Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Gardarro garab og

W/Q Cawaale Xuseen

Uurjeex waa uu qudhbaxay, Good ayaana lagu sababay.  Good naftiisu in kasta oo uu kibir iyo sannahaabo badnaa hadda waa sirinsirqo.  Birre waa la samirsiin la’ yahay. Dhiiggii Uurjeex inta aanu engegin inuu mid kale daadiyo ayuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay.  Dhamac samokatalis ayuu ahaa, haatanse waxa uu u eg yahay caalwaa colaad diyaar u ah.  Waxgarad iyo waayeelba waa la isu qaylodhaansaday.  Waxaa la isla gartay inay lama huraan tahay in arrinta laga salgaadho,  xalse lama helin maxaa yeelay dareen isdiidmo iyo nacayb ayaa degmadii hadheeyey. Xaajadu hagaag iyo heshiisba waa ay diidday, waxa ayna u baahatay rag-ka-rooni, maan af leh, talo midaysan, guurti iyo guddoon dhexdhexaad ah. 

Haddiise intaaba la helo, sidee ayaa loo heshiisiin karaa gardarro garab og oo koolkoolin iyo gadaafo kusoo caanomaashay iyo geylame[1] gafdiid ah?   

Jiilaal hawaarsaday ayey qeyro balaadhan oo reer miyi ahi soo dul degtay ceel doomanaysan[2] oo ka mid ah ceelasha tolka. Oon kulul oo dhurduhu dhegaha ku meero ayaa jira. Xareed, balli iyo baraag biyeysan xilligoodii lama joogo, sidaa awgeed dad iyo duunyaba ceelkaa ayaa laga cabbaa oo meel kale oo biyo laga helo ma jirto. 

Talada qeyradu dhawr nin ayey kusoo ururtaa.  Kuwaa waxaa ka mid ah Dhamac Coldiid.  Dhamac waa waayo-arag.  Waayo-aragnimadiisu mid muran ku jirta ma aha.  Waa nin guyaal badan tirsaday. Ha tirsadee, laga-roone cimriyey oo madaxiisu cirro mooyee aanu caqli lahayn ma aha.  Waa khibradle soojiraanimadiisu aanay madhnayn. 

Dhamac aabehii iyo awowgiiba waxa ay ahaayeen labo suldaan oo mid waliba xilligiisii tolka soo hoggaamiyey. Labadooduba waxa ay leeyihiin taariikho, gabayo iyo murti mahadho leh oo degaanka si baahsan ugu faafay. Suldaankii aabehii ahaa kolkii uu geeriyooday ayaa isaga oo xabaashiisii la qodayo waxaa soo maray wadaad dariiqo ah oo xer wata.  “Waryaa dhintay oo aad aasaysaan?” ayuu su’aalay.  Waxa ay ugu jawaabeen “suldaan hebel Alle ha u naxariisto”.  Kolkaa ayuu rundudsaday[3] oo ashahaatay.  Oo haddana ashahaatay. “War gurigood ba’, dadka ha u sheegina yaan la idin boobin e. Waxaad tidhaahdaan habar ayaannu aasaynaa.”  Dhamac aabehii waxa uu ahaa nin tolka udub dhexaad u ah.  In kasta oo geerida aabehii ka dib walaalkii ka weyn saldanadii reerka lagu aaminay, Dhamac qudhiisu waxa uu ahaa nin taliya oo burji leh, hadalka xaalufiya, Ilaahay hibo iyo haybad siiyey oo aan cadkiisa cidi hawaysanin.

Xagga muuqaalka Dhamac waa nin xoog iyo itaal Alle isagu daray oo ilqabad leh.  Labo dhoollood oo is weydaarsan ayaan weligii usoo bixin.  Hooyadii kol la waraystay waxa ay sheegtay Dhamac inuu ciidda cuni jiray xilliggii uu gurguurad iyo socodbaradka ahaa. Geel labo jir soo wada maryee, Dhamac naftiisa mar la waraystay isaga oo aad u cimriyey waxa uu sheegay wiilka wiilashiisa u weyn oo Birre la yidhaahdo inuu dabka cuni jiray xilliggaa isaga ah.

Dhamac waxa uu ka soo taliyey ama iyada oo ninqar kale ka talinayso goobjoog ahaa sanado badan. Sanadahaasi waxa ay isagu jireen aaran, abaar, colaad iyo nabadgalyo. Geedka raggu fadhiisto marka uu ka sheekaynayo waxa uu carrabka ku dhuftaa gu’yaal barwaaqo ahaa sida Dixiriile, Gobaysane, Siigo Case, Xays Balaayo, iwm. Ujeedkiisu waa in dhulku barwaaqo ahaan jiray, dadkuna aanay galladaha Ilaahay ku kibrin.[4] Kolka uu abaaraha iyo sanadaha xumaaday ka warramayo waxa uu hadalka mariyaa Madaxyo Kulmay, Jiif Weyn, Gaatama, Sii Foorara, Kab Dubad, Gibil Xoor, iwm. Allebari, roobdoon iyo duco ayuu beeshiisa fari jiray.

Dhinaca kale Dhamac waxaa lagu yaqaanay rogrogidda talada iyo go’aan qaadasho ku dhisan waxa tolka dan u ah, dariska ood ama ab wadaagga la yahayna aan xadgudub ku ahayn.  Waa uu go’aan adkaa laakiin macangag, maro-ku-dheg ah ma ahayn. Waxa uu adeegsan jiray odhaahyo kooban oo ka tarjumaya talo wanaagiisa iyo tayada shaqsiyaddiisa.  Waxa uu odhan jiray “anigu haddii aan idhi Alle ma odhanin.” “Cadho sokeeye waa la bariiyaa.” Sokeeye waxaa isaga u ahaa Soomaali oo dhan. Sidaa oo kale waxa uu caan ku ahaa “dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo e, sidaa iyo sidaa ma yeellaa?” Aan yeelo, amar-ku-taaglayn iyo isbidid midna ma aha ee waa ma yeellaa.  Nin aan kaligii taliye ahayn, meel aan dadku aad wax uga arkin ka arka, garta sakal walba ka bixiya, taladana jirridda dhab siiya ayuu ahaa.

Markii uu dhallinyarada ahaa Dhamac waxa uu ku jiray ragga cududda u ah tolka. Hoggaamiye aan ishiisa mudac marin laakiin gardarada, gafka iyo eexda neceb ayuu ahaa. Waxa uu odhan jiray labo ceebood taada ayaa la jirtaa oo annagu dad sharaf iyo magac leh ayaanu nahay.  Dhawr iyo labaatan fac ayuu abtirkiisa dib u tirin jiray illaa uu gaadhsiiyo oday kore oo ay Soomaali badani aaminsan tahay in ay galaan, odaygaa oo ay Nebi Maxamed (NNKHA) isku soo dhacaan. Hase yeeshee waxaa gaar ku ahaa Dhamac oo uu aaminsanaa in qabaa’ilka Soomaaliyeed ee haatan jira badankoodu yihiin gaashaanbuur ee aanay dhalyo isku raacin.  Soomaalidu waa isku asal waana dad isir la yaqaanno ku aroora, laakiin tololka hadda jira danta iyo duruufaha degaanka ayaa isku qasbay ayuu ku doodi jiray.  Waxa uu aad u dhibsan jiray haybsooca iyo isirxulka.

Dhamac guud ahaan iyo gaar ahaanba waxa uu ahaa nin aan wanaagiisa laga gayoonaynin, laakiin waxaa lagu xamanjiray inuu faalka dhigo. Inta aanu talada goynin ayuu dhulka xarriiqaa oo uu faalka la tashadaa ayey odhan jireen.  Isna waxa uu isku difaaci jiray inuu faalka yaqaano laakiin aanu faaliye ahayn.  Faalka waan dhigaa, faaliyase ma ahi waxaa loo fahmay kuma shaqaysto, dadkana waxba kuma yeelo ee danahayga gaarka ah ayaan ku fushadaa. 

Xilliga

Milaygu waa intii aan weli saancaddaagu geyiga Soomaaliyeed iman.  Ingiriis, Faranji iyo Talyaani midna ma soo degin. Gumaysiga dubka madow ee uu kaa hore baardaajiyeyna haba sheegin. Xabashiyi dhulka oogada ah ee xaggeeda xiga kama soo dhaadhicin.  Soomaaliyi waa mid.  Shan (5) ma aha.  Maya, toban (10)[5] ma aha.

Waa xilli gumaysigu aanu weli sarrifin saldanooyinkii soojireenka ahaa ee Soomaalida oo ay beeshu is ogoshahay. Nin karmeedka ayaa taliya. Ninba ninka uu ka dagaalyahansan yahay, ka hufanyahay, ka karti badan yahay kana aftahansan yahay ayaa reerka hoggaamiya.  Oday, ugaas, suldaan, boqor, garaad, iimaan, malaaq, wabar ama magac kale ha sheegtee gumaysiga hoos gabdaaniya[6] ma jiro, maxaa yeelay gumaysiba weli ma iman.  Iimaanlaawe shisheeyaha dabagableeya, beenaale, jaajuus, diradiraale iyo tuug midna aad  looma arko, haddii la arkana sidii tuke cambaar leh ayaa loola yaabaa. 

Sidaa oo kale waa xilli siyaasi Soomaaliyeed oo deriska u dusa iyo mid dowlad shisheeye u gurguurta aanu jirin.  Hebel dowlad hebla ayaa wadata sidaa awgeed isaga ayaa doorashada soo socota ee faragalinta shisheeye iyo 4.5ta ku jaango’an ku guulaysan doona warkeedba daa. Musharax dariska gaadhgaadha, huteel la seexiyo dabadeed aniga i dhisa wax walbana waan idiin ogolaan yidhaahda Soomaalida weli kama soo dhexbixin, saa cidiba isma sharraxdo. Shisheeye-kalkaal cadowgu ku garwaalaysto iyo madax maddiiddaysan midna ma jirto. Kuwo hawl yaraan dhargay oo qurbaha kasoo noqday, waajibkii guryahooda iyo carruurtooda ka saarraa dayacay, oo kursi doon ah, laakiin wax macno iyo manfac ah oo ay bulshada u leeyihiin aanu jirin lama arko.  Run ahaantii erayga “qurbajoog” weli af Soomaaliga kuma soo biirin.

Waa xilli ninka Soomaaliga ahi uu aad isula weynyahay, islaweyni aan kibir iyo santaag ahayn ee isku kalsooni ah. Sidii uu ku sifeeyey Cabdi Qaadir Xirsi Yamyam (AUN) kolkii uu mariyey heestiisii ahayd “Soomaali baan ahay” weeye xaalka Soomaalidu.   

  • Sinnaantaan la magac ahay
  • Sanku-neefle ma ogoli
  • Inuu iga sarrayn karo
  • Sida dunida qaarkeed
  • Sandullaynta ma ogoli
  • Ninna kabaha uma sido…
  • Dareen seexda ma lihiyo
  • Saan la kala jaraan ahay
  • Summaddii ay ku wada taal.

Dhaqan aan weli la tarraxin oo aan Soomaalinimada gees uga bixin, haddii uu hoos u degana jilbaha Soomaaliyeed dhexmeeraysta ayey bulshadu leedahay.  Tolal iyagu mararka qaarkood isu daran, shisheeyahase iska celiya oo ka faana ayaa degaanka sariiran. Midhihii xumaa ee uu gumaysigu shiniyeeyey ee Soomaali kala reebay weli ma soo bixin.  Kuwaasi waa kuwii uu ka digay waddanigii Soomaaliyeed ee yidhi:

  • Good iyo abeesaa is baddalay garanse maysaane[7]
  • Garangoorri[8] bay nagu hadhiyo mici gamaareeye[9]
  • Kaaral[10] nagama guurine halkii buu guud madow yahaye.

Duuduub ahaan, xilligii Dhamac uu xoogga ahaa dhaqanka dadku waxa uu ahaa mid suubban oo xeer la yidhaahdo Xeersan la isku maamulo.    

Xeerka

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Dhamac sheekeeyey, isaga oo leh:

Waxaa jiri jiray xeer la yidhaahdo Xeersan.  Xeerkaa xilliggii dhidibada loo aasay mugdi ayaa ku jira, waxayse taariikhyahanadu u badan yihiin in qarnigii 13aad dhammaadkiisii si kamadambays ah loo ansixiyey.  Waxaa lagu sameeyey meel u dhexaysa Badhan iyo Xadeed oo Nugaasha Soomaaliya ah.  Xeersan waxa uu ahaa xeer iyo sharci uu isku maamuli jiray tol ka mid ah tololka Soomaaliyeed ee degaankaa xilliggaa ku noolaa.  Dejinta xeerkani waxa ay qaadatay muddo ku dhow saddex sano.  Marka la dejiyey waxaa beesha boqor u ahaa garaad da’yar, nindoorse ahaa, magacana isaga ayaa bixiyey. Xeersan qaabka iyo nidaamka loo sameeyey waxa uu ahaa mid si habsami ah looga baaraandegay, taasina waxa ay keentay in qaanuunkiisu sidii la rabay u hirgalo.    Garaadka iyo guurtidii reerka ee la talin jirtay ayaa waxa ay go’aansadeen in beesha laga soo xulo 27 curad oo xeerbeegti ah, xeerkuna inuu yeesho 27 qodob oo mid waliba afar laamood ka kooban yahay. 

Halkan ka akhri: Gardarro garab og

W/Q Cawaale Xuseen
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.