Sunday, May 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion
  • Talk of the town

XAKABYALEY

Waxa Tiriyay: Faarax Cali “Gammuute”
E-Mail[email protected]

Wax la yidhi, labay ka murugtay. Jiq bay isku noqdeen. Geedkay ka fursan weyday. Waayeel kala gaadhaa loo guray. Waa loo muddeeyay. Ammin dheer baa golihii lagu kulmay. Gar laysu hankaabsay. Mudduci tiisa marsanaya iyo madaacale deedafeynaya ayay ku soo gudhay. Odayaashii dhexda ahaana, “Ilaahow gar eexo ha nagaga tegin, garashana ha nagu cadaabin”, intay yidhaahdeen ayay giraanta uga dhigeen.

Waa laysu dheygaystay.Siday u kala guranayeen, ayuu hadhkii galbeed u meeray. Gabaabsi bay noqotay. Muqnif aan laga gayoon baa se loo diray. Iyadoo kay is ahaayeen la sito ayuu arkay. Wuu ka gaws qabsaday. Wejiguu guntay. Gawnaxyaduu buuray. Afkuu u yuubay. ”War caana-waaye garta cuyub u celi”, ayuu canaanta kula faqay. Kiina dhego wadan ayuu u raariciyay. Oomanteedii iyo halkay barqa kulushii ka timi ayuu dib ugu cillaalay.

Is daye odayaashii. Curad, aan ilkaha laba u wada guduudinayn baa u muuqatay. Ballan dambe iyo in loo gogol badiyo ayay ku daysteen. Waa sidaa, oo si la yeeli jiray weeye. In la rogrogo ayay ku roon tahay. Tixdanna meelayowgaa ka day.

Nimaan laabtoo u xalan
Naxwaha maansada xadilin
Amaan tiro iyo xisaab
Xubnaha ku dabaalinoon
Higgaad xiisa le ku sugan
Amaan xaasaw aqoon
Godkaan xamilayn culays
Ayaan arar xaaligeed
Ka maalayn xiitaduu
Xidh gaara ku mayracee
Dar baa xigsimooda gelin
Darkana xawsay la iman
Xalliib laga qaadayee
Waxay Xamaradu ridaa
Agnaan xirfad laga maroon
Aqoon xoodaamintee
Rag baa xujo yuururtiyo
Furfura taawilo xidhxidhan
Xuduudaha loolka sare
Rag baa xubin-xubin u dhiga
Xadaarad fogaatayoo
Hawada xarunteeda taal
Xaqsoor lagu taagayoo
Xiddiyo rays lagu qaboo
Maruun xayi loo arkiyo
Inuu xanshashaqu istaro
Rag baa u xamuuranoo
Samada u xushlaynayee
Calaacasha xarashyadiyo
Sirtaa ku xasaysan buu
Bogtaa xeeldheeruhuye
Rag baa xaydhaha dayee
Sidii maylkoo xadrayn
Waxaa soo xeellidhigan
Haddana saamayn xadidan
Darroorta xagaayadee
Intuu xeebaha gilgilo
Xadeed iyo Hawd guntii
Gugaa xawliga maree
Indhuhu ways xaal ogyiin
Xidhiidh hoosaa u taxan
Xaduurkana waa u siman
Mid baa saxar lagu xagaa
Markii xanaf damaqsigaa
Ta kale xogta lagu dhibcay
Iyana la xanjeer go’daa
Xigtana garay Baaniyaal
Darteed isu soo xubeer
Dhirtana geedaha is xiga
Ayaa isa sii xoqee
Hayeeshee xalay siduu
Dareen xildhibaa lahaa
Laftii loo xidho qalooc
Ayaan xoogaysanoo
Derida soo xoodantee
Markay xiddiguhu dhacaan
Guddaa xayndaabka iyo
Muskaba xoolaha gurtee
Dadkii xaaraanta nebi
Xarrimay iska baydhiyaa
Xalaal duhur dheer qashee
Intay meertiyo xaqdhawr
Milgiyo xaalkii gobeed
Ka dhigan Soomaali xeer
War Xamar yaalaa i yidhi
Inaabsiga sii xidhxidho
Hargeysana waa xayeesh
Xorriyadaa lagu hurdee
Xurmada Boosaasa taal
Xubnuhu ma dhammaystiree
Waxaan godol xoorinayn
Gabnada jiilaal xigtee
Xadiidkana daxal cunaa
Xangeeya mullaaxsadee
Dhimbiisha xagaaga iyo
Arlada xulad baa guboo
Xar baa damal weyn ridee
Xawaare cagtii taqaan
Ayaa xidhan kula gashee
U daa xoog baas u daa
Xadhkaha kii kaa jaree
Markay diidayso Xoosh
Maqaarka xirgaa ku dira
Xadhaadh iyo dacar siduu
Xarkagay bay gawdhisaa
Xujaa dhegahana ku maran
Xaqiiqada lagu diree
Xawaalada jeexan iyo
Xabaala markay tarmaan
Walaal xaw laga jariyo
Xarraannimo waalidaa
Waxaad ka xantoobsataa
Xiskaagoo guura iyo
Tafiirtoo xaaqantiyo
Xayaad ololaysa oo
Xinjiro ku barriiqatiyo
Qaryado weer loo xidhee
Colaad Xiis kuma dhashee
Xulkii libin kula jeclaa
Qareenkii kuu xilqabay
Xariirtiyo jawhartii
Ragguu Ina Xaaji[1] waday
Xertii Cabdinaasir[2] iyo
Lahayd Guraygii[3] xutubin
Xaraar u butaystay iyo
Xidaysanihii Islaw[4]
Raggii xaajada gun dheer
Tartiib u gol xaadhi jiray
Markay tahay xeelli hadal
Kuwaan xaraf seegi jirin
Xaqana dayrkow ahaa
Xumaantana galawda hulan
Xarbida kaga taaban jiray
Xiniinta haddii la mudi
Kuwaan run ka xeeban jirin
Raggaan xaashee marnaba
Gartaada xaraashi jirin
Markuu wadku xaabsaduu
Sidii tusbax xaynku go’ay
Xejiyahaagii furmee
Xishood waa lagu dhaqmaa
Dadnimo waa loo xishaa
Xaq waa lagu daakiraa
Axraartuna waa xushmee
Xiddigo weeyaan hiyigu
Xusuus ku duggaashadee
Kuwii xakamayn jiree
Naftaba ka xoreeyay iin
Kuwii xirrib lagu ladhee
Markay xallad baanayaan
Xigmado laga reebi jiray
Damiirkoodii xallaa
Kuwaan anna xeeriyeen
Xilqaankoodii qadarin
Markuu xukunkii u yimi
Xaguuga bannaan ayaan
Xigaalba ka joogsadee
Garbaha xalxallayti iyo
Hadduu fooruhu ku xayan
Sidii xidinxiitadii
Cidlaan ku xagaasadee
Xubnii isu bururi jiray
Xaglii isu daaci jiray
Xaggee baa looga yimi?
Markay xakabyadu jabaan
Awaye xeerbeegtigii
Xalkeeda furdaamin jiray?

*

Markuu cirku sagal ximrado
Malluugii xaadir yahay
Wadaanta la xoori jiray
Degmada xudunteedu taal
Galkii xaaxida lahaa
Xidaar baa uga digee
Adoo xile-saamadoo
Tubtii xagarrada lahayd
Ku sii xiimoo ciyoon
Tallaabada sii xadxaday
Waxaad xullubkaa sabaan
Ku xawxawsiisa ood
Jidaal sii xaydataba
Adoo xuurtaysanoo
Margiga xoodaaya oo
Sidii xuurtii jimbacan
Xilligu sii dhigayo liiq
Ayay boholaha Xargaga
Xayaayiran kugu ridaa
Xisaabta adoon ku darin
Far baa jeden kula xushee
Galoolka xayaabadiyo
Daruuraha soo xansada
Ayay gudmo xiirayaa
Guntiisaba xaabiyaan
Xumbuu cuskadaa nin daad
Xambaara walwaalayee
Waxay xaafadi tu kale
Xasarad ula doonataa
Inay ka xantaysatiyo
Xajiin meel laga wadee
Tan iyo Xaataa la waa
Hashii lagu helay xabaadh
Xalaalay dihatayoo
Dududa ka xareedisee
Fulaan moogayn xantii
Tukana xuunshada u baan
Gadiid buu duur u xulay
Xifaale wuxuu ku yidhi
Dheg weyn dhex xamaaratiyo
Dunida xaalxaal mastuur
Ayaa lagu xabawaree
Xakiimku intuu khalqaday
Xaddiga geedaha ka badan”
Iyana “Xiix” maanay odhan
Ka deden xoodhxoodhtankana
Inay ka xafiiltantee
Burkiyo balligii xarfaday
Ayaa kala xeelmayoo
Xanniban baa lagu gudbee
Biciidkuba waa xariif
Markay xulashada tahee
Ilkana xeegaa ku maqan
Intay xeelado u dayan
Ayey ka xaf goosataa
Daryaale xashaashayana
Haweenkeenaa xardhee
Suldaan Xaawaley ninkeed
Ayaa xiisaanna iyo
Xarrago ku tilmaamanoo
Sidii xalay-dhalay ahoo
Lag iyo xusul dheer ragee
Xawaad iyo baarqab boqol
Xareeda la dhaafsadiyo
Xayaw awrkii is bida
Burjiga ka xayuubiyoo
Intuu xagalada ka tumo
Sidii Xaybaar irmaan
Xasilan saakiman ka dhiga
Xudhuun isu gaabiyaa
La hela xuurtoo legdee
Salaad xilligeedu galay
Haddana diidoon xidhmayn
Xidhaalaha sii gun raac
Xogteeda nin raadiyee
Markay xusul duubayaan
Xilkana u galgalanayaan
Dhammaan waa wada xabiib
Hadhowtana waa xakaban
Dhegaha ka xanjaysanoo
Belaaya la xiiqsanoo
Dadkii wada xaalilaa
Xasaasad ku beerayoo
Intuu xurguf dhayi lahaa
Xanfaley lagu kala durkiyo
Ku falan xaradhaamintoo
Ku tegay xuuraansigoo
Dirsada il xayiigantoo
Xakaarka halkuu cuskado
Haddaan xagaf looga siin
Sidii xayraan la maray
Xanaaqa la duulayee
Wuxuu xanan kugu hodaa
Bartiisa xalleefsanoo
Ma yara xoday lagu sirmee
Waxaad ka xishooto bay
Xarrago qaar moodayaan
Haddii xoolaha damaan
Xarraasiin loo ogaa
Rag buu xaalada-abuur
Iyana xoogsigu la galay
Waxaan xeradaba ku jirin
Ninkay xerrisee dalqadu
Xadkaba weydaarisee
Afkuu diin xamash ku dhilay
U diid cawskii xagaa
Dhalaan “Xaax” yidhi dab garay
Markii lagu xuuxiyee
Ninkii dhegta xeeriyaa
Intuu xeedhada gundhabo
Ma sii xaabxaabayee
Waxaa geel loo xergeyn
Abaar xoor laga dhamee
Aftida xusbad loo unkaa
Iyana xubin buuxisee
Gobbaa xurmo hidisa oo
Gobbaa xurmo qaadatee
Xaqaani galoo wax guda
Ayaa ku xadhaadhiyee
Waxaa maqal lagu xadfaa
Mareeg iyo edeg xafidan
Xayaa abhisoo dadkana
Sidii xayndaab u celin
Dhur iyo dhaqan baa xadeyn
Garaad aan lagu xadayn
Ayaa la xisaabtamee
Haddiyo xalaytiyo wixii
Inaan dhaban dhigo xarrimay
Anoon kugu xiijinayn
Xanuunkana kugu furfurin
Dushaan ka yar xaadsadee
Intaan xaajada guracan
U xuub rogan aaya-gudhan
Talana Dubur Hawd ka xulin
Daluuntana lagu xeroon
Tan iyo Xaaraama-cune
Xammayti gadhoodhsanayd
Intaan laga dhigan xaliib
Dadkii is xidhiidhin jiray
Dadkii is xigtaysan jiray
Dadkii xasabada ahaa
Intaan xeerkii u yiil
Dil iyo xoog lagu tirtirin
Intaan diga xaadh la marin
Intii loo xeeban jiray
Intaan lagu darin xashiish
Intii xilashada lahayd
Intaan sida xoola diday
Hambada xuud bada ku madhin
Intaaney ximan gobeed
Kuwii ugu xiiray iyo
Asmada xaabaysataa
Dab sudhin damal xididda nool
Intaan xafar iyo dhulkana
Xadaafiir lagu salidin
Dadnimo niman xaalufshiyo
Intaan xag-jirradu ka kicin
Ayaannu xamaasadii
Aniyo xornimada rag jecel
Dadkiyo magacana xurmayn
Dalkana xaalaynayaa
Xanaano u raadinoon
Naftana geed ugu xidhnee
Waxaad xadhig looshataa
Intaan xooluhu imaan
Waxaad xamar laylidaa
Xaraabe intaadan galin
Kobtaan xaadhxaadhayana
Waxaan la xarriiqayaa
Xil baa i gubaaya oon
Dartii la xabeebsadee
Markii xaqa loo bulado
Haddaan xiin lali ogaa
Cimraa ila xeeb tegoo
Adduun xaarxaarintii
Ayaa xaska igu ridee
Xillaa ballan igu furoo
Xiskaa i dillaamayee
Siduu xalay galaw lahaa
Xadgudub meeshuu ka dhaco
Dhidh baa ku xabaalanoo
Halkii laga sugayay xoox
Ladh buu Xayskii noqdee
Xubnii isu bururi jiray
Xaglii isu daaci jiray
Xaggaasaa looga yimi
Markay xakabyadu jabaan
Galbade xeerbeegtigii
Xalkeeda furdaamin jiray

*

Ninkii muran dhaaya xidhan
Xakaarka la soo mutuxan
Xog sugan lagu shaandha miir
Balkiyo xaabkuu sitee
Runtana lama sumal xadee
Xasiidaad beeratiyo
Xalaashaa kaa degtee
Waxay xididadu karaan
Markii lala helo xakame
Ninkii sida ximirta godob
Gafuur ku xinnayn jiriyo
Xatooyo nin laasimee
Xadhaadhka baddaa ka siman
Xuquuqna dadkaa ka siman
Ximaarkana labada daan
Sidii xabad firi hadhuudh
Xag loo dayo waa masee
Xayuun ka qayuun hadduu
U xaydxaytuu darteed
Durduro sii xaabsadiyo
Hadduu sida xoor is galo
Waxaan guul soo xasilin
Amaan xerya-gaal ku shubin
Dadkaba gacal kii u xigay
Ninkuu xaska ugu jiree
Raqduu xaqlihii lahaa
Ribdhaa xaamxaamatoo
Habaaska xamaaratee
Sidii doonida xamuul
Xamaalla ku tiiriyeen
Sidee la xumbulan tankeed
Xalliye maba kala jecloo
Xamaan lagu raara iyo
Ratiga ximilkii ma dhibo
Waxaa gurgur xawlalada
Sidii xurbisada ka muda
Inkaarta xiggaa qabee
Xaskulo dhagaraysanoo
Xuluulan halbawlihiyo
Waxaa dilay xaas-walwaal
Xadhkaha dibindaabyadee
Sidii xidh guntamay raggii
Ku xeeraa goonyahee
Xidhmaystay ma jooga oo
Ma xoonsana gaararkee
Sidayda xaguugan baas
Nin guray xiidkaa dhegaha
Dhawaaq kaga xuubsadee
Haddaan xiiq tiran lahaa
Xajiin dhabataa nabdiga
Aleyl gala xawdhisee
Inaan jabo xaasidkii
Jeclaa Xaafuunidiyo
Gartii weeyaan xariir
Inuu midba gelin xidhee
Mar eersaday garasha xayn
Martiya xoor ugu filayn
Mar eersaday duul xanuun
Xusuusta ka maydhayaa
Sidii xiiqdii u helay
Mar eersaday xoon guracan
Kuwaan xulafada u qabay
Iyana xiisaha u qabay
Inay xadhigaan guntaba
Dan iyo xeeshood furaan
Mar eersaday xaal adduun
Habeen xilligii is guray
Tarwadhay galowguna xabeeb
Intuu lugta goor xun socod
Lalabe dhaad iigu xidhay
Muxuu igu wadhay xaraar
Gunteeda markaan xordaday
Anoon xag fiyow lahayn
Maxaa nabar nabar xigiyo
Gadaal xoor igu ambaday
Haddiyo xaalxaalidii
Xaggiyo xagga faaqidyoo
Sagaar daymada ku xayd
Urtana xansas kaga warqaad
Markuu xuub halaq arkee
Xisaabta is nuugtay iyo
Xumaan uga guur xumaan
Ayaa xuju igu noqdee
Muddaan gujiyoon xaduur
Naftayda ku xiijiyee
Markaan idhi, “Xaalad ugub
Armay xaamila sidaa”
I tidhi, “Xaajadu ka weyn
Xabaasha ninkii galee
Dhaleeya xigaal ahoo
Dunteedu xidhiidhsanayd
Intay xero meersanayd
Markay isu tirin xinjiro
Dhexdoodana damaq ku xayan
Xutubin kama maarantiyo
Garawshe xanaana sida
Inaad ku xadhaadhisee
Guntiga nabad looma xidhan
Gunaadka xabkaystay iyo
Xanuunka si loogu tago
Xaqiiqada looma noqon
Xaqana gogol looma fidin
Calooli ku xaadhantee
Ergada waafiga xurmayn
Ayaa xeerkeed marshoo
Xilkana iska meeriyee
Waxaan xaab soo darayn
Wadaan xadhigeed murgee
Libaax xoodhxoodhsanoo
Qoyaa xiir loo malayn
Markii isha lagu xadee
Gobtana xaalkeed murkucay
Markay xanaf huursatee
Xabada nool buu noqdaa
Markuu xidid umal durkee”
Xubnii isu bururi jiray
Xaglii isu daaci jiray
Xaggaasaa looga yimi
Markay xakabyadu jabaan
Galbade xeerbeegtigii
Xalkeeda furdaamin jiray

 

Waxa Tiriyay: Faarax Cali “Gammuute”
E-Mail: [email protected]

 


[1] Maxamuud Xaaji Xasan (Hurre)
[2] Cabdinaasir Shiikh Cali Salaad
[3] Ibraahim Faarax Dawaarre (Guray)
[4] Maxamed Axmed Maxamuud (Islaweyn)

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.