Sunday, May 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion

Door-roonaanta Sooyaalkeenna iyo Danayn-la’aanta Dadkeenna

W/q: Axmed Ibraahin Cawaale

[email protected]

1. Hordhac

“Haddii ardayda Soomaaliyeed ee barata Sooyaalka (taariikhda), Degel-baadhista, Suugaanta, Sooyaalka Diimaha, iyo Falsafadda ay heli lahaayeen door/fakaag (fursad) ay ugu kuur galaan qoraalladii hore ee Masaarida, sida sheekadii Bad-mareenkii Qarqoomay, Sooyaalka Faraaciinta, sida ban-dhiggii wacdaraha lahaa ee socdaalkii Boqoraddii Xatshebsuut ay ku tagtay Arladii Bunt, iyo Qoraalladii dura/duraaye (qadiimiga ahaa) – laga soo bilaabo Strabo iyo Agatharchides, ilaa laga soo gaadho qoraagii lama-yaqaanka ahaa ee qoray The Periplus of the Erythraean Sea, waxa ay run-ahaantii gar-waaqsan lahaayeen door-roonaanta (ahmiyadda) Dhulka Barakaysan ee Soomaalida (oo sida kalena xilliyo kala duwan loo yiqiinnay Arladii Bunt iyo Azania)”. (Prof. Dr. Muxammad Shamsaddin Megalommatis).

Hadalkan waxa yidhi aqoonyahan u dhashay dalka Giriigga oo ku xeel dheeraaday sooyaalka dalalka Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika. Waa hadal aad u qaayo leh. Waxa se layaab leh moogganaanta dadkeenna ay mooggan yihiin sooyaalkaas faca weyn leh iyo danayn la’aanta ku aaddan tagtada iyo raadadka duulalkii innaga horreeyay ee ku dhaqnaa dhulkeenna.

Ka hor inta aynaan gudo gelin nuxurka qoraalkan kooban, waxa is-waydiin mudan: Maxaynnu ka rabnaa in aynnu isku howlno ogaanshiiyaha sooyaal bulsho oo soo taxnaa ammin aad u fog oo laga soo gudbay, tiiyoo ay weliba aanay jirin dhigaal/kayd qoraallo fac weyn oo ku saabsan arrinkaas?

Si kooban, eray-celintu waxa ay tahay: Sooyaalka, hadhaaga aqooneed iyo dhaqanka ay bulsho isu tiriso ama sheegato, waa midka iyaga ka gaar yeela bulshooyin kale, gun- dhigna u noqda astaynta ahaanshiiyaheeda. Dhaqanka, hiddaha, afka iyo maan- kaashiga (fikirka) bulsho waxa ay wadar-ahaantood ahaanayaan wax qaayo leh oo bulshada iska leh u ah baadi-sooc. Kala-duwanaanshaha bulshooyinka ayaana ka qayb qaata hodminta dhaqan ee bulsho-weynta adduunka.

Halkan Ka sii akhri; Door-roonaanta Sooyaalkeenna.

_______________________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2013 WardheerNews, All rights reserved

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.