Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Gorfeyn Buug: Labo Isma Saarin: Xusuus Reeb

Gorfeyntii: Dr Aweys Cumar Maxamuud
Qoraha buugga: Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac
Daabacadda: Ciid Publisher
Safxadaha: 300
Sanadka daabacaadda: 2021

Gorfeyta buugga Laba Isma Saarin, waxaan u kala qaadi doonaa seddax qodob. Marka koobaad, waxaan isku dayi doonaa inaan soo koobo sheekada buugga, inti aan soo koobi karo, waxaanan ku soo bandhigi doonaa sheekada buuggu waxa ay ku saaban tahay iyo sidoo kale doodda iyo hal-beegga ay ku salaysantahay? Qodobka labaad, waxaan ku abaari doonaa qiimeynteyda buugga. Sidaan u arko buugga, waxa aan u bogay iyo waxa aanan u bogin. Qodobka seddaxaad isna waxuu noqon doonaa tala-bixin; Waa ayo cidda ay ila tahay inay aqristaan iyo sidoo kale ahmiyadda buuggaag af-Soomaali lagu qoray oo daabacan sida kan aan hadda qiimeyneyno oo kale ay u yeelan karaan dhiirigelinta koboca wacyiga taariikheed iyo wax-aqriska da’ yarta Soomaaliyeed.

1. Qodobka Koobaad:

Buugga Laba Isma Saarin wuxuu ka hadlayaa xaqiiqooyinkii soo maray nolosha qoraha, Mudane Xuseen Khaliif X. Jaamac, gaar ahaan xusuusta xaqiiqooyin la xiriira halgankii hubeysnaa ee jabhaddii ugu horreysay ee hubka qaadatay si ay ula dagaalanto dowladdii kali-taliska ahayd ee Maxamad Siyaad Barre, laga soo billaabo Inqilaabki Fashilmay ee Gaashaanle Sare Maxamuud Sheekh Cismaan Cirro, Abril 1978 di, ilaa iyo horraanti 80-tameeyadi, magaceeduna isku-bed-bedelay Soodaf, SSF, iyo SSDF oo tan dambe magaceeda buuxa ahaa Jabhadda Dimoqraadiga ee Badbaadinta Soomaaliyeed (Somali Salvation Democratic Front). 

Buuggu wuxuu ka kooban yahay 7 qeybood, iyo maab ama khariidad muujineysa deegaanadii hawlgalka 9aad, iyo 3 lifaaq oo ka koobaad yahay gabaygii ‘Maruuryooday’ ee Khaliif Sh. Maxamuud; kan labaadna yahay liiska magacyada 100-kii nin ee Jabhadda bishay; iyo lifaaqa ugu dambeeya oo asna ah liiska madaxdii jabhadda SSDF oo badankoodu maanta mootanyihiin ama dhintay. Liiska hore waa 99 magac; kan dambena (madaxda mootan) waa 110; labadaba wax dumara kuma jiraan oo malaha muujineysa ama in jabhadeyntu ragga kaliya ahayd amase la hilmaamay magacyadii gabdhaha, waa haddey dumar ka qeyb-qaateen.

Qeybta koobaad waa hordhac iyo guudmar iyo qoraal kooban oo ku saabsan jabhaddii koobaad ee magaceedu ahaa SODAF. Wuxuu u dhadhammayaa magucu wax la dafo, laakiin magaca oo dhammeystiran waa Jabhadda Falka Dimoqoraadiga ah ee Soomaaliya (Somali Democratic Action Front), waxaana lagu aasaasay dalka Talyaaniga sanadki 1976dii, taasoo ka dhigeysa jabhaddi ugu horreysay ee mucaarad siyaasadeed ku ah Maxamed Siyaad Barre ee la sammeeyay. Waxaad ka heleysaa halkaas xogta ah in hawsha jabhadda badankeedu ka socday dalalka Sucuudiga iyo Kenya. Qoraha aragtidiisa, waxay taasu keentay inay dalalkaasu naqdaan meelaha mucaaradka Soomaalida ee dowladda markaas jirta uu ka tisqaaday. 

Qeybta labaad waxay ku billaabaneysaa qoraha oo tababar layli-sarkaal ah u galay Kulliyaddi Jaale Siyaad iyo dareenkii uu halkaas ka qaaday oo naqday mid ku dhiirigelisay inuu dalka isaga tago. Xogta kale eed ka heleyso qeybtaan waa Af-gembigii fashilmay ee Abril 1978dii; liiska saraakiishi loo toogtay inqilaabkaas bishi Oktoobar 26keedi ee isla-sanadkaas; fakashadi Col. Cabdullaahi Yuusuf; saameyntii inqilaabka; iyo sidoo kale gabbood-falladi iyo tacadiyadi xuquuqda bani-aadamka ee uu taliskii Siyaad Barre uga jawaabay isku-dayga inqilaabka. Inkastoo qoruhu wax ka sheegay tacadiyadaas, haddana waxaan isleeyahay kuma filna, waana mowduuc runti u baahan in si ka baahsan sidaas oo ka qota dheer wax looga yiraahdo. 

Qeybta seddaxaad waxay ayaduna ku billaabaneysaa sidi qoruhu uga tahriibay dalka iyo khatarihi iyo xaaladdihi adkaa ee jidmarkiisa iyo sheekooyin aad u xiisa badan oo halgankiisa bilowgiisi uu la kulmay; halganki iyo hawlgalladi ficilka ahaa ee jaalkiisi ama asaxaabtii ay isla jabhadeynayeen ay wada qabteen; safarradi iyo socodki rafaadka badnaa ee ay wada mareen. Xarfaha, dhacdooyinka iyo magacyada meelaha aadka uga muuqda waxaa ka mid ah: boqolkii Jabhadda Bishay; Ceelkii Walwaaleed; dagaalkii Ceel-dheere; cutubyadii Keenya ka yimid iyo Erer Gota; kooxdii Gananoow (kelmadda ganaanow oo af-amxaari ah, micneheeduna yahay ‘waa weli’ waxay ku baxday dhallinyaro jabhadda uga soo biirtay Kenya iyo Islaanti cuntada karin jirtay oo is-afgaran waayay. Qadadii oon weli bislaan ayey soo saftaan, markaasey ku tiraahdaa Ganaanow. Sidaasey kelmaddii u noqotay kelmad caana ooy adeegsadaan). Waxay kaloo qeybtaani wax ka tilmaameysaa geesiyaal dagaal iyo fulay, iyo sidoo kale xaruntii ciidanka jabhadda ee Diri-Dhaba.

Qeybta afaraad waxay ka hadleysaa Shirweynihii 1aad ee SSF; soo if-bixii Raadiye Kulmis; Hoggaankii Mustafe Xaaji Nuur; Doorkii Xirsi Magan ee Dacaayadda iyo Baraarujinta; Fannaanki weynaa Maxammad Mooge Liibaan iyo doorkiisii jabhadda; Hoggaankii Cabdullahi Yusuf Axmad; halgan taxan; magacyo deegaano lagu hardamay; rafaad iyo mushaad la’aan jabhadiintu la kulmaayeen; Liibiya oo taageero lacageed siisay jabhadda iyo isbeddel nololeed ee jabhadiinti ay heleen markaas; magacyada meelaha la xusay waxaa ka mid ah Addis Ababa; Tripoli iyo Bolonyo, Italy. Waxaa sidoo kale qeybtaanu xuseysaa magaca SSF (Somali Salvation Front) oo isu beddelay SSDF.

Qeybta shanaad waxaay ka hadleysaa marxaladihii ay fadhiidka noqotay jabhaddu iyo kooxihii ku hardamaayay siyaasaddeeda. Xarfaha, dhacdooyinka, magacyada shaqsiyaadka iyo meelaha ka muuqda waxaa ka mid ah: Jig-Jiga iyo Lama-daga; Janacsaney; Xarshin; Isbitaalladii Harar; Erer-Gota; Cadaado; Cabdiraxmaan Caydiid iyo Bookh; Sirdoonka Itoobiya – Moogas iyo Mashashe; Hardankii Jeneraal Dimese iyo Kornayl Gardheere. Sidoo kale, waxay qeybtaanu wax ka taataabaneysaa halgan diimeed ka dhex abuurmay jabhadda; imaatinki SNM iyo wada-hadal lala galay, sida qoruhu leeyahay, “SSDF aad bay u soo dhawaysay SNM madaxdeeda, aad baana loola shiray, wax buuranse kama soo bixin dhanka wada shaqaynta, iska daa in la isku darmee.”      

Qeybta lixaad waxay ka sheekeyneysaa hawlgallo dagaal oo taxana ah iyo dagaalo goos-goos ah oo jabhaddu qaaday. Xarfaha, dhacdooyinka, magacyada shaqsiyaadka iyo meelaha ka muuqda waxaa ka mid ah: hawlgalkii Awrayaal; hawlgalladii Qalloocan (ilaa 4); Wardheer iyo Walwaal; Hawlgalkii Miir-Khaliif; Hawlgalkii Yucub; Dagaalkii BM-ka (ilaa 2 dagaal); Hawlgalkii Goroyo-Cawl; Dhabbe-Galkii Booraancadka iyo Kurtun; Hawlgalkii Qaraxyada Xamar ee 1981ki; Hawlgalladii Buuhoodle; Hawlgalkii Kala-Bayr Bureed; Hawlgalkii Foodye-Cadde; Dagaalkii Galdogob ee 1982; Dagaalkii Balanballe ee 1982; Hawlgalladii 6aad; Hawlgalkii Godobyar ee Fashilay; Hawlgalkii Qorrof; iyo Hawlgalkii Matabaan iyo Qurac Joome. Waxaa kaloo lagu tebiyay qeybtaan aagag dagaal, sida aaga Godobyar iyo aaga dameer-joog, iyo culeys iyo daadaansi hubeysan oo ay jabhadi Soomaali-Galbeed oo u adeegeysa taliski MSB ay ku haysay SSF.

Qeybta toddobaad oo cinwaankeedu yahay billowgii dhammaadka waxaa qoruhu ku billaabay magacyada rag madax sare ahaa iyo kuwa dhexeba oo ka baxsaday jabhadda dibna ugu noqday Xamar iyo caradi ficilkaasu ka dhex abuuray jabhadiintii iyo taageerayaashi ururka. Cadde Muuse (Madaxweynihi hore ee Puntland) magiciisa waa la xusay, waxaana u aqriyay inuu jabhadda ka tegay laakiin uusan dib ugu laaban Xamar iyo Maxamed Siyaad. Wuxuu kaloo ka sheekeyay ka fakashada jabhadda ee koox ay isku raas hoose yihiin iyo asaga laf-ahaantiisa go’aankiisii ka tegidda jabhadda, iyo siduu uga tegay. Waxaa kaloo qeybtani dabooleysaa gadood iyo fakasho ciidan badan oo ka dhacday Galdogob; dilkii saraakiil sare sida Cabdiraxmaan Caydiid iyo Dr. Cabdulqaadir Cabdi Samatar; dilkii ilaalada Guddoomiyihii Jabhadda Cabdullaahi Yuusuf iyo xarigiisiba. Wuxuu qoruhu ku milicsaday qeybtaan gabbood-falladii ay dhinacyadii dagaalamaayay SSDF iyo nidaamki kalitaliska bahaa ee Maxamed Siyaad Barre ay sameeyeen; dhismihii iyo burburkii SSDF iyo fursado la lumiyay. Waxaan kasoo xiganaayaa qeybtaan laba weerood oo midna qoruhu leeyahay, midna ay tahay erayo uu kasoo xigtay Halgame Maxamuud Cilmi Sarmaan (Maxamuud Gurey) oo isbitaal la yiraa Belje oo ku yaalla Addis Ababa (oo qoraha laftiisu bukaan jiif ugu ahaa xanuuno iska fudud) malaka mowtki dul heehaabyo ku yiri qoraha, waan dardaarmayaa ee rag iigu yeer.

Xigasho:

“Waxaan qabsaday teleefoon, waxaana la hadlay Qaaxa-weyne, anoo farriintii gudbinaya. Intaan muddo yar raggii ii imaan ayuu Maxamuud igu yiri, “Waxaa caawa ii ayaan darro ah in aan dhimanayo Maxamad Siyaadna nool yahay”. Markii ay yimaadeen, ayaa nin ka mid madaxdii, oo haatan mootan, ilmo ka timid markuu arkay xaaladda odayga oo hiinraagaya. Nabarkii ayaa ka fuqay odayga wax yar kaddib, markaas buu yiri, “Waryaa, ma rag iigu yeer baan ku iri mise dumar, waa maxay kuwan ooyaya”. Weerta kale een kasoo qaatayna waa tii qoraha oo milicsanaaya sanadihii uu Itoobiya joogay ka dhawaajiyay markii, ugu dambayn bacda shidda wa tacab, uu helay ruqsadii dhoofitaankiisa ee uu uga tegaayay Addis iyo xoogaa sahay ah oon badneyn ee uu gacanta ku dhigay. “Sidii aan ugu farxay soo geliddii Itoobiya Nofeember 1978-kii ayaan visa-ha bixidda heliddiisi ugu farxay Diseember 1983-kii.”

2. Qodobka Labaad (Qiimeynteyda Buuga):

Buugga aan aqriyay ee uu qoray Xuseen Khaliif Jaamac, dhacdooyinka ku xusan dhammaantood waxay la xiriiraan, sida qoraha laftigiisuba sheegay, “silsiladda taariikheed ee qoraha soo martay 42kii sano ee lasoo dhaafay noloshiisa.” Sidaas darteed, waa buug xikmad iyo xog aad u tira iyo taya badanba laga dheegan karo. Runtii qoraalku waa derejada koobaad oo marka aad milicsato aad dareemeyso in qoraalka Xuseen uu wax badan kala mid yahay qoraallada xiisaha badan ee mala-awaal iyo xaqiiqo intaba isugu jira (fiction and non-fiction) ee  suugaanta dalka UK een ku sugnnahay iyo dalalka la midka ah ee horay-uga-maray xagga afka, dhaqanka iyo adabka (annagoonba sheegin sanaacada iyo teknoolojiyada) ay ku saleysan yihiin. Tafaasiisha xiisaha leh, nuxurka qoraalka, qota-dheeridiisa, baahsanaantiisa, dhumucdiisa, naxdinta, farxadda iyo kaftanka (humour) ku xardhan 3da boqol ee bog ee buuggu ka kooban yahay runtii waa wax aan lasoo koobi karin.

Waxaa haboonaan lahayd inaan qoraalkaan ku soo qaado, tusaale ahaan, qaar ka mid ah sheekooyinka aad ii xiisa geliyay ee buugga ku xardhan laakiin taasu waxay u baahan tahay qoraal ka mug weyn hal maqaal.

Haddii aan si guud cashar uga baran karno halganki hubeysnaa, waxaa habboon in siyaasiyiinta maanta joogtaa ay si dhaqsa ah dib ugu milicsadaan casharka ummaddeed een ka baran karno taariikhdeena marka la fiiriyo fashilka siyaasaddeed ee dalku u muuqdo inuu maanta cagaha lasii gelaayo oo aad moodo inuu wax badan uga eg yahay wixi jiray dabayaaqadi sanadihii 80-meeyadi iyo qaran-burburki.

3. Qodobka Seddaxaad (Taladeyda):

Waxaan qabaa in buuggan dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan da’ yartu, akhristaan si ay u fahmaan taariikhda ummaddooda, wixi khaladaad jiilki ka horreeyay sameeyeena ay wax ka bartaan, kana digtoonaadaan. Tan kale, waxay ila tahay inay habboon tahay in buuggan af-Ingiriis loo turjumo si dad badan oo Soomaali iyo ajnabi intaba ah laakiin aan awoodin inay af-Soomaaliga aqriyaan ay u aqristaan. Waxaa kaloon isleeyahay, waa haboon tahay ayadana in la helo qoraalo halganki jabhadihi kale ee hubeysnaa, ha noqdeen kuwo sida buugga Xuseen Khaliif oo kale ah oo qoraha silsilladiisa nololeed ka sheekeynaaya (Biographical) ama kuwo si toos ah mowduuca jabhadda lafteeda looga qoro. Waa deyn ay jiilasha yar yar ee soo koraaya iyo kuwey dhali doonaanba ay nagu leeyihiin inaan bixinana ay waajib tahay.

Waxaa ayaguna hambalyo iyo tahniyad aan lasoo koobi karin mudan Madbacadda Ciid ee daabacday Buugga iyo Daabaceheeda oo aan hubo inuu tifatirka daabacaadda si niyad iyo ficil ah oo hagar la’aan ugu guntaday si buug rasmi ah uu halkaas uga soo saaro. Qoraalka, si kastoow u sarreeyo heerkiisu, haddii aan si rasmi ah buug ahaan loogu jallaadin wuxuu la mid yahay raashin ciidda kaaga daatay. Cunis ma leh.

Ugu dambeyntii, ra’yigeyga, dunida ma jirto ummad ‘af-maal’ ah (oral society) oo horumar gaarta. Taxanaha taariikhdu waxay noo sheegeysaa in horumarka warshadaha iyo teknoolojiyada reer Yurub iyo Jabaan intaba ay ka dambeeyeen kadib markii ay ku guuleysteen meel marinta waxa la yiraahdo ‘kelmadda daabacan’ (the print word). Inta dadkeenu wax dhegadhegeyn iyo hadal kaliya ku nool yahay, waa adkaan doonta in calawga iyo isbarbar yaaca laga boxo iyo in nin aan waxba soo kordhineyn oo indha la’ uu shacabka masaakiinta ah af-maalnimadiisa uga adeegto, god dheerna kusii rido. Sidaas darteed, waxaan leeyahay, ummadeenu waa inay usoo jeedsato inay ‘kelmadda daabacan’ u marto xaqiijinta danta ummadeed.  

Dr Aweys Cumar Maxamuud


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.