Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Aadba guursatide horta yaad geydaa!

W/Q. Cali Cabdulahi Faarax

Naa hooy go’dooy gaabso.
Naas gulun gulcooy gaabso.
Geelu ha gudbee gaabso.
Geyaan baa mariye gaabso.

Gabadh Soomaaliyeed oo ciyaaraysa ” ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed

Heesta kor ku xusan waxaa lagu edaab baraa gabdhaha yaryar marka ay soo korayaan, sida ka muuqatana waxaa loo sheegayaa in ay codkeedda hoos u dhigto oo ay xishooto. Gabdhuhu dhaqanka Soomaalida aad ayey ugu ixtiraaman yihiin, reerka ay ka dhalatay iyo guud ahaan ummadduna waa dhowraan, xadgudubna waa ka ilaaliyaan. Haddaba waxaa mararka qaar dhacda in mid ardaal ama mid ciyaal suuq ahi ku xadgudbo, taas oo marar badan sababta in reero isku rogmadaan oo is dilaan.

Waxaa laga yaabaa inaad akhristow taqaanid, akhrisay ama aad goobjoogba u ahayd dagaal ama colaad ka bilaabatay gabadh, inta laysku gumaaday markii dambana reero waligood wada deganaa ku kala guuray, halkaasna qabaaro badan ku kala irdhowday.

Waxaase caado dadkeennu u leeyahay xakamaynta dembiyadda ka dhex dhaca beelaha dhexdooda, si aan dhib ka weyn wixii dhacay uga dhalan, oo inta odayaal iyo wax garad u kacaan ayaa la xalliyaa. Xeerar ciqaabeed ayey Soomaalidu ka leedahay, ciqaabo ayaa ka dhasha haddii in la kufsaddo ha joogtee, jidhkeeda (naaskeeda) la taabto ama aflagaaddo loo geysto.

Maaddaama gabadhu qiimahaas ummadda ku dhex leedahay, ninkii guur damcaa waa in uu shuruudo soo buuxiyaa, deeggaanaddu waa ku kala duwan yihiin shuruudaha, goobo dhulka Soomaalida ka mid ah sida galbeedka fog iyo Jabuuti agagaarkeeda waxaa lagu xiraan in uu qoore rag ama madax libaax keeno, waxaa la yiraahdaa “Baal.” Qiso xeerkaan la xidhiidh tana waxay ahayd, markii doob gaamuray hooyadiis xanuunsatay, isagoo ka walwalsan cid u quraan saartana la’ ayaa waxaa u soo galay wadaad socoto ah. doobkii waa farxay wadaadkii ayuuna sooryeeyey una sheegay in hooyadii xanuunsan tahay, wuxuuna ka dalbaday in uu qur’aan u saaro.

Wadaadkii islaantii waa qur’aan saaray. Fadliga Ilaahay islaantii qur’aankii Alle waa ku caafiyey. Wadaadkii awalba socotuu ahaaye waa iska sii socday. Doobkii oo markaan walwalkii ka ba’ay hammi guurna awalba ku jiray ayaa wuxuu soo xusuustay in uu wadaadka Baal ka heli karo. Wuxuu wax walba oo wadaadku la qabtay uu ku ilaaway guurkii ku taagnaa. Doobkii inta wadaadkii ka daba tagey ayuu soo dilay, kana soo adeegtay, intaana kuma ekaane wuu geeraaray oo yiri:  

Ilaahay barakeeyoow wadaadkii badanaa
Hooyaday ii quraan anna baal igu deeq
Ilaahay barakeeyoow wadaadkii badanaa

Marna sheekadaan kama muuqato in uu ninka wadaadka dilay wax gardarro ah geystay ama dareemayo, geeraarkaana u daliil ah. dadkuna ugama jeedaan dhiiri gelin in la is dilo ah ee ninka ayaa geesi nimadiisa iyo raga nimadiisa la tijaabinayaa, bacdamaa uu reero gabadhood la wareegayo.  

Deegaanno kale waxay ku xiraan ama ku xujeeyaan, waa sida Soomaaliddu u badan tahaye boqol halaad oo geel ah, baarqabkood iyo qori maadhiin ah. dhaqammo kalena oo aanan halkan ku xusayna waa jiraan.

Shuruuduhu waxay marar badan ku kala xiran yihiin gabadha reerka ay ka dhalatay, ninka dhalay, hooyadda dhashay iyo xoolihii laga bixiyey. Gabadh waxaa jirta sifooyin bila oo gaar ah yeelata sida qurux, qoys wanaagsan oo ay ka soo jeeddo oo lagu raacaba. Raggu waa ku tartamaan gabadhaas, aabeheedna shuruuduu ku xiraa, oo ninkii soo buuxiyaa loo aqal geeyo.

Qarniggii inaga tegay, ayaa waxaa Nugaal ku noolaa nin rag meel iska mariyey, wuxuu ahaa caaqil gole ka hadal ah, Geesi aan boqolka iyo ninka kala aqoon, nabadoon maalinta colaad ooganto wax kala xaliya, gabayaa aan af lagu ciilin. Maalinbaa wiilkiisii curad ayaa gabar reer sharaf iyo magac deegaanka ku dhex leh doonay, ka dibna wiilkii ayaa aabihii ka dalbaday in uu geel ka baxsho. Sida sifooyinka ka muuqata, odaygu rag wax isagma tirin jirin, geel badanna wuu lahaa, laakiin waa geel ninka lihi ku soo howshooday. odaygu asagoo ka xun wiilku meelaha uu tafay iyo sida uusan xoolo u lahayn, buu dalabkii reerkii gabadha dhalay oofiyey.

Gu’gii dambe ayaa waxaa isla reerkii gabar ka hunguriyeeyey wiil kii sanad hore xoolaha laga baxshay ka yar, da’ddii ku xigtayna ah. Wiilkii aabihii ayuu inta u yimid yiri aabow gabadha ina hebel ayaan rabaa ee geel iga bixi. Waa laba gu’ oo is xiga iyo geel la bixiyo. Odaygii waxaa u soo baxday in sanadka xigana kan ku xigaa gabadh dooni doono, nin wiilal badanna wuu ahaa, waxaa u soo baxday haddii sidaas wax ku sii socdaan in uu caydhoobi doona. wuxuu go’aansaday in uu kanna af jigo, kuwa kalana quusiyo, wuxuuna ku hadaaqay afareey ay erayadani iga soo gaadheen.

Gefay talada Caliyow markay ila gudboonayde
Gacantayda waatuu ka baxay geel hadaan dhaqaye
Waataa gumaarkii xargegey gabanadaydiiye
Geblaa ila og gaajadu inay geed kharaar tahaye
Isagaan gabanna reebinnoo gooyey dabarkiiye
Waxba yaan gabdhaha reer garaad guudka loo fidhane
Ragga guursanaayoow haween goosadaa jira e

Waxaan uga gol leeyahay in odayga xoola badan laga qaaday, dhaqan kana ayba ka mid ahayd in gabdhaha xoolo badan laga baxsho.

Waxaan hubaa in ay in badan oo idinka mid ahi maqashay in Darwiishkii Sayid Maxamed uu faraskii uu aadka u jeclaa ee Xiinfaniin gabadh reer boqortooyo ah ka soo jeedda uu yarad uga baxshay, ayana waa qiso kale oo cadayn u ah qiimayntii gabadhaha la qiimayn jiray.

Haddaba marka dhaqanku sidaa yahay waxaa intaa garab socday inay jireen ragga qaar aan gabdhaha la siin, waxaa ka mid ah fulayga, bakhaylka, xoola mubadarka, ninka af xumadda lagu yaqaan, ninka gabdho hore soo xumeeyey, ninka xoolo uusan lahayd ku soo shaqo tegay iyo nin tuuganimo ku caan baxay. Waxaa laga yaabaa in aad is waydiiso tolow kuwaasi xaggee guur ka heli jireen.

Waxay guursan jireen, gabadha guurka ka raagta (guumays), tan iinta leh sida midda lixdeeda lixaad wax ka dhiman yihiin, curyaanta.

Jubbaland

Intaasi araar hayga ahaatee sanadkaan waxaa Jubbaland ka jira doorashooyin, waxaad ogtihiin qiimaha ay Jubbaland ku fadhido iyo inay martabad sare leedahay, waxaad ogtihiin oo kale hadii maanta gabadh lagu metali lahaa inay noqon lahayd midda ugu qiima galsan. Ee toloow yaa geya. Ma waxaa geya ninka fulayga ah, oo haddii Al-shabaab magaaladda geeskeeda bambo ku aasaan dhahaya anaa la ii wadey, mase laga filayaa in uu la dagaalamo nimankaas.

Waxaan ognahay in Jubbaland iyo Soomaaliya inteedda kaleba ay Al-shabaab dagaal ku hayaan, uuna ka bixi karo oo kaliya, nin geesi ah, walibana la soo tijaabshay kartidiisa iyo dagaal yahan nimaddiisa.

Mise waxaa geya awr kiraale meelo kale laga soo diray, oo xoolo uusan lahayn ku shaqo tegay. Ma waxaa geya nin aan deeqsinimo iyo wax quudhid lahayn, oo inta xoolaha dadweynaha dhaco, asagu dhaqaalaha wadanka isku filayn siin doona. Mise waxaa lagu aamini karaa xoola mubadar xilalkii hore ka soo bixi waayey oo raba in uu isku tijaabiyo Jubbaland.

Ma waxaa geya nin aan aqoon sida wax loo maamulo oo sida rag aan garanayo ummadda ka dhuunta markay arrintu isku murugto. Mise waxaa geya mid aan aqoon xaaladda wadanku ku sugan yahay oo siduu wadanka uga cararay hadda ku soo noqonaya.

Gabareey war laay
Aadba guursatide
Horta yaa ku geya
Yaan furin gabdhaha
Gogol dhaaf aqoon
Gayaan iyo xigaal
Yaan kala gurayn
Gurbood yaan dayicin
Gabanadda wax tara
Dalka yaan gadayn
Gini siisanayn
Shisheeyaha guracan
Garab yaan u noqon
Gaar N&N yaan ku gowracneyn
Giddigiis dalkaba yaan Qadar …..
Go’ee reer Jubboow
Yaan laydin gadan.

Dad weynow jawaabta idinkaan idiin daynayaa ee cidda wax naga doonaysa qiimeeya.

Cali Cabdulahi Faarax


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.