Guddiga doorashada oo ugu baaqay musharaxiinta soo gudbinta wakiilada cod tirinta

Muqdisho (WDN)- Guddiga isku dhafka ah ee doorashada Soomaaliya ayaa soo saarey fariin ku socota musharaxiinta xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo ku aadan soo gudbinta musharax waliba wakiilka codka u tirinaya.

Guddiga ayaa tilmaamay in musharaxiinta looga baahanyahay in ay waqtiga dhawraan waxa uuna qoraalkiisa ku yiri “Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha JFS waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka.

Musharraxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay uma suurta gali doonto in uu hoolka doorashada soo galo qofka la socda FG: Waqtiga kamadanbaysta ah ee soo gudbinta magacyada waa 12:30 Am (duhurnimo) ee maanta” 

Maalinta berri ah ayey dhici doontaa doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya oo ay ku tartami doonaan 37 musharax, iyada oo ay qaar ka hadheen tartanka, xilli amaanka guud ee magaalada si weyn loo adkeeyey saacadaha soo socdana ciidamada amaanka sheegay in bandow bilaaban doono.

Maxemed Cumar
WardheerNews, Muqdisho