Tuesday, May 17, 2022
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sheekh Shariif Sheekh Axmed: Musharraxa ugu Habboon in uu Hoggaamiyo Madaxtooyada Soomaaliya

W/Q Sayid Maxamed Axmed Gurey

Doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya, oo in badan dib u dhacday, ayaa lagu wadaa in ay ka qabsoonta teendhada aadka loo ilaaliyo ee Afisiyoone ee ku taalla gegeda Diyaaradaha ee Muqdisho maalinta Axadda ee bishu tahay 15ka May, maalintaas oo ku beeggan maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed oo loo dabbaal dago aasaaskii ururkii SYL oo ahaa urur dhallinyaro oo horseeday xornimadii Soomaaliya sannadkii 1960.

Md. Sheekh Sharif

Musharrixiinta ugu muhiimsan ee tartankan loogu jiro hoggaanka madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka ka mid ah Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Cali Khayre, Raysal wasaarihii hore, iyo Siciid Cabdillaahi Deni, madaxweynaha Puntland. Waxa kale oo isna tartamaya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo uu xiligiisii dhamaaday bishii Febraayo ee sannadkii 2021.  

Inta badan bulshada Soomaaliyeed ayaa kor iyo hoosba u dalbanaya soo noqoshada Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isaga oo loo arko in uu yahay hoggaamiye bislaaday oo aragti fog leh awoodna u leh in uu xal waara u helo muskhiladaha amni darrada, khilaafka siyaasaddeed iyo horumar la’aanta daba dheeraatay ee dalka haysta. Waa hoggaamiye lagu aamini karo in uu dalka isku ururiyo, sees cusub u dhigo isla markaana gaadhsiiyo hiigsigii umadda Soomaaliyeed. Marka la eego aragtidiisa hoggaamineed, guulihii uu ka gaadhay dawladda iyo jacaylka uu u qabo dalka iyo dadka Soomaaliyeedba, ma jiro musharrax kale oo la bar bar dhigi karo. Waa hoggaamiye dhab ah, jacayl qoto dheer u qaba dalka iyo dadka Soomaaliyeed, lana hubo in uu dadaal dhab ah samayn doono si uu Soomaaliya uga dhigo mid dhaanta sida ay maanta tahay.

Sheekh Shariif waxaa loo arkaa in uu yahay kii hor-seeday geeddi-socodkii uu dalku kaga soo gudbay 12kii sanno ee ku meel gaarkii una soo gudbay dawladnimo federaal ah. Intii uu maamulka hayay ee sannadihii u dhexeeyay 2009 ilaa iyo 2012kii, dawladdii uu hoggaaminayay waxaa soo wajahay caqabado aanay jirin kuwo loo dhigaa, waxaana uu dagaal la galay koox argagixiso ah oo ay ka go’nayd in ay afganbiyaan dawladda isla marka ay soo cago dhigataba.[1] Si lama filaan ah, dawladdii Sheekh Shariif waxaa ay muujisay in aanay dhayal ku burburayn, waxaana ay ku guulaysatay in ay ka saarto argagixisadii magaalada Muqdisho sannadkii 2011, ka dibna waxaa ay bilawday in ay ka saarto magaalooyinkii kale ee dalka ee ay haysteen. Marka laga yimaado guulahaa taariikhiga ahaa ee ay dawladdii Sheekh Shariif ka gaartay dagaalkii ka dhanka ahaa Alshabaab, waxaa kale oo ay guulo mug leh ka gaadhay dhinacyada dyaarinta iyo hirgelinta Dastuurka KMGS ee Soomaaliya, maamul wanaaga iyo dib u dhiska dalka. Waxaa kale oo ay ku guulaysatay in ay adduunyada ka hesho taageero bani aadannimo si wax looga qabto macaluushii baahsanayd ee dadka soomaaliyeed ku hafsatay sannadkii 2011kii.

Hoggaamintiisii waxaa ay soo jiidatay dareenka bulshada caalamka, gaar ahaan dawladda Turkiga oo noqotay illaa hadda saaxiib lagu kalsoonaan karo oo Soomaaliya si gaar ah uugala shaqaysa dhinacyada amniga iyo horumarka. Waxaa xusid mudan in dawladdiisu xiligaa ay ku shaqaynaysay miisaaniyad aad u xaddidnayd, maadaama wakhtigaas ay aad u yaraayeen ilaha dhaqaale ee dawladdu, taageerada caalamiguna ay aad u koobnayd.

Waxaa taasi aad uuga marxalad duwanayd dawladda uu wakhtigeedii dhamaaday ee Farmaajo, taas oo la kulantay wakhti ay adduunyada deeq gaadhaysa balaayiin doolar oo dalku aanu hore u arag, laakiinse ayaan darro wax la taaban karo oo ay ku qabteen aanu jirin, halka uu amnigu ka sii daray oo kooxihii argagixisadu ka sii xoogaysteen sidii hore iyaga oo maamula qaybo dhan oo dalka ka mid ah. Haddii dib loo doorto, Sheekh Shariif waxaa lagaga talo gali karaa in uu amnigii iyo nabaddii dib u soo cesho, dalka dib u heshiisiiyo mideeyana, isla markaana dib ugu jiheeyo dhanka horumarka, xasiloonida iyo barwaaqowga.

Md. Shekh Shariif waxaa lagu jamtaa naf-hurnimadiisa iyo shakhsiyaddiisa wanaagsan. Waxaa kale oo dadweynaha Soomaalidu ku jecel yihiin astaamihiisa daacadnimada, dhexdhexaadnimada, dhabar adayga, damiirkiisa iyo mabaadii’diisa xoogga badan ee qotada dheer. Si ka duwan hoggaamiyeyaasha lagu yaqaan kali talisnimada iyo isla qumanaanta, Sheekh Shariif oo ah nin aad u tawaaduc badan waxaa uu mar walba isku arkaa in uu yahay qof u adeegaya dalkiisa iyo dalkiisa. Taasina waxaa ay ka mid tahay astaamaha ay ku jecel yihiin bulshada Soomaaliyeed, keentayna in uu ka kasbado ixtiraam iyo qaddarinta siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo bulshadaba si guud.

Waxaa wax laga xumaado ah in kali talisnimo, musuqmaasuq iyo damiir-xumo ka dhalatay colaadihii ay saameeyeen bulshada Soomaaliyeed. Waxaa uu dalku u baahan yahay hoggaan karti u leh in uu muujiyo hoggaamintii xirfad hoggaamin siyaasaddeed oo ku qotonta dhaqanka  soomaaliyeed iyo diinta islaamka. Sheekh Shariif waxa uu waxbarasho heer jaamacadeed oo dhanka sharciga ah ka soo qaatay jaamacado ku yaalla wadamada Liibya iyo Suudaan, ayna u dheertahay daraasado aqoonkororsi ah oo uu kusameeyey Boston University, USA iyo Oxford University, UK, waxaa Sheekh Shariif lagu yaqaanaa damiir hufan oo aad u sarreeya iyo in uu ka madhan yahay nooc walba oo musuq maasuq ah. Waxaa sidoo kale lagu ixtiramaa sida ay uuga muuqdaan dhaqan Soomaaliyeed iyo xirfad diblomaasiyeed oo u suurto galin karta in uu dalka ka badbaadiyo hirdanka siyaasadeed ee dunida ka taagan.  

Dhanka diblomaasiyadda, shanti sanno ee u danbaysay waxaa lagu tilmaami karaa kuwii uugu madoobaa ee Soomaaliya soo mara. Sida uu dhigayo ururka aan dawliga ahayn ee Diplo, ee laga leeyahay wadamada Switzerland iyo Malta, nidaamka diblomaasiyadda adduunku waa hab-dhaqan ku unkama taariikh, soo jireen, dhaqan iyo af kaas oo ku saabsan hab dhaqanka habboon ee fagaarayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ahba. Waxana uu tilmaamaa dhaqanada habboon ee hoggaamiyeyaasha, diblomaasiyiinta iyo waddamada adduunku[2]. Marka aad si qoto dheer u daraasaysid, waxaa kuu soo baxaysa in ay Soomaaliya gabi ahaanba ka madhnayd dhaqamadaas habboon oo laga filayo dalkasta iyo hoggaamiye kasta oo xilkas, wakhti ay Soomaaliya u baahnayd in ay soo ceshato kalsoonidii iyo wada shaqayntii adduunka.

Dib u doorashada Sheekh Shariif waxaa ay fursad dahabi ah u noqon doontaa sidii loo dabar goyn lahaa dhaqankaa foosha xun ee ay Soomaaliya ku suntantay dharaarihii madoobaa ee inna dhaafay waxaana uu miiska soo dhigi doonaa dibloomasiyad ku salaysan xirfad qoto dheer taas oo hore uu dalku u mahadiyay. Intii uu madaxweynaha ka ahaa dalka, Sheekh Shariif waxaa uu muujiyay xirfad aad u sarraysa oo dhanka maaraynta arrimaha caalamiga ah. Halka madaxweynaha hadda mudadu ka dhamaatay ay madaxa iskula jireen badi hoggaamiyeyaasha wadamada jaarka ah iyo kuwa kaleba, deganaanta Sheekh Shariif iyo xilkasnimadiisa ayaa ay aad uula dhaceen diblomaasiyiinta gobolka iyo kuwa caalamiga ahiba.
Waxaa uu xidhiidh wanaagsan la sameeyay hoggaamiyeyaasha adduunka iyo saaxiibada Soomaaliyaba, oo ay ka mid yihiin deeq bixiyeyaasha caalamiga ah, Qaramada Midoobay, Ururka midowga Afrika, IGAD iyo Jaamacadda Carabtu.

Sheekh Shariif waxaa lagu yaqaanaa in uu ku wanaagsan yahay abuuridda afkaar laga midaysan yahay, taas oo u suurto galin karta in uu isu keeno Soomaalida aadka uugu kala duwan afkaarta siyaasadeed. Sida uu tilmaamayo Barnaamijka Dhexdhexaadinta ee Jaamacadda Harvard, habka abuuridda afkaar laga midaysan yahay waxaa loo baahan in si daacadnimo ah loogu dadaalo in la iska xilsaaran danaha dhammaan qaybaha kala duwan, lana raadiyo heshiis wada-ogol ah.[3]. Sheekh Shariif waxaa lagu yaqaanaa kartidaas, isaga oo intii uu xilka hayay aad uugu dadaalay isku ururinta afkaarta bulshada Soomaaliyeed oo aad u kala fogaa. Shantii sanno ee u danbaysayna, isaga oo ahaa hoggaamiyaha mucaaridka kaalintaas dhex-dhexaadiye nimada ayuu aad uugu suntanaa, isaga oo ku dadaalay in uu isu keeno mucaaridka, bulshada rayidka iyo dadweynaha Soomaaliyeed. Waxaa uu sidoo kale kaalin weyn ka ciyaaray isu keenidda mucaaridka oo dhexdooda aad u qaby sannaa, waxaana uu ku mideeyay Madasha Badbaado Qaran oo ay ku midoobeen ilaa lix xisbi mucaarid.

Marxaladdan kala guurka ah ee ay Soomaaliya maanta ku sugantahay, waxaa uu dalku u baahan yahay hoggaamiye Sheekh Shariif oo kale ah, kaas oo awood u leh in uu gaadho go’aanno ad adag isaga oo isla markaana dhug u leh afkaarta dadkiisa si dhab ahna ugu xisaabtamaya afkaartooda. Waa ruug caddaa karti u leh in uu si togan uula shaqeeyo hoggaanka waddanka iyo saaxiibada caalamiga ah ba si loo dajiyo qorshe lagu gaadho  is beddel dhab ah. U codaynta Sheekh Shariif waxaa ay ka dhigantahay u codaynta dib u cusboonaysiinta iyo hagaajinta Soomaaliya. Sido kale, waa u codaynta waxaa uu u taagan yahay oo ah nabad, barwaaqo, midnimo iyo dib u heshiisiin.

Haddii dib loo doorto, Sheekh Shariif wuxuu horseedi doonaa sidii loo heli lahaa Soomaaliya cusub oo ka madhan talo maroorsi iyo musuq. Waxaa uu salka u dhigi doonaa dhisidda ciidan karti leh oo amniga dalka la wareega marka ay ATMIS muddadu ka dhamaato. Wuxuu soo celin doonaa sharcigii iyo kala danbayntii, hirgalin doonaa dimuqraadiyadda, isla markaana kor u qaadi doonaa ku dhaqanka iyo ixtiraamidda sharciga iyo qaynuunka. Waxaa uu xoojin doonaa nidaamka federaalka, xidhiidh wanaagsan la yeelan doonaa maamulada federaalka, isla markaana soo gebogabayn doonaa hannaankii dastuur samaynta dalka. Ugu danbayn waxaa uu soo afjari doonaa qabyaaladda xadhkaha goosatay, musuqmaasuqa ku baahay hay’adaha dawladda, wuxuuna hir galin doonaa dib u heshiisiin iyo midaynta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo salka u dhigi doonaa mashruuc dib u dhis qaran kaas oo suurto galin doona in ay Soomaaliya ka noqoto gobolka dawlad la tix galiyo laguna xisaabtama, taas oo gudata kaalinteeda kaga aadan arrimaha gobolka iyo kuwa geeskaba.

Sayid Maxamed Axmed Gurey
Email: [email protected]


[1] A Talk with Somalia’s President: https://www.nytimes.com/2009/09/17/world/africa/17somaliaq-a.html

[2] Diplomatic Protocol: https://www.diplomacy.edu/course/protocol/

[3] Havard Program on Negotiation (PON): https://www.pon.harvard.edu/tag/consensus-building/#:~:text=Consensus%20building%20is%20a%20process,since%20U.S.%20general%20Henry%20M.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2022 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.