Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dabeecaddaha Kelitalisnimada & Gaboodfallada ka Dhasha Midiidinta-Qeybta 2-baad

WQ: Cabdiraxmaan Al Kawakibi
Tarjumadii Dr. Maxamed Sh. Cali (Doodishe)

Ra’yiga culimada rogrogta taariikhda dabeecaddaha diimaha, waxa uu isugu biyo shubtay in kelitalisnimada siyaasaddeed ay ka dhalato kelitalisnimimada diinta, qaarkoodna waxa ay yiraahdaan haddii aysan jirin in ay is dhaleen, waa walaalo oo aabahood waa amar-ku-taaglayn, hooyadoodna waa madaxtinimo, amaba waa kuwa si aad ah isugu muuqaal eg. Xiriirka ka dhexeeyaa waa baahida ay u qabaan inay dulleeyaan aadanaha, halka ay isaga egyihiinna waa midna waxa uu u taliyaa jirka aadamiga, kan kalana qalbigiisa.

Cabdiraxmaan Al Kawakibi

Labadaa kooxoodna waa ay ku saxan yihiin ra’yigooda, marka la eego khuraafaadka dadyawgii hore, iyo qeybaha taariikhiga ah ee Towraad iyo dhamaabalda dabayaalla ee Injiilka, weyse gafsan yihiin marka la eego qeybaha farriimaha akhlaaqda ah ee labadaa kitaab, sidoo kale waa ay gafsan yihiin haddii ay u malaynayaan in Qur’aanku u soo dagay inuu taageero kelitalisnimada siyaasaddeed, cudurdaar la aqbali karana ma aha inay yiraahdaan innagu ma haleeli karno macnaha qotada dheer ee Quraanka, ee ku hoos jira balaaqadiisa iyo cilmiga asbaabta loo soo dejiyay aayadaha Qur’aanka, waxaase go’aankeenna aan ku dhisaynaa wixii aan ku aragnay muslimiinta tan iyo qarniyo aad u fog oo ah in kelitaliyayaashu ay kaalmaystaan diinta.

Sida ay qolyahaasu qabaanna awaamiirta diinta oo ay ka mid tahay kuwa kutubta samaawiga ah, waxa ay aadanaha farayaan in ay ka cabsadaan awood aad u wayn, oo aysan jiritaankeeda ku garan karin  caqilgooda. Awooddaa oo aadamiga ku cabsigelinaysa musiibo kasta oo nolosha adduunka ku kooban, sida diimaha Buudiga iyo Yahuudda ay dhigayaan, ama nolosha dunida iyo geerida kadib labadaba, sida diimaha Kirishtaanka iyo Islaamku ay qabaan, cabsigelintaas oo jirkoodu la gilgisho, tabartooduna hoos ula dhacdo, caqligooduna la amakaago, kadibna ay dhex-muquurtaan jahwareer iyo caajis, markaa kadib ayay awaamirta diintu u furtaa albaabadii ay uga badbaadi lahaayeen cabsida. Badbaadadaas oo leh nimco joogto ah, hayeeshee albaabadaa waxaa ku gadaamaan wadaaddo, kuhaan, baadariyaal iyo kuwa lamid ah oo aanan dadka u ogolaanaynin inay albaabadaa ka gudbaan, haddii aanay iyaga weynaynin, oo aysan isu dullaynin, hoosna isugu dhigin, oo aysan quudinin; nadar ha siiyaan ama lacagta dembi-dhaafka e, waxaana intaa dheer in diimaha qaarkood, wadaaddadu ay ka horjoogsadaan -sida ay sheeganayaan- ruuxda aadanaha, geerida kadib inay la kulanto rabbigeed, haddii aanan la siinnin gibirkii ay ugu fasixi lahaayeen qabriga iyo madax-furashadii lagu badbaadin lahaa. In badan ayay hogaamiyayaasha diimuhu dadka ku cabsiiyaan carada Alle, iyaga oo uga digaya in ay haleeli doonto musiibooyin ka yimaada dhanka Alle iyo cadaabkiisa, kadibna wax ay u sheegaan in aysan badbaadaynin oo aysan nabadgalaynin haddii aanay magangelin qolyaha qabuuraha ku aasan, kuwaa oo qaddarin iyo saamayn ku leh Alle, caradiisana ka badbaadiya aadanaha.

Waxa ayna sheegaan in siyaasiyiintu xeelad lamid ah tan wadaaddada ay aasaas uga dhigaan kelitalisnimadooda, iyaga oo dadka ku cabsigeliya is-weynaysiin iyo san-taag. Waxay ku dulleeyaan jujuubid, awood-sheegasho iyo xoolaha oo laga dhaco, kadibna waxa ay ka dhigaan kuwa ayaga hoos jooga oo shaqaale u ah, oo ay adeegooda ku raaxaystaan si la mid ah sida ay ugu raaxaystaan xoolaha ay dhaqdaan oo ay caanahooda cabbaan, hilibkooda cunaan, gaadiidna ka dhigtaan, dabadeedna isugu faanaan.

Waxa ayna qolyahaasu arkayaan in isu ekaanshaha kelitalisnimada diinta iyo tan siyaasadda ee dhanka qaab-dhismeedka iyo natiijada ka dhalataba ay lamid tahay sida Faransiiska iyo Ruushku u adeegsadaan.  Dhanka Faransiiska labadan arrimood waa kuwa shaqo wadaag ah oo sidii laba gacmood oo mataano ah isu kaalmaysta, halka Ruushku labadan arrimood ay yihiin kuwa shaqadoodu isku dhafan tahay sidii loox iyo qalin oo kale, oo diiwaangelinaya rafaadka ummaddaha haysta.

Waxa ayna qolayahaasu hoosta ka xarriiqayaan in isu-ekaanshaha labadan awooddood uu ku riixo aadanaha aan aqoonta lahayn, oo ah dadka intooda badan, in ay isaga qasanto farqiga u dhexeeya Allaha xaqa lagu caabudo iyo kelitaliyaha qasabka loogu hogaansamo. Waxa ayna maskaxdoodu kala garan weydaa, heerka isu-ekaanshahoodu gaarsiisanyahay awgii, kan mudan in aad loo weyneeyo, iyo kan ka sarreeya weydiinta iyo in lagula xisaabtamo falkiisa, sidaa darteed uma arkaan inay xaq u leeyihiin in ay korjoogteeyaan oo la xisaabtamaan kelitaliyaha, maadaama uu farqi weyn u dhexeeyo weyninkiisa iyo yaraantooda. Haddii si kale loo yiraahdana caamadu waxa ay arkayaan in Allaha ay caabudaan ee xaqa ah iyo kan xoogga ku haysta ay wadaagaan xaaladdo badan, magacayada iyo tilmaamaha intaba, sidaa darteed dan iyo heello kama galaan kala saarista (Allaha awooddiisu aanay xadka lahayn), iyo midka ku xukuma amarkiisa, (Allaha aan la weydiinin wixii u sameeyo), iyo midka aan masu’uulka ahayn, (Allaha nimcada bixiya) iyo midka nimcada ay gacantiisa ku jirto, (Allaha haybadiisu sarrayso) iyo haybadlaha. Sidaa darteed ayuu aadanuhu u weyneeyaa kuwa ku amar-ku-taagleeya si lamid ah sida ay u weyneeyaan Allahooda,  iyadoo weliba sida ay Alle u weyneeyaan si ka sii sareysa u weyneeya kuwa ku amar-ku-taagleeya, sababtuna waa Alle oo ah mid dulqaad badan, deeqsi ah, cadaabtiisuna aanay soo degdegin, halka kuwa ku amar-ku-taagleeya ciqaabtoodu tahay mid horay ka haleelaysa, sida la yiraahdana caamadu waa indho-ku-garaadle, garashadooda iyo ficilkooduna ma dhaafsiisna xaaladda markaa hortaalla, waxaana la dhihi karaa haddii aadanuhu aanu rajo ka qabin Alle, oo aanay u cabsoonaynin noloshooda dunida, mana aysan soomeen, salaadna foodda ma saareen, sidoo kalana haddii aanay rajo degdeg ah qabin, aqrinta wardiga dariiqada kama ay hormariyeen aqrinta Quraanka, ku dhaarashada magaca awliyadana kama aysan hormriyeen ku dhaarashada magaca Alle.

Xaaladdanina waa tan fududeysay in kelitaliyayaasha ummaddiihii tagay qaarkood ay sheegtaan ilaahnimo, taasoo ay heerarkeedu kala duwan tahay, hadba si waafaqsan garashada dadka ay hogaamiyaan, waxaana la oran karaa ma jiro kelitaliye xitaa kuwa maanta jooga oo aanan samaysanynin tilmaan muqaddas ah oo uu Alle la wadaago, amaba siinaysa maqaam Alle xiriir la leh, midda ugu yarna waa inuu samaysato la-taliyayaal diinta ku adeegta, oo ku kaalmeeya inuu dadka ku dulmiyo magaca Alle, waxa ugu yar oo ka dhalan kara kelitalisnimadaasina waa ummaddaha oo loo kala qaybiyo madaahib iyo kooxo dirirsan, oo midba ta kale iska caabinayso. Halkaas oo ay ku burburto awooddii ummaddu lahayd, kelitalisnimaduna hesho jawi munaasib u ah oo ay ku ukuma dhasho, taasina waa siyaasadda Ingiriisku kula dhaqamo dalalka uu gumaysto, halkaasoo awoodda ugu badan uu ka helo kala-qaybsanaanta shacabka iyo iyaga oo awooddii ay lahaayeen isku baabi’ya, kadib marka ay isu khilaafaan mad-hab ahaan iyo diin ahaan.

Waxa ay qolyahaasu ku cilladaynayaan falalkii ay sameeyeen kelitaliyayaalka ay ka mid yihiin (Ilmo Daauud) iyo (Konostantiin) oo ah inay diinta ku faafiyeen dadyowgii ay hogaaminayeen, iyo sidoo kale u gaargaaridii ( Filib-kii 2aad) ee reer Spain iyo ( Henery-gii 8aad) ee  Ingiriiska, ay u gargaareen diinta ilaa ay ka sameeyeen maxkamado u gaar ah, oo la soo taago dadka lagu eedeeyo inay diinta khilaafeen, iyo sidoo kale u gargaaridda uu hogaamiyihii Faadumiyiinta iyo madaxdii cajamka ahaa ee Islaamku ay u gargaareen Suufiyadii xagjirka ahayd, iyo mawlacyadii ay u dhiseen, in ujeedooyinka laga lahaa ay ahayd adeegsiga diin la dhalanrogay iyo qaar kamid ah ahlu-diinka wacyigoodu hooseeyo oo gabbaad laga dhigto si masaakiinta loogu dulmiyo, arrinka ugu weyn ee u suurogalinaya kelitaliyuhu in ay sidan wax ugu fulaanna waa dadka oo qaacidooyinka iyo awaamiirta diiniga ah u hogaansama ayaga oo aanan wax baaritaan ah ku samaynin, ama aan dood gelinin, sidaa si la mid ah ayuu kelitaliyuhu doonayaa in dadku amaradiisa ugu hogaansamaan sida ay ugu hogaansamayaan awaamirta diinta, ujeeddadaa darteed ayayna in badan kelitaliyayaashu isku dayaan in ay amarradooda iyo wixii ka farcama u sameeyaan saldhig diineed.

Qolyahaasu waxa ay hoosta ka xarriiqayaan in kelitalisnimada siyaasaddeed iyo tan diiniga ahi uu ka dhexeeyo xiriir aan kala go’aynin, oo haddii midkood uu jiro waxa uu horseeda midka kalana in uu yimaado, haddii midkood uu meesha ka baxana midka kalana waa uu raacaa, haddii tabardarri haysa midkood uu ka soo kabsadana kan kalana waa ka soo kabsadaa. Waxyna oranayaan arrimaha ka marakacaya xiriirkaa isaga ahna waa ay badan yihiin, waqti kasta iyo goor kastana waa lagu arkaa. Waxa ayna caddeeynayaan in saamaynta diintu ka xoog badan tahay tan siyaasadda, haddii ay ahaan lahayd in wax la hagaajiyo ama la fasahaadiyo, waxa ayna tusaalle u soo qaadanayaan qolyaha Saksoonka “Saxon” oo ah Ingiriiska, Holland, Maraykan iyo Jarmal, qolyahaa oo ah kuwa qaatay mad-habta Borotestanka “Protestant”, waayoo saamayntii ay xorriyaddihii diinta ee mad-habka Borotestanku ku yeelatay horumarinta siyaasadda iyo akhlaaqda ayaa aad uga weyn saameynta xoriyadda  dabarka-goosatay ee siyaasaddeed ay ku yeelatay dadka Laatiinka ah, oo loola jeedo Faransiiska, Talyaaniga, Isbayn iyo Bortaqiiska, waxa ayna isku waafaqeen qoraayaasha siyaasadda ee aadka ugu xeel-dheer, iyaga oo cuskanaya taariikhda iyo dabagalka ay ku sameeyeen, inaanay jirin ummad, qoys ama qof isku adkeeyay diinta oo aanay dunidiisu burburin, oo aanan seegin labada daaroodba.

Hakan ka kahri qoraalka oo dhamaystiran: Dabeecaddaha Kelitalisnimada & Gaboodfallada ka Dhasha Midiidinta-Qeybta 2-baad

WQ: Cabdiraxmaan Al Kawakibi
Tarjumadii Dr. Maxamed Sh. Cali (Doodishe)
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.