Casharro Maskaxda Cuskaday

Casharro Maskaxda Cuskaday

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen
Email: sjx2005@hotmail.co.uk

Dhacdooyin maanka raad sal-ma guurta-ah ku reebaya

NELSON MANDELA

mandelaHalyeyga Koonfur Afrika ee Nelson Mandela buugga uu ka dejiyay taariikh-nololeedkiisa, casharrada loogu tegayo, iska daa maqaal gaabane, kuwo buuggaag lagu soo koobi karo ka weyn oo ka waasacsan.  Si aanan kolkaa badweyntaa ugu hafan, waxaan isku ekaysiinayaa mid badanaa si fudud akhriska lagu dhaafo, anigase marna aan maankayga ka suulin.

Xukunkii xabsi-daaimka ahaa ee1966 lagu qaaday ka dib, markii uu isku hubsaday inuu dunidii oo dhan loogu soo koobay qol yar oo jasiiradda Roben Island ku yaal, Nelson Mandela taladii ugu horreysay ee uu naftiisa ku qanciyay waxay ahayd:

‘Adduun oo idil goobtan ciriiryoon ayaad ka haysataa.  Muddo aad u dheerna waad is-hurran tihiin.  Kala maarmi maysaan ee ha nebcaysan oo ha sharaysan qaabdarraanteeda ee si wanaagsan oo niyad ah ula saaxiib.  Maalintaa wixii ka dambeeyay goobtaasi aniga Qasar Boqortooyo ayay iiga dhignayd.  Hadday jiif tahay, hadday jimicsi tahay, hadday feker iyo faallo adduun tahay .. midna kuma aan diiqadoon.’

Dadkeennana ma tira yara inta iyagoo si walba loogu hanweyn yahay, dalka darajo iyo magac maamuusan ku leh , xabsi aanay galabsan lagu tuuraa, oo sannado yar wax aan ka badnayn markay xukunkii soo dhammaystaan ee dibedda u soo baxeen, lala kulmaa qarkood iyagoo jeelkii ku suufiyoobay oo tusbax dheer ku wardiyaya; kuwo kalena kuba soo khafiifeen oo duco iyo casharin lagula daalayo si Eebbaheen dembigay galeen uga cafiyo.

Mar walba waxaan dib isu weyddiiyaa geesiga Nelson Mandela oo markii la xiray taladaas uu ku caana-maalay aan gaarin, siduu u ekaan lahaa maalintii ifka loo soo daayay 27 sano ka dib.

YAASIIN CISMAAN YUUSUF KEENADIID

Yaasiin Xaaji CusmaanSannadihii ugu horreeyay 70aadkii, ayaa Yaasiin Cismaan xabsiga Xamar loo taxaabay.  Waa xilli ummadda Soomaaliyeed wada kacaamaysnayd oo rajada la qabaa saadaal wacan muujinayso.  Maxkamad la mariyay iyo sharci lagu qaaday midna lama sheegin.  Waxaa kolkaas la isweydiiyay maxaa Yaasiin loo qoonsaday.  Markii si walba loo rogrogay, saaxiibbadii iyo dadkii yiqiin waxay ka badin waayeen in ninkaas lagu galay laba arrimood oo uu caado u lahaa, caanna ku ahaa:  aqoon badni, iyo aamus badni!  Oo waayo?  Anigu ma sheegi karo.

Sannado ka dib, markii uu xabsigii soo dhammaystay, ayaa sidii caadada u ahayd taliskii dalka ka jiray, loo geeyay madaxweynaha.

Wada-hadalkii madaxweynaha dhex maray, Yaasiin waxaa laga hayaa, mar uu ka jawaabayay waxyaabihii uu xabsiga kula kulmay iyo inna haddii xarigaas uu wax ka soo korodhsaday:

“ Haa, oo hawl culus oo muddo dheer i haysay, ayaan fursad wacan u helay oo dhinac isaga riday.”  Markii uu madaxweynuhu weyddiiyay waxay hawshaasi ahayd,  Yaasiin qoraalkii u horreeyay ee uu ka sameeyay ‘QAAMUUSKA AF-SOOMAALIGA ‘ ee uu isagu allifay ayuu madaxweynihii hordhigay.

Kaasina wuxuu ahaa cashar maskaxdayda ka suuli waayay .

Laftaydu saamigayga ayaan ka qaatay xabsiyada aan ka warramayo, hayeeshee waxaan ka soo baxay aniga oo aan isla hadlayn ee miyar qaba.  Iska daa waxaan soo kordhiyo’e!

KOOXDA CILMIBAARISTA SOOMAALIYEED EE ROMA

annKooxdan oo ay Macallimadda ANNARITA PUGLIELLI madax u tahay

Iyadoo aan la buunbuuninayn ayay marag-ma-weydo tahay in tobannaankii sanno ee u dambeeyay guuldarrada ummadda soomaaliyeed ku habsatay, wax lala mayseeyo oo u dhigmaa jirin:

– Burbur dawladeed oo tiir u taagan aan loo arag

– Daad iyo dabaylo, ku dambeeya abaaro iyo omos

– Qaxooti afarta beenijaho loo kala firdhaday

– Qabqablayaal dagaal, oo intii tabartu ciishay rasaas isugu dhiibay oo ku raftay

– Duullaan shisheeye ka yimi oo dibindaabyadii loo fasaxay

– Argagixiso iyo burcad ummaddii tabaalaysnayd bad iyo berriba kaga soo qamaamay iyo..iyo..iyo weliba

– Kuwii cagtooda maalay ee dibedda u cararay iyo kuwii dantu ku dabartay dalka gudihiisa oo halka looga soo dhacay intay ilduufeen oo garan waayeen iyagii isu muuqday.. iswada tuhmay.. iseedeeyay..iscayrsaday.. oo iscunay.

Isku soo wada qaad, dhaawaca ugu weyni wuxuu ummadda ka cuskaday maanka iyo maskaxda; laabtii iyo lubbigii ayaa loox madow noqday.  Sidee mashaqadaas loo furdaamin karaa?  Intii dadaalka isku dayday, waxay ku talisay in la miciinsado wixii bal si uun looga midaysan yahay, ama lagu midoobi karo:

Afka, suugaanta iyo dhaqankii suubbanaa ee ummaddu lahayd oo lagu fara-adaygo; wixii la ururinkaro oo loo hawlgalo; wixii la curin karo loo hagarbaxo; ayaa intii maan fiyaw qabtay isugu qayla-dhaansadeen.  Togba taaggii rogmay!

Dad badan ayaa wadar iyo waaxid ahaan xilkaas meeshooda uga guntaday.  Qoraallada iyo buuggaagta Af-Soomaaliga ku soo baxay tan iyo maanta, ayaa maragkac ugu filan.  Hase yeeshee, marka ay timaaddo waxtarka ugu weyn, tiro iyo tayoba, ee tan iyo haatan lagu tilmaami karo guusha ugu sed iyo saami weyn ee ummaddu meel ay joogtaba mahadinaysaa waa “MAKTABADDA KAYDKA SOOMAALIYEED”  (www.archivio.somalo) ee ay ifka u soo saareen akhyaarta ka tirsan  ‘ Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeed ee Roma’ ee ay madax u tahay macallimadda Annarita Puglielli.  Hawshaas oo ay ugu yaraan soddon sano iyo wax la jira ku foogganaayeen ka-lib-keeniddeeda, kana soo dhalaaleen sida loo jeeddo.  Libintan qaayaha weyn ee kooxdaas xilkaska ahi  ku kaceen waa mid aan u arko inay baal dahab ah taariikhda ummaddeena sebenka inkaarani haleelay ay ka galeen.  Wacanaa iyagoo la tilmaansadaa!

Siciid Jaamac Xuseen

Email: sjx2005@hotmail.co.uk