Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dabeecaddaha Kelitalisnimada & Gaboodfallada ka Dhasha Midiidinta- Qeybta 1aad

WQ: Cabdiraxmaan Al Kawakibi
Tarjumadii Dr. Maxamed Sh. Cali (Doodishe)

Gogoldhig:

Buugga Dabaceedaha Kelitalisnimada ee uu qoray Cabdiraxmaan Al-Kawakibi (1854-1902), waxa uu qeyb ka ahaa, dooddo iyo dedaallo isdabajoogay, oo dabayaaqadii qarnigii 19aad ka curtay deegannada Bariga Dhexe, gaar ahaan dalalka Masar, Turki, Lubnaan iyo Suuriya. kuwaa oo looga gol lahaa, la jaanqaadka isbedelladii xawliga ku socday, gaar ahaan dhinacyada aqoonta, tiknoolojiyada, dhaqaalaha, maamulka iyo siyaasadda ee ay hormuudka u ahaayeen reer galbeedku.

Cabdiraxmaan Al Kawakibi

Indheergarad u badan dalalkaa ayaa isku howlay xadeynta hoobashadii iyo burburkii ku socday bulshooyinkii iyo maamulladii ka jiray deegaannadaa. Kuwaa oo talooyin badan ka bixinayay sida ugu habboon ee loo xakamayn karo hoobashada iyo burburka noloshooda hareeyay, taasoo ugu dambeyntii keentay in bulshooyinkaasu u gacangalaan gumaysigii reer Yurub!.

Doodda Al-Kawakibi ee ku urursan buuggan waxa ay ku qotontaa in mushkiladaha ka jiray deegaannadaa, oo haddii aan xal loo helin, aan horumar la gaari karin saldhigeedu yahay hannaanka kelitalisnimada ee lagu dhaqo bulshooyinkaa, iyadoo qofkii xaqiisa uu doodda uu noqonayo qaran-dumis, halka kan xaqiisa ka sabra uu noqonayo waddani fariid ah, sidaa darteed ayaa bulshooyinka muddada dheer ku hoos-noolaada nidaam kelitalis ah, waxaa ku adkaada kala soocidda wanaagga iyo xummaanta, xorriyadda iyo jujuubka, waxayna had iyo jeer ku dhaygagaan is-muujinta iyo is-buunbuuninta kelitaliyaha.

Sida uu tilmaamayo Al-Kawakibi kelitalisku waa hormuudka qaab-dhismeed salballaaran oo ay qayb ka yihiin gacanyarayaal isugu jira: Kaaliyayaal, wasiiro, wadaaddo iyo danleey dheef ku qaba nidaamka kelitaliska ah, kuwaa oo aanu la’aantood kelitaliyuhu wax xukumi karin. Sidoo kale, waxa uu tilmaamayaa Al-Kawakibi in kelitaliyuhu ku noolyahay cabsi iyo shaki joogto ah, isaga oo marna ka cabsanaya shacabka uu hogaamiyo, marka kalana ka cabsanaya gacanyarayaasha uu u adeegsado cabburinta iyo jujuubka shacabkiisa.

Kelitalisnimadu waa dhaqan bulshadu leedahay ee ma aha culays meel iyaga ka baxsan uga yimaada, sida uu ku dooddayo Al-Kawakibi “Alle waa caadil, aanay caddaaladdiisu xad lahayn, cidna ma dulmiyo, cid aan iyadu kelitalis ahaynna madax ugama dhigo kelitaliye… kelitaliyayaasha waxaa madax u noqda kelitaliye, kuwa xorriyadda jeclna waxaa madax u noqda kuwa iyagana xorriyadda la jecel”.

Buugga oo ka kooban hordhac iyo sagaal qaybood ayaa marka laga reebo qaybta ugu dambeysa oo ka hadlaysa sida kelitalisnimada jirridda loogu siibi karo, waxa ay qaybaha kale falanqaynayaan kelitalisnimada iyo xiriirka kala-dhexeeya: Diinta, aqoonta, sharafta, dhqaalaha, akhlaaqda, barbaarinta iyo horumraka.

Cabdiraxmaan Al-Kawakibi, oo ah qoraaga buuggan wuxuu ku dhashay magaalada Xalab “Aleppo” ee Suuriya, oo xilligaa hoos tagaysay xukunkii Khilaafadii Cismaaniyiinta ee Istanbuul. Dhalinyaranimadiisii waxa uu qabtay howlo dhowr ah oo isugu jiray kuwa gaar ah iyo kuwa xukuumadeed, haseyeeshee midkoodna kuma negaan, kadib markii maamulkii deegaankiisa ay u adkeysan waayeen dooddihiisa iyo dedaaladiisii la xiriiray sixitaanka arrimo badan oo ku aaddanaa fahamka iyo dhaqanka dowladnimada, taas oo uu ku mutaystay xabsi iyo in ugu dambayntii uu ka baxsado deegaankiisii, isaga oo saldhig ka dhigtay magaalada Qaahira oo uu ku soo bandhigay buuggiisan. Muddo kooban kadib faafintii buugisan ayuu si kedis ah ugu geeriyooday magaalada Qahira bishii Juulaay 1902.

Doodda uu Al-Kawakibi ku soo bandhigayo buuggan waxa ay siyaabo badan xiriir ula leedahay waayaha siyaasaddeed ee Soomaaliya soo maray, iyo halka uu dalku hiigsanayo mustaqbalka, sidaa darteed ayay ila qummanaatay inaan buugga Soomaaliyeeyo, si bulashdeennu ula socoto dooddaha uu xambaarsanyahay, talana ugu darsato, wixii ka anfacna ka faa’iideysato.

Ugu dambayn waxaan aqristayaasha ka rajaynayaa in wixii talo ah oo la xiririra buugga iyo tarjumadiisaba ay iigu soo hagaajiyaan e-mialka hoose.

Aqris wacan

Dr. Maxamed Sheekh Cali (Doodishe)
Email: [email protected]
—————————

Dabeecadaha Kelitalisnimada & Gaboodfallada Ka Dhasha Midiidinta
Qeybta 1aad

Alle ayaa mahad leh, abuuraha kawnkan ku dhisan hanaanka sugan ee adag, naxariis iyo nabadgelyana ha ahaato nebiyadii waaweynaa ee ummaddaha  ku hanuuninayay xaqa cad, gaar ahaan nebigii Carbeed ee uu Alle soo diray isaga oo naxariis u ah caalamka, si uu sare ugu qaado noloshooda adduunka iyo tooda aakhiro una gaarsiiyo darajo sare, isaga oo adeegsanaya sallaanka xikmadda.

Waxaan oranayaa aniga oo Muslim Carab ah, kuna qasban inaan qariyo xaaladdayda tabarta daran kuna dhawaaqaya arrintan culus, ra’yigaygana soo bandhigaya aniga oo jooga Bariga, rajaynaya in dadka aqrisan doonaa qoraalkaygan ay ku kaaftoomaan oraahdii ahayd : Xaqa  ku garo xaqnimadiisa adiga oo aanan u aabayeelaynin cidda ka dambaysa. Sanadkan 1318H ayaan ka soo hayyaamay dhulkaygii anigoo u soo kicitimay dhanka Bariga, waxaan booqday Masar oo aan ka dhigtay xarun aan ku noqnoqdo aniga oo ka faa’iideysanaya xoriyadda ka jirta xilligan, taa oo uu sababteeda leeyahay sharfanaha lagu sammiyay Nebiga adeerkiis (Cabbaaskii 2aad), kaasoo nabad ku soo dabbaalay dhammaan deegaanada hoos taga boqortooyadiisa, halkaa oo aan arkay hormuudkii dadka oo ku mashquulsan si la mid ah dalalka kale ee Bariga, doodda la xiriirta su’aasha weyn, taa oo aan ula jeedo su’aasha arrimaha bulshada ee guud ahaan deegaannada Bariga iyo gaar ahaan deegaannada muslimiinta, iyaga oo la mid ah dadka kale ee ku hawlan baaritaanada la xiriira su’aasahan, kuwaa oo mid katsa uu qaaday waddo uu ku fasirayo sababta keentay hoobashada iyo sidii xal loogu heli lahaa. Dhankayga waxaa ii caddaatay in aasaaska cudurku yahay kelitalisnimada siyaasaddeed, daawadiisuna ay tahay wadatashi dastuuri ah. Sidaa ayuuna ra’yigaygu ku xasilay – sida ay sheeko kastaba u leedahay biyo-dhac- kadib 30 sannadood oo aan ku jiray cilmi-baaris… kaas oo aan filayo in uu koobayo sabab kasta oo caqliga ku soo dhici karta, iyadoo cilmi-baaruhu judha horaba u malayn karo inuu ku guuleystay cudurka asalkiisa ama mid ka mid ah asalladiisa ugu waaweyn, hasayeeshee marka uu si qoto dheer u eego waxaa u caddaanaysa  inaanu waxba ku guulaysanin, ama arrinka uu ogaaday uu yahay keliya farac yar, oo qeyb ka ah cudurka asalkiisa, amaba natiijo ka dhalatay…

Tusaalle ahaan qofka oranaya: cudurka asalkiisa waa diinta oo la fududaystay, waxaa uu waajahayaa jahwareer marka uu is weydiiyo sabata ay dadku u fududeysteen diinta?.  Qofka oranaya: cudurku waa kala duwaanaasha aragtiyada, waxa uu durbadiiba ku wareerayaa sababta keentay kala duwanaashaha aragtiyada, haddii uu yiraahdo sababta khilaafka waa jahliga, waxa isu qaban weynaya in khilaafka culimada dhexdeeda kajira uu yahay mid xooggan, aadna u daran… sidaa darteed waxa uu arkayaa isaga oo ku dhex jira meerta maran oo aan dhamaanayn, kadibna waxa uu u laabanayaa inuu yiraahdo: Sidan ayaa ah sida uu Alle u doortay addoomadiisa, isaga oo marka uu sidaa leeyahay aan u aabayeelaynin doodda ka dhex taagan caqligiisa iyo diintiisa ee ku aadan in Alle yahay mid xikmad badan oo caadil ah.

Haddaba si aan ugu raaxeeyo maskaxda dadka aqrisanaya qoraalkaygan waxaan u tirokoobayaa baarisyada aan in badan naftayda ku daaliyay falanqayntooda, khatarna aan u galiyay naftayda inaan diraasad ku sameeyo, si qoto dheerna aan uga baaraan dego, sidaa darteedna waa inay ogaadaan inaanan iska ogolaanin ra’yiga ah in cudurka asalkiisu yahay kelitalisnimada siyaasadeed illaa aan ku bixiyay dedaal qaatay waqti dheer, anigoo u badinaya inaan haleelay hadafkii, waxaanan Alle ka rajaynayaa inuu ka dhigo niyad wanaagayga mid iiga shafeecda xumaantayda .Halkan waxaa ku xusan qeybaha baarisyada:

Booqshadaydan ugu dambaysay ee aan ku imid Masar, waxaan ku faafiyay wargaysyada ugu caansan ee dalkan, maqaallo siyaasadeed oo dhawr ah oo aan uga hadlay kelitalisnimada; waa maxay kelitalisnimadu? saamayn caynkee ah ayayse ku leeydahay diinta, cilmiga,barbaarinta, akhlaaqda, sharafta, hantida…iwm.

Kadibna booqashadaydii labaad ee aan ku imid Masar ayaan ajiibay codsi iiga yimid qaar kamid ah dhalinyarada, dabadeedna waxaan ballaariyay baarisyadaa sare ku xusan gaar haan kuwa xiriirka la leh arrimaha bulshada sida: Barbaarinta, iyo akhlaaqda waxaanan ku biiriyay waddooyinka lagu baab’in karo kelitalisnimada, waxaanan ku soo saaray buug aan ku magacaabay: (Dabeecadaha Kelitalisnimada iyo Gaboodfallada Ka Dhasha Midiidinta), waxaanan u haddiyeeyay da’ yarta Carbeed ee barkaysan ee qabka leh kuwaa oo rajada ummaaddani ay iyaga ku xiran tahay, waxaanan shaki ku jirin inaanay cusboonaysiin suurogal ahayn iyadoo la helo dhalinyaro mooyee.

Kadibna booqashadaydan oo ah tii saddexaad, ayaan arkay buugii oo muddo yar suuqa kaga baxay waxaanan jeclaystay inaan dib u eegis ku sameeyo kuna kordhiyo mowduucyo aan darsay oo aan sugay ama kuwa aan soo xigtay oo ku hawlgalay. Waxaanan hawshaa iyada ah ku bixiyay waqti qaali ah iyo dedaal aanan yarayn…ujeeddada baarisyadaydaana ulama jeedo dhagar-qabe gooni ah, xukuumad ama ummad gaar ah, keliya waxa aan ugaga jeedaa inaan caddeeyo dabeecadaha kelitalisnimada iyo sida uu u shaqeeyo, iyo baarista gunaanadka addoonsiga, waxa ka dhalanaya iyo halka uu geynayo dadka ku dhaqma… waxaan taa uga golleeyahay ujeeddo kale, taasoo ah inaan ku baraarujiyo dadka, halka uu cudurkaas guunka ah ku aroorinayo, waaba intaa oo la ogaado in kuwii go’ay ay iyagu lahaayeen sababta dhibtii ku habsatay, oo aanan la eedeynin waqtiga iyo qaddarta, balse ay tahay in eedda loo jeediyo jahliga, himmad yaraanta iyo dedaal la’aanta… iyo sidoo kale in kuwa weli nool ay is dabo qabtaan oo xaaladdooda wax ka bedelaan inta aanay geeridu haleelin.

Xagga curinta qoraalka waxa aan doortay hanaanka koobista, kaas oo ah mid fudud oo faa’iido badan, kaas oo ah midka ay adeegsadaan qorayaasha afafka kale wax ku qora si ay uga fogaadaan dabarka uu leeyahay adkaynta qoraalka iyo silsildaha sal-ka-gaarista iyo abla-ablyanta.  Haddaba haddii aan hareer maray qorayaasha caynkaa ah, ma ahi mid quuddaraynaya in laga cafiyo wixii siibasho ah ee waxa aan leeyahay:

Kani aaa dedaalkaygii, qofka dhaliilaya ee sharafta badannna waxaa looga fadhiyaa inuu ummaddiisa u soo gudbiyo wax arrinkan ka kheyr badan. Aniga kaalintaydu waa inaan albaab yar ka furo darbiga kelitalisnimada, aniga oo rajaynaya in waqtigu qeyb ka qaadan doono sii ballarintiisa. Alle ayaa ah weliga kuwa hanuunsan.
1320H- 1902M.

Hordhac

 Ma aha wax qarsoon in siyaasaddu tahay cilmi aad u ballaaran, oo leh faracyo badan oo kala jaad ah. Waxaana yar qof koobi kara cilmigan dhinacyadiisa kala duwan, sida uu uu yar yahay qof aanan ku hawlanayn..

Dhammaan ummadaha horumaray ee dunida  waxa ay leeyihiin aqoonyahanno ku xeeledheer siyaadda kuwaas oo ka hadlay qeybaha kala duwan ee cilmigan, taasoo qeyb ka ah qoraalada ay ka sameeyeen diinta  ama qaanuunka,  taariikhda ama akhlaaqda iyo suugaanta. Waayadii horana ma jirin buugaag gaar ku ah siyaasadda marka laga reebo aasaasyaashii Jamhuuriyadiihii Roomaanka iyo Giriigga, waxaase jira in qaarkood ay faafiyeen buugag isugu jira akhlaaqda iyo siyaasadda sida buugga Kaliila wa Dimna, dhambaalada Gorigooriyoos iyo qoraallo isugu jira siyaasad iyo kuwa diini ah sida Nahajul Balaaga iyo buugga Alkharaaj.

Marka la eego qarniyadii dhexe lama helayo qeybo faahfaahsan oo cilmiga siyaasadda ah oo aan ka ahayn kuwii ay qoreen culimadii Islaamka, kuwaaso isugu jiray kuwa ay siyaasadda ku lareen akhlaaqda sida qoraalada Al-Raazi, Al-Dhuusi, Al-Gazaali iyo Al-Calaa’i, taasoo ah habka Faarisiyiinta, qaar kalana waxa ay siyaasadda ku lareen suugaanta sida Al-Macarri, Al-Mutanabi taasoo ah habka Carabta, qaar kalana waxa ay siyaasadda ku lareen taariikhda sida Ibnu Khalduun iyo Ibnu Badhuudha taasoo ah habka Marookaanka.

Marka la eego aqoonyahanada qarniyadii dambe gaar ahaan Yurub iyo Maraykan, si weyn ayay u ballaariyeen qoraallo badanna way ka sameeyeen, si hagaagsanna wey u faahfaahiyeen, waxayna qeybaha qaar ka sameeyeen mujaladaad waaweyn, waxayna u kala qeybiyeen siyaasad guud, siyaasad arrimo dibadeed, siyaasad maamul, siyaasad dhaqaale, siyaasadda xuquuqda…iwm, qeyb kastana waxa ay u sii kala qaybiyeen cutubyo kala duwan oo leh asal iyo farac.

Marka la eego aqoonayannada qarniyada dambe ee Bariga waxaa jira in Turkidu ay wax ka qoreen inta badan qeybaha siyaasadda iyada oo qaarkood ay yihiin qoraallo siyaasaddeed oo madax bannaan halka qaar kalena ay ku lareen maaddooyin kale, aqoonyahanada tusaalaha loo soo qaadan karana waxaa ka mid ah; Axmed Jawdat Baasha, Kamaal Beeh, Sulaymaan Baasha, Xasan Fahmi Baasha. Dhanka Carabta aqoonyahanda wax ka qoray siyaasadda aad ayay u yar yihiin sidoo kalana qoraalladoodu wey yar yihiin, aqoonyahannada Carabeed ee mudan in la tilmaamana waxa kamid ah inta aan ka garanayno:  Rufaaca Beeh, Kheyrudiin Baasha Al-Tuunisi, Axmed Faaris, Saliim Al-Bustaani iyo Al-Mabcuuth Al-Madani.

Hayeeshee waxaa imminka inoo muuqanaya in aqoonyahanka Carbeed ee wax ka qoraya siyaasadda inay tiro bateen, taasoo laga garan karo qoraalada kala nooca ah oo ay uga hadlayaan siyaasadda oo ay ku qorayaan wargaysayada iyo joornaallada, Sidaa darteed ayaa miskiinkaygan waxaa u bidhaamay inay jirto fursad aan aqoonyahanka Carbeed ku xusuusin karo mid ka mid ah mawduucyada ugu muhiimsan siyaasadda, aniga oo adeegsanaya qeybo kamid ah wargaysyada Carbeed, mawduucaas oo uu yar yahay qof horay uga hadlay tan iyo maalinkan maanta ah. Waxaanan aqoonyahnka Carbeed ugu baaqayaa inay iska soo xaadiriyaan goobta bartanku ka dhacayo, halkaas oo loogu baratamayo sidii adeegga ugu wanaagsan oo ah in  ay u soo bandhigaan walaalahood reer Bariga, gaar ahaan kuwa Carabta ah, fekrado maskax-fur ah, kuna baraarujiyaan waxayaabaha ay moog yihiin, iyaga oo ugaga faa’iidaynayaa qaab cilmi-baaris iyo falaqayn ah oo ay ku dheehan tahay hoga-tusaalayn la xiriirta (Waa maxay cudurka ay la il daran yihiin reer Barigu maxaase daawo u ah).

Haddii cilmiga siyaasadda lagu qeexo inuu yahay “ Maamulidda arrimaha ka dhexeeya bulshada hannaan waafaqsan xikmadda”, qeybta ugu horeysa ee laga hadlo uguna muhiimsan waxa ay noqonaysaa “kelitalisnimada” taasoo ah in arrimaha bulshada ka dhexeeya loo maamulo sida qofka madaxda ahi uu jeclaado iyada oo aan loo eegin in ay xikmadda waafaqsan tahay iyo in ay khilaafsan tahay.

Ciddii ka hadlaysa kelitelisnmadana waxaa laga doonayaa  inay qeexdo oo caddayso “waa maxay kelitalisnimda?, Sababaha keena?, muuqaaladiisa?, geeddi socodkiisa? Digniinaha la xiriira?, Daawadiisa?” Mid kasta oo kamida mawduucyadanna waxa uu xambaarsan yahay faafhinno badan, waxaana soo hoos galaya qeybo badan oo ay ugu muhiimsan yihiin: Waa maxay dabeecadaha kelitalisnimda? Muxuu keligiitaliyuhu aad ugu cabsadaa? Waa maxay sababta dadka ku hoos nool nidaamka keligiitaliska ah ay cabsi ugu nool yihiin, Saamayn caynkee ah ayay kelitalisnimadu ku leedahay diinta? Cilmiga? Barbaarinta? Horumarinta iyo dhismaha dalka? Waa kuwama qolyaha kaalmeeya keligiitaliyaha? Ma loo adkaysan karaa kelitalisnimada? Sidee meesha looga saari  karaa kelitalisnimada? Maxaa haboon in lagu bedelo kelitalisnimada? Haddaba inta annan guda gelin arrimahan waxaa mudan in la tilmaamo natiijada ay cilmibaarayaashu ka gareen mawduucyadan, taasoo nuxur ahaan isu dhow, inkasta oo ereyada lagu sheegay ay kala duwan yihiin taasoo ka dhalatay kala duwanaashahooda dhanka fekradaha iyo meelaha ay ka soo qalin daarteen, waxayna kala yihiin.

Halkan ka akhri qoraalka oo dhan: Dabeecaddaha Kelitalisnimada & Gaboodfallada ka Dhasha Midiidinta

WQ: Cabdiraxmaan Al Kawakibi
Tarjumadii Dr. Maxamed Sh. Cali (Doodishe)


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.