Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dabeecadaha Kelitalsinimada & Gaboodfallada ka Dhasha Midiidinta: Qeybtii 3-xaad

WQ: Cabdiraxmaan Al Kawakibi
Tarjumadii Dr. Maxamed Sh. Cali (Doodishe)

Kelitalisnimada iyo Cilmiga

Ma jiro wax isaga eg kelitaliska iyo qof  khaa’in ah oo awood leh oo loo xilsaaray ilaalinta xoolo ilmo agoon ah, kaasoo sida uu rabo ugu takrifala xoolahaa iyo agoonta qudhoodaba, maadaama ay yihiin kuwa da’doodu yar tahay oo taag daran. Sida aanu ninkaa isaga ah u jeclayn in agoontu qaan-gaarto oo ay hantidooda u maamushaan, ayaanu keltalisku u jeclayn in raciyaddiisu hesho iftiinka cilmiga.

Cabdiraxmaan Al Kawakibi

Kama qarsoona kelitaliska, si kasta oo uu doqon u yahay inuusan addoonsan karin kuna gabood-fali karin raciyaddiisa, haddii aysan ahayn kuwa doqomo ah oo ku dhex-hafanaya mugdiga jahliga iyo jahwareer indho la’aan ah. Haddii kelitalisku shimbir ahaan lahaa waxa uu ahaan lahaa fiidmeer ugaarsata xasharaadka xilliga mugdiga, haddii uu dugaag ahaan lahaana waxa uu ahaan lahaaa Dabacaddeeye (Xoor) ugaarsada digaagga xaafaddaha xilliga habeenkii ah, haseyeeshee waa aadamigii oo kiisii cilmiga lahaa uu ugaarsanayo kiisii jaahilka ahaa.

Cilmigu waa iftiin dhanka Alle ka yimid, kaasoo wax ifiya, kulayl iyo awoodna dhaliya, cilmiguna sida iftiinka oo kale ayuu u yahay mid kheyrka bidhaamiya, sharkana fadeexeeya, nafta aadamiga ayuu dareen kulul ku abuuraa, madaxiisana qab ayuu geliyaa, aqoontu waa iftiin, dulmiguna waa mugdi, sida caadada ahna iftiinku waxa uu meesha ka saaraa mugdiga.

Marka la rogrogo xaaladda ay ku sugan yihiin qof kasta oo madax ah iyo kuwa uu madaxda u yahay, waxa  muuqanaysa in awoodda iyo awood-darrida madaxdu ay xiriir toosan la leedahay aqoonta iyo aqoon-darrida dadka madaxda loo yahay.

Kelitalisku kama baqo cilmiga luqadda, kaasoo qaybina ay toosiso carrabka, in badan oo kamid ahna ay tahay dheel iyo hadaaq waqtiga lagu lumiyo. Waa dhab in cilmiga luqaddu aanu baqdin-gelin kelitaliska, haddii aanu carrabka luqaddaa adeegsanaya ka duulaynin xikmad iyo xamaasad col lagu dumo, amaba aftahannimo kala-dirta col duman, sabatuna waa iyada oo sida la ogyahay waqtigu had iyo jeer aanu ku deeqin in hooyooyinku dhalaan  hal-doorro badan sida Al-Kumayt[1] iyo Xassaan[2] amaba Montesquieu[3] iyo Schiller[4].

Sidoo kale kelitalisku kama baqo cilmiga diinta, gaar ahaan midka khuseeya  xiriirka addoonka iyo Rabigiisa iyo nolosha dambe ee aakhiro, sababtoo ah waxa uu rumaysan yahay in aanay aqoontaasu ka faydaynin dadka doqonimada iyo daboolka caqliga ka saaran, balse ay tahay mid ay ku baashaalaan kuwa aqoonta ku mamman, oo markii waqtigu ka lumo, maskaxduna ka buuxsanto, isla-weyninna la dibbiraan, ayay u arkaan in cilmigoodaas mid aan ahayn aanu jirin[5], goortaa ayuu kelitalisku ka nabadgalaa, sida looga nabad galo qof khamraysan, oo sakhraan ah. Haddiiba ay dhacdo in culimada noocan ah qaarkood dadka ka dhex muuqdaan, oo taageero ka helaan dadweynaha, kelitalisku ma waayo farsamooyin uu taageero uga helo, siyaasadihiisana ay kula jaan-qaadaan, isaga oo isugu dara inuu u madaxweyneeyo, xoogaa fool-baxsi ahna ka siiyo hambada xeerada kelitalisnimada. 

Sidoo kale kelitalisku kama baqo cilmiga farsamada, sababtuna waa farsamayaqaannada oo ah dad nabaddeed, oo aan lahayn dareen weyn, damacooduna kooban yahay. Kuwaa oo ay ku filan tahay dhaqaale kooban iyo ammaan yar, sidoo kale kelitalsiku kama baqo qolyaha hantida jecel, oo had iyo jeer ku kooban naftooda, iyo kuwa cayaartooyda ah, oo badankood ay aragtidoodu kooban tahay.

Kelitalisku waxa uu ka baqaa culuunta xiriirka la leh nolosha sida aragtiyada ku dhisan xikmadda, falsafadda, xuquuqda ummadaha, dhaqamada bulshada, siyaasadda madaniga, taariikhda iyo suugaanta af-maalnimada, iyo culuunta la hal-maasha oo kobcisa dareenka iyo maskaxda dadka, una bidhaamisa aadamiga xuquuqdiisa iyo sida loo dhagray, sida xuquuqdaa iyada ah lagu raadiyo, lagu helo, laguna difaacdo. Dadka uu kelitalisku ugu cabsida badanyahay waa aqoonyannada kuwooda ku dedaala in ay dadka baraan qaabka hadal-jeedinta iyo qoraallada, kuwaasoo ah kuwa uu quraanku ku sheegay inay yihiin kuwa wanaagsan oo wax wanaajiya, Alle wuxuu oranayaa (Dhulka waxaa dhaxli addoomadayda suubban)[6] sidoo kale ayuu Alle leeyahay (Eebbana uma halaago magaalo dulmi iyadoo ehelkeedu wax wanaajiynayaan)[7]. Inkasta oo culimada taageera kelitalisku ay ku fasiraan wanaagga iyo wanaajinta, cibaadada badan, sidoo kale ayay xumaanta iyo xumaynta macnaheedii uga baddaleen nidaamka Alle oo la burburiyo, uguna macneeyeen in loola jeedo kelitaliska oo la carqaladeeyo.

Sida kelitalisku uu uga caroodo natiijooyinka ka dhasha cilmiga, ayuu cilmiga qudhiisa uga caroodaa, saabtuna waa cilmiga oo ah awood ka sarraysa awooddaha oo dhan, wuxuuna had iyo jeer kelitalisku dreemaa inuu yahay qof hooseeya oo daciif ah, goor kasta oo ay indhihiisu qabtaan qof ka aqoon sarreeya. Sidaa ayaanuna kelitalisku u doonayn inuu arko wejiga aqoonyahan caqli badan oo ka aragti sarreeya, oo haddii uu u baahdo Dhaqtar ama Injineer waxa uu raadsadaa mid doqon ah, oo dulli ah, oo kaba-qaad ah. Waana xeerkan midka uu Ibn Khalduun ku saleeyay oraahdiisa ah (Kabaqaadku si sahlan ayuu ku guulaysta), middaa iyada ahna waa dabeecadda dadka kibirsan iyo guud ahaan dadka intooda badan, waana ta keentay in ay ammaanan miskiin kasta oo caano-madaadshe ah, oo aan laga rajo qabin in uu wax tillaabo ah qaado, kheyr iyo shar mid ay ahaataba.

Halkaa waxaa ka cad in kelitaliska iyo cilmiga uu u dhexeeyo dagaal joogto ah, iyo is cayrsasho aan dhamaad lahayn: Culimadu waxa ay ku dedaalaan in ay dadka maskaxda u furaan, kelitaliskuna waxaa uu ku hawlan yahay daminta iftiinka maskax-furka, waxayna labadooduba kala  jiidanayaan dadweynaha, oo waa ayo dadweynuhu? Dadweynuhu waa kuwa haddii aanay aqoon lahayn cabsada, goorta ay cabsadaana hogaansama, sidoo kalena dadweynuhu waa kuwa haddii ay waxbartaan hadla, goorta ay hadlaana waxqabad raacsiiya.

Dadweynuhu waa awoodda iyo quudka uu ku dhisan yahay kelitalisku, ayaga ayuu awooddiisa iyo haybaddiisa ku muujiyaa, maskaxda ayuu ka qabsadaa, iyaguna ammaan iyo bogaadin ayay ku soo dhoweeyaan awooddiisa, xoolahooda ayuu dhacaa, iyaguna waxa ay ku ammaanaan inuu badbaadiyay oo aanu qudha ka jarin, wuu dulleeyaa, iyaguna waxa ay ku  ammaanaan sarrayntiisa.

Madaxa ayuu isu geliyaa oo waa uu isku diraa, iyaguna siyaasaddiisa hoggaamineed ayay ku ammaanaan, haddii uu  xoolahooda ku baashaalo, waxa ay ugu  yeeraan in uu yahay deeqsi, haddii uu laayo oo aanu hilbahooda jarjarinna waxa ay u qaataan in uu u naxariistay, waddada geerida ayuu ku foofiyaa iyaguna wey u hogaansamaan si aanu u canaanan, haddii ay soo baxaan geesiyaal horjoogsada falalkiisa, waxa uu ula dagaalamaa sida cadow soo duulay.

Haddii si kale loo yiraahdo dadweynuhu gacmahooda ayay isku gawracaan, taasoo sababteedu tahay cabsida ku salaysan aqoon-darrida iyo doqonnimda. Haddaba haddii aqoon-darridaasi meesha ka baxdo, maskaxduna furanto, cabsiduna way dhamaataa, dadkuna waxa ay noqonayaan kuwa dantooda raacda, sida horay loo yirina: Caaqilku waa kan dantiisa ka shaqeeya, sheekadu marka ay halkaa gaartana kelitalisku waa inuu iska tago ama is toosiyo. Ummado badan ayaa ku guulaystay in ay wax ka baddalaan kelitalisyadii hoggaanka u ahaa, kuwaa oo isu baddalay kuwa ummadda wakiil ka ah, ogna in xisaabi sugayso, iyo hoggaamiye caadil ah, oo og in dhibkii uu gaysto laga gudayo, iyo Aabbe dulqaad badan oo muujinaya jacayl. Taasina waa midda keentay in ummaddaahsu ku noolaadaan nolol ay raali ka yihiin oo deggan, barwaaqo iyo horumar leh, sharaf iyo liibaanina ku dheehan tahay.

Hoggaanka qudhiisa ayaa ah midka helaya faa’iidada ugu badan ee ka dhalata  isbedelkan, kadib markii uu hoggaamiyaha kelitaliska horay ugu ahaa midka aadananha ugu ayaan daran,  oo had iyo jeer ay dadkiisu u caraysan yihiin,  kana cabsi qaba in ay khatari kaga timaado, amniga taliskiisa iyo kan noloshiisana aanan hubin, isla markaana aanan haysanin cid talo ka siisa wiixii aanu garanayn, taa oo sababteedu tahay dadka la jooga oo si kasta oo ay u caqli badan yihiin, ka cabsi qaba in uu lafahooda u dhibataateeyo, taasoo keenaysa in ay ka haybaystaan, oo halkii ay talo sax ah siin lahaayeen waxa ay marka hore eegaan halka kelitalisku u janjeero, dabadeedna waxa ay ku taageeraan halka uu ku mamman yahay, iyaga oo aanan u eegin in arrinkaasi yahay sax iyo khalad. Cid kasta oo madaxda caynkaa ah la talisa oo sheegata in aanay cabsanina waa beenaalayaal, sida dhabta ahna runtu maba gasho qasriyada madaxda, sidaa darteed ayaanu kelitalisku ugaga faa’iidaysanin aragtida dadka kale, wuxuuna had iyo jeer ku nool yahay dayac, labalabayn, shiddo iyo cabsi, taa ayaana ugu filan aargudasho falalkiisa kelitalisnimada ah ee uu dadka ku addoonsaday, kuwaa oo uu Allahood uumay iyaga oo xor ah.

Cabsida uu kelitalisku ka qabo aargudasha dadka uu hoggaamiyo ayaa ka badan midka dadku ay ka qabaan in uu iyaga dhibaateeyo, cabsida kelitalisku waxa ay ku salaysantahay garashadiisa uu garanayo waxa uu dhankooda ka mudan doono. Cabsida dadkuna waxa ay ku salaysan tahay aqoon-darri, cabsidiisu waa caajisnimo dhankiisa ah, cabsidoodana waa malawaal in ay lugooyo la kulmi doonaan, cabsidiisu waa inuu lumiyo awoodiisa iyo naftiisa, cabsidooduna waa inay nolol maalmeedkooda lumiyaan, iyo inay dalka ka qaxaan, cabsidiisu waa inuu waayo waxkasta oo dunida uu ka taliyo guudkeeda saaran, cabsidooduna waa inay lumiyaan nolosha liidata ee ay ku nool yihiin oo qura.

Halkan ka akhri qormada oo dhan- Dabeecadaha Kelitalsinimada & Gaboodfallada ka Dhasha Midiidinta: Qeybtii 3-xaad

WQ: Cabdiraxmaan Al Kawakibi
Tarjumadii Dr. Maxamed Sh. Cali (Doodishe)
Email: [email protected]

————————
Halkan ka akhri

Dabeecaddaha Kelitalsinimada &  Gaboodfallada ka Dhasha Midiidinta
– Qeybta 1-waad

Dabeecaddaha Kelitalsinimada &  Gaboodfallada ka Dhasha Midiidinta
– Qeybta 2-baad


[1] Al-Kumayt Ibn Zeyd Al-Asdi (680-743 M), Gabyaa kamid ahaa kuwii ugu caansanaa xilligii khilaafadii U

mmawiyiinta.

[2] Xasaan Ibn Thaabit Al-Ansaari (554-674), Gabyaa kamid ahaa asxaabtii Rasuulka (NNKHA).

[3] Charles Louis de Secondant Baron de Montesquieu (1689-1755), faylsuuf siyaasdeed oo Faranssiis ahaa, waxa uu caan ku yahay aragtida “kala-soocidda awoodaha dowladda” oo in badan oo dastuurrada nidaamka dowladeed ee casriga ah saldhig looga dhigay.

[4] Johann Christoph Frederick von Schiller (1759-1805), Gabyaa, qoraa-riwaaydeed, faylassuuf iyo taariikhyan Jarmal ahaa.

[5] Marka la eego nuxurka qoraallada Al-Kawakibi, waxa muuqnaysa in uu ula jeedo culimada isku koobay axkaamta qaybta cibaadada, iyaga oo aanan dan u gelin waxa hareerahooda ka socda, oo saamayn togan iyo mid taban-ba ku leh nolosha iyo horumarka bulshada, isla markaana aan qayb ka ahayn dedaallada xalka loogu raadinyo culaysyada ay bulshadu waajahayso.

[6] Al-Anbiyaa’: 105

[7] Huud:117


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.