Thursday, July 04, 2024
Wardheer News

KOW..LABA.. SADDEX (Sheeko gaaban)

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen Si kasta oo la isku raaco in dalalka Yurubta Galbeed ay ka hodonsan yihiin oo ka horumarsan yihiin kuwa dhinaca Bariga, misna magaalooyin ahaan lagu ma degdegi karo in la yidhaahdo kuwa daanta bari way ka … Continued

SOMALILAND DIMUQRAADIYAD NOOCEE AH AYAA KA JIRTA?

W.Q. Maxamuud C/llahi Axmed “Dab iyo dhagax, la iskuma dhuftee, kala dhawraay”, Abwaan Cali Sugulle (AUN) Horraamihii bishii Febraayo 2021 ayaa maamulka Somaliland (SL) xabsiga u taxaabtay murashaxiin baarlaman oo ka tirsan xisbiga UCID: Maxamed Axmed Jaamac iyo Raage Axmed … Continued

Gardarro garab og

W/Q Cawaale Xuseen Uurjeex waa uu qudhbaxay, Good ayaana lagu sababay.  Good naftiisu in kasta oo uu kibir iyo sannahaabo badnaa hadda waa sirinsirqo.  Birre waa la samirsiin la’ yahay. Dhiiggii Uurjeex inta aanu engegin inuu mid kale daadiyo ayuu … Continued

Gorfeynta Buugga “Godob iyo Gallad”

Qoraha Buugga: M. Cabdulle (Wadaad) Gorfeyntii: Dr. Georgi Kapchits “Godob iyo Gallad” waa qiso ka sheekeyneysa wixii ka dhacay magaalo hebla sanooyinkii toddobaatameeyadii ee qarnigii la soo dhaafay. Hase yeeshee in ay magaaladaasi ahayd Muqdisho shaki kuma jiro, maadaama si … Continued

Tiraab-curinta Toolmoon: Qoraallo Gaagaaban (5)

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen U Hiili Afkaaga Hooyo Af Soomaaligu waa af hodon ah. Sidaas ay tahay ayaa misna marka laysku dayo in Af- soomaaliga ereyadiisa oo  dhan, lasoo tira-koobo, loogu tegayaa inay aad u yar yihiin haddii afaf kaloo … Continued

Yaa ah Dhallinyaro?

W/Q: Axmed Xaaji Xuseen Subayr Hordhac. Iyada oo dhawaan uu Jigjiga, caasimadda Dawlad Deegaanka Soomaalida, ka qabsoomay shirka Dhallinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth Summit), ayaa waxaa baraha bulshada lagaga dooday da’ da dhallinyaronimada. Sababtuna waa iyada oo dad badan oo lagu … Continued

Tiraab-curinta Toolmoon: Qoraallo gaagaaban (4)

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen AMBAD Nin dan yar ah, xoogsade xalaal-quute ah, naftiisa ku kalsoon oo noloshiisa ka raalli ah, ayaa xilli aan caddo iyo gudcur toonna ahayn hees- walwaaleed loo tumaa, hammad beena la geliyaa, huguri waalan laga soo … Continued

Narwo: Sheeko gaaban

W.Q. Ibraahim Faarax Bursaliid Cishaha marka la tukaday baan xaafadda aaday. Wax badan kama soo wareegin markuu albaabka soo garaacay nin oday ah oo Soomaaliyeed oo ay maashaa Allee akhyaarnimo badani ka muuqatay. Anoo yaabban baan ka furay, illaa cishaha … Continued

TIRAAB-CURINTA TOOLMOON: QORAALLO GAAGAABAN(3)

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen HADALKA, AQRISKA IYO QORISTA Waa saddex jaranjaro oo kala sarreeya.Waa saddex qaybood oo waxbarasho oo laysaga gudbo. Waa saddex heer dhaqan oo kala durugsan, gaar ahaan intay dhinaca awoodda ku kala taggan yihiin, ee bulshadu u … Continued