Thursday, November 21, 2019
Wardheer News
  • Book Shelf
  • Maqaallo
  • Slideshow

Gorfeyn Buug: Axmed Siilaanyo Nin Tacab Badan Geliyay Qarannimada

W/Q Muuse M. Ciise

Buugga: Axmed Siilaaanyo Nin Tacab Badan Geliyay Qarannimada
Qoraha: Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
Tirada boggoga: 387
Shirkadda daabacday: Ponte Invisibile (Redsea-online)
ISBN: 88-88934-65-0  
EAN: 9788888934655
Lagu daahfuray Hargesa: 2019-05-01

Maalin axad ah oo ku beegan 23-kii bisha Juun sannadkan 2019-ka ayaa aan buugga ”AXMED SIILAANYO NIN TACAB BADAN GeLIYeY QARANNIMADA”, ka soo iibsaday dukaanka Redsea-Online oo ku yaalla farasmagaalaha Hargeysa. Waa buug ku saabsan taariikh nololeedka madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaana qoray Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland.

Inkasta oo aan taariikhda Siilaanyo lagu soo koobi karin hal buug, haddana waa buug qiimo badan oo miisaankiisa leh. Waxa uu buuggani ka kooban yahay 387 bog, waxaanu u kala qaybsamaa saddex qaybood oo qayb waliba u sii kala baxdo cutubyo. Tusaale ahaan, qaybta koowaad waxa ay ka kooban tahay afar cutub, qaybta labaadna toddoba cutub, halka qaybta saddexaadna ay tahay lix cutub. Haddaba, buuggan oo akhriskiisu xiise gaar ah ii lahaa ayaa aan jeclaystay in aan si kooban idinku soo gudbiyo wixii aan kala kulmay.

Buuggan ayaa ah mid si fiican loo qoray, waxaana ka muuqata xoogga iyo xoolaha galay ee suurogaliyay in hawl intaa leegi ku soo biirto kaydka taariikhdeenna. Ugu horrayn waxa uu qoraagu buugga ku bilaabayaa taariikhdii iyo noloshii carruurnimo ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Maxamed Maxamuud oo ahaa Siilaanyo aabbihii waxa uu isaga oo da’ yar ka tegay miyiga, waxaanu dooni ka raacay magaalada Berbera, isaga oo u socday magaalada Cadan.

Halkii doontu ka gayn lahayd magaalada Cadan waxa ay la tagtay magaalada Bureeqa oo ahayd magaalo u dhaw Cadan, balse markii danbe ka mid noqotay Cadan. Halkaa ayuu in muddo ah Maxamed la shaqaysanayay rag kalluumaysato ah, waana meesha uu kula baxay magaca Bureeqa oo uu markii danbe ku caan baxay. Muddo markii uu halkaasi joogay ee uu ka xoolodhaqday ayuu Maxamed go’aansaday in uu dib ugu soo noqdo dalkiisa hooyo iyo noloshii miyiga. Waxa uu guursaday Maryan Saleebaan Faarax Sanweyne oo uu awoowe u ahaa garyaqaankii weynaa ee Ina Sanweyne. Waa ninkii caanka ahaa ee ay ku soo aroortay suugaanta badani, sida: ”garta Ina Sanweynaa loo gaysan jiray”. Maxamed Maxamuud waxa ay Maryan u dhashay afar wiil iyo laba gabdhood, waxaanu madaxweyne Siilaanyo ka mid ahaa afartaa wiil ee ilma Maxamed. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu qiyaastii 1930 ku dhashay deegaanka Dheryaley oo ka tirsan gobolka Togdheer. Markii ay Maryan fooshu qabatay ayaa Maxamed oo Siilaanyo aabbihii ahi u dhaantegay ceelka Caynaba oo laba caanomaal lagaga soo noqdo, balse fooshii lama sugin inta uu odaygu soo noqonayo ee uu biyaha keenayee, Axmed ayaa ifka yimid. Maaddaama oo aannu reerku biyo haysan, waxa Axmed loogu maydhay caano geel, iyada oo markaa ka dibna subag looga daba mariyay. Halka dhanka kale islaamihii Maryan ka ummuliyay ay waayeen wax ay ku farxashaan, oo ay ka fursan wayday in ay cammuuda isaga masaxaan dhiiggii iyo xabkii ay faraha kula jireen. Waa xaalad runtii adag, waxaanay sawir ka bixinaysaa noloshii qalafsanayd ee ay ku sugnaayeen bulshadii reer baadiyaha ahayd ee waagaasi.

Siilaanyo oo aad u da’yar ayaa u soo wareegay magaalada Berbera, waxaana uu la noolaa adeerkii Cabdillaahi oo halkaasi ka shaqayn jiray. Markii uu dhammeeyay Quraanka ayuu Axmed-Siilaanyo ku noqday miyigii oo reerkoodu degganaa. Waa halkaa meesha uu Siilaanyo kula kulmay Sheekh Maxamed Dhawaaq oo ahaa sheekh reer Jabbuuti ah balse deegaanka yimaadda mararka qaar si uu dadka u dabiibo amaba uu qardhaaso ugu dhigo.

Intii uu sheekhu joogay deegaanka ayay kulmeen Axmed Siilaanyo oo kuray yar ah, waxaanu sheekhu aad uga helay sida uu Axmed Siilaanyo u yaqaanno diinta iyo waliba dhiirranaantiisa. Markii uu sidaa isha u galiyayba, waxa uu sheekhu la hadlay Axmed Siilaanyo aabbihii isaga oo ka codsaday in uu wiilka ku daro si uu ilaa Jabuuti ugu raaco oo uu halkaasi aqoonta diinta uga soo barto iyo in uu isaga gacanyare u noqdo. Codsigaasi oo uu soo dhaweeyay Siilaanyo aabbihii ayaa keenay in Siilaanyo sheekhii raaco. Intaa ka dib waxay u ambabaxaan dhankaa iyo Jabuuti. Markii ay marayeen magaalada Saylac ayay halkaa kula kulmeen Siilaanyo adeerkii Cabdillaahi oo Saylac ka shaqeeya, ka dib markii uu Berbera ka soo wareegay. Cabdillaahi waxa uu hor istaagay qorshihii sheekha, waxaanu u sheegay in aannu Axmed tegayn Jabuuti balse uu ku dari doono dugsiga Shiikh. Halkii baa Axmed Siilaanyo laga soo celiyay, isaga oo sheekhiina aad uga xun sida ay wax u dhaceen.

Sidaas ayuuna Axmed Siilaanyo nasiib ugu helay in uu ka mid noqdo ardaydii dugsiga Shiikh gashay sannad-dugsiyeedkii 1946/47. Markii aan halkaa marayay ayaan iswaydiiyay bal in ay sax tahay in uu Axmed Siilaanyo dugsiga Shiikh ku bilaabay isaga oo 16-17 jir ah, maaddaama oo sida uu buuggu dhigayo uu Siilaanyo dhashay sannadkii 1930,  inkasta oo uu haddana qoraagu sheegayo in ay sharciga ugu qoran tahay in uu dhashay sannadkii 1936. Waxa aan su’aashan ku keenay baa ah in wakhtigaasi ardayda lagu diri jiray iskuulka iyaga oo aad u da’ yar.

Intii uu Siilaanyo ku jiray dugsiga Shiikh waxa uu ka mid ahaa ardayda ugu firfircoon dhan walba, isaga oo kaalmaha hore ka gali jiray dhanka waxbarashada, halka dhinaca ciyaaraha iyo guddiyada dugsigana uu ahaa hormoodkooda. Waxa uu qoraagu ku dheeraanayaa in uu Siilaanyo waligiiba lahaa hibo hoggaamineed oo soo baxday markaasi uu ardayga ahaa. Waxa uu tusaale innoo siinayaa in mar ay ardayda dugsiga Shiikh tegtay magaalada Cadan si ay halkaasi kubbad ugu soo ciyaaraan, in uu Siilaanyo noqday kabtankii kooxda, walow aannu haddana ahayn kan ugu xariifsan amaba ugu da’da weyn, balse ta uu ku kasbaday ay ahayd in uu lahaa astaamo hoggaamineed. Markii uu u gudbay dugsiga Camuud iyo ilaa intii uu ku jiray Jaamacadda Manjister (Manchester University) waxa uu Siilaanyo ahaa arday tacliinta ku fiican. Sida uu buuggu dhigayo Siilaanyo waxa uu shahaadadii koowaad ku qaatay aqoonta dhaqaalaha intii u dhaxaysay 1960 – 1963-kii, halka uu tii labaadna uu ku qaatay aqoonta bangiyada muddadii u dhaxaysay 1963 – 1965-kii, isaga oo ka baxay jaamacadda Manjister. Sida uu buuggu innoo soo gudbinayo, waxa uu Siilaanyo noqday qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee jaamacadda ka qaata shahaadada labaad (Masters Degree).

Si kastaba ha ahaatee, buuggu waxa uu si waafi ah sawir uga bixinayaa markii uu Siilaanyo ku soo noqday dalka iyo sidii uu nolosha cusub uga bilaabay magaalada Muqdisho, isaga oo cidna ka aqoon halkaasi. Markiiba waxa uu ku meelmaray aqoontiisii, waxaanu la jaanqaaday dawladdii rayidka ahayd. Judhiiba waxa uu shaqo ka bilaabay bangigii Soomaaliya, isaga oo gacan ka helay wasiirkii qorshaynta ee wakhtigaasi oo ahaa Axmed Ismaaciil Duqsi iyo waliba Raysal Wasaarihii markaasi oo ahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Bangiga oo ay u badnaayeen shaqaale Talyaani ahi ayaa uu kala kulmay cadaadis badan, iyaga oo geeska markiiba galiyay oo u arkayay in uu barobixin doono. Muddo ka dib waxa uu Siilaanyo u wareegay Wasaaradda Qorshaynta oo uu markii danbe ka gaadhay ilaa Agaasimaha Guud ee wasaaraddaasi.

Markii ay dawladdii rayidka ahayd dhacday ee uu dalka inqilaabka ku qabsaday Maxamed Siyaad Barre, waxa uu buuggu sheegayaa in uu Siilaanyo kaalin weyn ku lahaa dhismihii dawladdii Kacaanka. Waxa uu markiiba ka mid noqday aqoonyahannadii uu Siyaad Barre u xushay ka soo talobixinta dawladda cusub, halka uu markii danbena noqday wasiirka wasaaradaha qorshaynta iyo waliba wasiirka wasaaradda ganacsiga. Intaa waxa dheeraa in uu ahaa mid ka mid ah baalasha uu ku duulo madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, taasina ay caddayn u ahayd sidii uu mar walba qayb uga ahaa hawl kasta oo mihiim ahayd iyo in uu u raaco safarro badan oo uu Siyaad Barre dibadda ku tegi jiray.

Waxa uu sidoo kale qoraagu innoo sheegayaa in uu Siilaanyo lahaa rayigii ahaa in ay Soomaaliya ku biirto jaamacadda Carabta iyo waliba in uu ahaa maskaxdii ka danbaysay barnaamijkii caanka noqday ee Iskaa wax u qabso. Intaa waxa uu qoraagu raacinayaa in uu Siilaanyo ahaa siyaasi isku-kalsoon oo aan ka haybadaysan jirin madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Waxa uu qoraagu intaasi ku darayaa in uu Siyaad Barre marar badan ergo u soo dirsaday Siilaanyo isaga oo ka cabanaya in uu Siilaanyo ku dhego adag yahay. Markii aan buugga akhrinayay waxa aan iswaydiiyay waxa caddayn u ah in uu Siilaanyo ahaa maskaxdii ka danbaysay in ay Soomaaliya jaamacadda Carabta ku biirto iyo in uu ahaa curiyihii barnaamijkii Iskaa wax u qabso?

Si ay arrimahani u noqdaan kuwo meelmar ah, waxa fiicnaan lahayd in uu qoraagu keeno caddaymo, sida qoraallo arrintaasi u markhaati-furaya ama dad goobjoog ahaa oo u rumaynaya arrimahan. Kol haddii ay buugga ka maqan tahay kaalintii uu Siilaanyo ku yeelan lahaa ka sheekaynta taariikhdiisii, waxa fiicnaan lahayn in uu qoraagu la yimaaddo caddaymo xoojiya warkiisa.  

Mar kale waxa uu buuggu soo gudbinayaa in markii laga soo noqday dagaalkii ay Soomaaliya la gashay dawladda Itoobiya 1977-78-kii, waxa uu Maxamed Siyaad Barre sameeyay guddi ka soo talobixisa mustaqbalka Soomaaliya iyo sida loola noolaanayo dalalka jaarka ah. Waxa guddidaa ku jiray Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Cali Khaliif Galaydh, halka ay inta kalena ay u badnaayeen aqoonyahanno reer Koonfureed ah. Taladii ay guddidaasi soo gudbisay ayaa noqotay in ay Soomaaliya la heshiiso dalka Itoobiya.

Haddaba sida uu qoraagu innoo sheegayo, markii jabhaddii SNM lagu dhawaaqay sannadkii 1981, waxa bilowgiiba dooddi ka dhalatay dalkii ay jabhaddu saldhig ka dhigan lahayd, waayo dad badan ayaa ka soo horjeeday in Itoobiya saldhig laga dhigto, iyaga oo u arkayay in ay Itoobiya tahay cadawga Soomaalida, maaddaama oo markaasi uun laga soo dhammaaday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977-kii. Haddaba, waxa uu buuggu sheegayaa in uu Siilaanyo isaga oo dawladdii Kacaanka xil ka haya haddana uu gacan weyn ka gaystay sidii ay SNM saldhig ugu yeelan lahayd Itoobiya. Siilaanyo waxa uu ka mid noqday dadkii arrintan talo weyn ka gaystay, waxaanu jabhadda ku qanciyay in ay Itoobiya saldhig ka furato sida ugu dhakhsaha badan, si looga hordhaco inta aanay Soomaaliya iyo Itoobiya heshiin. Arrintan ayaa muujinaysa in Siilaanyo hoosta kala shaqaynayay dhaqdhaqaaqii SNM, isaga oo aan dalkaba ka bixin oo wali xil ka haya dawladdii Siyaad Barre. Waxa uu sidoo kale buuggu innoo soo tebinayaa in uu gacan weyn ka gaystay in markiiba Xamar laga diro dhawr Sarkaal oo Itoobiya sii taga, kuwaasi oo uu ka mid ahaa, Maxamed Kaahin, Aadan Shiine, Axmed Dhagax, iyada oo ujeeddadu ahayd, yaan Itoobiya laynooga horrayne sii taga.

Halkaa markii uu xaal marayay ayuu 13 Maarso sannadkii 1982 Siilaanyo qoyskiisii u diray dalka Ingiriiska, halka uu isna 15 Maarso isla sannadkaa uu ka baxay Muqdisho, isaga oo ku sii hakaday dalka Sucuudiga, oo uu kula sii kulmay jaaliyaddii halkaasi ku noolayd. Jaaliyaddii Sucuudiga ku dhaqnayd waxa ay taageero weyn u muujiyeen Siilaanyo, waxaanay kula taliyeen in uu noqdo hoggaanka SNM, iyaga oo u arkayay in uu noqon karo nin xal u heli kara khilaafkii markiiba la kowsaday jabhadda iyo waliba in uu ka rumayn karo hadafka SNM. Halkaas ayuu safarkiisii ka sii watay, isaga oo uga sii gudbay dalka Ingiriiska.

Muddo markii uu Siilaanyo joogay dalka Ingiriiska waxa uu caddaystay in uu si toos ah ugu biiray SNM, waxaanu shaqadii ururka ka bilaabay qaaradda Yurub. Ka dib khilaaf ka jiray gudaha SNM iyo in muddo laba sanno ka yar lagu beddelay saddex guddoomiye waxa ay saraakiil badan oo uu Cabdiqaadir Koosaar ka mid yahay u gacanhaadiyeen Siilaanyo, iyaga oo u soo jeediyay in uu noqdo guddoomiyaha cusub ee SNM. Intii aannu codsigaasi yeelin waxa uu shuruud uga dhigay in uu tegi doono Itoobiya oo uu hoggaanka jabhadda la wareegi doono balse shuruudda taasi ku xidhani tahay in aan cid kale kula tartamin xilkaasi.

Sidii bay noqotay oo bishii Ogos sannadkii 1984 ayaa guddoomiyaha SNM loo doortay. Caqabadihii ugu horreeyay ee uu la kulmayna waxa ka mid ahaa khilaaf ka jiray ururka dhexdiisa, kaasi oo keenay in odayaal la baxay ”Gaashaamo Base Commitee” diideen in ay aqoonsadaan guddoomiyanimadiisa iyo qodobka labaad oo ahaa in ay dawladda Itoobiya shaki ka qabtay suurogalnimada in ay SNM noqoto jabhad hanaqaadda. Qoraagu waxa uu si weyn ugu dheeraanayaa kaalintii uu Siilaanyo ka qaatay xal u helidda labadaa qodob iyo waliba dhismihii iyo horumarintii ururka. Hawlaha ugu adag ee uu Siilaanyo kala kulmay ururka waxa ugu waaweynaa isku hayntii garabyadii uu ka koobnaa ururku, kuwaasi oo ujeeddada kaliya ee midaysaa ahayd xorraynta dalka, balse aan sida kale isu oggolayn.

Waxa kooxahan ka mid ahaa kooxdii askarta, koox waddaado ah oo dariiqada suufiyadda ah, rag mutacalliin ah oo dhanka shuuciga u janjeedha, oday dhaqameedyo iyo waliba qaybihii kale ee bulshada. Taariikhda ururka SNM oo uu buuggu si waafi ah uga waramayo, ayuu halkaasi qoraagu ku fogaanayaa in uu Siilaanyo noqday xabagta isku haysay ururka iyo in uu noqday hoggaamiye dad isku wad leh oo ururka xaalad adag ka saaray.

Muddo ka dib waxa uu Siilaanyo xilkii ka qaaday Maxamed Xaashi Cilmi oo ahaa xoghayihii maaliyadda ee ururka. Xilkaqaadistaasi ayaa keentay in ay ka xumaato jaaliyaddii Sucuudiga ku noolayd oo ahayd lafdhabarta dhaqaalaha ururka. Maaddaama oo dadka Sucuudiga ku nool ee qaadhaanka ururka bixiyaa u badnaayeen beesha Sacad Muuse oo ay isku hayb ahaayeen Maxamed Xaashi Cilmi, waxa ay taasi horseedday in dhaqaalihii ay soo dirayeen hakad galiyaan ka dib markii ay ka xumaadeen in Maxamed Xaashi xilkii laga qaaday. Taasina waxa ay keentay in ay Habarjeclo abaabul weyn oo dhaqaale ururin ah gasho, balse waxa ay markii danbe noqotay mid uu xal u helay Siilaanyo.

Mar uu Siilaanyo sharaxayay sababtii uu Maxamed Xaashi xilka uga qaaday ayuu ku sheegay in uu Maxamed yahay nin adadag oo aan marar badan waaqaca la jaanqaadi karin, oo xitaa haddii jabhaddu hawl kedis ah dhaqaale uga baahato aannu bixinayn oo uu rabo in nidaamka la soo maro, taasina ay keenayso in wax badani dayacmaan, ileen qofka dhaawaca ah ama raashinka ka go’an ciidanku waxa uu u baahan yahay in degdeg loo xalliyo. Haddii ay dhacdadani run tahay, sida ay labada beeloodba uga falceliyeen dhacdooyinkaasi waxa ay inna tusayaan sida ay tolnimadu ugu weyn tahay bulshada Soomaalida iyo sida uu gar iyo gardaraba tolku ugu daba faylayo siyaasigooda.

Dhanka kale, qoraagu waxa uu aad ugu dheeraanayaa nolosha qoysnimo ee reer Siilaanyo, isaga oo ku tilmaamaya in uu Siilaanyo yahay nin qoys, oo xidhiidh aad u sarreeya la leh xaaskiisa iyo carruurtiisa. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo uu waraystay qoraaga buuggu ayaa si qotodheer uga waramaya xidhiidhka qoysnimo ee ka dhexeeya Siilaanyo iyo Aamina-Weris Sheekh Maxamed Jirde, waxaanu ku tilmaamayaa in ay yihiin laba qof oo jacayl iyo nolol qiimo badan soo wada qaatay tan iyo markii ay isguursadeen sannadkii 1968-kii. Waxa kale oo uu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir innoo sheegayaa in aannu Siilaanyo ahayn ragga inta badan makhaayadaha iyo meelahaasi ka sheekeeya balse uu yahay nin badanaa u dhexeeya gurigiisa iyo shaqadiisa.

Aamina-Weris oo ka waramaysa markii uu Siilaanyo ku biiray SNM ee uu u wareegay Itoobiya ayaa waxa ay sheegtay in ay ku keliyaysatay shaqadii qoyska, taasina ay ku keentay culays aad u weyn. Maaddaama oo ay ahayd gabadh da’yar oo haddana aan qurbaha ehel iyo asxaab badan ku haysan oo ku keliyaysatay shan carruur ah waxa ay Aamina-Weris la kulantay wakhti adag. Waxaanay sheegtay in aanay raali ka ahayn oo aanay isku ogayn in uu Axmed u wareego Itoobiya oo uu halkaasi halganka ka galo. Mar keliya uun buu Siilaanyo u sheegay in uu naftiisa u hurayo halganka oo iyadana looga baahan yahay in ay guntiga dhiisha isaga dhigto.

Ka dib markii heshiis dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasi oo dhigaya in labada waddan nabad ku wada noolaadaan oo ciidamadana dib loo kala gurto, waxa ay jabhaddii SNM ku qasbanaatay in ay dalka gudihiisa si nafhurnimo ah u soo gasho. Sida uu buuggu dhigayo Siilaanyo ayaa gacantiisa ku saxeexay amarkii lagu soo galay waddanka, isaga oo u arkayay in jidka keliya ee u bannaani kaas ahaa. Heshiiska labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya maaddaama oo uu dhigayay in jabhadana dib xeryaha loogu xareeyo, waxa ay SNM ka baqatay in hubkadhigis lagu sameeyo oo ay taasi keento in halgankii muddada dheer soo socday halkaasi ku soo afjarmo.

Bishii May 27-keedii sannadkii 1988 ayay nafhurayaashii SNM soo galeen magaalada Burco, halka ay 31-kii bisha May na ka galeen Hargeysa. Sidii qorshuhu ahaa Siilaanyo isla markiiba Itoobiya ayuu ka dhoofay oo waxa uu ka deggay Landhan, si uu halkaasi halganka uga sii wado. Sida uu buuggu soo gudbinayo, haddii aannu Siilaanyo markiiba Itoobiya ka bixi lahayn waxa uu gali lahaa khatar ah in ay Itoobiya xabsiga u taxaabto, maaddaama oo ay jabhaddu badhifurtay dawladda Itoobiyo oo iyada oo aanay wargelin dagaalka gashay.

Siilaanyo waxa uu go’aansaday in uu baxo si uu dhanka warbaahinta uga soo taageero jabhadda si ay isaga dhiciyaan warbaahintii kala duwanayd ee ay dawladda Soomaaliya siyaabaha kala duwan ugu adeegsanaysay dagaalka.  Bishii May 30-keedii sannadkii 1988 ayuu Siilaanyo la hadlay idaacadda BBC, waxaanu u sheegay in ay SNM qabsatay meelo badan oo dalka ka mid ah, taasi oo ujeeddadeedu tahay in ay dalka ka xorrayso keligiitaliye Maxamed Siyaad Barre.

Qoraagu waxa uu sidoo kale innoo soo gudbinayaa in uu Siilaanyo si sharaf badan uu xilka ururka ugu wareejiyay Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), isaga oo ka raacay siyaasiyiintii kale ee la tartamaysay. Markii dalka la soo galay waxa uu Siilaanyo qayb libaax ka qaatay nabadayntii iyo dib u heshiisiintii beelaha reer Somaliland. Waxaanu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii Maxamed X. Ibraahin Cigaal, isaga oo marna noqday wasiirka maaliyadda marna noqday wasiirka qorshaynta. Halka uu marna ahaa xubin baarlamaan oo aad u firfircoon. Qoraagu waxa uu si weyn ugu dheeranayaa in uu Siilaanyo ahaa siyaasi dhiiran oo aan hadalka kala gabban madaxweyne Cigaal, taa beddelkeedana uu madaxweyne Cigaal si weyn u soo dhawayn jiray una arki jiray in uu Siilaanyo yahay oday uu u baahan yahay oo wax badan ku soo biirin kara.

Markii la gaadhay shirkii Boorama, waxa uu buuggu dhigayaa in dad badani ay u arkayeen in uu Siilaanyo yahay qofka ugu mudan ee dalka hoggaamin kara, balse uu taas isagu iska diiday, isaga oo ku sababeeyay in loo baahan yahay qof cusub oo aan SNM ahayn oo dhexdhexaad u noqon kara garabyada is haya ee isa soo daashaday tan iyo halgankii. Waxa uu sheegay in haddii uu soo noqdo ay dadku u arki doonaan in uu yahay nin danaysta ah oo kolba dhan uga soo wareegaya ururka. Sidaa si la mid ah ayaa haddana markii la gaadhay doorashadii 1997 uu Siilaanyo loolan adagi dhexmaray Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal), oo ay isku beel ka soo jeedaan. Qoraagu waxa uu innoo sheegayaa in dad badani u arkayeen in uu Siilaanyo yahay kan ku habboon in uu doorashada galo oo uu waliba haystay taageero badan, balse haddana wadaxaajood dheer ka dib uu markii danbe u tanaasulay saaxiibkii Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal). Waa tii doorashadu dhacday ee ay ku tartameen Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (Ihn), Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal) iyo Maxamed Xaashi Cilmi, uuna doorashadii ku guulaystay Cigaal.

Mar kale waxa uu buuggu si waafi ah uga hadlaya markii nidaamka xisbiyadu dalka ka bilaabmeen iyo kaalintii uu ku lahaa Siilaanyo iyo dhismihii xisbiga Kulmiye. Doorashooyinkii kala danbeeyay ee marna laga helay marna uu isagu helay. Waxa kale oo uu qoraagu ka sheekaynayaa muddadii uu xilka madaxweynenimada hayay iyo waxyaabihii u qabsoomay. Waxa uu mar kale qoraagu innoo sheegayaa in waxyaabaha uu Siilaanyo in badan ku riyoonayay ee u rumoobay ay ugu waaweyn yihiin dhismaha dekadda Berbera iyo heshiiskii lala galay shirkadda DP WORLD iyo waliba dhismihii waddada Ceerigaabo oo uu Siilaanyo qorshaheeda bilaabay 46 sanno ka hor markii uu ka tirsanaa dawladdii kacaanka ee Soomaaliya. Waxyaabaha kale ee uu qoraagu ka xusayo waxqabadkii Siilaanyo waxa ka mid ahaa, bixintii derajooyinka ciidamada, bilaabiddii wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo ahaa derbi adag oo ay adkayd cid ku dhiirataa iyo waliba qodobka u danbeeya oo ah heshiiskii nabadeed ee dhexmaray Somaliland iyo Khaatumo.

Si kastaba ha ahaatee qoraagu waxa uu si weyn ugu dheeraaday ammaanta madaxweyne Siilaanyo, waxaana haba yaraatee aan jirin wax dhaliil ah oo uu ka sheegayo madaxweynaha muddada dhawr iyo kontanka sannadood ah ee uu siyaasadda ku soo jiray. Marka laga tegi waayo waxa uu qoraagu innoo sheegayaa in dhaliisha ugu weyn ee Siilaanyo loo hayay ahayd in aannu la xisaabtamin cidda uu xil u dhiibo, taasina ay keeni karaysay ceebo badan.

Taariikhda badan ee buugga ku qoran waxa in badan ka maqan caddaymo cad cad oo u markhaati fura, waxaanu buuggu u qoran yahay hab sheeko daadsan ah oo Siilaanyo laga sheekaynayo uun. Waxyaabaha sida weyn u qurxiya buugaagta taariikhda waxa ka mid ah in qofka uu buuggu ku saabsan yahay noqdo mid isagu waramayo ama haddii aanay taasi jirin uu qoraha buuggu soo bandhigo caddaymo ka markhaati-kacaya warka uu soo tebinayo, sida sannadkii ama bishii wax kastaa dhaceen iyo meeshii ay ka dhaceen. Waxa aan u malaynayaa in dhadhanka buugga ka maqan ay sabab u yihiin, Siilaanyo oo aan xusuusqor lahayn ama aan wax badan ka xasuusan taariikhdiisii iyo in uu qoraagu aannu dhankaasi wakhti badan galin sidii uu u heli lahaa kayd taariikheedkii Siilaanyo.

Waxa xusid mudan in inta badan taariikhda buugga ku qorani ay tahay mid laga soo xiganayo dad kale, balse ta akhristuhu uu tebayo markiiba waa kaalintii uu Siilaanyo ku yeelan lahaa ka waranka taariikhdiisa. Waxa ii muuqata in uu buuggu ku fiicnaan lahaa in mar hore la qoro oo lagu soo beego mar uu Siilaanyo xoog yahay oo uu wax badan xusuusto, balse haddana taasi layaab ma leh oo qofka Soomaaliga ahi badi ma qoro taariikhdiisa oo waxa uu sugaa uun in la qoro marka uu da’ noqdo ama marka uu dhinto.

Ugu danbayntii waxa aan hambalyo iyo boggaadin u dirayaa qoraaga buugga Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan. Waxa aad qabatay shaqo qiimo badan, waxaanad weel u samaysay taariikh dahab ah oo aannu Siilaanyo kelidii lahayn balse ah taariikh bulsho. Waxa muuqata in aad wakhti, xoog iyo xoolaba aad u hurtay, waxaanay taasi ka muuqataa shaqada qiimaha badan ee aad hortayada keentay.

Haddii aan taladayda ku darsado, waxa u baahan in wax laga yara beddelo waxa ka mid ah ciwaanka buugga, oo u eekayn ciwaan buug balse taa beddelkeeda aad mooddo mid loogu talogalay qoraal kooban. Qodobka kale ayaa isna ah, jaangoynta qoraalka oo aad mooddo in qoraalku u dhawaaday cidhifyada baal kasta. Ugu danbayntii waxa aad yara mooddaa in aad ku dheeraatay amaanta Siilaanyo, taasi oo aan is leeyahay waxa qurux badnayd in aad akhristaha u dayso in uu qiimeeyo taariikhda Siilaanyo. Waxa kale oo iyana wacnayd in aad xusto dhawr shay oo ah dhaliishii ama ilduufyadii siyaasadeed uu sameeyay muddadaa dheer, waayo, taasi waxa ay miisaan u yeeli kartaa taariikhdan quruxda badan ee buuggu xambaarsan yahay oo hadda u eeg mid dhan ka raran. Qofka oo wanaagiisa iyo dhaliishiisaba la soo gudbiyaa waxa ay ina tusi kartaa in qofka bini aadamka ahi aannu ahayn mid dhammays ah oo uu waxna wanaajin karo, qaladna dhanka kale ka dhici karo.

Qodobka kale ee aan is leeyahay waa mihiim in loo dhug yeesho inta aan daabacaadda labaad la gaadhini waa in aad raadiso arkiifkii ama kaydkii taariikheed ee madaxweynaha oo aan is leeyahay wax badan waxa laga helayaa dalka dibaddiisa ama qoyskiisa. Taasi waxa ay buugga ka kabi kartaa dhanka taariikhaynta oo waxa ay daliil cad u noqon kartaa qodob kasta oo la sheego, halkii ay in badan ka noqon lahayd qof saddexaad oo ka sheekaynayaa taariikhda Siilaanyo. Tusaale ahaan, waxa aad ku dari kartaa, heshiisyadii uu saxeexay, qoraalladii faraha badnaa ee uu samayn jiray, xusuusqorkiisii haddii uu jirayba, warbaahintii kala duwanayd ee wax ka qortay hawlihii uu Siilaanyo ku jiray, haba u badnaato intii uu halganka SNM wadaye. Waxaas oo dhammi waxa ay dhadhan macaan u sii yeeli karaan taariikhda hadda buugga ku taalla.

Dhanka kale dhallinyarada iyo qof kasta oo akhriska jecel waxa aan kula talin lahaa in uu buuggan akhriyo, waayo taariikhda Siilaanyo waa taariikhdeenna waana mid aynu wax badan ka baran karno.

Muuse M. Ciise
Email: [email protected]
Stockholm, Sweden


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2019 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.