Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Guddiga doorashada oo ugu baaqay musharaxiinta soo gudbinta wakiilada cod tirinta

Muqdisho (WDN)- Guddiga isku dhafka ah ee doorashada Soomaaliya ayaa soo saarey fariin ku socota musharaxiinta xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo ku aadan soo gudbinta musharax waliba wakiilka codka u tirinaya.

Guddiga ayaa tilmaamay in musharaxiinta looga baahanyahay in ay waqtiga dhawraan waxa uuna qoraalkiisa ku yiri “Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha JFS waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka.

Musharraxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay uma suurta gali doonto in uu hoolka doorashada soo galo qofka la socda FG: Waqtiga kamadanbaysta ah ee soo gudbinta magacyada waa 12:30 Am (duhurnimo) ee maanta” 

Maalinta berri ah ayey dhici doontaa doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya oo ay ku tartami doonaan 37 musharax, iyada oo ay qaar ka hadheen tartanka, xilli amaanka guud ee magaalada si weyn loo adkeeyey saacadaha soo socdana ciidamada amaanka sheegay in bandow bilaaban doono.

Maxemed Cumar
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.