Xeerarka fagaasa labada Shibbane ee ‘dh’-a iyo ‘r’-a

Xeerarka fagaasa labada Shibbane ee ‘dh’-a iyo ‘r’-a

W/Q C/raxmaan Faarax “Barwaaqo”

Hordhac

Naas dumar midkee buu
Horraad iyo dambeed yahay
isku mooraduugtee
Bal hadduu dirkaba yahay
Wixii dhacay ma dawbaa?

Dabataxan, M. X. Dhamac ‘Gaarriye’

Sida laga wada dheregsanyahay, labada dhawaaq ee ‘dh’-a iyo ‘r’-a waxay ka mid yihiin laba-iyo-labaatanka shibbane ee af Soomaaliga. Haddana ereyo ay ku jiraan baa muran xoogle abuura. Tusaale ahaan labada erey ee ‘gabadh’ iyo ‘gabar’ oo isku ujeed -do ah, hayeeshe ku kala geddisan labada dhawaaq ee u dambeeya, baa ka mid ah kuwa muranka abuura. Haddii aan soo qaadanno wadarta ereygaasi waxay noqonaysaa ‘gabdho’. Waxa haddaba isweydiin leh qofka marka horaba ereyga ugu dhawaaqay ‘gabar’ muxuu kolka dambe u odhanayaa ‘gabdho’ ee uu u odhanwaayey, waa halkii Muuse Galaale, ‘gabro’?

Gaarriye oo arrintaa ka hadlaya baa laga sheegay inuu isna yidhi: si aad u ogaato‘dh’-da ama ‘r’-da ta qumman, kolka lagu murmo ereyo ay ku jiraan, waxa lagamamaarmaan ah in la raadiyo isirka ereyga. Tusaale ahaan wuxu leeyahay kol haddii ay wadartu ‘gabdho’ tahay isirkuna yahay ‘gabadh’ waxa qumman ‘dh’-da.

Weydiintaa Muuse Galaal ilaa hadda ma arag cid isku dayday inay ka warceliso. Mana la kulmin cid aragtida Gaarriye deeddifeyneysa. Waxa haddaba is weydiin leh sida ay arrimahaasi wax uga jiraan. Mase laga yaabaa inuu jiro xeer xayiraya oon u oggolaan karin inay yidhaahdaan ‘gabro’? Mase la odhankaraa labaduba way qumman yihiin?

Si kastaba ha ahaatee, af kastaa wuxu leeyahay xeerar u gaara oo fagaasa falkiisa iyo falaadkiisaba. Tusaale ahaan, af Ingiriiska, ereyada ‘boy’ iyo ‘girl’ wadartoodu waa ‘boys’ iyo ‘girls’. Hayeeshee, ereyga ‘ox’ wadartiisu waa ‘oxen’ oo lama odhanayo ‘oxes’. ‘Man’ iyo ‘woman’ wadartoodu waa ‘men’ iyo ‘women’ oo ayana lama odhanayo ‘mans’ iyo ‘womans’. Xeerarkaasi, haddaba, maaha qaar lagu heshiiyey oo laysla meel dhigay, waase qaar uu afku samaystay oo uu iska leeyahay.

Sidaasi oo kale ayuu af Soomaaliguna u leeyahay xeerarkiisa. Wax badanse lagama yaqaan. Hayeeshee, arrintan dambe waxa loo aaneeyaa qorid la’aantii afka. Siday doontaba ha ahaatee, waxa lagama maarmaan ah in lagu dadaalo sidii loo ogaan lahaa xeerarka uu af Soomaaligu leeyahay iyo siday u adeegsamaan. Waxana hubaal ah in kolka la ogaado siday xeerarka afku u shaqeeyaan laga warcelinkaro waydiimo farabadan oo ilaa hadda ay adagtahay in si aqoon leh looga warceliyaa sida kuwa kor ku xusan oo kale.

Halkan ka kahri maqaalka oo dhan
W/Q C/raxmaan Faarax ” Barwaaqo”
Email:hal_aqoon@yahoo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.