aweys Cumar Maxamuud Qoraha buugga: Xuseen Khaliif Xaaji JaamacDaabacadda: Ciid Publisher Safxadaha: 300Sanadka daabacaadda: 2021 Gorfeyta buugga Laba Isma Saarin, waxaan u kala qaadi doonaa seddax qodob. Marka koobaad, waxaan isku dayi doonaa inaan soo koobo sheekada buugga, inti aan soo koobi karo, waxaanan ku soo bandhigi doonaa sheekada buuggu waxa ay ku saaban...

Post

Doorka Luqadaha iyo Waxbarashada

“Ceel nin galay baa wax laga weydiiyaa”  Maah-maah Soomaaliyeed Waxaa bishii Febraayo 19keedii 2022 ka dhacay barta internetka ee loo yaqaan Zoom kulan ay ka soo qaybgaleen dad kala jooga qaarado kala duwan. Kulankaas ayaa mowduuciisu ahaa ” Doorka Luqadaha iyo Waxbarashada”, hal-ku-dhigna looga dhigay “ceel nin galay baa wax laga weydiiyaa”.  kulankan waxa soo qaban-qaabiyey...