Guddoonka labada Aqal oo kulan la qaatay ATMIS & Booliska Soomaaliya ku aadan sugida aminga doorashada xilli Bandow lagu soo rogey Muqdisho

Muqdisho (WDN)- Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)  iyo guddoomiyaha Aqalka Sare  Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan la qaatey saraakiisha hawlgalka ATMIS iyo ciidamada Soomaaliyeed, waxayna kula dardaarmeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen sugidda amniga doorashada dhici doonta maalinta berri ah 15-ka May  oo saacado kooban ka harsantahay.

Md. Cabdi Xaashi iyo Md. Aadan Madoobe
Labada guddoomiye oo kulanka la qaatay taliyaha guud ee Sector1 hawlgalka ATMIS Gen. William Shume iyo taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo saraakiil kale. Waxaana kulanka goobjoog ka ahaa ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee midowga Africa Fiona Lortan.

Gguddoonka Baarlamaanka ayaa ka dhagaystey warbixin saraakiisha ATMIS halka ay mareyso u diyaargarowga laamaha amniga ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo maalinta berri dhici doonta.

Guddoonka labada aqal ayaa farey saraakiisha ATMIS iyo kuwo Soomaalida in ay iskaashi buuxa ka sameeyaan sugidda amniga doorashada xilweynna ay iska saaraan.

Dhanka kale taliska Booliska Soomaaliya ayaa kusoo rogey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho bandow adag oo bilaabaya 14-ka May oo caawa ah gaar ahaan  9:00 Fiidnimo kuna  eeg 16-May  saacaddu marka ay tahay 6:00 subaxnimo.

Waxaana bulshada la farey in ay u hogaansamaan awaamiirta laamaha amniga .

Inta bandowgu socdu ma jirto wax gaadiid ah oo dhaqaaqi kara oo aan ka aheyn gaadiidka ciidamada loo xilsaarey sugidda amniga doorashada.

Maxamed Cumar Aaden.
Wardheernews, Muqdisho