Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Doorka Luqadaha iyo Waxbarashada

“Ceel nin galay baa wax laga weydiiyaa”  Maah-maah Soomaaliyeed

Waxaa bishii Febraayo 19keedii 2022 ka dhacay barta internetka ee loo yaqaan Zoom kulan ay ka soo qaybgaleen dad kala jooga qaarado kala duwan. Kulankaas ayaa mowduuciisu ahaa ” Doorka Luqadaha iyo Waxbarashada”, hal-ku-dhigna looga dhigay “ceel nin galay baa wax laga weydiiyaa”. 

kulankan waxa soo qaban-qaabiyey golaha Gaheyr Engineers Group oo kulmiyey injineeradii ka baxay Kulliyadda Handasada Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, tan iyo markii la aasaasay 1970yadii ilaa 1990kii (intoodii is heli kartay). 

Ujeedada laga lahaa fogaan-kulankan (teleconference) wuxu ahaa in la helo sawirka guud ee jahawareerka luqadaha wax-lagu-barto, haddii ay jiraan, iyo halbeegyada loo adeegsan karo qiimaynta xulashada luqadaha ee waxbarashada. 

Fogaan-kulankaas waxa marti ku ahaa, soo-jeediyaal-na ka ahaa, macallinka weyn ee Afka Soomaaliga professor Cabdalla Cumar Mansuur, wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdiraxmaan Aw-Dahir iyo agaasimaha waxbarashada gobolka Banaadir Abdiraxmaan Sheekh-Nuur. 

Soo-jeediye kastaa waxa uu gooni u qaatay doorka ay luqaduhu ku lahaayeen xilli gaar oo ka mid ah taariikhda waxbarasho, laga soo bilaabo1960kii, isagoo bud-dhig uga dhigaya soo jeedintiisa: maxaa aasaas u ahaa xulashada luqadaha wax lagu barto ee xilligaas isaga ah?

Waxaanu halkan idiinku soo gudbineynnaa qoraal kooban oo ku saabsan, guud ahaan, qodobadii muhiimka ahaa ee laga soo jeediyey kulankaas.

Professor Mansuur 

Professor Mansuur ayaa qaadaa-dhigay doorkii luqadaha iyo waxbarashada ee xilligii dawladda dhexe (1960-90). Professor Mansuur wuxu tilmaamay guushii laga gaaray mideynta labadii nidaam waxbarasho ee golbolladii midoobay 1960 (waqooyi iyo koofur). Taasoo isugu biyo shubtay in luqadaha waxbarshadu noqdaan Ingiriisi iyo Carabi. Aasaaskii kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda ummaddu wuxuu isna sii xoojiyey isticmaalkii luqadda Talyaniga.

Prof Mansuur waxa uu ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in ilmuhu ku bilaabo waxbarashada afkiisa hooyo, taas oo uu ku sababeeyey in ilmuhu afkiisa sahal wax ugu fahmi karo casharka. Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in naxwaha afku uu dabeeciyan ku jiro maskaxda qofka, u baahan yahay keliya in la cariyo ama laga faa’ideysto. Wuxuu kaloo ku daray in ilmaha barashada naxwaha afkiisu ay u fududeyso barashada luqadaha kale.

Prof Mansuur waxa uu tilmaamay doorka luqadda Ingiriiska ee dunida u qabsatay sida dollarku u qabsaday suuqyada lacagaha caalamka. Waxa kale uu ka digay waxa uu ugu yeeray gacan-bidixaynta af-soomaliga, macnihii in aan dawladdu hoos u dhigin muhiimadda af-Soomaaliga, iyadoo luqadaha qalaad la kor yeelayo. Meeqaanka mujtamacu siiyo afkooda waxay hadba ku xiran tixgelinta madaxdu dawladoodu siiso luqadooda, buu tibaaxay Prof Mansuur.  

Waxa uu macallinku ku adkaystay in aysan dhib lahayn luqada ardaygu wax ku barto jaamacadda, haddii uu afkiisa wax ku soo bartay ilaa dugsi sare, luqadda Soomaaligana si wacan u yaqaan. Waxa keliya ee uu ardaygu u baahan yahay waa hal sanno oo laga dhiso luqadda uu jaamacadda wax ku baranayo.

Agaasime Cabdiraxman SheekhNuur

Agaasime SheekhNuur wuxu si farshaxan iyo faahfaahin-ba leh  u sharxay waayo-aragnimadiisii shakhsiyeed, maadaamaa uu isagu yahay qof wax bartay burburkii dawladda dhexe ka dib. Agaasime SheekhNuur waxa u tilmaamay in 1993 -2016 ay luqadda Carabigu ahayd tan dugsiyadu badankood ay caruurta/ardayda wax ku bari jireen. Kaalmadii dawladaha iyo ururrada samafalka ee carabta ee buuxiyey baahidii waqtigaas jirtay ayaa door ku laheyd isticmaalka luqadda carabiga ee xagga waxbarashada.    

Waxay dugsiyadaasi qaateen nidaamkii waxbarashada ee dalaka carabta oo ahaa 6-3-3 (6 sanno dugsi hoose, 3 sanno dugsi sare); waxaan dusha ka hagi jiray dallado waxbarsho, gaar ahaan koofurta waddanka.

Waxaase soo baxay jaah-wareer, ka dib markii 2001 la asaasay jaamacado badankoodu luqadda waxbarashadu noqotay Ingiriisi. Markaas ayey dugsiyada qaarkood bilaabeen in maadddooyinka sayniska lagu barto Ingiriisi, culuumta bulshadana Carabi.  Is-beddelkan luqadaha waxa ka dhashay in fahamka casharka ee aradaygu dhantaalmo, kolkaana uu miciinsado xifdin (kor-ka-qaybis).

Haddana 2016dii ayaa Dawladda Federalka Soomaaliya (DFS) dhammays-tirtay manhajkii dugsiyada oo af-Soomaali ku qoran watana xayndaabkiisa (standard/outcomes). Manhaj leh xayndaab waxa uu kordhiyey fahamka maadooyinka ee ardayga iyo la socoshada horumarka waxbarasho ee ardayga.

Agaasime SheekhNuur waxa uu taabtay ciladaha ka dhashay qaadashada af-Soomaaliga sida macalimiinta oo badankoodu aysan u tababarnayn cashar ku bixinta af-Soomaaliga.  Wuxu agaasimuhu ku daray intaas in manhajka dugsiga sare saddexda luqadood-ba lagu diyaariyey (Soomaali, Carabi iyo Ingiriisi), dugsigii wax ku dhigaya Carabi ama Ingiriisi-na  lagu waajibiyey in maaddooyinka juqraafiga iyo Carbiga lagu barto Soomaali. 

Wasiir Cabdiraxmaan

Wasiir Cabdiraxmaan waxa uu qaatay doorkii luqadaha ee xagga waxbarashada ka dib burburkii dawladda dhexe (2016 – ilaa hadda). Wasiir Cabdiraxmaan waxa uu tilmaamay in 2016 kii Dawladda Federlka Soomaaliya (DFS) ay hirgelisay manhaj cusub oo loogu talagalay waxbarashada dugsiyada. Manhajkaas oo afka Carabiga lagu bilaabayo fasalka 2aad, Ingiriiskana fasalka 3aad. Dugsiyada hoose dhexena (fasal 1 -8) in maddooyinka oo dhana lagu baran doono Af-Soomaali. Nidaamka dugsiyeedka la qaatay-na waxa uu noqday 4-4-4, oo ka dhigan; 4 sano dugsi hoose ah, 4 sanno dugsi dhexe ah, iyo 4 sanno oo dugsi sare ah. 

Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyey in siyaasadda luqadaha waxbarsahada lagu salaynayo xaalado muhiim ah sida dhul ahaan dalkeennu meesha uu ku yaal, dhaqaalaha, bulshada iyo dhaqanka. Wuxu xusay in siyaasadda waxbarashada iyo luqadaha si looga miro-dhaliyo ay mar walba ku salaysnaato  qorshe ama deraasad, lana siiyo maalgelinta ku habboon iyo waqti lagu hirgeliyo.

Waxa uu wasiirku intaas ku daray in la oggolaado dugsiyada ay wax ku bartaan ardayda hibada gaar-ka ah leh iyo dugsiyo gaar ah oo luqado kale lagu barto si ay inooga caawiyaan la xiriirka dalalka dibedda, cilmi baarista iyo aqoon-wadaagga caalamiga ah. 

Gebo-gabo

Isku soo wada duuboo, marka la isku soo minguuriyo hadaladii laga soo jeediyey kulankaas waxa la isku raacsanaa in afka Soomaaligu noqdo luqadda waxbarashada, luqadda ku soo xigtaana noqoto Ingiriisi; isla markaana aan la xanibin barashada afafka kale (luqad ahaan), Luqadda Carabidu, iyadu, kama dhex muuqan munaaqashada kulanka. Waa arrin mudan in la isweydiiyo kaalinteedu maxay noqon?

Arrimaha la isweydiiyey ee u baahan falanqayn dambe waxa ka mid ahaa: sida loo helayo macalimiin tiro iyo tayo leh oo ku filan inay luqadaha sida Soomaali iyo Iingiriisi wax ku dhigi karaan, iyo sidoo kale helidda agab iyo buugaag ku qoran Ingiriisi (dugsiyada sare) iyo Soomaali (dugsiyada hoose/dhexe) oo kaaba manhajka. Waxa kale oo la isweydiiyey sida af-Soomaali loogu baran karo farsamada gacanta, cilmiga kombiyuuterka iyo macluumaadka teknoolojiyada (information technolgy), maadaamaa aan ilaa hadda la hayn ama ay kooban tahay erey bixintoodu. 

Waa mahadsan yihiin soo-jeediyeeyaashii kulanka iyo ururka HIRDA. Fadlan halkan ka daawo kulankii Zoomka ee doorka waxbarashada iyo luqadaha kulankii habenkaas 19.02.2022:  Doorka luqadaha iyo waxbarashada – YouTube

Waa Golaha Gaheyr Engineers Group

Email: [email protected] Ama: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.