Sunday, May 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion

Dinasoor iyo Doolli (Sheeko gaaban)

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

Xilligii  waa is-dooriyey

Adduunku intiisii hore waa isaga soo dhowaaday; Qalabka warfaafinta isbeddelka xad-dhaafka ah ee ku dhacay ayaa dunidii kala durugsanayd tuulo yar ka soo saaray, dadkii  kala fogaana qoys keliya oo goor kasta kala war qaba ka yeelay. Hase yeeshee, sidii baa maalin walba qiso lala yaabaa waa kasta oo berya la kowsanaysaa, markan iyadoon khuraafaad ahayn ee ah mid runteedu khuraafaad kasta bara dheeraynayso. Tan maanta inna hor taallaana waa mid taasoo kale ka dhigan. Waa mid inna xusuusinaysa hees carruurta Soomaaliyeed isku maaweelin jireen:

“Nin yaroo nin wey dilay .. ma aragteen?

Dabagaale geel wada  .. ma aragteen?”

NYDalka Maraykanku dhinaca cilmiga, teknooloojiyada, hodonnimada, (ilbaxnimada- taas waa lays ku haystaa), xoogga militariga, iyo habka siyaasaddeed ee dimuqaadiyaddu udub-dhexaadka u tahay waa dalka adduunka maanta calanka u sida ee lays la wada qirayo. Intuu dhulka cagaha kala kacay ayuu cirka iyo hawada durugsan ee falaggu meerayo dayax-gacmeeddo iyo saldhigyo heehaabaya dejistay, isuna diyaariyey qarniga innagu soo fool leh inuu xiddigaha dhalaalka weyn dalxiis ugu goosho. Dalka Eebbaheen sedkaas gaarka ah ku manaystay misna ay ka wadi weyday inuu waa berya iyo gabbal dhacaba baaxaddiisa, billaantiisa, iyo buruuddiisa adduunka ugu-faankooda uga dhigo sooryo ay ku quraacdaan, ku qadeeyaan oo ku casheeyaan daryeelkuu u hayo awgiis.

Dalkaas isaga ah ayaa dayrtii la soo dhaafay ifafaale aan marna loo fadhiyini ka aloosmay:

Cirkii ayaa mar qura daruur cagaar miidhani is-dhaamisay, jiq isku siisay, welwel iyo walbahaar dadkii kontonka walaayadood kala degganaa ku ridday. Taalladii xurriyadda ee xeebta ‘New York’ la taagay laba qarni ka hor, ee dadka iyo dawladda Maraykanka astaan lagu dhaato tan ugu sidata u ahayd ayaa gilil, gariir, iyo barar cuskaday. Sidii wax la afuufay ayay toban-jibbaarkeed le’ekaatay.

Yaab iyo argagax ayaa dadkii loo keenay. Wahab ayaa wada fuulay. Isweyddiin badan, ayaa maankooda ku dhashay: ma buunkii ayaa laysu yeeriyey? Ma  maalintii dunida la duubi lahaa ayaa soo gashay? Ma qiyaamihii baa durba isasoo giraangiriyey iydoon DIJAAL-CAWAR iyo DAABBADII iyo tilmaamihii kale laynoo sheegay la  arkin?! Mise waa ammuuro dalkaas isla baxay lagu khasifayo?!

Kulan degdeg ah, ayaa madaxdii dawladda laysugu wacay. Cunsurtan la soo deristay dalkii sidii loo furdaamin lahaa, ayaa maskaxda la tuujay. Shirkaas waxa ka soo qayb-galay rug-caddaa laga maarmi waayey.

Madaxdii siyaasadda oon xisbigay ka socdaan loo kala aabbe yeelin mid weyn iyo mid yar toonna, mid xukunka jooga, mid bakhti suge ah, iyo mid aan marna martiqaadkaasi hindis-kiisa ku soo dhicin; waxa soo raaca. Garaadda-wayntii gafuur-taagga badnaa ee militariga hor boodayey, kuwii xoogga, kuwii nabad –sugidda, kuwii sir-doonka, kuwii basaasnimada, kuwii dab-damiska; Culimaa-u-ddiinka kuwii ugu duub iyo darajo weynaa, fac-weyntii habraha faalka rogi jiray. Hindidii asal-ahaan dalka loogu yimi ee la dhaxal wareejiyey  odayadoodii filkoodu boqol  jir kor u dhaafay..

Waa markii ugu horreeyey ee ‘Guriga Cad’ dad sidaas u kala geddisani saqafkiisa ku wada hoos kulmaan iyadoo qof  walba bareeradiisa qaddarinteeda la siinaayo. Marka lagu daro tirada adeegayaasha, khalqigii halkaas isugu yimi gurigaa la ciirciiray. Danta qaranka ayaa yeeshay!

Dadkoo idil waxay indhahoodii ku jeediyeen ‘Guriga Cad’ ee shirku ka socday. Warka iyo go’aanka ka soo yeera madaxda halkaas ku shiraysa ayaa la wada dhawrayey.

Dhawr saacadood ka dib, dadweynahase aad ula dheerayd, ayaa madaxweyne Sun Killing Ton bayaan muhim ah u soo jeediyey ummadda Maraykanka iyo adduunka intiisa kale. Ereyo kooban wuxuu ku soo tebiyey:

«Ummadda Maraykanka  iyo dadyawga kalee adduunka kula nool waxa soo food-saaray khatar  aanay khibrad hore u lahayn. Dawlad weyn, si ba’an u hubaysan, askar waalan oo xinjira-fajaas  ahi talada u hayso ayaa duulaan la maaggan dalka Maraykanka danahiisa xasaasiga ah, iyo nidaamkiisa dimuqraadiga ah. Sidoo kale adduunka nabaddiisa, xasilloonidiisa, xuquuq-al-insaanku helis weyn ayey ku jiraan.  Baaris iyo baadigoob culus ka bacdi xeel-dheereyaashayadu si hubanti ah waxay soo caddeeyeen in cirkan cagaarsamay iyo taallada xurriyadda ee afuufantay ay  yihiin calaamooyin hordhac u ah wacdaraha dawladdaasi innala damacsan tahay.»

Gabagabayntii wuxu mudanuhu ummadda Maraykanka laabta ugu doojiyey:

“Waxba yaan la cabsan, ee degganaanta ha la dhawro. Dawladda Maraykanku horay arrintaas iyo wixii la mid ah ugasii tabaabushaysatay .. oo si dhaqso ah ayaa looga gudbi doonaa e !” Bayaankii Madaxweynuhu intaas ayuu ku dhammaaday.

Dadweynihii hugun ayaa ka dhex abuurmay. Warkii madax-weynuhu soo daayey waxay ka tebeen inaan lagu xusin dawladdaas laga fajacay magaceeda iyo meesha ay dunida kaga taal. Mala- malayntii dadka waxa dabar gooyey warkii idaacadda laga sii daayey habeenkaas intaan la kala hurda tegin.  Waxa madaxdii shiraysay dalkaas ku sheegtay in la yiraahdo  HEETIYA.  Heetiyii sidee bay u taallaa?  Aayahee ku nooshahay?

Marka samada sare laga soo dhugto, cirbad caaradeed oo badda ku muddan ayay le’eg tahay. Maraakiibta hareeraha ka dhaaf-dhaafaya waxay ula muuqataa nimiri dabbaalanaya dhabarkiisa. Waa jasiirad yar, buuro badan oo is-haystaa ka dul dhisan yihiin, dhinac walbana kaga wareegsan yihiin. Dhulka intiisa bannaanka ahi xeebaha  jasiiradda ayuu kusoo ururaa. Buuraha dhaadheer ee dhirta, ubaxa iyo dooggu qariyeen waxay soo jiitaan daruuraha guudkooda maraya ee isaga mushaaxaya bari iyo galbeed. Sidaas darteed roobku kama qaado. Jasiiradda si joogta ah ayuu u mayraa.

Hawadu waa  saafi nadiif ah. Qiiq, siigo, iyo saxar toonna lagu ma arko. Wixii cirka loogu tagaaba waa shimbiro yaryar iyo waaweyn leh, kala midab ah, kala duullimaad dheer oo laydha guud macaankeeda leexaysanaya. Waxa u magaala ah caasimadda ‘BUSWEYN’ ee baraakooyinka miidhan ah ee shicbiga badankiisu ku nool yahay.

Dadku waa quruun sabool ah. Midabkoodu waa dugul.  Hawl-maalmeedkoodu ma dhaafsiisna kalluumaysi ay aroortii u kallahaan, beero yar yar ay buuraha salkooda, togagga, iyo sanaaggooda ka fashaan. Tiro aan yarayni waxay quudataa quwaaxa ay dhulka kala soo baxaan. Waqtiga intiisa kale, cayaaro xeebta laga qabsado iyo aroosyo aan kala go ‘ lahayn ayuu ku dhaafaa. Iyadoo kooban, waa dad sidii Nebi Nuux ku dhaafay aan waxba iska doorin.

Weli “Guriga Cad” shirkii ka socday looma kala kicin. Hawsha laga wado, sawaxanka iyo dhaqdhaqaaqa waxaad u malaysaa shinni godkeed. Ugu dambayntii dhawr go’aan ayaa taladii lagu soo gorfeeyey:

-Dalka oo idil bandoo baa lagu soo rogay

-Nal oo dhan in habeenkii la damiyo ayaa la amray.

-Dadku inaanay ka soo bixin dhufaysyada loogu tala-galay ee dhulka hoosiisa inta mashaqadan laga gudbaayo.

-Ciidanka iyo sal-dhigyada Maraykanku meel kasta ay kala joogaanba inay heegan ahaadaan.

-Dayax-gacmeedyadu inay hawl  iyo xil kaloo dhan iska dhaafaan oo arrintan qura ku foognaadaan jeer ay amar dambe ka helayaan.

-Dalkii ‘Heetiya’ iyo madaxdiisii digniin culus ayaa loo fidiyay; cuna-qabataynna waa la saaray.

-Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay go’aanno ku saabsan tallaabooyinka la qaadi doono ayaa laga soo ansaxiyay.

-Madaxda dawladaha adduunka dhammaantood waa la wada wargeliyay, inta la hubo inay hawlgalkaas luga-jiid iyo manja-xaabin doonaan mooyee.

Qorshihii weerarka ayaa bilaabmay. Sidii loogu tala galay ayuu u fulay. Maraakiibta dagaalka ee dayuuradaha xanbaara, quwaddooda laga garan karo summadda iyo magacyada ay wataan ah ’ONKODWEYNE’ ayaa kasoo kala qamaamay badweynta Baasifiga iyo tan Atlaantiga.

Gujisyada (samareenka) gantaalaha Nukliyarka gana ee la magac baxay ‘BURBURIYE’.. ‘BAABI’YE’.. iyo ‘BELAAYODAACE’ ayaa soo muquuray badweynta Hindiya iyo barafleyda Antrak-tika.

Dayuurado raxan raxan u duulaya, kala midab ah, kala muuqaal ah, kala cod duwan, oo ilbiriqsiga ka dheereeya loona kaydinaayay xilligan oo kale goorta handidaad noocaas ahi ku timaaddo dalka Maraykanka, loona kala baxshay magacyada ‘KOOBRA-DAALISADA’.. ‘JEBISADA’.. ‘JIIFISADA’.. iyo ‘JINIKICISADA’.. ayaa iyagu saldhigga ‘Cape Kennedy’ ka soo haaday iyagoo kusii jeeda dalka ‘Heetiya’ ee kibirka is-madax maray.

Habeen hurdo dheer.

Habeen dadka Heetiyi kala kumeen riyooyin kala jaad-jaad ah;  kuwo ruxmasho iyo rayrayn leh, iyo kuwo qaraw iyo selel miiran,  ayaa dildillaaca waaberi maalin dayreed soo afjaray. Dhuunigii maalintaas la calfan lahaa ayaa hawshiisa loo wada jarmaaday.

copKalluumaysatadu xeebtay afka saartay. Beeraleyda iyo quwaaxaysatadu buuraleyday ku foofeen. Kallumaysatadii  waxay la kulmeen waxaan marna haabka lagu hayn. Ciidammo kumanyaal ah, madax iyo manjo biro ku qafilan aad jinni laysu soo diray moodid oo xeebta soo beer-dhigaalaynaya; ka shishena waxa ka muuqday badda korkeeda wax daaro u eg aanay reer Heetiyii hore sheeko iyo shaahid midna kula kulmin. Quwaaxsatadii iyo beeraleydii iyagu wax kale ayay u tageen oo indhaha soo saaray. Kumanyaal baarashuud oo buurihii iyo togaggii sidii ayaxa ku soo hooraya ayaa cirka kaga yimi. Alla la cuskayeey!

Hab-hab iyo balas-balas ayaa masaakiintii reer Heetiya ka dhammaatay. Iyagii ayaa isku gaaf-wareegay; iska hor iyo gadaal yimi; is-jiidhay oo isku tunta; ugu dambayntii buulashoodii iyo barakooyinkoodii isku wada guray.

Baaris culus ayaa meel walba lagu qaaday iyadoo la kaashanaayo fallaaraha  shey-baarka ee dayax-gacmeedadu ku taakulaynayeen.

Goof beer ah, doon kalluumaysi, buul habreed, suuqa waratada, iyo xabaalaha intooda weli sii taagan.. wax la dhaafay ma jirin  ee intaba guntoodo ayaa la soo xaaray. Hase ka yaabin!

Warbixin ku saabsan baaritaankaas ayaa loo tebiyey ‘Guriga Gad’. Madaxdii shiraysay waxay isku raaceen in madaxda Heetiya la soo qafaalo. Caaqilkii kalluumaysatada, odaygii beeraleyda, guddoomiyhii quwaaxsatada, sheekhii diinta, hoobalkii cayaartoyda, iyo habartii mingis-tunka ayaa lasoo af-duubay, masaafuris lagu xukumay, carra edeg loo taxaabay si khatarta ka iman karta laysaga mooso oo looga badbaado.

Dadka intiisii kale waxa laga xaaraantimeeyay hubka nooc kastuu yahay: Burka, golxadka, waranka, leebka, seefta, dhagaxa kukumayska ah, faashka, yaambada, warafka, mudaca, iyo maxaarka in dibeda lala maro ayaa la mamnuucay.

Tallaabooyinkaas waxa  loo qaaday xasilinta, iyo adkaynta nabadda, xornimada, sinnaanta, dimuqraadiyadda iyo horrumarka adduunka. Xaashiyo go’aankaas dhaxal-galka ahi ku qoran yahay ayaa dayuurado ay barbarrada laba gacmood oo isa salaamayaa kaga sawiran yihiin jasiiradda gees ka gees kor kaga soo cashariyeen.

Halkaas ayaa qisadii ku dhammatay, iyadoo taariikhda casrigeennan ku diiwaan gashay ‘MAALINTII DINASOORKA HEETIYA EE HORORKA AHI CABSI GASHAY DOOLLIGA MARAYKANKA EE RABAYSNAA.’

 

Daba dhah:

20 sano ka hor markaan sheekadan qoray, waxaan u la niyooday in ay ummadda

Soomaaliyeed ee cirroole iyo carruurba leh wada qaxootiga noqotay, gudo iyo dibedba, ay  cabbaar isku maaweeliyaan oo nolosha qallafsan ee qaxarka badan kaga yara nastaan.  Marna igu ma ay soo dhicin iyadoo run ah ayaad arki doontaa, jeer maanta aynu u jeedno sida maraakiibta dagaalka ee diyaaradaha xanbaarsani ugu soo xirteen marsooyinka Soomaaliyeed iyagoo hororka halkaas ka dillaacay –  al shabaabka iyo burcad badeedka – weerar ku qaadaya si dunida looga badbaadsho dhagarta ay la maaggan yihiin.

50 dawladood ayaa London ugu shiray sidii Soomaali loo samatabixin lahaa.

« .. Iyo weliba maaweelo kale waa la soo maraye,

Maantana maxaa la ina odhan madhatay beentii e!»  Barre Yare.

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

Email: [email protected]
______________________________________________

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2013 WardheerNews,
All rights reserved

 

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.