Category: Maqaallo

Home » Maqaallo » Page 77
SAHWI LAGUMA RIDO QOOM ILAA AY SAXA KALEEXDAANE
Post

SAHWI LAGUMA RIDO QOOM ILAA AY SAXA KALEEXDAANE

Abwaan Haybe Axmed Yuusuf 1: Saadaasha gabay maalintaan, saxa u luuqeeyo 2: Ee aan salaamada ubaxo, samay laroorkeeda 3: Masakalo,e waa inan sugaa, sadaradeediiye 4: Salka aan udhigo oo murtida, siinka ka higaadsho 5:Seben hore wixii soo jiriyo, saaka waxa jooga 6: Soomaalinimadaan rabaa, inan sifeeyaaye 7:Sabciin sano horteed iyo wixii, saxafi ii sheegay 8:...

Qeexitaanka Xuduuddaha Badda Soomaaliya: Hawl aan la Huri Doonin, Horaa Loo Qabtaa
Post

Qeexitaanka Xuduuddaha Badda Soomaaliya: Hawl aan la Huri Doonin, Horaa Loo Qabtaa

W/Q Cabdiraxmaan J. Kulmiye, PhD Email:attiross@gmail.com “Hasha meesha taal, nafluhu waa hundhurayaaye” Qolofley Shiddo Ilaa iyo intii uu soo shaac baxay Heshiskii is Afgarad ee dhexmaray Dawladdii Ku Meel Gaarka (DKMG) iyo Dawladda Kenya, horraantii 2009, waxaa jiray olole aan kala go’ lahayn oo lagu doonayo in lagu xadeeyo badda Soomaaliya. Hawshaan waxaa hormuud ka...

Casharro Maskaxda Cuskaday
Post

Casharro Maskaxda Cuskaday

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen Email: sjx2005@hotmail.co.uk Dhacdooyin maanka raad sal-ma guurta-ah ku reebaya NELSON MANDELA Halyeyga Koonfur Afrika ee Nelson Mandela buugga uu ka dejiyay taariikh-nololeedkiisa, casharrada loogu tegayo, iska daa maqaal gaabane, kuwo buuggaag lagu soo koobi karo ka weyn oo ka waasacsan.  Si aanan kolkaa badweyntaa ugu hafan, waxaan isku ekaysiinayaa mid badanaa...

Xeerarka fagaasa labada Shibbane ee ‘dh’-a iyo ‘r’-a
Post

Xeerarka fagaasa labada Shibbane ee ‘dh’-a iyo ‘r’-a

W/Q C/raxmaan Faarax “Barwaaqo” Hordhac Naas dumar midkee buu Horraad iyo dambeed yahay isku mooraduugtee Bal hadduu dirkaba yahay Wixii dhacay ma dawbaa? Dabataxan, M. X. Dhamac ‘Gaarriye’ Sida laga wada dheregsanyahay, labada dhawaaq ee ‘dh’-a iyo ‘r’-a waxay ka mid yihiin laba-iyo-labaatanka shibbane ee af Soomaaliga. Haddana ereyo ay ku jiraan baa muran xoogle...

MAALINTA NABADDA ADDUUNKA MAXAY KU TAHAY ?
Post

MAALINTA NABADDA ADDUUNKA MAXAY KU TAHAY ?

W.Q.  Siciid Jaamac Xuseen Saxiibkay  Geeddi oo taliskii kacaanka militariga ee Oktoobar 69 iyo ciddii la soo shaqaysay shaki ka galo daacadnimadooda si kasta hadday u istaaqfura-laystaan, ayaa la socday inaan kal hore maqaal Ka qoray ”8da Marso: Maalinta Haweenka Adduunka.” Si ay ku dhacdayba, markanna waxuu la kulmay anigoo ku dul fadhiya qoraalka ka...

Door-roonaanta Sooyaalkeenna iyo Danayn-la’aanta Dadkeenna
Post

Door-roonaanta Sooyaalkeenna iyo Danayn-la’aanta Dadkeenna

W/q: Axmed Ibraahin Cawaale aiawaleh@gmail.com 1. Hordhac “Haddii ardayda Soomaaliyeed ee barata Sooyaalka (taariikhda), Degel-baadhista, Suugaanta, Sooyaalka Diimaha, iyo Falsafadda ay heli lahaayeen door/fakaag (fursad) ay ugu kuur galaan qoraalladii hore ee Masaarida, sida sheekadii Bad-mareenkii Qarqoomay, Sooyaalka Faraaciinta, sida ban-dhiggii wacdaraha lahaa ee socdaalkii Boqoraddii Xatshebsuut ay ku tagtay Arladii Bunt, iyo Qoraalladii dura/duraaye...

XAKABYALEY
Post

XAKABYALEY

Waxa Tiriyay: Faarax Cali “Gammuute” E-Mail: farahgamute@gmail.com Wax la yidhi, labay ka murugtay. Jiq bay isku noqdeen. Geedkay ka fursan weyday. Waayeel kala gaadhaa loo guray. Waa loo muddeeyay. Ammin dheer baa golihii lagu kulmay. Gar laysu hankaabsay. Mudduci tiisa marsanaya iyo madaacale deedafeynaya ayay ku soo gudhay. Odayaashii dhexda ahaana, “Ilaahow gar eexo ha nagaga...

Dhugmo: Dhismaha Meeris Gabayga
Post

Dhugmo: Dhismaha Meeris Gabayga

Sidaad badankiinnu ogtihiin, meeris gabay ihi waxa uu u kala qaarmaa hojis iyo hooris. Sida kale, waxa uu meeriskani u kala baxaa sal iyo farcan. Salnimada iyo farcannimadu waxay saamaayeen hojiska oo qudha. Guud ahaan, hojiska saleedi waxa uu yeeshaa soddoniyo-laba qaab; hojiska farcanka ahna intaa in ka badan. Dhugmadeennan maanta waxaan ku ekaanaynaa furfurista...

Dhoodaan: Maansoyahan aan kaalintiisii la Buuxin karin
Post

Dhoodaan: Maansoyahan aan kaalintiisii la Buuxin karin

Cabdillaahi Macallin Axmed (Dhoodaan), Alle ha u naxariisto.  Geeridiisa waxaa ku baxay gabayaa iyo abwaan aan marna meeshiisii cid buuxisa la heleynin.  Hibadiisa halabuurnimo qof  aan barbardhigo, marka ay tayda tahay, ma garanayo. Dhoodaan, Alle ha u naxariisto, maanso ahaan, waxaan ku tilmaami karaa ifafaale ay soo noqnoqoshadiisu dhif tahay. Waxa uu gooni ku ahaa...

Dinasoor iyo Doolli (Sheeko gaaban)
Post

Dinasoor iyo Doolli (Sheeko gaaban)

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen Xilligii  waa is-dooriyey Adduunku intiisii hore waa isaga soo dhowaaday; Qalabka warfaafinta isbeddelka xad-dhaafka ah ee ku dhacay ayaa dunidii kala durugsanayd tuulo yar ka soo saaray, dadkii  kala fogaana qoys keliya oo goor kasta kala war qaba ka yeelay. Hase yeeshee, sidii baa maalin walba qiso lala yaabaa waa kasta...