Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

KOW..LABA.. SADDEX (Sheeko gaaban)

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

Si kasta oo la isku raaco in dalalka Yurubta Galbeed ay ka hodonsan yihiin oo ka horumarsan yihiin kuwa dhinaca Bariga, misna magaalooyin ahaan lagu ma degdegi karo in la yidhaahdo kuwa daanta bari way ka qurxoon yihiin. Sababtoo ah waxaa ku hor imanaya Prague, Budapest, Warsaw, Bucharest iyo kuwo kale oo haddaad aqoon u leedahay ku xusuusinaya ashqaraarkii aad ka qaadday maalintaad midkood ka degtay.

Sheekadan aan maanka ku hayo waxay ka dhacday magaalada Prague, xarunta dalka Jiigga (Czech Republic). Sannadku waa 1975, waqtiguna waa jiilaal. Soomaaliya, hawl qaran oo la isu diro sannadahaas marka laga soo billaabo 1970, tan dadku ugu neceb yahay waxay ku caan baxday “Tababarka Dugsiga Xalane”. Rafaadka dadka ka soo mari jiray iyo hungada laga la soo noqon jiray ayaa maado badan laga reebay. Dadka dhallinyarada ah ee jibbaysan iyagana meel la isu diro waxay xilligaas ugu jeclaayeen tababar gaaban ay ku soo qaataan caasimadaha dalalka bariga Yurub. Waa runtood oo xusuus sal- ma-guurta ah ayay kala soo noqon jireen. Muddo dheer ayaanay ka daali jirin inay ka sheekeeyaan, iyagoo intay rabaanna ku darsanaya xawaash ahaan. Waxay ku tuuntuunsan jireen bilicda magaaladaasi lahayd, iyo siday ugu soo dalxiiseen muddadii ay joogeen, martiqaadka iyo sida loo soo dhoweeyay aan wax la mid ah la arag. Marna ma ay illaawi jirin inay si weyn u soo qaadaan casharradii ay ka korodhsadeen macallimiin khibrad u leh cilmiga kacaanka ay ku soo mutaysteen ‘Shahaadado’ derbiga qolka u sudhan oo gal muraayad ah ku jira.

Sannadkaas jiilaalkiisii ayaa 40 dhallinyaro ah la isu keenay. Tababar dibedda lagu qaadanayo ayaa loo soo xulay. Waa kalada’, waa kala shaqo oo heyado kala duwan ayay ka tirsan yihiin, waa kala waaya-arag, waana kala joog iyo muuqaal; Waxayse ka siman yihiin kacaannimada ku duugan, jibbadoodu si kasta ha ugu sii kala badnaatee. Ehel iyo saaxiibbo intay ka gaadhi kareen si diirran ayay u soo maca-salaameeyeen, qaarkoodna waxayba u soo raaceen garoonka diyaaradaha ee Muqdishu si ay halkaas ugu sii sagootiyaan. Maalin Khamiis ah ayaa diyaarad ay shirkadda Aeroflot ee Ruushku leedahay kala haadday goobtaas iyadoo ay maskaxdooda ku loollamayaan malamalaynta waxay safarkooda kala kulmi doonaan intay maqan yihiin iyo ka dib sida ay noloshoodu isu baddeli doonto markay soo aflaxaan oo cilmiga kacaanka maskaxdooda ka soo dhaansadaan.

Magaala-madaxda Ruushka ee Moosko, oo kuwo kale kaga soo biireen, ayaa habeenkaas loo hoyday. Maalintii xigtay xilli barqa ah ayaa garoonkii Prague diyaaraddii soo caga dhigatay iyadoo dabayl dhaxan qaboobi ka dhacayso. Bas diirran ayaa kooxdii lagu guray oo halkay degi lahaayeen la geeyay. Waa guri aad u ballaadhan oo beer weyn ku dhex yaal, aad ka garan kartid in nasasho iyo nafaxaad loogu talagalay. Gurigu waa fac weyn yahay; derbiyadiisu dhagax adag ayay ka samaysan yihiin, wayna joog dheer yihiin. Inta dabaq uu leeyahay 3 kama badna, misna joog-dheeridiisa si fudud ayuu uga mudhbixi karaa kuwa tobanka dabaq ah ee caadiga u dhisan. Halkaas waxaad ka garan kartaa dhisma-adayggiisa. Qalcad ayaad mooddaa. Qaybta hoose waa qol weyn oo isku sii days ah. Xafladaha gaarka ah iyo  kulammada muhiimka ah ayaa dadka xaafadda deggani ku qabsadaan. Dhawr xafiis oo adeegyada loogu talagalay ayaa barbarrada kaga yaal. Labada dabaq ee ka korreeya xaasaska ku nool ayaa qaar ka tirsan yihiin madaxda dalka.

Gurigaas ayaa la dejiyay 40koodii. Dhawr aqal oo xafiisyada hoose ku qabsan ayaa loo kala qaybiyay.  Jimcihii ayay dalka soo galeen. Maalintaa iyo tii xigtayba waxay ku dhammaysteen dejintooda iyo faahfaahinta barnaamijkii loogu talagalay bilaha ay dalkaa joogi doonaan. Mar la dareemay in qaarkood aanay la socon cimilada dalkaas oo shaadhadh khafiif ah kaga soo degeen diyaaradda iyo jiilaalka lagu jiro, ayaa inta la kaxeeyay dhar suuf ah oo culus loo soo xidhay iyadoo arradka hayay iyo caatada u wehelisay laga naxay.

Maalintii saddexaad, aroortii Axadda ayaa dardar ku soo gashay. Baraf xoog leh ayaa habeenkii hore oo dhan da’ayay oo waqti hore ayaa la kala hoyday. Wax sanqadh ah oo inna baxaysaa ma jirto. Dhallaan iyo waayeelba waa xilliga hurdadu ugu macaan tahay. (Shaydaanka ayaa la yidhi ayaa dadka buste saara si aanay salaadda aroortii u toosin!) Waagii markuu baryey, ayaa Coomir oo nolol hor leh iyo firfircooni ka muuqato, ayaa intii qolka kula jirtay toosiyay oo qolka weyn badhtamihiisa kula ballamay inay degdeg ugu soo baxaan. Kolkaas ayuu kuwii kalena albaabada ku wada garaacay isagoo sidii oo kale ku adkaynaya in aanay waqtiga dib uga dhicin. Waxaa la wada qiyaastay in kolleyba farriin degdeg ahi ay ku timi oo ay dad madax ah la kulmi doonaan maanta mar haddii uu Coomir xilligaas ka soo jafjafay hurdadii iyadoo ay maalin fasaxa tahay. Sidaas darteed, looma kala hadhin. Mid waliba dhar wuxuu haleeli karo ayuu ku soo jufay oo qolkii weynaa ayaa la isa soo tubay. Dhawr saf oo isku siman ayay isu taageen. Coomirna markuu hubsaday hannaan wanaagga la isu safay ayuu safka ugu horreeya dhawr tallaabo ka soo hor jeestay. In yar oo hurdadu weli indhaha ka sii saarsaaran tahay mooyee, inta kale waxay sugayaan madaxdii la dhowrayey.

Coomir ayaa arkay in si ican diyaar loo wada yahay. Intuu cunaha ‘xamxam’ ku safaystay ayuu kooxdii hadalkan u jeediyay: “Subax wanaagsan, Jaallayaal. Waad ku ammaanan tihiin degdegga aydin isu soo diyaariseen. Waana tii la idinka filayay. Inta aynaan u gelin danta aynu isfari doonno waxaa ka horraysa in aynu xilkeenna kacaannimo gudanno, dalka aynu martida u nahayna si fiican  u  dareemo halka aynu ka soconno iyo waxa aynu ugu fadhino.”

Hadalka Coomir kooxda badankeedu waxay u fasirteen in madax culusi u iman doonto. Coomir oo arkay in isagii loo dhegtaagayo, ayaa ku soo ururiyay: “Aan heestii Kacaanka wada qaadno.. Kow.. Laba.. Saddex!”

40koodii ayaa isku mar ku dhifatay:

“Guulwade Siyaad.. Aabbihii garashada geyigaygow”.

Gurigii oo dhan ayaa isla wada gariiray. Boqollaal shimbirood oo qoolley ah oo aan hore loo arkin, ayaa mar keliya guriga saqafkiisii ka oogsaday. . Eey meel ay ku xidhan yihiin loo jeedin ayaa ci’ isku wada daray aan sannado la maqlin.. carruurtii sardhada ku jirtay ayaa wada sastay, salashay oo oohin la toostay. Ragga intii masu’uulka ahayd ee xisbiga ama dawladda ka trisanaa ayaa meeshii hubku u yiil ku dhaqaaqay iyagoo in kolleyba dalkii mashaqo aanay ka warqabini ku soo korodhay u qaatay. Haweenkii- hooyooyinkii iyo gabdhii qaarkoodna waxay ku kaceen sidii ilmaha salalay loo aamusin lahaa, intii kalena meesha sawaxanku ka yeedhay ayay goobayeen oo daaqadaha ayay madaxa ka soo rideen. Coomir iyo kooxdiisii oo ciidan dal xooreeyay waxaan ahayn aanad moodin, ayaa hugunkii halkii ka sii waday iyadoo ay markan si roon hurdo u kala tageen. Raggii gurigaa ku noolaa intii hubka haleeshay ayaa laba jaranjaro ay isla yiqiineen iska soo shubay iyagoo feejignaan weyn qaba. Maxay la kulmeen?!

40kii oo isla maqan oo markan heestii marinaya gebagebadii ugu qaylada dheerayd:“Barbaartiyo shaqaalahoo isbiirsadoo… oo ballan qaaday.. ha.. ha” Raggii waxay arkeen waxa dunida gilgilay inay yihiin 40kii madoobaa ee dorraad meesha la soo dejiyay. Yaab iyo istacajib ayay meeshoodii iyo jaranjartii ay ka soo degeen ku qallaleen iyadoo aan erey keliyihi ka soo bixin. Aqalladoodii ayay ku laabteen.

Ma Coomir iyo kooxdiisiibaa? Shidanaaba shidan! Markay heestii dhammaysteen ayaa Coomir kooxdii u mahad celiyay kacaannimada ay muujiyeen oo ugu daray: “Imminkay xalaal tahay in fasaxa Axadda si wanaagsan loogu istareexo..ee qof waliba qolkiisii ha ku noqdo.” Markaas ayaa kooxdii si dhab ah u ogaatay in ballan iyo wax madax ah oo la sugayay aanay jirin.

Maalintaas iyada ah kooxdii waxba lagu ma darsan. ‘Museum’ la geyn lahaana faraha ayaa laga qaaday. Subaxii Isniinta barnaamijkoodii bilaabmi lahaa ayaa la tirtiray oo loogu beddelay in goob kale loo raro. Bas inta loo keenay ayaa iyaga iyo xamaankoodii loo raray tuulo caasimadda in door ah u jirta oo meel cidhif ah laga dejiyay iyagoo fasax u qaba inay siday doonaan u heesaan inta tababarka gaabani ka dhammaanayo.

W,Q, Siciid Jaamac Xuseen
Email: [email protected]
—————————————-
Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, oo si joogto ah wax ugu soo qora degelka WardheerNews, waana guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.