Wednesday, May 08, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Narwo: Sheeko gaaban

W.Q. Ibraahim Faarax Bursaliid

Cishaha marka la tukaday baan xaafadda aaday. Wax badan kama soo wareegin markuu albaabka soo garaacay nin oday ah oo Soomaaliyeed oo ay maashaa Allee akhyaarnimo badani ka muuqatay. Anoo yaabban baan ka furay, illaa cishaha ka dib la isma booqdee uguna garaabaya, bal in dhib jiro.

Salaan buu igula soo booday sidii annagoon waayo is arag; masjidkana waan iskula jirnay oo isku saf baaban ahayn waxyar ka hor. Lama yaabine waa mar-xabbeeyey oo shaah iyo wax u dalbay wuuse diiday. War buu ii billaabay anna kamaan celin.

War ninyohow saddex (3) culays baa na haya:

i) Towbad la’aan, kow ii dheh;
ii) Waddaniyad iyo aragti-fogaan la’aan, qaddiyad-xumiyo naf-jecleysi, labo ii dheh;
iii) Gacmihii oo nagu batayna saddex ii dheh!

Aad kuuma fahmin baan ku iri. Wuuba yaabay oo caroon gaaray. War waxbaan ku farayaa ee i dhegeysuu yiri; waa ka aqbalay. Wuxuu iiga sheekeyeey sheekadii kalluunkii weligii jeclaa inuu biyaha ka dhex-baxoo berriga aado oo markuu ku guuleysteyna inta la qabtay la karsaday oo la cunay. Mar haddaannaan hureyn dalkeennii hooyo maan daacad u noqonno? ayuu odaygii yiri; saa dal kale ma lihine. Oo maan Ilaahay SWT u noqonno, aragti fog la imaanno iskuna tashanno?

Haddaan towbad la helin nabad iyo caano iyo dowladnimo toona naga dheer buu yiri; haddiise taas la helo caqliguna wuu iman, gacmuhuna way bixi. Yaa hadde Soomaali u sheegi kara inay Ilaaheedii ay caasiday SWT rubac qarni ka hor u noqoto intaasaa janno-adduun naga xigtee?

Markaasaan yara baraarugayoo gartay meeshuu wax u wado. Oo haddee ma anaa Wacane ah baan ku iri? Waa ogahay inaadan ahayn. Waxaanba xataa ogahay buu yiri inaadan Naanaysle ahayn, oo Ulil-amriyada iyagu is-duubay ahayn. Waa yaabay oo la qabsaday hadalkii kuna iri Ulil-amri mindhaa waa ahay. Markaasuu yiri ma adaa Deex jira iyo Hawdkii soke toona? Ma Soodaan baad tahay? War waa ogahay inaadan xataa Is-sharfe ahayn! Waa ku fahmaan iri anoo weli yaabban. War waa is-doqomeeyaaye, waxaan xataa ogahay inaadan ahayn labadaan Wacane agtiisa hullaaban.

Intiinna afka-Soomaaliga aad u taqaanna ha kadsoomina anaa hortiin yaabaye!

Intii kuma joogsane odaygii wuu sii waday hadalkii. Wuxuu yiri kuwaas waa ka yaabaye wiilkayow haddii saldano ilaa heerkaas ah Ilaah ku siiyo inaadan xajin oo cumraysan waaba la gartayood xaramka un ku sii ordeyside maxaa ku waalaya maad khaadintid oo kii ku uumay janno weydiisatid; illaa meel kaloo loo dallaco ma lahane?

Haddaan ku gartaye warka ii wad baan ku iri. Sheekuu dabada qabtay. Niman baa xiniinyo dad leeyahay wax mooday; mid bay caro la tagtoo xerada bannaankeeda taagan; mid baa xin la maqanoo buur dusheed fuushan, mid baa wadaaddeeya, midna fahan gaaruu wataa: yaab iyo ammakaag! Waxa intaasba iiga daran- kuwana waa ku hungownay; mid baanse gaar u eedaa!

Oo maxaa haddee talo ah? yaan u carra-baabay. Inuu i gartaan moodayee bad kaluu haddana iska galay.

Maxaa Deex madexeed ku dhacay waa ayaga fayl un la ordayoo aan lacag waxaan ahaynba arkayne?! War faylka dhiga dowladi waa naasa-badane!

Qolyo kaluu la hadalkood galay:

Nin caroodayoow lagaa badi. Lagaama xigee kaalay aan wadaagnee talo oo haddaad doonto noo tali.

Ninkaagaas buurta saaranow aniga kuuma bogin! War hooy ma kala maarannee soo deg!

Bartamaha dulankeedaa batay waase la baasay! Koofur waa la amaani jiraye si bay u il-daran tahay. Labadaan webi, adinkana, cod iyo cood un ha ku haynina e, Aw-macallin, aan isu cad-celinno! Maxay horta xaafaduhu isu fiirsanayaan mise si baa qolo loogu gacan-haadinayaa?

Cadow baa helay labadii Raas, Ilaahoow na bixi buu yiri markaasuu keligi aammiin isu yiri. Waxaan iri waa nool-nahaye maxaa dhib ahoo jira; qaddari waa meesheede? Ilamuu yaabine wuxuu yiri wallaahi haddaan towxiidka, xiriirinta qaraabada iyo sadaqada gacanteennaas furan ahayn dhul gariir baa waa hore nagu dhufan lahaa. Ilaahay naxariistiisaan ku nool-nahay oo ka dhiman weyney. Waan naxay oo astaqfaar bilaabay.

Wuxuu haddana igu yiri wiilkayow nin waxbartay dadka kale masuuliyad buu dheer yahay; hadduusan Rabbi ka baqinna khatartiisuu leeyahay. Sannadkaan Soomaali waa loo yaabaa Ilaahay un ha bixiyo.

Isagiiba ma ahee haddana qayluu odaygii bilaabay: War qur’aan akhrista caqligaa imane; is cafiyoo wixii muuqda isu celiya wixii kalana xeera; oo gacmaha is-qabsada; Eebbe weyne idamkii nabad iyo caano iyo dowladnimaa loo bixiye ayuu yiri . Ma fogin buu yiri: Soo Jamhuuriyiintii laga baqi jirey ma nihin oo ahaa Reer-guuraagii gor-gortami jirey?!

Ma maqashay waxay Sweden martay? Intaan mayaba oran buu jawaabay: Ayagoo qoys idili hal qol ku nool yahay suuliyadeennoo kalana gala bay siddeetan sano gudohood isku agaasimeen. Oo sirtu maxay ahayd dheh? Shaqo abuur iyadoo dalkiiyoo dhan dib loo dhisay, waxbarasho lacag la’aan ah, iyo dhisidda hay’ado dowli ah oo adag, daacadna ah.

New Deal ka Dealna ma aha, wax ka cusubna ma jiraane ha ku kadsoominuu haddana yiri. Waa nidaamkii UNta iyo NGOyadu ku shaqeyn jireen. Awal baaban la yaabbanaa Ingiriis caano na siinaya! Eedda ajaanibta naga daa baan la soo booday. Mayee, Yurub sidii Maraykan ugu gurmaday dagaalkii ka dib may noogu gurmato hadday run sheegeysuu iigu jawaabay. Annaguse, Marshall Plan aan leennahay ma samaysan karno?! Ina Aw-Khamiis baaba keligi ku filane! Abtir buuba galay odaygii.

Anigii yaab iyo amakaag. Waxaan is iri ma dardaarmayaa? Intiiba iguma simine, AMISOM goormay baxaysaa inaan dhahno miyaa nala quman mise xaaladdee ku baxaysaa buu i su’aalay. Waxaan ku iri anigu caawa adigaan arday kuu ahay. Iguma diidine wuxuu yiri xaaladday ku baxayso aan xoogga saarno. Xoogga dalka ha la dhiso ciidan qaran oo rigli ah la’aanti waa nabad la’aane. UN na Ilaahay nooma keeno. Wixii Koongo ka dhacay ma maqashay? Joontaa dhib noogu filane aan isku tashannuu odaygii yiri.

Wuxuu billaabay inuu hadalka dedjiyo: Maad kuwaan noo daysaan doorashada odayga ayagu ha sameeyeene? Odayadii kama maarannee iyagana soo celiya; 0.5ka isagana ha la rafaco oo cadkooda dhammaystira xaqu-naas ma fiicnee. Dastuurka nadiifiya oo danteenna waafajiya ama mid cusub noo qoroo kan nagaba daaya ayuu la qayliyey. Dastuur waa muraayade aan iska wada aragnuu yiri. Horta UNDP weli ma joogtaa? ayuu i weydiiyey. Intaanan jawaabin buu yiri adeerow may dalalkay ka yimaaddeen dastuurro u qoraan maxay annaga noogu qorayaan kaayaga?! Ilaahay amarkii inta yiri buu amakaag afka la qabsaday.

Intaas marka hadalku marayoon si u yara daalay, sii walaacay, oon aniga dhan qasmay baan wax soo gocday. Arkayoo Soomaali caqligeeduu la hadlayey. Addoomo Alle umbaa nahay buu haddana yiri illaa kii rubac qarni dhurwaagiyo balaayada naga hortaagnaa ma dhinto mana dheeraado e!

Sidii nin i macsalaamayn raba oo warkiisii dhammaystay buu haddana yiri: War horta annaga soo saaxiibbo maannaan lahayn? Oo xaggee kala aadeen? Walaalahayose maxay isu daba ordayaanoo isu ximinayaan? Wiilkayow cid kastaa Plan A iyo B ba waa samaysataye ilaa Plan G noo sameeya Ilaahay baa nagu toosane.

Ninka caawoo dhan ii warramayee anigiyo isagaba na daaliyey waa nimaan garan waayey nimuu ahaa oo calaamado badan: Waa nin Ilaahay ha u naxariistee Cabdulqaadir Yaxye u hadal eg, keligi-waddani ninkaan u bixinnay; waa nin sidii Aw Jaamac Cumar Ciise jecel inuu raad reeboo sidiisii u dhiillaysan; waa nin sidii Barfasoor Raabe u hal-adag; waa nin sidii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen u qiiraysan; waa nin sidii Cabdullaahi Ciise reer, saaxiib iyo xulafeysi iskala weyn.

Waa i macsalaameeyey igamase tegine wuu dardaarmay: Marna yay caro idinla tegin; khalad qiddadeedna mid istaraatiijiyadeed ha ku sixina; mar walba dowladda noo dhisan iyo dowladnimada Soomaaliya kala saara; ducada Rabbina badiya; rajiyo cabsi baan u dhaxaynaaye ogaada,… een war astaanta qarankana beddela oo qabka iyo kibirka inta ka saartaan duco ku dara ayuu si haleel ah uga soo daba tuuray.

Intuusan hadalkii dhammaysan isagoo weliba wax kale maagganoo aan arko baan indhaha mar-maray saa dhiilluu na geshaye mise indhahaaban kala qaaday oo qorrax baa dhabanka iga haysoo waa xagaagii Yurub; kurbo iga badataan mindhaa la riyooday oo misna kala garan waayey waxay tahay: Qaraw, manaam, narwo, calwasaad, mise riyo-maalmeed? Allow adiga un na saamax, naga dhig indheer-garad, xifdigaagana na geli, aammiin.

W.Q. Ibraahim Faarax Bursaliid

Email: [email protected]

Shabakadda Cadaaladda & Nabadda (Maandeeq– JPN/
Akadeemiyaha Soomaalida)


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.