Horta Yaa Midgaan ah?! W.Q. Aadan Makina Waa yaab, Yaabka yaabkiisa iyo amakaag in Soomaalidu ay dhaqan kadhigato waxyaabo aanan habboonayn, loona baahneyn sida heybsooca dad walalahood ah oo ayaga la midab ah, la dhaqan ah, la af ah, la diin ah iyo weliba la deegaan ah. Dhaqamadani soo jireenka ah waxay sababeen in dad...
Waa maxay waddaniyad (patriotism)?
W/Q Maxamed Xasan Faarax Arar Waa maxay waddaniyad? Marar badan ayaa la maqlaa dooddo, sheekooyin, hadalo ama la akhriyaa qoraallo uu nuxurkoodu yahay waddaniyadda qofka ama wadarta, si loo iftiimiyo heerka jacaylka ee qofka ee dalkiisa/keeda. Waa sifo kala soocaysa dareenka dal-jacayl ee labo qof , labo kooxood ay leeyihiin. Cilmi ahaan asalka erayada (etymology)...
Gabay: Buurmadow
Waxaa Itoobiya ka dhacay horraanti 2019 Shirweyne la yiri beelaha Direed baa isugu iman. Ma xumo oo waa arrin dhaqan ah, laakiin waxaa iga yaabiyey beelaha la taxay waxaa ka mid ahaa kuwo Oromo ah iyo kuwo Digil ah iyo kuwo aan waligood Dir sheegan. Anigoon aadba u danaynayn baa mar qudha waxaa sawiradi ka...
BANDHIGYADA BUUGTA: MADAL AQOONEED MUDAN KOBCIN IYO TABANTAABO
W.Q. Mustafa Fayruus Daahfurka ‘Bandhigga Baydhowa’ ayay ku curatay bishan Agoosto, halka bishii Luulyo lagu sagootiyay daahfurka ‘Bandhigga Buuggaagta Boorama’. Labadan bandhig waxay ugu da`yar yihiin carwooyin sannadle ah laguna magacaabo ‘Bandhigyada Buugta’, tiro ahaanna xilligan sagaal ah, oo dhowr iyo tobankii sanno ee u dambeeyay ka hanaqaaday magaalooyinka Soomaalida. Bandhigyadan oo tiro iyo tayaba...
Gorfeyn Buug: Axmed Siilaanyo Nin Tacab Badan Geliyay Qarannimada
W/Q Muuse M. Ciise Buugga: Axmed Siilaaanyo Nin Tacab Badan Geliyay Qarannimada Qoraha: Cabdiraxmaan Yuusuf CartanTirada boggoga: 387 Shirkadda daabacday: Ponte Invisibile (Redsea-online)ISBN: 88-88934-65-0 EAN: 9788888934655Lagu daahfuray Hargesa: 2019-05-01 Maalin axad ah oo ku beegan 23-kii bisha Juun sannadkan 2019-ka ayaa aan buugga ”AXMED SIILAANYO NIN TACAB BADAN GeLIYeY QARANNIMADA”, ka soo iibsaday dukaanka Redsea-Online...
Shirkadaha Shidaalka iyo Soomaaliya
Prof. Cabdulqaadir Abiikar Xuseen Ku dhowaad 70 sano ayaa Soomaaliya laga baarayaa shidaal. Shirkado caalami ah, oo laga lee yahay waddamada Maraykanka, Netherlands (Holland), Talyaaniga, Fransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalku, ka baareen barri iyo bad. Baritaankaas waxaa loo kala qaybin karaa sidan: 1. Baaritaankii Hore (Dhammaad kii 1950 – 1990) Baaritaanadii hore waxay u badnaayeen dhinaca...
Maana-faay: Horyaalka Sheeko-faneedda Soomaaliyeed
W.Q. Bare Sare Mustafa Fayruus Maana-faay waa sheeko-faneed soo baxday 1979, iyadoo taxane maalinle ah ayayna ku soo bixi jirtay Wargeyska Xiddigta Oktoobar, si aad ahna waa loo jeclaystay. Kaddibna waxaa laga dhigay buug ah nooca sheeko dheer ama ‘qiso’ ama ‘novel’, qiyaastii 300 bog ah, waxaana Muqdisho lagu daabacay 1981. Waxaa xigay Sweden 1993...
Dibumilicsiga Kaydka WDN: Haddii ay Maryooley Ahaan Lahayd!
W.Q. Khaliil C. Xasan Si ay ku timidba, sannado ka hor, aniga iyo saaxiibbo kale oo Soomaaliyeed oo arrin ka sheekeysanaynna, ayaan u sheegay in saancaddaale aan meel ku kulanay igu yidhi, “ma Marookaan baad tahay?” Anna, anigoo weydiintaas aad ula yaabban, in aan markiiba si dhakhso ah ugu jawaabay, “maya, waxaan ahay Soomaali.” Haddaba...
Maxaa hortaagan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya?
W/Q Maxamed Dalmar Sida warbixinta Bankiga Adduunka ku soo baxday, Soomaaliya waxay ka mid tahay shanta dawladood ee adduunka ugu saboolsan. Afarta kale waa Malawi, Burundi, Jamhuuriyadda Bartama Africa (Central African Republic) iyo Niger. Afartan dal ee dambe iyaga waaba loo garaabi karaa oo waa dalal yar yar oo aan la hayn bad iyo dekedo...
Aadba guursatide horta yaad geydaa!
W/Q. Cali Cabdulahi Faarax Naa hooy go’dooy gaabso.Naas gulun gulcooy gaabso.Geelu ha gudbee gaabso.Geyaan baa mariye gaabso. Heesta kor ku xusan waxaa lagu edaab baraa gabdhaha yaryar marka ay soo korayaan, sida ka muuqatana waxaa loo sheegayaa in ay codkeedda hoos u dhigto oo ay xishooto. Gabdhuhu dhaqanka Soomaalida aad ayey ugu ixtiraaman yihiin, reerka...




