Sunday, May 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion

MAALINTA NABADDA ADDUUNKA MAXAY KU TAHAY ?

W.Q.  Siciid Jaamac Xuseen

siciid1Saxiibkay  Geeddi oo taliskii kacaanka militariga ee Oktoobar 69 iyo ciddii la soo shaqaysay shaki ka galo daacadnimadooda si kasta hadday u istaaqfura-laystaan, ayaa la socday inaan kal hore maqaal
Ka qoray ”8da Marso: Maalinta Haweenka Adduunka.” Si ay ku dhacdayba, markanna waxuu la kulmay anigoo ku dul fadhiya qoraalka ka hadlaya ”Maalinta Nabadda Adduunka”.

‘Waxuun baad ku foorortaaye, maxaad qoraysaa?’ ayuu i su’aalay.

Anigoo garanaya sida uu u saluugi doono, ayaan ugu jawaabay,’maalinta nabadda adduunka.’

‘Wallee waydinaan ka waantoobin, illayn waa la idinku falaye! Maalinta nabadda, Maalinta colaadda, Maalinta Bacaad-celinta, Maalinta qashin-gurka, Maalinta Faraxalka, Maalinta Xabaala-qodka. Kacaankii kuf, jab, dhimay oo beri hore ayaa la aasay, ee ma wax kale oo aad ka hadashaan baad weydeen inta arrimo dunida ka bateen?!’

Lama aan sii wadwadin saaxiibkay Geeddi oo waan ogahay in aanan ka gar helayn, kolkaa waxaan kaga baxay, ‘ wixii kalee micnaha lahaa haddaan idiin dhaafnay, inaad ka hadashaan oo sidaad rabtaan wax uga qortaan, intaa yar ee maalaa-yacniga ahna ma noo qoonsanaysaan?’  Intuu ka dhaqaajiyay, ayuu igu dhaafay dulucdan

”Iska qoro, Siciidow, waxba qiil ha u raadsane! ”

Aan maalinteennii ku soo noqdo iyo waxay Soomaali ahaan innoogu fadhido iyo waxa aynu adduunka intiisa kale la wadaagno.

Tan ugu horraysa ee laga wada siman yahay ee uummanaha ifka ku nooli baahida weyn u qabaa waa nabadda.  Waa waxyaabaha loo yiraahdo “nabad la’aani, waa nolol la’aan.”  Taasi waa mid si fudud la isu la wada garan karo .  Waa sar-ka-xaadis dadku si fudud isugu raacsan yahay oo ku celcelin uma baahna.

Tan labaad ee  dhugmo iyo in si weyn looga fiirsado mudani waxay tahay: Nabadda cid kastaa way u heellan tahay.. cid kastaa way rabtaa nabadda.. cid kastaa way ku hadaaqdaa nabadda ; misna waxaa barbar socda, cid kastaa si toos ah ha ahaato ama si dadban, iyadoo og ama iyadoo aan isogayn ayay dhaawac weyn u geysanaysaa nabadda.  Haddaan mataal yar innooga soo qaado,  hadday tahay qof taajir ah ama qof faqiir ah, qof aqoonyahan ah ama qof jaahil ah, dal hodon ah ama dal sabool ah, dawlad itaal yar ama dawlad itaal weyn,  intaba waxaynnu oran karnaa nabadda way ku hadaaqaan, nabadda way sheegaan, nabadda way soo jeediyaan, isla markaana waxay ku foogan yihiin oo aad mooddaa inay ku maqan yihin nabadda waxyeelladeeda.

Tan saddexaad ee loo danaynayaa,  waa dunida oo inteedii hore isaga soo dhowaatay, oo si fudud isu soo gaaraysa. Ujeeddaduna waxay tahay, dab baxaya biyihii bakhtiin lahaa, ama lagu damin lahaa ayaa maanta sidii hore aad uga soo dhowaaday.  Isla markaana, waxaa kale oo aad usoo dhowaaday, meel nabadi ka jirto dabkii lagu shidi lahaa oo si sahlan usoo gaaraya.  Arrimahaa ayaa si cad u muujinaya in wadajir mooyee, nabadda xasilloonideeda aan loo dhaafi karayn qof  (khadar kasta ha lagu sheegee!), iyo dal iyo dawlad toonna itaal kasta iyo hodonnimo kasta ha sheegatee.  Taasina waa ta keentay in isku mar la wada xuso ahamiyadda ay maalintaas adduunka u leedahay dhammaantii.

Soomaali ahaan maxaa u gaar ah

Ummaddeennu waxay si weyn uga dheregsan tahay maqalka:

Maxaa lagu waabariistay?
Maxaa reerku ku soo hoyday?
Nabad meel kasta waad ku mari kartaa..
Nabad waa lagu hirtaa, colaad waa lagu haajiraa..
Nabadi barwaaqo ma weydo..
Nabadi waa geel xeradi iyo rag gogoshi..
Nabad nin diiday, nolol diid..
Nabad aan niyad ahayni, nabad maaha..

Hadday maahmaah tahay, hadday murti tahay, hadday hal-qabsi tahay, hadday hal-ku-dheg tahay, hadday xusuusin tahay, mar walba waraysiga nabadda iyo waxtarkeeda ummadda Soomaaliyeed waxay u leedahay hal-hays joogta ah.   Waxaba loo qaadan karaa in aynnu nahay ummad nabadda jecel oo dhaqankeedana ay meel weyn kaga jirto.  Haddiise aynnu meelo kale ka fiirinno oo si cad isu tusno, waxaa inoo soo baxaya sababta kol kasta loogu celcelinayaa nabadda, ee la isu xusuusinayaa, ee halqabsiga ka dhigaysaa inay runtii tahay maqnaanshaha ay nabaddu innaga maqan tahay, arradka aynnu ka arradan nahay, tebidda aynnu tebaynno baahida mar walba loo qabo ee aan laga maarmi karayn.  Hadday nabaddu innoo xasilan tahay oo dhaqankeenna mid si roon uga taabbagashay ahaan lahayd , hadal haynteeda iyo ku-celcelinteeduba meesha ma yimaaddeen.

Soddonkii, afartankii ama tobannaankii sano ee la soo dhaafay kol kasta dhibaatooyinka ummadda Soomaaliyeed sida ba’an u cuskaday waxay  kaga imanayeen qalalaasaha, diradiraha, utunta, iyo fidmada  dhaawaca ugu xun u geysanaysay nabadda.  Haddii nabadda la wada ilaashanayo oo qof waliba meeshiisa iskaga xilqaamayo, wax walbana laga horraysiinayo, wax badan oo innaga hallaabay ayaa innoo qabsoomi lahaa. Nolosheennuna halka ay maanta joogto meel ka roon ayay gaari lahayd.  Ujeeddadu waxay tahay hal-doorkii laga filayay inuu nabadda ku hoggaamiyo illaa kii u baahnaa in loo ilaaliyo nabadda ee maatada ahaa, ee mucsirka ahaa, ee maxaysatada ahaa, ayaa idil ahaantood ku la’ nabaddii.  Kii nabadda laga sugaayay oo kaalintiisii ka soo bixi waayay iyo kii in loo hirgeliyo sugayay oo meeshiisii ku tabaaloobay.  Halkaas weeye halka ayaandarrida  innaga cuskatay ee ducfigeenna ugu weyni ku jiraa.

Dhibaatooyinkii maxaa laga dhaxlay

Ummad kasta waxaa isku haya oo nabadda u ilaaliya marna ma aha qof keligiis ah (si kastoo loogu duceeyo!), ama reer keligiis ah, ama bulsho keligeed ah, ee waa wadar ahaantood.  Iyagoo isku duuban oo wada garanaya danahooda midaysan oo  meel uga soo wada jeesta ayaa dejin kara oo xasilin kara nabadda.  Marka meesha khalkhal yimaaddo,  damac yimaaddo,  nin tooxsi yimaaddo, dhuuni-raac iyo dheef-raadis yimaaddo, bulshada dhexdeeda waxaa ka abuurma qalalaase, is-diid iyo ismaandhaaf  si weyn u dhaawaca bulshada. Dhaawacaa halista weyni bulshada kaga ma dhaco guudka keliya ee wuxuu ka cuskadaa gunta, kaga ma dhaco jirka ee waxuu ka haleelaa maanka.  Laabta iyo lubbiga ayaa madoobaata.  Dadkii la rabay inay isku duubnaadaan, candho iyo caano wada ahaadaan, ul iyo diirkeed isu ahaadaan,  bulsho midaysan noqdaan, ayaa kala ugaarooba, cadow isugu muuqda, iscuna oo iscayrsada.  Halkaas ayay ku jirtaa ayaandarrada, goblannimada, saboolnimada, dullinimada iyo dugaagnimada laga dhaxlay dagaalkii sokeeye ee muddada dheer soconayay.  Sal iyo sababna ay u ahaayeen caqli darro ay aqoondarro ku biirtay.  Nabad la’aani waa caqligii iyo maankii talin lahaa oo meeshiisii ka baxay.  Caqligu waa kan mar walba inna faraya in nabadda la ilaaliyo.  Nabaddu hadday maqnaato oo dagaal iyo colaadi yimaaddaan, micnaheedu waxuu yahay waa maankii oo laga reeyay oo caqli-darraantii iyo waallidii ka adkaadeen.  Waalidaas ayaa loo xirnaa muddadaa dheer oo dhan oo la lahaa tolow, goorma ayuu waa inoo beryi doonaa uu miyirku taliyo.

Isbadelka cusub iyo rajadiisa

Innagoo soo tilmaannay carcaraafkii soo jiray ee muddada dheer soo jiitamaayay ee hoogga iyo halaagga baday ummadda Soomaaliyeed, maanta isbeddelka cusubi waa ifafaale hor leh oo nabad iyo naruuro inuu ummadda u horseedo laga quudarrayn karo.  Nabadda oo la isku waaniyo, nabadda oo la isugu duceeyo, nabadda oo la isku la taliyo keligeed ma rumoobayso mana mira dhali karto.  Waxay u baahan tahay tallaabooyin muhim ah oo cadcad in la qaado.  Nabaddu waa inay heshaa xooggii ilaalin lahaa, xeerkii loo cuskan lahaa, hey’adihii hirgelin lahaa ee meel marin lahaa, siyaasaddii iyo dastuurkii muujinayay isla markaasna qeexayay sida loo dhaqmayo.  Intaas kolka la wada xasiliyo waxaa laga ma maarmaan noqonaya hal-doorkii hey’adahaas aynnu soo sheegnay horseedka ka noqon lahaa ee ummadda Soomaaliyeed mayalka u hayn lahaa.  Illaa imminka doorashooyinka barlamaanka Xamar, iyo madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud , iyo af-hayeenka barlamaanka cusub Prof. Maxamed Cismaan Jawaari waa kuwo dhiirrigelini ka muuqato. Tallaabooyinka ku xigi doona ayaa laga dhursugayaa.  Welise waa fool iyo lulmo laga naawilayo in lagala kulmo tallaabooyin khayr leh oo dadkeennu kaga nastaan dhibaatooyinkii muddada dheer soo dishooday.

Nabadda iyo horumarka

Horumarka iyo nabaddu waa sida ukunta iyo digaagga, waa sida dhaqaalaha iyo waxbarashada, waa sida beeraha iyo wershadaha..

Kee baa horreeya oo keebaa dambeeya, ayaa dad badan waqti dheeri kaga lumaa inta ay ka murmayaan.  Way isla socdaan oo isku dhafan yihiin.  Qorshe ummad loo dejiyo samata-bixinteeda, sareedo-u-horseedkeeda  waa mid u baahan in la isku wada seebiyo nabadda iyo horumarkaba. Nabaddu horumarka ayay u adeegaysaa, horumarkuna nabadduu, sidoo kale, u tiirinayaa oo u taageerayaa.   Waa maxay horumarka aynnu doonaynaa?  Hor iyo horraan horumarka aynnu rabnaa waa in aynnu la dagaallanno oo ka guulaysanno faqriga, jahliga iyo cudurka, bal inta kale haba innoo dambaysee.  Intaas oo dagaal lagu qaadaa waxay u baahan tahay in loo wada dhan yahay, loo wada shaqaynayo, loo hagarbaxsan yahay oo isla markaas nabad lagu wada nool yahay.  Nabad la’aanteed qalalaase iyo isku-gaaf-wareeg ayaan laga dhammaanayn.  Nabadda ilaalinteedu waxay u baahan tahay xeerkii iyo sharcigii ummaddu ku dhaqmi lahayd iyo heyadihii iyo xooggii meel marinayay ee u noqonayay ummadda gaar-hayaheedii nabadda u ilaalinayay.  Nabadda oo sidaa loo ilaaliyaa waxay si hufan oo habboon u keenaysaa fursad wacan oo ummaddu u soo farabaxdo horumarka ay saadaalinayso, kaasoo laga ilaalinayo mar walaba khalkhal iyo kharbudaad ummadda ka dhex dillaaca.  Sidaas darteed ayaan midkoodna kan kale la’aanti jiri karayn.

Farriin gunaanad ah

Ummadda Soomaaliyeed waxay aqoon ku filan u leedahay, oo in badan soo maray, waa gebagebaynta arrin kasta oo dantooda la xiriirta in lagu khatimo dardaaran, waano, wacdi, iyo duco mar kasta lagu cashariyo.   Tan ugu muhiimsani waxay tahay in maanka lagu hayo ilaa inta la god gelayo, qofka hankiisa iyo hawadiisa yari way ka adag yihiin.  Isqaad-qaadka, faanka, xukun-jacaylka, dheef-raadiska, intuba qofnimada waa u cadow.  In looga hiiliyo ayuu qofku u baahan yahay oo keligi kuma filna.  Bulsho uu ku dhex nool yahay oo la kaashado ayaanu ka maarmayn.  Tan qabiilkuna kaba sii daran oo intaas aynnu qofka ku sheegnay iyo kuwo ka sii badan ayaa ku dhex duugan.  Waana wixii inna dhaxalsiiyay masiibooyinkii muddada dheer inna aafeeyay.  Qof, qabiil, iyo dawladina keligeed kuma filna inay ka adkaato caqabadaha culus ee inna hor yaalla haddii aan dunida kale lala kaashan.

Qof kastaa ha ogaado ducfiga ugu weyn ee haystaa inu yahay kan naftiisa kaga imanaya ee haysta.  Qabiil kastaana sidaas si le’eg ha ogaado, halkuu qabiil kale faraha kaga fiiqayo inay la gudboon tahay inuu horta isagu u guntado, una hawlgalo sidii uu uga bixi lahaa ducfiga haysta.  Iyadoo ku wada socota qofka, qabiilka iyo bulshadoo dhan , misna si gaar ah waxay ugu godan tahay hal-doorka iyo wax-garadka ay ka mid yihiin aqoon-yahanka, culimaa-u-diinka, beel-daajiyaasha, madaxda ciidammada, siyaasiyiinta, iyo inta la hal maasha.  Waa kuwa laga rabo inay fiire weyn u lahaadaan, cid walbana uga horreeyaan sidii ay ummadda wax san iyo meel san ugu hogaamin lahaayeen, si ay inta kalena tubtooda wanaagsan ugu raacaan.  Taas weeye ta keeni kartaa in bulshadu isku duubnaato, ciddii ay wax la qabsan kartona la qabsato.

Siciid Jaamac Xuseen
Email:[email protected]

__________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2013 WardheerNews, All rights reserved


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.