Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

TIRAAB-CURINTA TOOLMOON: QORAALLO GAAGAABAN(3)

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

HADALKA, AQRISKA IYO QORISTA

Waa saddex jaranjaro oo kala sarreeya.Waa saddex qaybood oo waxbarasho oo laysaga gudbo. Waa saddex heer dhaqan oo kala durugsan, gaar ahaan intay dhinaca awoodda ku kala taggan yihiin, ee bulshadu u kala suntan tahay.. Hadlaa, Aqriste iyo Qoraa.

Ummad kasta aayaheeda, ilbaxnimadeeda, iyo awooddeeda waxaa laga garan karaa had walba sedka iyo saamiga ay ka kala hanato saddexdaas qaybood. Horumarkeeduna wuxuu si toos ah ugu xiran yahay isaga-gudubkooda kor u socda.

Beeraha qalabka otamaatiga ku shaqeeya, wershadaha elektarooniga ku socda, gaadiidka iyo is-gaarsiinta casriga ee xawligooda ilbiriqiyo iyo wax kasii yar lagu xisaabiyo, dhismaha guryaha daruuro-dooxa ah, dayax-gacmeedka dunideenna kor meeraya ee uur-ku-jirta adduunkeenna lagu daalacanayo, dhammaantood waa wada tilmaamo cad cad oo si tuujin iyo taabasho leh uga marag kacaya arrintaas kor ku xusan (hanasho qoraal ayaa lagu gaarey).

Yaalaaba waad ku diirsataa markaad maqashid, “Soomaalidu waa ummad hadal-ya-cun ah, codkar ah.  Suugaanta way dareeriyaan, macaansadaan, dhuuxaan, dhadhansadaan, ku suuxaan oo ku sakhraamaan sidii qof la baabay.  Wada-hadalka keliya ayey badi ku wada xiriiraan.  

Waa bulsho hadal-ku-nool ah, aqriska iyo qoris-la’aanta haysata ummadda Soomaaliyeed waxay saamaysaa bulshadeena badideed.  Taas haddii la micneeyo waxay ka dhigan tahay in ummaddeenna qaybta lixaad lihi ka oomman tahay ilbaxnimada iyo aqoonta casriga lagu jiro.

Inta wax qori karta haddaad eegtid iyana weli kama ay soo wada murbixin hoosiiska badawnimada oo qorraxda casriga falaaraheedu si buuxa uma cuskan dareenkooda.  Wahabkii dib-u-dhacsanaanta iyo  dhaqankii  ‘hadlaaga’ kama suulin caqligooda, dareenkooda, aragtidooda iyo  dookhooda.  Sidii mara-boobta ayuu weli usii haystaa oo ku naban yahay

WAQTIGA

Dadka adduunka maanta ku nool lama arko laba isku diiddan qiimuhuu waqtigu leeyahay.  Qofka dhalashadiisa, korriinkiisa, waxbarashadiisa, shaqadiisa, guurkiisa, taranka qoyskiisa iyo dhimashadiisa waqtiga ayaa lagu xisaabaa.  Qorshe kasta oo loogu tala-gelayo bulsho horumarkeeda, iyadana xisaab waqti ayaa lagu dejiyaa.  

Waqtiga marka lagu fasiro inuu xilliga keliya tilmaan u yahay sida  saacado, maalmo, bilo, sannado xiriirsan oo iska daba tegaya, waa mid si fudud loo wada garan karo.  Waqtigu wuxuu la jaanqaadaa garaaca wadnaha. Socodkiisa lama baacin karo. Lama hakin karo dib in loo ceshaana waa ruux damcay qorrax duhur joogta inu iftiinkeeda baabaco ku daboolo.

Waqtiga raadkiisu nolosha korkeeda ayuu ka muuqdaa.  Wuxuu ku  qormaa qofka foolkiisa, geedka jirriddiisa, dhismaha derbiyadiisa, haadka baalashiisa.  Da’da cid walba soo marta, meelahaas ayaa laga cabbir qaataa, lagu gartaa facooda.  

Guud ahaan dhinacaas waa laysku wada raacsan yahay- mutacallin iyo ma-gudbe, dal sabool ah iyo mid hodon ah, dawlad soo koraysa iyo tan ugu awood iyo aqoon weyn dunida.  

Misna waqtigoo keligi iska daba rogmayaa micne ma yeesheen ee waxa micne iyo qiime u yeelaa waa dadka waxqabadkooda, himiladooda iyo had walba guusha iyo guuldarrada ay geeddigooda kala  kulmaan.

W,Q, Siciid Jaamac Xuseen
Email: [email protected]
—————————————-
Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, oo si joogto ah wax ugu soo qora degelka WardheerNews, waana guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.