Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

AFGEMBIGII WAHAABIYADA IYO KU XOOGSIGA DIINTA

W.Q:CabdiRaxmaan Cilmi Xaashi

Kalabarkii qarnigii hore iyo bilowga qarnigan (miilaadiga) waxay wahaabiyadu ahayd dhaqdhaqaaqa ama mad-habta ugu firfircoon dunida islaamka. Wahaabiyadu kacaannadii aydiyoolajiyeed ayey u egyihiin xagga abaabulka, qallafsanaanta iyo iskukalsoonida. Waxay leeyihiin calaamado ay isku gartaan sida gar weyn, surweel kor loo qaaday iyo indho shareer.

Faafista wahaabiyada waxaa sabab u ahayd halkudhigyadooda siyaasadda ku aaddan iyo dalalka khaliijka, siiba Sacuudi Carabiya oo hanti badan ku bixiyey maalgelinta wahaabiyada. Waxay dadka, siiba dhallinyarada ku duufsadeen inay dhisayaan dawlado «islaami» ah, saboolnimada iyo dawladaha liitana laga baxayo. Culimmadii muslimiinta jahawareer ayaa ku dhacay, wayna garan waayeen waxay kaga jawaabaan doodda siyaasadeed ee wahaabiyadu keentay, taana waxaa sabab u ah fiqiga mad-habadaha oo aan lahayn aragti hufan ama dhammaystiran oo ku saabsan siyaasadda gebi ahaanba. Halkudhigga dawlad «islaami» ah  iyo in Quraanku yahay dastuur dad badan buu soo jiitay, culimmada intooda badanina ama waa aamuseen ama waa taageereen.

Wahaabiyadu arrimaha ay soo kordhisay waxaa ugu muhiimsanaa;

1) Gaalaysiinta cidda aan iyaga ku raacin fiqiga iyo caqiidada.

2) Hirgelinta dawlad «islaami» ah oo sharciga laga qaadanayo diinta.

3) La dagaallanka adeegsiga caqliga

4) La dagaallanka aqoonta iyo waxbarashada aan diinta ahayn.

Labada qodob ee hore waa kuwa huwan dhibaatada ugu weyn ee wahaabiyada. Dagaal iyo nacayb diineed iyo dagaal siyaasadeed oo shaar diineed loo geliyey ayaa haraynaya bulshada ay wahaabiyadu ku fiddo.

Al Shabaab

Fiqiga iyo caqiidada waxay inta badan ka qaataan Xanbaliyada, inkastoo ay ka weecdaan mad-habtaas markay arkaan inaan dantoodu ku jirin. Saasoo ay tahay way gaalaysiinayaan cid kasta oo ku khilaafsan fiqiga iyo caqiidadaba. Lama tukadaan waxna kuma darsadaan cidday u arkaan inaysan iyaga ahayn, wayna ladagaalayaan hadday awoodaan si ay mad-habtooda dadka ugu khasbaan. Waxay ku doodaan in dadka khilaafsani aysan Quraanka iyo sunnada raacayn taasoo gaalnimo ah.

Afarta mad-habadood ee waaweyn ee sunnigu waxyaabo badan oo fiqiga iyo caqiidada ayey isku khilaafsan yihiin, laakiin la isma gaalayn jirin, dhiiggana lama bannaysan jirin wahaabiyada ka hor. Way dhici jirtay in dooddu marar fara-ka-hadal gaarto, laakiin waa la kala xishoon jiray. Weligeed Xanbaliyadu waa dulqaad yaraayeen, marar bandanna way weerari jireen masaajidyada mad-habadaha kale, laakiin meesha wahaabiyadu arrinta gaarsiisey weligood ma gaarsiin. Waxay kaloo dadka u sheegaan inay iyagu yihiin Ahlusunna , cidda khilaafsan iyagana aysan ahayn. Xaqiiqdu waxay tahay in Xanbaliyadu ay tahay mad-habta ugu yar mad-habadaha sunniga, laakiin ay wahaabiyadu faafiyeen waayahan dambe. Waa afgembi ay ku doonayaan inay magaca Ahlusunna la wareegaan si ay dadka uga dhaadhiciyaan inaysan ahayn koox cusub.

Xagga caqiidada, waxay gaalaysiinayaan Ashcariyada iyo Matrudiyada. Ashcariyadu waa mad-habta caqiido ee ugu ballaaran sunniga, waxaana lagu qiyaasaa in ilaa 95% culimmada caanka ee sunnigu ay mad-habtaas haysteen, siiba culimmada Shaaficiyada iyo Xanafiyadu.Waxaa xusid mudan in doodda caqiidadu tahay dood culimmada ka dhexaysa oo aan dadka caadiga ahi dhex gelin kana warqabin. Waxaad marar badan wadaaddada wahaabiyada ka maqlaysaa iyagoo meel fagaare ah ka sheegaya inaysan Ashcariyadu ka mid ahayn Ahlusunnaha. Kama aha aqoonyari ee waa yasid ay yasayaan xertooda. Wahaabiyadu waxay qabaan inay xaq u leeyihiin inay iyagu kala saaraan khilaafka iyaga iyo dadka kale. In la isku khilaafo diin iyo mad-hab waa mid weligeed jirtay, weligeedna jiraysa. Alle asagaa sheegtay inuu keligi garta naqi karo oo kala saari doono dadka is khilaafsan, waayo garta ma naqo qof ama qolo doodda qayb ka ah.Tiro ma leh aayadaha Quraanka oo Alle ku sheegayo inuu Asagu dadka muransan kala saarayo. Marka wahaabiyadu dilka ku xukumaan dadka iyaga khilaafsan waxay sheegteen ilaahnimo. Waxay Soomaaliya iyo dalal kaleba gaalnimo ku xukumeen malaayiin qof ka dibna bannaysteen dhiiggooda iyo hantidooda.

Waxa ugu dhibaatada badan ayna wahaabiyadu keentay waa dhisidda ama hirgelinta waxa ay ugu yeereen dawlad”islaami” ah iyo diidista sharci dejinta . Arrintani waxay keenaysaa qalalaase, dagaal iyo xasillooni la’aan baahda. Waa khayaano lagu doonayo in talada lagu qabsado Alle magaciisa oo diinta lagu xoogsado. Dawladi waa cidda talada haysa, Allena ma magacaabo madaxda. Dawlad “islaami”ah waxay uga  jeedaan madax Alle talada u dhiibay oo aan mucaarad lagu noqon karin, lana dhaliili karin. Sidaa darteed ma bannaana in la is raaciyo ama la isku lifaaqo erayada “dawlad” iyo “islaami” waayo isma qabsan karaan, laakiin wahaabiyadu waxay ka faa’idaysanayaan kalsoonida dadka muslimiintu u qabaan magaca islaamka oo aysan ka hor imaan wixii lagu lifaaqo “islaami”.

Diinta iyo siyaasaddu waxay iska taabtaan dhawr meelood. Ugu horreyn Alle wuxuu faray muslimiinta wadatashi.Wadatashiga waxaa shardi u ah xornimo iyo sinnaan. Ma jiro wadatashi haddii aan dadku xor u ahayn inay codkooda iyo taladooda dhiibtaan. Nebiga(NNKA) qudhiisa ayaa lagu amray inuu dadka siyaasadda kala tashado. Sida wadatashiga bulshadu u maamulayso waa mid iyada u taal, maadaama bulshooyinka dhismahoodu kala duwan yahay. Dawlad kasta oo xoog lagu dhiso waa mid boob ah, kana soo horjeedda jidka Alle jideeyey. Wadatashiga waxa kasoo baxa oo dadku ku heshiiyo waxaa la yiraa dastuur ama axdi qaran. Axdigaasi waa midka jaangoynaya xeerarka siyaasadda iyo jidka loo marayo sharci dejinta. Sharciyada ama xeerarka bulsho ku dhaqanto waxaa sameeya dad isugu jira aqoonyahanno iyo siyaasiyiin. Xeerarkaas ama sharciyadaas waa kuwa lagu maamulo dal, sida sharciyada siyaasadda, ganacsiga gudaha iyo dibedda, waddooyinka, garsoorka iwm.

Diinta iyo sharci dejintu waxay iska taabanayaan inaan la bannayn wax Alle si cad u xaaraameeyey, dadka muslimiinta ahna way ka caban karaan haddii taasi dhacdo. Dawladda waa u bannaan tahay inay reebto wax diin ahaan bannaan, laakiin waa inaysan bannayn wax xaaraan cad ku ah diinta. Tusaale ahaan, dawladdu waa diidi kartaa in dalka gawaari la keeno, laakiin waa inaysan bannayn ka ganacsiga hilibka doofaarka haddii dadka dalka deggan dhammaantood muslimiin yihiin. Maaraynta iyo sharci u dejinta waxa xalaasha ah diintu ma fara geliso, sharciyada dal ku dhaqmo intooda badanina waa sharciyada maaraynaya waxa diin ahaan xalaasha ah. Waxaa jira sharciyo diinta laga qaato sida xeerka qoyska, dhaxalka iyo garsoorka. Muslimiintu sharciyadaas way ku dhaqmaan, umana baahna in dagaallo lagu meelmariyo. Sharciyadaas diiniga ah waxay ku jiraan dhammaan dastuurrada dalalka muslimiinta ah, waxaana dejiyey culimmada diinta, halka sharciyada kale ay ka dejiyaan aqoonyahanno, sida sharciyada waddooyinka iyo dhalashada. Marka wahaabiyadu ku andacoonayso inaan dadku sharci degsan karin waxay ka marag kacaysaa fahamkooda liita ee diinta iyo dawladda labadaba.

Waxay halkudhig ka dhigteen inay yiraahdaan Quraanku waa dastuurka muslimiinta ayagoo ka wada in Quraanku yahay kitaab sharci. Dastuurku waa waxa dadku ku heshiiyo markay wada tashadaan, Quraankuna waa mid loogu talagalay inuu hanuun u noqdo dadkoo idil, mana aha dastuur. Danta wahaabiyadu hadalkaas ka leeyihiin ma aha jacayl ay u qabaan Quraanka, ee waa inay waxay doonaan sameeyaan hadday talada qabsadaan oo aan cidna la xisaabtamin maadaama aan wax lagu heshiiyey jirin,la yaabna ma leh marka boqorrada bariga dhexe ay ku adkaystaan in Quraanku yahay dastuurkooda.

Meesha kale ee diinta iyo siyaasaddu iska taabtaan waa musuqmaasuqa. Alle waa reebay musuqmaasuqa saddexdiisa noocba (boobista hantida guud, laaluushka iyo eexda). Musuqmaasuqu waa dembiyada ugu waaweyn ee qof ku kaco waayo waa dembi duminaya dalka  oo idil. In musuqmaasuqa la cirib tiro waa ujeeddooyinka ugu waaweyn ee Alle rususha u soo diray (Alxadiid 25), waana tan ugu muhiimsan oo diintu dadka farayso. Lagama yaabo wax horumar ah inay gaarto bulsho caadaysatay musuqmaasuqa, saboolnimo, is nacayb, dulli iyo dagaal sokeeyena kama baxayaan.

Iskusoo duub, meelaha ugu muhiimsan ee diintu siyaasadda ka taabanayso waa; In dawladda lagu dhiso wadatashi, lala dagaalo musuqmaasuqa iyo inaan la bannayn wax Alle si cad u xaaraameyey. Wahaabiyadu saddexda qodobba waa ku tumanayaan. Waxay rabaan inay talada xoog kula wareegaan iyagoon kala jeclayn inta qof oo ku dhimanaysa dagaalka, inta dhaawacmaysa, inta barakacaysa iyo burburka guud ee dagaalka. Dhiigga dadkoo la daadiyo agtooda waxba kama aha. Hadday talada qabsadaan waxaa khasab ah in dawladdoodu noqoto mid musuqmaasuq ah waayo iyaga oo qura ayaa meel kasta qabanaya.Waxay bannaysanayaan dhiigga iyo hantida dadka oo ah waxa Alle sida cad u xaaraameeyey.

Waayahan dambe wahaabiyada waa lagu soo jeestay ka dib markii la wada arkay burburka iyo qaska ay gaysteen iyo sida ay u dhaawaceen magaca diinta islaamka. Malaayiin dhallinyaro ah ayaa diinta ka baxday markay arkeen muuqaallada dhiigyacabnimada ah ee ururrada wahaabiyadu soo geliyeen internetka. Dadkaas diinta ka baxayaa waxay u qaateen in diintu tahay sida wahaabiyadu u waddo, maadaama ay wahaabiyadu Quraan iyo axaadiis si gurracan u daliishanayaan. Qof kastoo adeegsada caqligiisa, xataa hadduusan aqoon badan u lahayn diinta, waa garan karaa inaan Alle loogu dhawaan karin dhiigga iyo xasuuqa dadka. Adeegsiga caqliga wahaabiyadu way diidday, oo waxay ugu yeeraan cidda caqliga adeegsata “caqlaani”, agtoodana waa ka gaal dhiiggiisu bannaan yahay. Waxay ogyihiin inaysan duufsan karin qof caqli leh. Tani waa sababta ay u yasaan waxbarshada, qaarkoodna u xaaraamaynayaan, sida Boko Xaraam waayo qof wax bartay way adag tahay in wax kasta laga dhaadhiciyo.

Diinta Alle waa naxariis, meesha diinta Alle looga dhaqmana waa meesha dadku u cararo oo ku nabad galo kuna helo soo dhaweyn iyo daryeel.

W.Q: CabdiRaxmaan Cilmi Xaashi

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.