Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Gorfeynta Buugga “Godob iyo Gallad”

Qoraha Buugga: M. Cabdulle (Wadaad)

Gorfeyntii: Dr. Georgi Kapchits

“Godob iyo Gallad” waa qiso ka sheekeyneysa wixii ka dhacay magaalo hebla sanooyinkii toddobaatameeyadii ee qarnigii la soo dhaafay. Hase yeeshee in ay magaaladaasi ahayd Muqdisho shaki kuma jiro, maadaama si fudud loogu aqoonsan karo astaamo dhowr ah. Waxaa ka mid ah afguriga buuggani uu ku qoran yahay, ayna ku hadlaan dadka uu ku saabsan yahay.

Afka buuggu waa mid hodon ah oo ku dhisan waxyaallaha sifada u ah af Soomaaliga. Waxaa ka mid ah maansada iyo maahmaahaha. “Godob iyo Gallad” waxaan ka bartay:

  • Xalaal iyo xoog
  • Suu ku xero galo
  • Midna kuma xuma!
  • Meel xabbado badan
  • Oo rag ku xarbiyey
  • Ooy xinjiri taal
  • Xayaad ololaay.

“Godob iyo Gallad” waa qaamuus oo kale oo laga baran karo maahmaahaha xikmadda  qotata dheer leh ee abkii hore laga dhaxlay. Waxaa ka mid ah:

  • Adduunyada hawli kama dhammaato.
  • Allow, eexo ha nooga tegin, aqoondarro iyo ogaalxumana ha nagu cadaabin.
  • Aroos lagumana raago, lagamana raago.
  • Aqoon la’aaneey, dabkaa ba’.
  • Baroortu orgigay ka weyn tahay.
  • Booddo qoyaankaa lagu qabtaa.
  • Carrab iyo ilkana waa is qaniinaan.
  • Damiin far waa weynaa wax loogu dhigaa.
  • Degdegsiinyo door ma dhasho.
  • Dhib badanaa dad aad sugeysoon soo socon iyo marti aad soortayoo aan kaa socon.
  • Fallaartii cirka loo ganay cid walbow filo.
  • Gari laba nin kama wada qosliso.
  • Geed walba in gubtaa hoos taal.
  • Geela waxaa leh ciddii uu mooradeeda ku xeroodo.
  • Geeri ma qarsoonto.
  • Geeriyi waxay ku fiican tahay geeljire iyo nin aadan garanaynin.
  • God sireed ha qodin, haddaad qoddana ha dheeraynin, ku dhici doontidaa ma ogide.
  • Isma hurtooy, hays hallayn.
  • Ka dar oo dibi dhal.
  • Kor waayeel waa wada indho.
  • La joojiyaa bannaan, la jiifiyaana bannaan.
  • Laba kala bariday kala war la’.
  • Magac laga miskiin ma aha.
  • Magefe waa Ilaah.
  • Masugto meher ma leh /ninkeeduna markhaati ma galo/.
  • Miskiin ayaa misko la koro leh.
  • Mukulaal mininkeeda joogto miciyo loibaax bay leedahay.
  • Nin la tumaa talo jirtaa.
  • Nin xil qaaday eed qaad.
  • Nimaan cabsan waa loo cabsadaa.
  • Oday oday loo waayay waa oday la’aan.
  • Qori iyo qaaciis waa laysla tuuraa.
  • Sabraa sed hela.
  • Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa.
  • Talo adaa ku nool ee iyada kuguma noola.
  • Waa adduunyoo nin walbaa tiisaa dabartay.
  • War jiraaba cakaaruu imaan.
  • Wareer cawo waa loo wada bariistaa.
  • Xaalku waa bude-qabe iyo biyo-qabe.
  • Xoorkii lagu dhamay xagaagiyo xasuus baa geela lagu xero geeyaa.

Inkastoon  ku hawlan ahay ururinta iyo baaritaanka maahmaahaha Soomaaliyeed muddo konon  sano ah in ka badan, haddana qaar ka mid ah kuwii aan kula kulmay “Godob iyo Gallad” weligay iyo waaqay maan arag.

Waxaan si gaar ah ula dhacay waxa afka qalaad lagu yiraahdo IDEOPHONE (jaf, jug, shib ku wad) oo ay weheliyaan falalka kala ah dhihi, oran, lahaan iyo siin ee buuggani ay ka buuxaan:

  • dhulka BALAQ bay ku tiri
  • albaabkii BIIB buu ka lahaa
  • afka BULBUL buu ka siiyey
  • miiska BUUG-BUUG buu ka siiyey
  • DAF buu soo yiri
  • qosol yar intuu DHAG-DHAG ka siisay
  • qolkii DALAQ bay tiri
  • waxayna DIG soo siisay Xaaji Axmed
  • albaabkii FAK baa la siiyey
  • FATAQ baa lagu siiyey fatuuraddii
  • FIIQ bay tiri fatuuraddii
  • FUD buu ka soo yiri
  • GADDOON buu ka yiri gurigii
  • burriskiina miiska GAW-GAW buu ka siiyey
  • dhulka HABAQ bay ku tiri
  • qolka HAW buu ka soo yiri
  • indhihiisa ilmo ayaa ka HIBITIQ lahaay
  • intuu JAF ka yiri
  • dhegse JALAQ uma siinin warka gebertiisa
  • tusbaxana JALAW-JALAW buu ka siiyey
  • afka JUG buu isku dhahay
  • albaabkii JUGJUG buu ku soo siiyey
  • rabtay fadhay ayuu JUS ka soo yiri
  • JUUQ baa la yiri
  • JUUQ iyo JAAQ midna ma laha
  • KUB hayga soo siin
  • indhaha KULUC ayuu ku siisay aabbaheed
  • indhaha QAC buu ku siiyey
  • SHIB dheh
  • Indhihiisu ilmo baa ka TIBIQ lahayd
  • XAF bay siisay

Afguriga ay ku hadlaan jileyaasha buuggu waa mid Banaadiri ah, gaar ahaan, nooca u gaarka ah Muqdisho. Tusaalooyin dhowr ah aan ka bixiyo:

  •        igaar
  •        unuka
  •        minan
  •        beeso
  •        mug
  •        seddax
  •        ma ahan
  •        hayabe na kicihee
  •        ma imaahaayo
  •        waan isla socodsiiheynaa
  •        hadhow aan casheeyhaahe
  •        xaa loo xiray?
  •        wixii aad jirisiin ma weysiin
  •        waxaw sheegto waa sii haynaahe
  •        xaalkaada sow yahay?
  •        Xaan hee yeelnaa hadda?

“Godob iyo Gallad” dulucdeeda haddii la soo koobo waa tan: laba wiil oo mid ka mid ahi uu reer magaal yahay, midka kalana uu miyi ka yimid oo intii la xiray ayaa lagu eedeeyey dembi aanay gelin oo ah in ay dileen gabar ay isku deyeen in ay kufsadaan. Wiilka reer magaalka ah aabbihiis aad buu u murugsanaa, mar hadduu garan waayay wuxuu u qaban kari lahaa wiilkiisa.

Tan iyo maalintii wiilkiisii la xiray aabbihiis waxaa ku dhacay belooyin kale oo farabbadan oo uu kuu caloolgubyooday: gurigiisii waa la dhacay, afadiisii waa ay ka taktay, shaqadiisiina waa ay ka luntay. Hase yeeshee gargaarkii uu ka helay laba qof oo hufan ayuu dib u soo noolaaday. Wiilkiisii waa la sii daayay, marwadiisii waa ay soo noqotay, shaqo ka wanaagsan tii laga eryay ayuu helay.

“Godob iyo Gallad”  waxyaallo bandan oo aan la soo koobi karin ayaan ka faa’iideystay, aqoonta uu  qoruhu u leeyahay nidaamka caddaaladdu siduu ahaa waqtigii Soomaaliya uu maamuulayay Maxamed Siyaad Barre aad baan ula dhacay.

Haddii wax laga taataabtana iimaha buuggu uu leeyahay, tiradoodu ma badna. Marka ugu horreysa, aniga haddaan ahay akhriste ku hanaqaaday suugaanta Ruushka, gaar ahaan qisooyinkii ay qoreen Leo Tolsto, Fiyodor Dostoyevski iyo Anton Jekov ayaa waxaan “Godob iyo Gallad” ka waayay jileyaal aan sahlanayn oo dabiicaddoodu ay mideyso astaamo wanwanaagsan, kuwo dhexdhexaadi ah iyo kuwa aan lagu faani karinba.  Dadka uu ka hadlayana qoraagu laba nooc  bay u kala baxaan: kuwa wada qumman iyo kuwa wada qalloocanba. Ilama aha in dadka caynkaas oo kala ahi ay ku badan yihiin Soomaalida.

Taa waxaa weliba u sii dheer in “Godob iyo Gallad” aanay ku yarayn gefaf xarfo-qoraal ah oo dhibaya isha akhristaha kala garan og eray si sax ah u daabacan iyo mid dadbanba.

Inkastoo ay sidaasi tahay, haddana aad baan uga helay Xuseen M. Cabdulle (Wadaad) buuggiisa. Kaddib markii aan akhristay boggii ugu dambeeyey “Godob iyo Gallad” si uu madluni ku jirto baan isu iri: “Ninyohow, waa ay kuu dhammaatay booqashadii la-yaabka  lahayd ee aad ku joogtay Muqdisho aadan hore u ogayn.”

W.Q. Dr.Georgi Kapchits
E-mail:[email protected]
Website: www.kapchits.narod.ru
Moosko
———-
Dr. Kapchits waa khabiir ku takhasusay luqadda Soomaaliga, waxa uuna qoray buuggaag iyo qoraallo tiro badan oo la xidhiidha Afka iyo Suugaanta Soomaaliyeed. Dr. Kapchits waxa uu aad isugu taxalujiyaa baadhista iyo ururinta sheekooyinka hiddaha iyo maahmaahyada Soomaaliyeed.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.