Saturday, June 15, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Ceerigaabo: Dadka qaba baahiyaha aragga iyo dhagaha oo ka cabanaya waxbarasho la’aan

Arday aragga naafo ka ah/kaydka Ergo

(ERGO) – Boqol iyo konton qof oo naafo ka ah indhaha iyo dhagaha ayaa xaalad waxbarasho la’aan ku wajahaya magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, halkaas oo uusan ka jirin iskuul si gaar ah wax loogu baro dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Cabdullaahi Cabdi Nuur oo 28 jir ah wuxuu naafo ka yahay indhaha muddo 11 sano ah. Wuxuu dedaal ugu jiraa sidii uu u heli lahaa iskuul ku habboon dadka aragga naafada ka ah. Si uu heer uga gaaro waxbarashada.

Sanadkii 2013 ayuu dhameeyay iskuul hoose iyo dhexe ah, balse uma suurto galin in uu sii wato hayaankiisa waxbarasho. Waxaa ku dhacay xanuun ka asiibay indhaha, kaas oo ugu danbeyn galaaftay araggiisa.

Wuxuu sheegay in uu niyad jab ka qaaday waxbarasho la’aanta haysa. Labadii sano ee la soo dhaafay wuxuu sameeyay lix jeer oo iskuday ah. Si uu wax u la barto dadka lixaad kooda qaba, balse wuu ku guul-darraystay.

“Qofka aragga la’ markii uu haysto waxyaabihii ama tasiilaadkii fududaynayay waxbrashadiisa ayuu waxbarashada tagi karaa. Meello gaar ah oo naafada loogu talo galay oo aan jirin. Waa caqabad intii aan kamid ahaa dadka aragga naafatada ka ah isoo wajahay.”

Wuxuu tilmaamay in uu noqday guri-joog ay sii-wiiq-mayaan hammigiisa waxbarasho iyo hadafkiisa mustaqbal. Wuxuu jeclaan lahaa in laga furo Ceerigaabo iskuul u gaar ah dadka baahiyaha aragga qaba, isla markaana leh qalab ay wax ku baran karaan.

Wuxuu xusay in iskuulka ugu dhow ee dadka lamid ka ah wax lagu baro uu ku yaallo Burco oo magaalada Ceerigaabo u jirta 360 km. Ninkan oo la nool hooyadiisa duruufta dhaqaale uma saamixin in uu ku biiro iskuulkaas.

“Tan ugu muhiimsan waxa weeye oo aan deegaanno kale waxbarasho ugu doonan waayay qoyska ayaa danyar ah dhaqaale aan meello kale ku tagi karo oo aan jirin ayaa sababta ugu wayn ah. Haddii aan heli lahaa cid aan saacidaad ka helo waxaan fili lahaa in aan ka soo bixi lahaa kaalintaydii oo aan si fiican wax u baran lahaa, isla markaana ilaa heerkii aan noqoto aan gaari lahaa.”

Cabdullaahi wuxuu ka mid yahay qoys sagaal qof ka kooban oo nolol-maalmeedka ay u soo dhiciso hooyadiis. Waxay ka shaqaysaa suuqa Ceerigaabo, halkaas oo ay ku iibiso khudaarta noocyadeeda kala duwan.

Wuxuu sheegay in dhaqaale yarida haysa qoyskiisa ay sidoo kale ka hortaagan tahay baartitaan caafimaad oo uu ku oggaan lahaa rajada ah in dib araggiisa uu u soo laaban karo haddii uu hello qaliin iyo daawayn, taas oo wali aan loo sameyn.

Farxiya Daahir Jaamac waxay ka mid tahay waalidiinta ka walaacsan waxbarasho la’aanta ku dhacday carruurtooda baahiyaha gaarka ah qaba, kuwaas oo aan haysan iskuul wax lagu baro. Waa hooyada gabar 17 jir ah oo maqal naafo ka ah, taas oo lagu magacaabo Xaliimo Axmed Cabdi.

Billowgii sanadkii 2018 ayay ku dartay iskuulka Daallo oo ay dhigtaan carruurta lixaadkoodu dhan yahay. Waxaa se ay ka saartay hal sano kaddib, markii ay la qabsan waysay. Waxaa ku adkaaday fahamka casharrada, ka jawaabidda su’aalaha tooska ah iyo layliyada loo diro ardayda.

“Waxaan ka bixin jirnay lacago siyaado ah. Guriga dhexdiisa ayaan ku taageeri jirnay oo ku caawin jirnay habeenkii. Dad baa diyaar u ahaa in ay wax fahamsiiyaan. Waxay jeceshahay iyada oo hobigeeda ah in dadkaasi laxaadkoodu dhanyahay ay la jaanqaado. Waa qof firfircoon oo soo jeeda oo ku xisaabtamaysa inay nolosheeda wax ka beddesho, markaa waxaan jeclaan lahayn in ololeeyo dadkan baahiyaha gaarka ah leh ama aragga ha la’aadeen ama maqalka naafo ha ka ahaadeen ama jir ahaan naafo ha u ahaadeen in loo helo iskuullo u gaar ah.”

Haweenaydan waxaa ay ku fikiraysaa in maalin uun ay gabadheedu waxbarashada dadka maqalka naafada ka ah ku hesho Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Si himiladeeda ay u rumeyso.

Farxiyo oo nolol-maalmeedka u soo dhicisa 8 carruur ah uma qorshaysna in gabadheeda ay u dirto meel ka baxsan Ceerigaabo, halkaas oo ay ka heli karto iskuul ay wax ku barato. Waxay sheegtay in aysan haysan qof xannaaneeya iyaduna aysan carruurta kale cidlayn karin.

“Mar aad gobolka ka kaxayso oo aad geyso gobolka kale oo aanu aqoon aad gayso way ka sii dhib badan tahay oo ka caqabad badantahay, ama waa inuu qofkii nolosha ka dhaco oo halkiisa aad u dayso ama waa inaad dad u adeega oo wakhtigu aanu kuu saamaaxayn u geyso. Marka waxaan ku boorinaynaa dowlada iyo masuuliyiinta gobolka dhamaantood in ay u ololeeyaan dadkan naafada ah.”

Waxay sheegtay Farxiyo in waxbarasho la’aanta haysa Xaliimo ay ka dhigtay guri-joog ka murugaysan fursadda la’aanta waxbarasho ee ka jirta deegaankeeda. Inkastoo aysan ka niyad jabin in ay rumeyso riyadeeda.

Magaalada Ceerigaabo waxaa ku nool macalimiin takhasus u leh waxbaridda dadka baahiyaha gaarka ah qaba gaar ahaan kuwa maqalka iyo aragga naafada ka ah. Macalimiintaas waxaa ka mid ah Cismaan Cali Xasan. Inkastoo hadda uusan waxbarin dadka naafada ah, haddana wuxuu macalin ka yahay iskuul hoose, dhexe iyo sare oo ku yaalla magaalada Ceerigaabo, kaas oo carruurta caadiga ah wax lagu baro.

Wuxuu sheegay in dib u dhac wayn ay ku tahay magaalada in laga waayo goob wax lagu baro naafada. Wuxuu Raadiyow Ergo u sharraxay caqabada hortaagan in la helo iskuul u gaar ah dadkan.

“Caqabadaha haysta dadka baahiyaha gaarka ah qaba dhinaca waxbarashada way faro badan yihiin. Waxaa kow ah fahan daro ka haysta dadka ay ku dhex nool yihiin oo aan fahan sanayn haddii dadkan wax labaro in noloshooda meel ka soo bixi karto. Sidoo kale waxaa haysta caqabado dhinaca waxbarashada ah. Malahan goobo waxbarasho oo dadkan ay ku soo bandhigaan hibooyinkooda iyo mid noloshooda ay uga qayb qaadanayaan.”

Dadka qaba baaiyaha gaarka ah ee ku nool Ceerigaabo waxay caqabaddan la wadaagaan kumanaan naafo ah oo ku nool deegaannada Soomaalida, kuwaas duruufta u saamixin in ay helaan iskuullo ay wax ku bartaan ama dhaqaale ay ku tagaan.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.