Tuesday, June 28, 2022
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dhabtii Jacayl waa loo dhintaa (Qaybtii 1aad)

W.Q. Cabdiraxmaan Aadan Cabdi

Caawa dareenka aan ku suganahay ma aha mid aan hore ula kulmay. Cagaha markaan    tallaabo  qaad is idhaahdo waxaad mooddaa in cag walba kiish ciid ah la  igaga xidhay. Sidii  qof tooray lala dhacay ayaan u luudayaa.  Madaxayga sida denbiile askar muruqyo waaweyni  garbaha ka hayaan oo maxkamad loo sii wado ayaan u foorarinayaa. Dhabbaha  suuqa ka soo baxa ee  qolka aan  magaalada ka degganahay yimaada, sidaan ku soo maray ma xasuusto. Habeenadii hore intaan qof telefoonka ka garaaco ama heeso daarto oo xadhkaha codka qaada labada dhegood xaluuliyo ayaan waddada kusoo mari jiray. Habeenada qaarna qof  aanu is garano ayaan sheekadiisa kusoo jid mari jiray. Haseyeeshee caawa labada midna ma samayn oo taleefankayga meel aan ku sheego ma garanayo, qof garabkayga socdaana ma jiro. Albaabka hore ee guriga oo furihiisa meel aan ku sheego aanan garanayn  markaan hor marayo ayaan miyirsaday. Ma awil baan waalnaa? Ma qof waalan baa gurigiisa toos u yimaada? Haddaa ma qof miyirqaba oo telefoonkiisii iyo furihiisa toona meel uu ku sheego garanayn baa la arkay.

“Walaal Xamdaay  waa aniga’e iga fur”, ayaan ugu jawaabay inanta I weydiisay qofka albaabka garaacaya. Qof “wa ayo” la weydiiyey inuu “waa aniga” qallalan oo aanu magaciisa raacin ku jawaabo malahayga  waa caado dalkeena uun laga helo. “adigoo ayo ah” ayaa igu filnayd laakiin nasiib wanaag inantu codkayga ayay garatay.  

Inanta  albaabka iga furtayi si weji furan bay igu  salaantay. Aniguna sidoo kale  Inta aan furaha qolkayga jeebabka ka baadhayey iyo muddadii koobnayd ee aan furaha  rogayey, qosol dibnaha uun ah, farxad is tiilnimo iyo codkarnimo yaan lagaa dareemin ah baan inanta u muujiyey. Markaan qolkayga foodda geliyey ayaan iska bixiyey wejigii beenta ahaa ee aan dadka kale tusayey.

Qolkaygani waa meesha aan adduunka ugu jecelahay; waa halka keli ah ee aan ku nefiso. Jidh ahaan uun uguma nefiso ee sidoo kale waa goobta aan ruuxdayda  ku dhayo. Jidhkayga keliyi ma seexdo ee marar badan ayaan ruuxdaydana waadh ahaan halkan u jiifiyey. Waa goobta keli ah ee aan Ilmada ku daadiyo, isku qaawiyo, mararka aan wax wanaagsan la kulmana  ku damaashaado inkastoo beryahan wax i farxad geliya la kulmin.

Alaabta qolka taalla mid weliba abaal ayuu igu leeyahay, aniguna yaanan abaalkaa waxba gudine ugu yaraan inay abaal igu leeyihiin ayaan garwaaqsanahay oo niyadda uga mahadceliyaa. Muraayadda kabadhkaan dharka ku gurto  ku dherersan ayaase iigu abaal badan. Maya maya waa beentay. Miiska iyo kursiga daaqadda hoos yaala oo ah kuwaan wax ku akhristo ama qoro ayaa abaalka u weyn igu leh. Wax kale iska daaye kiliinigis(istiraasho) aan ilmada iskaga bi’iyo ee aan bacdaa iskugu uruuriyey ayaan abaal gooni ah u hayaa.

Sariirta oo sidii aan saaka kaga tegay ku sugan, ayaan isku tuuray. Waqti aan ku hurgufo ama ku hagaajiyo ma hayo, waqti  aan go’a  sariirta kaga beddelona hadalkiisaba daa oo ugu yaraan toddobaad dhan ayaan go’yaashan isticmaalayay. Dab qaybisada qolka sida maska u  dhex dherersan ayaan sariirta hoosteeda iskaga durkiyey. Caawa baraysadani waa shaqo la’aan oo telefoonkaan ku dabaysan jiray ma sito, Laabtoobna  ma isticmaalayo oo waa kaas miiska dulsaaran isagoo shandadiisi ku jira ee aan dhawr maalmood dibad loo soo saarin. Maxaan laabtoob soo saaraa, tamar aan wax ku akhriyo, taxadir aan filin ku daawado iyo waqti aan fikir mooyee wax kale ku qabto toona ma hayo’e.

Carruurnimadaydii aan tuulada ayeyday la degganaa, ci’da diigga ayaa hurdada iga toosin jirtay. Laakiin  sidaan tan magaalo ah usoo galayba qof ama jabaqda(Alarm’ka) aan  telefoonka ku xidho ayaa i toosinayey. Mararka qaarna jaqafta, jabaqda iyo codka carruurta reerka aan guriga wadaagno ee dugsiga isku diyaarinaya ayaan ku toosaa.  Saaka intaas midna kuma toosin ee waxaa hurdada iga kiciyey,cadceedda daaqadda qolka iiga soo gashay ee faduulinimadeeda sariirta iigu timi!

Markaan soo fadhiistay daqiiqado ayay igu qaadatay inaan maskaxdayda soo celiyo; xaggee ayaan joogaa? Saacaddu waa imisadii? Anigu yaan ahay? Markii iskugu kay danbaysay maxaan ku mashquulsanaa? Iyo weydiimo kale oo tiro badan ayaan naftayda su’aalay.

Xalay markaan qolka soo galay ee sariirta isku tuuray  ilaa soo dhawaadka waagaa, fikir, galgalasho iyo is hiifid ayay ii ahayd. Mawduuc keli ah ayaan marba dhinac iska taagayey. Go’aankaan qaadan lahaa ayaan boqollaal su’aalood iska weydiinayey. Dhinac akhlaaqeed, dhaqan iyo diiniba inaan ka eego ayaan ku isku taxaluujiyay. Sababtaa awgeed ayaan hurdada barqo dheertan qorraxdu kuluulaatay ugu gaadhay. Keli noolaanshuhu sida kale wuu  u fiican yahay oo waa xornimo laakin markan oo kale ayaa inaad khatar daaqayso ogaanaysaa. Bal  iminka haddaan xalay geeriyoodo yaa i ogaan lahaa? Haddaan ballan muhiim ah lahaan lahaa oo talefoonkuna iga maqnaan lahaa sida xalay oo kale, yaa ballantayda ii toosin lahaa? Anigaygii, qoyskayga oo magaalada deggan qolkan keliga ah ka doorbiday  miyaa durtaba khatar kelinimo ka cabanaya!

Sidii nin aan xalay fikir dhammaysan ayaan anigoo cidhifka sariirta fadhiya, weli go’iina lugahayga saaran yahay haddana fikir cusub bilowday. Sidaan sariirta ugu dhegsanahay bir iyo magnad ayaa nala moodaa. Inaan meesha ka kaco, fooldhaqdo, cadaydo oo goobahaa quraac iyo qado waxay doonto halagu magacaabee, waxaan afka geliyo u doonto, ayaa ii qorshaysan. Balse awood, karti iyo dhiiranaan aan sariirta kaga soo kaco ayaan iska waayey. Waxaan tamar iska baadhaba ugu danbayn inaan istaago waan ku guulaystay.

“Eeddo maanta miyaanad shaqaynayn… maxaa kugu dhacay miyaad xanuunsanaysaa…oo inaad joogto haddaan moodayno quraac ayaan kuu reebi lahayne..”, waxay ka mid ahaayeen hadallo marwada labada qol ee iga soo horjeeda deggan, markay anigoo saacaddan albaabka qolkayga ka soo baxaya i aragtay intay naxday igu tidhi. Nin weyn oo saacaddan dumarka guriga dhex fadhiya waa laga fiican yahay’e  degdeg ayaan guriga kaga soo baxay oo meel ina rag joogo iyo suuqa u soo orday.

 Inaanan hurdo ka dhergin oo xalay oo dhan soo jeeday cid kale iska daaye  ilmaha yar ayaa iga garan kara.. Belo cabtaygan qadhaadh dadku maxay ku falaan horta? Shaahyo cab aan qaxwaha jeclayn baan ahaaye  saaka waa anigaa koobkii labaad ee qaxwaha ah fiiqsanaya. Markaan caloosha wax geliyey, kafee badanna wahabka iskaga kiciyey ayaan go’aansaday in qof culayska iyo walbahaarka i saaran iga khafiifiya oo aan rarkan badh ka mid ah  ku qubo, intaan dadku iga dareemina u bandhigo meel uun ka raadiyo.  

Walaaladay iga yar iyo iga weynba magaalada way joogaan laakiin cidda keli ah ee dhibkaygan iga caawin kartaa, waa saaxiibkay. Sababtaan saaxiibkay u  doorbidayaa waa inuu arrinta aniga iyo gabadha,hore ula socday iyo ta ugu muhiimsan oo ah inuu  nin aad u deggan oo dhanka talada guud ahaan, gaar ahaan talooyinka xidhiidhada ku saabsan ku fiican yahay. Sidaas oo ay tahay ninkaas weligii xidhiidh ma samayn, guur iyo meherna hadalkoodaba daa. “dadka bilaa xidhiidhada ah ayaa talada xidhiidhka ku fiican waayo qof caqli iyo aqoon leh oo wax fahansani, xidhiidh ma sameeyo”. ayuu dhawr mar oo aan arrintan wax ka weydiinay noogu jawaabay.

La soco qaybta 2aad

W.Q. Cabdiraxmaan Aadan Cabdi

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2022 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.