Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Warqad Furan oo ku Socota Baarlamaanka 11-aad

W.Q. Cabdullaahi Janno

Mudanayaal iyo Marwooyin:

Marka hore Ramadan Mubarak. Marka xigtana waxaan idiin rajeyn inuu Alle idinku guuleysiiyo xilka aad shacabka Soomaaliyeed ku matashaan.

Ujeedkaygu ma ahan inaan wax cusub idiin sheego – ujeedkaygu waa xasuusin.

Mudanayaal iyo Marwooyin, hawsha ballaaran ee idin sugeyso waa labo nooc oo isgarab socda: Rajo-gelin iyo Sharci-dejin. Sharci-dejinta idiin ma tilmaamayo – aan ka aheyn inaad sida ugu dhaqsaha badan u beddeshaan nidaamka 4.5. Taasi waa billowga rajo-gelinta. Intaa ka dib, warqadan waxay ku dheeraan qodobka hore: Rajo-gelinta. Xasuusnaada, rajo-gelintu waxay ku xiran tahay gudashada iyo dardar-gelinta hawshii la idiin igmaday afarta sano ee soo socota.

Shacabka Soomaaliyeed waxay rajo ka qabaan nolol leh amni buuxa, baraare, caddaalad, sinnaan, caafimaad, waxbarasho, iyo adeegyada kale ee bulshada. Rajadu waxay u baahan tahay in si maalinle ah sidii ukunta looga dhawro jab iyo khataraha cimilada. Wakhtiga yar ee aad xilka heysaan kuma filna hawsha ballaaran ee idin hortaalla.

Mudanayaal iyo Marwooyin, rajo-gelinta shacabka macnaheedu ma ahan wax aan la cabbiri karin. Dunidan casriga ah qaabab loo cabbiro ayaa jiro heerka nololeed ee waddamada caalamka. Warbixinta sannadlaha ee World Happiness Report ee ay qorto hay’ad UN-ta ka tirsan ayaa waxay dalalka dunida ka miisaantaa ilaa lix qodob: 1 – dakhliga (awoodda wax gadasho ee shacabka), 2 – xornimada heer shakhsi, 3 – dareenka shacabka ee ku aaddan musuqmaasuqa, 4 – deeqsinnimada, 5 – filashada nolol caafimaad leh, iyo 6 – iscaawinta bulshada. Bilaash Nebi Muxammad–sallallaahu calayhi wasallam–uga ma uusan digin faqriga iyo jahliga. Shacabweynaha Soomaaliyeed waa dad ay ku adkaatay nolosha intii la cabbiri karay ee muuqato (ruuxda iyo iimaanka kama hadlayo). Shacabkaas idinka ayay idin soo eegayaan. Idinka ayaa u horseedi karo inay helaan rajo ay kaga baxaan faqriga iyo duruufaha.

Haddaan sii faahfaahiyo, waxaa hadda shacabka hor taagan waa duruufo qallafsan oo qaarna dabeecaddu keentay, qaarna aynu innagu kasbannay. Run buu sheegay Dr. Calaawi oo caalim Soomaaliyeed ah mar uu ka jawaabayay sababka ay Soomaalidu isugu baaba’day. Wuxuu yiri, “Dadka kale waxay doondoonaan waxay KU HESHIIYAAN; annagu Soomaali haddaanu nahay waxaan doondoonnaa waxaan ISKU DIIDNO”! (daqiiqadda 44:58). Xaqiiqatan, Soomaaliya waa dhul naga weyn oo leh nimcooyin naga badan. Ma qabato shacabka inay nolol ciriiri ah ku sii jiraan ka dib xiisado siyaasadeed oo aynu innagu abuurnay awgood – mana qabato shacabka markii ay abaaro iyo fatahaado ku dhuftaan in beesha caalamka looga dalbo gurmad degdeg ah.

Idinkama qarsoona oo waxaa jiro abaaro, colaado, dhaqaale-xumo, caddaalad-darro, barakacayaal ku teedsan dalka, qaxooti xeryaha dunida ku raagay, dastuur qabyo ah, sicir-barar, dhul gacanta dowladda ka maqan, xiriir-xumo u dhaxeyso dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada qaar, xaalufinta deegaanka, iwm. Khudbad aan beri hore dhageystay ayaa oraneysay shan marxaladood ayaa wax u dhimo caafimaadka dhimirka. Waxay kala yihiin: geerida, furriinka, faqriga, guuritaanka/socdaalka/qaxa, iyo maan-dooriyaha. Mid ka mid ah shantan marxaladood ayaa keligiisa dal iyo dadba ka lumin karo dheelli-tirka nolosha. Waxaana xaqiiqo ah in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay isku biirsadeen marxaladahaan dhimirka u daran (qaasatan geerida la xiriirto dilalka iyo qaraxyada iyo dagaallada kuwaaso sababo qax iyo barakac ka dibna ay taasi ka dhalato faqri iyo gacan-marnaansho iyo xaalado ah hubanti la’aan ku aaddan mustaqbalka, iyo furriin iyo burbur qoys). Waan ogahay in xildhibaanka iyo senatarka aysan xukuumad aheyn – balse dhammeystirka haykalka dowladnimo iyo soo xulidda hoggaan hufan oo dal iyo dadba samata-bixin karo ayaa waxay hordhac u tahay yididdiilo iyo rajo ruuxiyan ah.

Rajo-gelinta waxay ka mid tahay Sunnada Alle. Waad ogtihiin markuu Alle Aayad kaga hadlo shiddada taallo Aakhiro wuxuu misana ku xijiyaa Aayado rajo-gelin ah oo uu nimcooyinka Aakhiro kaga hadlayo. Alle waa Fattaax. Ladhiiyf. Ra’uwf. Naafic. Raxiim. Kariim. Abuurkiisa yaan rajada laga dilin. Shacabweynaha Soomaaliyeed wuxuu idinka mudan yahay rajo-gelin joogto ah.

Mudanayaal iyo Marwooyin, rajo-gelin waxaa cagsigeeda ah rajo-xumo. Waxaan idinku boorin in laga hortago in qof Soomaali ah uusan rajo-xumo darteeda u tirin maanso isagoo leh “No one leaves home / unless home is the mouth of a shark” – Qofna kama tago dalkiisa / Hadduusan dalku aheyn af yaxaas (tarjumiddayda). Rajo-xumo waa sababta ay dhallinyaro badan isugu aamineen badda iyo tahriibka. Sidaa awgeed, Mudanayaal iyo Marwooyin, iskaashigiinna iyo wadashaqeyntiinna waxay rajo-gelin u noqoneysaa shacabweynaha aan codka laheyn.

Markii iskaashi iyo wadashaqeyn laga hadlayo, abwaan iyo majaajiliiste Maki Xaaji Banaadir oo ka digayo isqabqabsigaa yiri: “Sufriyaa tiri qaaddo sir ku aammini maayo, burjiko saamixi maayo, dhuxul la saaxiibi maayo, dabna suurto gal maaha inaan siyaasad wadaagno,” sida ku xusan buugga Waa Sirgaxannaye Sax Ma Jirinnaa. Calaashaan, haddii ay dheriga iyo dabku isdiidaan, sidee dheef iyo nafci lagu heli karaa, baahi iyo gunnimana looga bixi karaa? Shacabku waa shacabkiinna. Isqabqabsiga caadada noqday wuxuu ku yahay rajo-beel. Dhanka kale, ha ku sirmina shacabka aan codka laheyn. Ha ku sirmina hooyada qorraxdu gubtay, goomankeeduna muuqdaan ee calalada rifan xiran taasoo ilmo mujuq ah sinta ku siddo, saddex kalena ay farqaha ku dheggan yihiin iyagoo cago-cad oo ay basaas iyo macaluul ka muuqdaan. Hooyadaas iyo carruurtaas oo kale waa kuwa Amiirul Mu’miniin Cumar bin Khadaab (RC) u diiday inuu harsado cabsi uu ka qabo in laga la xisaabtamo Aakhiro.

Gunaanadkii, dalka iyo dadka ka ilaaliya inay sanooyin kale ka lumaan. Kama duwanin dadyowgii diiday nin darawal ahaa (oo hal daqiiqo tareenkii uu waday la soo daahay), ka dibna dadkii u halka daqiiqo dib u dhigay dartooda loo ganaaxay. Bal isbarbardhiga shacabkaas halka daqiiqo ka samri waayay iyo shacabkeenna oo ilaa 30 sano ku jiro darxumo iyo dib u dhac.

Buugga Waa Sirgaxannaye Sax Ma Jirinnaa wuxuu qoraagu tilmaamay dhib soo jireen ah – oo weli taagan: “Soomaalida waqtigeedii wuxuu ku dhammaaday shalay oo ay raadineysay xorriyadda iyo maanta oo ay raadineyso dowladnimadeedii,” (bogga 7-aad). Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaa la joogaa xilligii ay salka dhigan laheyd dowladnimada hay’ad ahaan iyo dhul ahaanba (gees ka gees dalka oo dhan). Dardaarankaygu waa rajo-gelinta shacabka. Gaarsiiya shacabka doorasho hal qof iyo hal cod ah inta aad xilka heysaan. Gaarsiiya dalka iyo dadka meel la mahdiyo. Ballankiinnu ha noqdo afarta sano ee soo socota iyo danta Soomaaliya iyo Soomaalida.

Wabillaahi Towfiiq,

Qore: Cabdullaahi Janno

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.