Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Trump, Madaxweynahii Maraykan ee Tegey iyo Soomaalidu wax bay wadaagaan

W.Q Rashiid Sheekh Cabdillaahi(Gadhweyne)

Rashiid Gadhweyne

Afar Sannadood oo Donlad Trump madaxweyne ka ahaa dalka Maraykanka, wax baa looga soo joogay. Quwadda Maraykan oo dhib iyo dheefba lagu qabay, in kasta oo dhibteedu ka badnayd dheefteeda, Madaxweyne Trump wuu uga daray oo dalkiisa iyo dunida ba, waxyeello ayuu ku keenay. Ifafaale ahaan, laba ba waa loo celin karaa. Midi waa qof ahaanta jirroon ee Trump qudhiisa; midda kale na waa wacaalayaasha taariikheed ee bulshada Maraykanka u yeelay dhaqanka qaayo-siinta danaysiga kelida qofeed ee huwan isla-weynida caddaanka, quudhsiga qofka madow iyo cid kasta oo isir iyo diin ba, aan halkaas ku abtirsanaynnin. Labada ta hore ayaa qoraalkani badi ku saabsan yahay, waayo waxaa qoraagan soo jiitay qof ahaanta Trump, fikir iyo falaad ba, waxyaalahii laga  arkay, intii uu Guriga Cad  fadhiyey.

Ceeyoon ba, markii Trump xilka madaxweynnimo la wareegay, ayey culumada cilmi-nafsigu ka warbixiyeen astaamaha jirrada nafsiga narcissismka ee  madaxweynaha ka muuqday; waxay na tilmaameen, hadal iyo falaad ba, siyaasadaha uu ku dhaqmo. Culumadaasu waxa ay qofnimada Trump la xiriiriyeen cudurka la dhaho narcissism(aynu halkan Soomaali ahaan, si kumeelgaadh ah, u la baxno Anibarar).   Akhristahu halkan waxa uu isweydiin karaa, waxa Soomaali meesha keenay. Jawaabta halkeeda ayeynu, haddii ta Alle noqonto, ugu tegi doonnaa;  ujeeddadu se waxa ay tahay, inkasta oo halka cudurku ka soo fufayo ay ku kala duwan yahiin, bugtada nafsiga ah ee Madaxwene Trump lagu sheegay Soomaalida maanta way ku badan tahay. Cudurka uu Trump qabaa waa xaalad qofeed, in kasta ay yeelan karto xididdo barbaarintii qoyska iyo waayo bulsheed oo gaar ah na loo celin karo. Ta Soomaalida se jirriddeedu waxa ay ku arooraysaa taariikhda iyo dhaqanka soojireenka ah ee qabiilada Soomaalida; waa na wax ku ladhan khalkhalka iyo qalalaasaha ay waagan Soomaalidu ku jirto.

Ereytusmayn

Ereyga ‘anaani‘ waa af carabi Soomaaliga ku cusub.  Malaha dadkii dugsiyada waxbarashada habaysan helay baa adeegsigiisa bilaabay. Kontonnadii iyo lixdannadii qarnigii labaatanaad buu aad u shaacbaxay. Anigu, ilaa haddan, waan la’ahay erey Soomaali dhalad ah oo si buuxda ugu dhigma (haddii ay jirto cid garaynaysaa, aan u duceeyo ee ha igu biiriso).  Waxa jira qof si kajam ah, loo yidhaa ‘naftii hafar’. Waa na uu yahay; waayo, waxa jira naftii-u-roone naftiisa u daran; waa na kalajeedo layaab leh.  Anaanigu waa qof naftiisa hormariya oo aan cid kale wax isu dhaafin. Haddii aad u fiirsato masuuggu ama dhabcaalku ama bakhaylku (waa isku mide) waa anaani.  Haddii aan qaamuuska labada af ee Ingiriisiga iyo Carabiga wax weydiiyey, ‘anaani’, ingiriisiga, waxa u dhigma ereyga selfish

Waagii aan ardayga ahaa, waxa jiray mid naga mid ahaa oo aannu odhan jirnay waa anaani; way se ka badnayd tiisu anaaninnimo caadi ah, waayo waa uu baryo badnaa; wax kasta oo na dhex yimaadda na waxa uu jeclaa, bal uu si qallafsan ugu dhegi jiray in uu giddigayo naga bursado. Weliba naftiisa na meel sare ayuu saari jiray oo aad buu isu la weynaa. Dheeraad loo gu habrado ma lahayn oo taas owgeed, dadka way isa seegi jireen.  Waxa aannu odhan jirnay waa anaani; sida aan dhahay se, way dhaafsiisnayd xaaladiisu heerkaas. Xaaladdiisu waxyeello ayey ku ahayd naftiisa. Garo oo naftii-hafar buu ahaa.

Isla waagaas oo aan arday ka ahaa magaalada Qaahira, dalka Masar, ayaan qoraallo af carabi ah ka akhriyey ereyada ‘narjsiyah iyo ‘narjasi’. Waa erey ka yimid afkii Giriiggii hore oo carabiyoobay.  Qoraallo ku saabsan usduurooyinkii Giriigii hore oo aan ka gatay suuqa buugta ee Qaahira, baan ka akhriyey asalka ereyada narjasah iyo narjasi. Waxaa ku jirtay Usduuro ka warramaysa wiil magaciisu ahaa Narcissus oo jidh ahaan qurxoonaa. Sida ay usduuradu leedahay, wiilkaas baa sawirkiisa ka daawaday balli biyo xareed ahi fadhiyaan.  Kolkii uu quruxdii jidhkiisa arkay  ayuu iscaashaqay.  

Laafaha badan ee sheekobaralayda dan ka ma lehi ee nuxurka naftii-caashaqa ayaan uga socdaaye, culimada cilmiga sekolojigu ama cilmi nafsigu, ereyga narcissism waxa ay ku reergeliyeen ereybixin cilmiyeed (scientific term) tilmaamaysa xaalad bugto ah ama jirro nafsi ah oo haleesha dadka qaar. Waa xaaladda ay ku tilmaamayaan anibararka uu qofku aad isu la weyn yahay, mar kasta na isla qumman yahay; tu walba oo ku timaada na uu garteeda isa siiyo, dadka na ka doorto ee uu soo dhaweysto ciddii tiisa quwaysa. Astaamaha qofka uu cudurkan nafsiga ahi (narcissistic personality disorder) hayo waxaa ka mid ah islaweyni uu dadka kale iska la sarreeyo iyo xaqiiqada naftiisa iyo xaqiiqada dadk kale oo aanu arki karin. Waa qof cid kasta ba hoos u eega; asagu se raba in kor loo wada eego, tiisa na loo hoggaansamo; isla markii waa qof aan xisaab isu gu noqonaynin oo aan isweydiinaynin wax uu ku mutaystay in la weyneeyo oo tiisa la wada raaco ama la ammaano. Waa qof dhegeysi daran oo xantasho badan;  dhalliisha u yar buu ka cadhoodaa, dadka na kula colloobaa.  Haddii noloshu tartan tahay, waxa uu doonaa oo ku garsheegtaa in uu asagu ahaado ka, mar walba, guulaysta; haddii laga reeyo na ma aqbalo. Cid na wax u ma oggala; ma na naxariisto oo dareenwadaag ma laha. Qowl iyo fal na waxii ka yimaadda, waxa uu doonaa in lagu ammaano oo loogu sacabtumo. Qaladkiisa asagu ma laha ee dadka kale ayuu dusha ka saaraa oo ku dhaleeceeyaa. Runta asaga ku mudduciga ah ma qaadi karo oo beenta ayuu isku buuxiyaa. Maskax, awood iyo karti aanu lahayn buu naftiisa ku xiriiriyaa oo wax aanu qaban iyo guulo been ah buu sheegtaa.

Waxa ku xidhma  dad baahida islaweynidiisa waraabiya oo beenta naftiisa u quweeya. Hayeeshee, inta badani dhaqankiisan bay ku nacaan oo kaga fogaadaan.

Madaxweyne Trump                                           

Qofka cudurkan qabaa, haddii uu yahay keli faro madhan,  naftiisa ayuu halligi karaa ee waxyeelladiisa bulsheed ma buurna. Halistiisu waa marka uu awood dhaqaale iyo siyaasadeed yeesho. Madaxweyne Doland Trump oo doorashadii 3dii Noofambar, 2020, ku guuldarraystay, waxa ay culimada saykolojigu isku raacsanyahiin in uu qabo cudurkan narcissisim, heerkiisa u daran (malignant narcissisim).  Waxa ay na marar ka digeen halista uu dalkiisa iyo dunida ba gelin karo.  Jan Huphes, qoraal uu halkudheg uga dhigay: Joining up the dots shows the true depths of trump’s dangerous narcissistic pathology“,waxa uu oranayaa: Laga soo bilaabo doorashadii Doland Trump ee jagada madaxweyne, halkudheg mid ah baa daabicid mudnaa, kaas oo ah Donald Trump waxa haya anibarar(narcissisim) halis ah oo aan daawo lahayn; waa na  cudur ba’an oo qofka ka tiraya naxariista  iyo dad-ladhaqanka maangalka ah ee dadka caadiga ah lagu yaqaan. Halis weyn buu ku yahay(Trump) innaga iyo adduunka ba(www.euronews.com, April, 2020).  

Laga soo bilaabo sannadkii 2016kii, si joogta ah bay astaamaha cudurkani uga muuqdeen dhaqanka Trump, hadalkiisa iyo falkiisa siyaasadeed ba. Hadalladiisa laga maqlo maxfallada ololaha iyo shirarka jaraa’id ee uu qabto waxaa ka mid ahaa in uu leeyahay maskax weyn, aqoon iyo ogaal aan cid kale lahayn. Waxa uu isu muujin jiray, hadal iyo falaad ba, in waxa uu la yimmaaddaa yahiin runtii iyo qummanahii oo dhammaystiran; aan na loo ga dambaynaynin; dhalliil iyo dood ka daba timaaddaa na ay gef tahay. Si-araggani na waa sababta uu ku la collaabay warfaafinta xorta ah ee aan tiisa u hoggaasamin, taas oo uu warkooda yidhaa ‘war beenaad (fake news). Afartii sannadood ee uu Madaxweynaha ahaa, waxa uu ku caanbaxay nacaybka iyo colaadinta badanka warfidiyeennada, gaar ahaan kuwa weydiiya su’aalaha aan asaga anibararkiisa waraabinaynin ee dhalliilo u jeedinaya. 

Cudurka narcissisimka ee Trump hayaa waxa kale oo uu ka soo ifbaxay siyaasadaha jinsi-faquuqa ah ee uu kula kacay dadka dalka Maraykanka u soo dhuyaala, gaar ahaan, muslimiinta ka imanaya dalalka carabta iyo muslinka qaarkood iyo kuwa ayagu na ka soo dhuyaala dalalka Laatin Ameerika. Dhinaca arxan darrada oo ay culumada saykolojigu ku sheegaan qofka cudurkan nafsiga ah qaba, waxa laga dheehan karaa ammuuraha ay ka mid yahiin gidaarka uu amray, ku na adkaystay, in laga dhiso soohdinta dalkiisa iyo dalka Maksiko; qoysaska uu carruutoodii ka kaxeeyey ee uu ka go’doomiyey; sharci-sugayaasha tirada badan ee uu rajo-gooyey, iyo mowqifka dhayalsiga dhiigga dadka madow, ka dib dilkii dadnimo ka baxa ahaa ee askar ka mid ah booliskii Minnesota ku la kaceen George Floyd iyo xarakadii bannaanbaxyada adduunka meelo badan ka dhacay, taas oo la baxday Black Lives Matter. 

Gees kale, waxaa cudurka narcissisimka haya Mr Trump laga arki karaa halqabsiyada nuxurka faashiga ah leh ee ay ka mid yihiin: “Ameerika kow (America First)” iyo “Weyneynta Ameerika mar kale (Making America great again)”.  Waa tabtii Hitler iyo isla weynidiisii xad-dhaafka ahayd ee markii uu awoodda xukunka qabsaday, moodsiisey in Jarmalku, abuur ahaan,  dadyowga adduunka kale, si wal ba uga sarreeyo.  Hitlar waxa uu gaadhay in uu isirrada dadka qaarkood ku tilmaamo wax liita oo ay tahay in ifka ba laga tiro. Trump, haddii waqtigu kii, ama la mid, ahaan lahaa, tu la mid ah buu ku kaci lahaa; hayeeshee, “Jarmalku ha sarreeyo’ waa halqabsigii faashistiga ahaa ee Hitlar; Ameerika ha horrayso na waa la mid. 

Odayga Madaxweyne Trump cudurka nafsiga ah ee narcissism, waxa uu tusay Maraykanimo keli ah; waxaa na uu ka indhosaabay dan iyo dadnimo ba, waxii ka dhexeeyey dadyowga adduunka.  Waa na ta keentay in uu Maraykanka ka saaro heshiisyada iyo ururrada ay ka mid yahiin:

1. Heshiiskii  gantaallada riddada dhexe ee xoogga hubka nekliyeerka (Intermediate-Range Nuclear Treaty, 1987).

2.  Heshiiskii  Paris ee ku saabsanaa cimilada, 2015.

3. Heshiiska Ganacsiga xorta ah ee dalalka Woqooyiga Ameerika.

4. Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Ummadaha Midoobay,

5.  Hay’adda Waxbarashada, cilmiga iyo dhaqanka ee Ummadaha Midoobaya (UNESCO).

6.  Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

7.  Heshiiskii ku saabsanaa hubka nuclearka Iiraan ee loo baxshay magaca Shan iyo Kow.  

Tixgelin la’aanta Trump ee qaddiyadaha dadyowga adduunka ka dheexeeya iyo kaalinta hormoodka ah ee dalkiisa looga fadhiyo, waxaa raadayn ku leh shakhsiyadda anibararka ah ee aan nafteeda mooyiye, arkaynin cid kale.

Ifafaalaha ka muuqaal-celinaya cudurka narcissisimka ee Trump hayaa waxa ay si gaar uga muuqdeen habdhaqankiisii la xidhiidhay doorashadii jagada madaxweyne ee 2020. Billowgii doorashada horteed ayuu sheegtay in uu codka dadka Maraykanka ku guulaysan doono; sida keli ah ee ay taasi ku baaqan kartaana tahay tuugo iyo musuq lagu sameeyey doorashada. Haddii doorashadii la galay na, waxa uu in badan ku celceliyey in guusha laga xadi doono. Haddii ay muuqatay in laga helayo na waxa uu billaabay beeno faro badan iyo dacwado maxkamadeed uu ku andacoonayo in codad tiro badan laga musuqmaasaqay, aanay na, sidaas darteed, doorasho xalaali u dhacin. Tiro ka badan lixdan dacwadood oo uu u gudbiyey maxkamadaha dawladgoboleeyada iyo Maxkamadda Sare dalka Maraykanka ayuu giddigood ba ku gar-waayey.  Hase ahaatee, marna ba ma garowsanin oo ilaa maalintii u dambaysay ee uu Guriga Cad  (White House) ka baxay, (20kii jannaayo, 2021), waxa uu lahaa aniga ayaa doorashadii ku guulaystay ee waa la i dhacay.

Qaadan-waaga runta in doorashadii laga helay iyo oggolaasho la’aanta go’aanka sharciga iyo garsoorka dalka waxaa sababay cudurka anibararka (narcissisimka) ee abuuraya qof asagu kelidii isu muuqada, kaas oo rabitaankiisa  oo qudha yaqaan, xuquuq kale iyo sharci na aan waxba u aqoonnin u na oggolayn. 

Trump iyo Soomaalida

Haddii aynu Soomaali ahaan, dib isu gu noqonno, waxa aynu arki in aynu odaygan Maraykanka ah ee Trump, siyaalo isu gu egnahay. Waa run oo dadka adduunka ku nool, cid walba, waa laga helaa dad uu haleelay cudurka islaweynida iyo anibararku ba (Malignant Narcissisim). Sababaha cudurku na, kollay way leeyihiin jirrid bulsheed, sida barbaarinta guriga iyo duruufaha nolosha ee kale; waa na ta lagu malayn karo Madaxweyne Trump. Soomaalida se cudurku ka xeeldheer oo ka gun ballaadhan xaalad qofeed; xididkeedu na waxa uu aroorayaa taariikhda iyo dhaqanka bulshada Soomaalida ee qarniyo soo taallay.  

Qalalaasaha siyaasadeed iyo bulsheed ee ay Soomaalidu ku sugan tahay, tan iyo lixdannadkii qarnigii labaatanaad, waxa ay soo debedbixisay sifaalaha qofka ahaanshaha anidiisu wax kasta ba kala weyn tahay. Waxa na uu ifafaalaheedu, si aad ah uga muuqdaa dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo loollanka badi ba ka aloosma. Jagodoonkeeda, odaygeeda iyo ololeeyaheedu ba waa dantood-maraateyaal midkood waliba rabo in ay, talo iyo toyasho ba, tiisa dhow ku dhammaato.  Dadka kale na tiisaas buu ku sargooyaa oo qofkii asaga u hoggaansamaa waajib saaran buu gutay, abaal se ugu mahayo; kii tu kale wata ama la yimaaddaa se waa qof xun iyo cadow ay ku wacan tahay in aanu ifka joogin.  Koodii heerarka hay’adaha dawlaadeed ka madax noqda ee awooddeeda yeeshaa, si hanti gaar ahaaneed buu ugu takrifalaa oo waxa badan amarkutaallayntiisa. Kolka uu tiisa wato, xeer iyo habraaciis ku ma hakado; sharcigu madaxiisa ba ku ma soo dhaco (waa astaan Madaxweyne Trump lagu sheegaye). Waxa keli ah oo uu u hamradaa cid ka awood roon ama ka sarraysa oo dusha kaga timaadda.

Soomaalidu, heer kasta, si gaar ah na horjoogahooda siyaasadeed iyo bulsheed waa kelidii doode jinni boqor ah.  Codbaahiyaha kelitoocsiga ah bay isu gu jawaabaan, hadalka way na  isku weeraraan; aad bay na u yartahay inta ay wada hadal isla soo horfadhiistaan. Mararka ay dhacdo na, midkood waliba ta uu iskiis u rabo ee anidiisa waraabinaysa ayaa isku gudubta arrin dan guud iyo taladii ba. Aniraacnimada mid weli ba tiisa keli ah u xaydanyahay, waxa ay meesha ka saartaa qiyamtii ahayd in la isu dulqaato, la isxaqdhawro, iyo in si hufan la isu dhegeyso oo la isrumaysto. Waa meel qof kastaa ba danaysigiisa oo qudh ah u socdo; taas owgeed bay shakiga iyo istuhunka beenta ahi ugu badan yihiin Soomaalida dhexdeeda.

In kasta oo cudurku ka muuqdo fikirka iyo falaadka qofka, waxa uu leeyahay wacaalahiisa dhaqan bulsheed. Tusaale ahaan, odayga Trump asaga ayey culumada cilmiga nafsigu ku gooniyeelaan jirrada Narcissisim; waxaa se feejiga gooni ah yeeshay sida xooggan ee uu malaayiin dad ah u saameeyey ee ay laabkac miyirku ka maqan yahay ugu taageereen. Qiirada dadkan, malaha, loo ma wada celin karo karti gaar ahaaneed oo uu Trump leeyahay. Waxay se u badan tahay ifafaale ku xidid leh wacaalayaasha aynu kor ku xusnay ee la xidhiidha taariikhda Maraykanka iyo dhaqanka ka soo jeeda qaayosoorka kelida qofeed ee xooggeeda iyo xeeladdeeda ku meelmarta; addoonsigii dadka madow ee laga soo afduubi jiray Afrika iyo cunsuriyadda isla-weynida dadka midabka cad leh ee taas ka dhalatay. Wax kasta oo isbeddello dalka Maraykanka soo saameeyey, dooca hoose ee kuwo badan oo caddaanka Maraykan ah, dhaqankaasu marna ka ma suulin. Madaxweyne Trump na taas buu soo mirkiciyey. 

Ta Soomaalida, marka laga tago waxii keli qofeed ku gaar ah, tabaalada cudurku waxa ay ka soo jeeddaa dhaqanka isla weynida isku-qolada Reer-Hebel. Waa anibarar bulsheed oo ay kooxda qabiilo ku nooshahay. Qolo waliba meesheeda waa ku nafteed-hafar. Waxa ay isku qancisaa oo ay ismoodsiisaa oo ay rumaysataa, qofkeeda na waraabisaa oo ku barbaarisaa in ayaga, Reer-Hebel ahi, dadka kale ka abuur wacan yahiin; in ay ka gobsan yahiin, ka geesisan yahiin, in ay dul, deeq, dood, dirir, aftahamo iyo intii wanaag loogu hirto ba, dheeraad ka leeyahiin qolyaha kale. Tusaaleheeda ugu dhawi waa marka koox isku qolo ahi ay gooni u kulansantahay. Sheekadoodu waa ‘dad innaga ayaa u wacan’; ‘dadka kale na dhammaan, si walba waa wax u ka liita. Ismoodsiiskoodu waa: “Gobi waa innaga“.

Hawaalinta hawraartan iyo kuwo la midka ahi cashar bay siinayaan qofka, gaar ahaan ninka Reer-Hebel. waa  cashar farriintiisu tahay xumo iyo samo, weji kasta oo ay noqoto, yaan lagaa badin oo lagaa raynin. Haddii se runi tidhi waa la kala raynayaa, oggolaashaheeda ayuu dhaqanka qabiilo magac xumo raacieyey. Ta ugu fudud ee noqon karta nin kaftan laga badiyey, waxa la saaaray dhaleeco; waxa ay na u guurtay magaca reerka (Reer-Hebel baa laga adkaaday). Sidaas bay ku noqotay cambaar asaga iyo tolkii ba ku taalla. Waayo dhaqanka qabiilada Soomaalida, qofka iyo qoladiisu waa isku hal keli ah. Sidaa darteed farriinta cudurka anibararka wadarta Reer-hebel waxa uu tallaalay in aan nin Reer-Hebel ah laga rayn karin. Taas baa hoggaaminaysa faldhaqanka qofka. Waa na narjasiyada qabiilada Soomaalida ee xooladhaqatada reeguuraaga ah.  

Aynu ku gaabsanno oo kaga hadhno, qabka magaca qabiilo huwan; islaweynida awoodda iyo amarkutaaglaynteeda iyo jacaylka ammaanta ee run iyo been ba loo hamuum-qabo, intu ba waa astaamo Soomaalida iyo Trump wadaagaan. Waxa keli ah ee ilaa xad kala soocaa waa isha geedka cudurku ka waraabay.  Trump tiisu waa waayo gaar ahaaneed dartood; ta Soomaalidu se, badi ba, waa wacaalo ka soo jeedo soojireenkii dhaqanka tolwadaagta reerguuraaga Soomaaliyeed.

 Rashiid SheekhCabdillaahi (Gadhweyne)

Email: [email protected]

                

                                                                         


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.