Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Book Shelf
  • Maqaallo
  • Slideshow

BANDHIGYADA BUUGTA: MADAL AQOONEED MUDAN KOBCIN IYO TABANTAABO

W.Q. Mustafa Fayruus

Daahfurka ‘Bandhigga Baydhowa’ ayay ku curatay bishan Agoosto, halka bishii Luulyo lagu sagootiyay daahfurka ‘Bandhigga Buuggaagta Boorama’. Labadan bandhig waxay ugu da`yar yihiin carwooyin sannadle ah laguna magacaabo ‘Bandhigyada Buugta’, tiro ahaanna xilligan sagaal ah, oo dhowr iyo tobankii sanno ee u dambeeyay ka hanaqaaday magaalooyinka Soomaalida.

Bandhigyadan oo tiro iyo tayaba kobcaya, badiba waxaa si sannadle ah loo qabtaa xilliga Xagaaga ee lagu jiro fasaxa sannad-waxbarasheedka dugsiyada iyo jaamacadaha. Midkiiba sannad kasta waxaa ka soo qaybgala dadweyne ah dhowr boqol oo qof; labada bandhig ee Hargeysa iyo Muqdisho tirada kasooqaybgalayaashu kunleyda ayay u tallawdaa. Bandhigyadan, celcelis ahaan, sida badan waxay socdaan saddex maalmood, waxaa lagu soo bandhigaa buugaag kala duwan; waxay martiqaadaan aqoonyahan, suugaanyahan iyo qalinley ka kala yimaadda Geeska Afrika iyo qurbaha. Qaarkoodna waxay casuumaan aqoonyahanno aan Soomaali ahayn.

Markaan dib u raacnay sooyaalka carwooyinka buugta, iskudaygii ugu horreeyay wuxuu ahaa sannadkii 2006 markii Maktabadda Al-Ixsaan (waa maktabad buugta iibisa -bookshop- oo ku taal Muqdisho) ay Muqdisho ku daahfurtay ‘Bandhigga Koowaad ee Buugta Muqdisho’ bishii Maarso 2006. Buugta ugu badan ee la soo bandhigay waxay ahaayeen buugta cilmiga iyo aqoonta, badiba ardayda jaamacadaha ayaana ka faa`iidaystay, wuxuuna socday muddadii 20/3-5/4/2006, waa 15 maalmood oo xiriir ah. Xiisihii iyo suuqii uu yeeshay darteed ayaa lix bilood kaddib ayay maktabaddii qabatay ‘Bandhigga Labaad ee Buugta Muqdisho’, oo isna socday 15 maalmood, 9-23/10/2006. Laakiin sannadkii 2007 Muqdisho wuxuu ugu curtay dagaal culus iyo guluf colaadeed, mar kale ayay noloshii magaaladu wiiqantay burbur laxaad lehna haleelay… bandhiggan buugtuna wuxuu ka mid noqday yididdiilooyinkii hawada raacay!

Laba sanno dabadeed, waa sannadkii 2008 ayaa bandhiggii xigay Hargeysa ka hillaacay, waxaa la qabtay 21-22/8/2008, waana la joogteeyay isagoo sannadle ah. Toddoba sanno kaddib ayuu mar kale Muqdisho ka onkoday bandhig buugeed cusub lana magac baxay ‘Carwada Buugaagta Muqdisho’, wuxuu socday 26-28/8/2015, carwadan waa la joogteeyay iyadoo sannadle ah. Afartii sannadood ee xigay bandhig ama ka badan ayaa sannad kasta ku soo biirayay. Waxaa ugu dambeeyay sannadkan 2019 oo ay ku soo biireen bandhigyada Boorama iyo Baydhabo.

Waa kan liiska bandhigyada buugta ee hadda jira iyo mid kasta sannadkii ugu horreeyay ee la qabtay:

1) Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa (2008)

2) Carwada Buugaagta Muqdisho (2015)

3) Bandhigga Caalamiga ee Buugaagta Garoowe (2016)

4) Bandhigga Buugaagta Kismaayo (2017)

5) Bandhigga Buugta Baraarug (1/2018)

6) Bandhigga Buugaagta Burco (8/2018)

7) Carwada Buugaagta Cadaado (9/2018)

8) Bandhigga Buugaagta Boorama (7/2019)

9) Bandhigga Baydhabo ee Dhaqanka, Farshaxanka, Dalagga Beeraha & Buugaagta (8/2019).

Hawlaha ay Qabtaan Bandhigyada Buugtu

Marka loo kuurgalo, bandhig buugeedyadani waxay ka siman yihiin inay suurtageliyaan fursad ay dadweynaha daneeya buugtu ku arkaan buugta kala duwan ee dhowaan la daabacay, laguna kala iibsado. Waa madal aqooneed kulmisa aqoonyahanka, qalinleyda, suugaanyahannada, dhallinyarada iyo waxgaradka bulshada. Waxay martigeliyaan kulammo aqooneed (muxaadaro, aqoonwadaag, doodo ikk) lagu gorfaynayo qaar ka mid ah ‘arrimaha taagan’ ee bulshada taabanaya.

Bandhigyada badiba waxaa weheliya barnaamijyo ah fan, suugaan iyo dhaqan madadaalo looga golleeyahay. Dhowr bandhig waxay leeyihiin qaybo ay ugu talo galeen ubadka yaryar. Mararka qaar waxaa raaca in martida la geeyo dal barasho iyo dalxiis. Bandhigyada buugaagtu waxay qayb ka qaataan kobcinta akhriska iyo qoraalka, xoojinta buug-faafinta (publishing). Sidoo kale, waa ‘olole’ indhaha warbaahinta iyo bulshada ku soo jeediya buugta iyo guud ahaanba caalamka akhriska iyo qoraalka.

Bandhigyadan waxaa badiba kaalin muuqata la siiyaa naadiyada akhriska iyo qoraalka oo ay dhallinyaro is abaabulay hawlwadeenno ka yihiin. Bandhigyada buugaagtu waxay ka mid yihiin meelaha kooban ee hal`abuurka iyo qalinleyda dhallinyarada ah niyad ahaan hiilka u ah.

Intaa ka sokow, waxaa jira in bandhigyada qaarkood ay leeyihiin barnaamijyo ay mudnaan dheeraad ah siiyaan, kagana soocan yhiin bandhigyada kale. Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa waa bandhigga ay ka soo qaybgalaan aqoonyahannada ugu badan ee aan Soomaalida ahayn, sannad kasta waxaa lagu martiqaadaa dal Afrikaan ah. Waxaa kale oo uu qabtaa tababarro lagu barbaarinayo dhallinyarada hal`abuurka leh. Bandhigga Baydhabo oo cusub kiisii koowaadna la qabtay 1-3/8/2019, isagu, wuxuu mudnaan dheeraad ah siiyay arrimaha dhaqankaiyo dalagga beeraha, sidaas darted, ayuu magaciisa ka dhigtay ‘Bandhigga Baydhabo ee Dhaqanka, Farshaxanka, Dalagga Beeraha & Buugaagta’. Wuxuu ka qalindaartay dabeecadda ay caanka ku yihiin saddexda gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Waxaa xusid gaar ah mudan ‘Bandhigga Buugta Baraarug’ oo Hargeysa ka bilowday Janaayo 2018, wuxuu kaga duwan yahay bandhigyada kale laba arrimood. Waa tan hore e, wuxuu daneeyaa inuu dunida kale ka keeno buug xul ah oo xambaarsan aqoonta iyo kasmada guud, waxaana halkudheg u ah ‘Aqoon Fidin iyo Fikir Kobcin’; sidoo kale, wuxuu dadaal dheeraad ah geliyaa in muxaadarooyinka iyo aqoonwadaagga baxaa ay noqdaan mawduucyo tao leh kuna wareegaya ‘Cilmibaarista Soomaaliyeed’. Waa tan labaade, bandhiggani waa mid wareega, oo kuma koobna magaalo gaar ah. Waxaa si sannadle loogu qabtaa, ilaa hadda, magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, waxaa kale oo uu ka qabygalaa bandhigyada ka dhaca magaalooyinka kale, sida Kismaayo iyo Garoowe.

Bandhigyada Buugta Dunida

Bandhigyada buugta waxaa lagu qabtaa magaalooyin badan oo dunida ah, waxayna faafeen nuskii labaad ee qarnigii 20aad; kuwooda ugu caansan waxaa ka mid ah: ‘The Frankfurt Book Fair’, ‘International Kolkata Book Fair’, ‘London Book Fair’, ‘Bologna Children’s Book Fair’.

Bandhigga Buugta Frankfurt ‘The Frankfurt Book Fair’, oo dib loo abaabulay 1949, waxaa ka soo qaybgala in ka badan 7500 faafiye (publishers) ka kala yimid in ka badan 109 dal. Bandhigga dunida ugu ballaaran, marka loo eego dadweynaha soo booqda, waa ‘International Kolkata Book Fair’ (1976) ee dalka Hindiya, waxaana soo booqda in ka badan 2.5 milyan oo qof. Bandhigga ‘London Book Fair’ (1971), uguna weyn Yurub, daneeya xarumaha ka ganacsada buugta, waxaa ka soo qaybgala

in ka badan 25 kun faafiye (publisher) oo ka kala yimaada in ka badan 100 dal. Magaalada Bologna ee dalka Talyaanigu waxay qabataa ‘Bologna Children’s Book Fair’ (1963), una gaar ah buugta iyo agabka aqoonta carruurta. Bandhig buugeedyada Geeska Afrika waxaa ka mid ah ‘Nairobi International Book Fair’ (1998), waxaa soo booqdan ilaa 50 kun oo qof; iyo ‘Addis Ababa Book Fair’ (2006).

Inkasta oo buuggu yahay aaladda ugu taabbagashan ee kaydinta iyo faafinta xogta, cilmiga iyo fikirka, haddana, muddadan dambe waxaa ku soo biiray qalab kale, sida cajaladaha, video-ga, (memory chips)-ka iyo guud ahaanba aaladaha kala duwan ee agab wacaaleedka (information technology). Bandhigyadani waa munaasabad ay akhristayaashu kula socdaan caalamka buugta. Sidoo kale waxaa ku kulma xarumaha buugta daabaca ee faafiya (publishers), halkaana ka unka xiriir ganacsi. Bandhigyadani waxay qayb ka qaataan xoojinta buug daalacashada iyo buug-faafinta (publishing).

Timaaddada dhow & Bandhigyada Buugta

Samaysanka bandhigyada buugtu xawli ayuu ku socday shanti sanno ee u dambeeyay 2015-2019, waxaana la yagleelay siddeed bandhig. Waliba labadii sanno ee 2018 & 2019 ayuu xawligu badnaa, oo saddex iyo laba bandhig kala dhasheen. Timaaddada dhow, ma xawligaa ayuu ku sii socon doonaa kororka tirada bandhigyadu?

Sida la qiyaasi karo, way yar yihiin bandhigyada buugta ee la fili karo inay soo kordhaan wixii hadda ka dambeeya; waxaaba dhici karta in kuwa hadda jira qaarkood ay meesha ka baxaan. Waxaa kale oo la fili karaa in bandhigyadu u xuubsiibtaan heerar kala sarreeya, oo qaarkood heer magaalo/gobol ku koobnaadaan, qaarkoodna heer qaran/dal noqdaan, halka kuwo kalena heer caalami ama ugu yaraan Geeska Afrika ahaadaan.

Guud ahaan bandhig buugeedyadu waxay marayaan xilligii koritaanka. Qaarkood weli waxay wadaan fariisinta magaca ay joogto u sidanayaan; qaarkoodna xaaladda siyaasadeed ee ku xeeran ayaa weli geeddi ku jirta; qaarkood toobiye u gaara ayay qaadeen; qaarkoodna dhowr sannadoodba bartay tusmaysteen, kuna qaangaareen, ayay barroosinka dhigteen. Koritaanku, ceeb maaha, waa xaalad dabiici ah oo la wada maro, ugu dambaynna meel baa lagu ‘qaangaaraa’ dabeedna lagu nagaadaa.

Sidaas darteed, haddii wejiga koowaad ee bandhigyadu ahaa in magaalooyinka waaweyn laga bilaabo bandhig buugeed sannadle ah, wejiga labaad wuxuu noqonayaa ‘joogtaynta’ iyo ‘kobcinta’ bandhigyadaas; waana taas hawsha ugu weyn ee ay qabanqaabiyayaashu la tacaali doonaan mustaqbalka dhow.

Dhanka ‘joogtaynta’, bandhigyada qaarkood waxaa muuqata in qabanqaabada ayna jirin cid si joogto ah loogu og yahay, ee marka muddadu soo dhowaato ayay ‘ciduuni’ is xilqaantaa oo sannadkaa abaabushaa. Xagga miisaaniyadda dhaqaalaha, iyana, culays joogto ah ayay ka sheegtaan qabanqaabiyayaashu. Sidaas darteed, ayaad arkaysaa in bandhigyada qaarkood waqtigooda dib uga dhacaan ama barnaamijka la qorsheeyay qaybaha qaarkood meesha laga saaro, tabar yari dhaqaale ama waqtiga qabanqaabada oo gaaban awgeed. Si loo taabbageliyo joogtaynta bandhigyada buugta, waa lamahuraan in labadan mushkiladoodba loo helo xal joogto ah.

Dhanka ‘kobcinta’, ifafaalaha kobcintu wuu muuqday sannadkan 2019, ha noqoto mawduucyada iyo aqoonwadaagga kala duwan ee bandhigyada qaarkood soo bandhigeen (Sida Kismaayo iyo Garoowe) ama qaybaha cusub ee ay qaarkood soo kordhiyeen (Sida Bandhigga Baydhabo).

Si loo sii kobciyo waxqabadka bandhigyadan, muddada dhow waxyaabaha ay tahay in la xoojiyo waxaa ka mid ah:

1) Kordhinta ka qaybgalka xarumaha faafiyayaasha (publishers) iyo xarumaha buugta iibiya (bookshops); waayo, iyaga ayaa lafdhabar u ah soo saaridda iyo iibgaynta buugta, iyagaa ka guddooma qoraaga, gaarsiiyana akhristaha; la`aantoodna taabbagal noqon mayso faafinta buugtu.

2) Xoojinta iibsiga buugta, iibsiga buugtu waa taabbageliyaha ugu weyn ee qoridda iyo daabicidda buugta. Bandhiggu waa inuu adeegsadaa tabo kordhinaya iibsiga buugta, sida (1) in goobta bandhigga loo qaabeeyo si sahlaysaa iibsiga buugta xilli kasta, noqotaana goob ka weecsan fagaaraha muxaadarooyinka iyo aqoonwadaagga; (2) in kaqaybgalayaasha si joogto ah loogu boorriyo inay buugta iibsadaan.

3) Waxaa jira Qaybo dhiman ama caato ah, bandhig buugeedka casriganna aan looga maarmin, sidaas darteed ay tahay in lagu soo kordhiyo ama la sii kobciyo. Qaybahaa waxaa ka mid ah: buugta carruurta, buugta cilmiga (sida kuwa jaamacadaha), agab wacaaleedka aqoonta (sida CD iwm).

4) In lagu daro mawduucyo ah faaqidaadda suugaanta ‘literary criticism’ iyo lafaguridda/gorfaynta buugga ‘book review’; mawduucyadani waxay gacan ka gaysanayaan qiimaynta iyo tayaynta dhiganeyaasha.

5) Kordhinta, tiro iyo tayoba, muxaadarooyinka iyo aqoonwadaagga ku saabsan arrimaha fikirka iyo kasmada guud ee wacyiga bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, wax ku kordhinaya; waana in lagu dadaalo xulista mawduucyo tayo leh, loona sii sheego waqti ku filan oo lagu soo diyaariyo.

6) Kabidda miisaaniyadda, in maamullada magaalooyinka lagu qabanayaa ay qayb libaax ka bixiyaan miisaaniyadda qabashada bandhiggu u baahan tahay; sida in dawladda hoose ay bixiso ugu yaraan 30-50% kharashka bandhigga. Kabiddan waxaa iyana kaalin fiican ka qaadan kara, haddana magaalooyinka qaar ka qaata, shirkadaha ganacsiga.

Gabagabadii

Bandhigyada buugtu waxay kaalin muuqata ku leeyihiin aqoonta iyo horumarka bulsho kasta. Bulshooyinka colaadaha ka soo kabanayana ‘post conflict society’ bandhigyadani waxay ka qaybqaataan kobcinta ‘madaniyaynta nolosha’, isdhexgalka iyo wadanoolaanshaha bulshada; waxay ka qaybqaataan beeridda rajo iyo yididiilo ah berri dhaanta maanta; waxay mar wada xaqiijinayaan ujeeddooyin dhowr ah, sida: waxbarasho (educating), xog siin (informing), dhiirrigelin (inspiring) iyo weliba madadaalo (entertainment). Ku darsoo, bandhigyadani intay socdaan waxay sare u qaadaan dhaqdhaqaaqa ganacsi ee magaalada lagu qabanayo.

Sidaas darteed, bandhigyada buugtu waa tallaabooyin yididiilo leh, mudanna in la kobciyo lana sii tabantaabiyo, si loo xoojiyo kaalinta akhriska, qoraalka iyo guud ahaanba buugga iyo cilmigu ku leeyihiin nolosha Soomaalida.

W.Q. Mustafa C. Fayruus

Email: [email protected]  

———————–

Mustafa Fayruus waa qoraa, cilmibaare iyo bare jaamacadeed ka tirsan xarumo cilmiyeed dhowr ah.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.