Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Maxay ku fadhidaa maxayse nagu boorrinaysaa: Maalinta Buugga iyo xuquuqda Hanti-maskaxeeddu

W.Q. Maxamed Daahir Afrax, PhD

Qormadani waa qalin-la-bood ka dhashay bilashada Maalinta Caalamiga ah ee Buugga iyo xuquuqda Hanti-maskaxeedda, 23 Abril, oo ku beegan maantadan. Waa munaasabad mudan in lagu baraarugo, si weyn loo bilo, la isku boorriyo waxa ay u taagantahay, loogu hambalyeeyo bahda ay sida gaar ahaaneed u khusayso: bahda qalinka iyo qoranayaasha; bahda akhriska iyo aqoon-jeclida; bahda hiilka afka iyo horumarinta hal-abuurka – afka oo ah aabbaha intaasoo dhan udub-dhexaadka u ah. Intaba waxan leenahay hambalyo waa maalintiiniiye!

Dr. Maxamed Daahir Afrax

Sadarrada kore su’aallo dhawr ah ayay ku xadantayn karaan xiska akhristaha:

  • Maalintan iyada ah goormaa la caleema-saaray?
  • Yaa caleema-saaray, yaase imminka u dabbaaldega?
  • Maxaa loogu baahday in uu caalamku maalin u asteeyo buugga iyo xuquuqda hanti-maskaxeedda?
  • Maxay arrintani ku mutaysatatay inay sannad kasta u wada dabbaaldegaan dalladda ugu weyn ee dunida kulmisa (UN) iyo dalalka ifka jira intooda badan?
  • Innagu Soomaali ahaan ma ku baraarugney oo ma la jaan-qaadnay sarakacaas caalamiga ah?
  • Hadday jawaabtu haa tahay, ilaa goorma iyo xaggee?
  • Baahi intee leeg ayaynu Soomaali ahaan u qabnaa qorista, akhriska, aqoon-kororsiga iyo ilaalinta xuquuqda aqoon-curiyeyaasheenna?

An isku dayo inaan su’aallahaas ka bixiyo jawaabo kooban.

Taariikhda Munaasabaddan

Bilowgii dhalashada hindisahan waxaa loo aaneeyaa isxilqaan ay hormuud ka ahaayeen buug-baahiyeyaasha Catalonia, Spain, oo sannadkii 1923kii go’aansaday inay abaabulaan munaasbad sannadle ah oo lagu maamuusayo qorayaashoodii waaweynaa. Taas oo isugu soo biya-shubatay in lagu beego taariikhdii dhalashada sheeko-curiyihii caanka ahaa, Cervantes, oo ku beegnayd 7da Oktoobar, markii dambena loo baddelay 23ka Abriil oo ku beegnayd taariikhdii dhimashadiisa. Isla taariinkdaas ayaa ah taariikhdii dhimashada William Shakespeare iyo qorayaal kale.

Hayeeshee caleema-saarka caalami ahaan rasmiga ah ee munaasabaddan wuxuu bilowday 1995, xilligaas oo haya’adda UNESCO ee Qarammada Midoobey ay astaysay 23 Abriil in loo aqoonsado Maalinta Caalamiga ah ee Buugga iyo Xuquuqda Hanti-maskaxeedda (copyright). Laga soo bilaabo sannadkaas, xarunta UNESCO ee Paris waxaa munasabassaas loogu qabtaa dabbaaldeg weyn. Isla maalintaas in ka badan 100 dal ayaa daafaha dunida qolo waliba halkeeda uga dabbaaldegtaa, sida UNESCO ogaatey.

Maxay ku mutaysatay?

Guud ahaan in maalin caalami ah loo caleema-saaro qaddiyad mudan, waxay ku timaaddaa marka ay dad waxgarad ah oo in badan fekeray damiirka adduun-weynaha ku baraarujiyaan arrin masiiri u ah jiritaanka aadmiga iyo horumarkiisa. Arrintaas marka loo soo bandhigo beesha caalamka oo ay matasho Qarammada Midoobey, dunidoo dhanna ku qancaan inay tahay wax loo baahanyahay, ayaa la go’aamiyaa in loo asteeyo maalin sannad kasta la wada xuso, ujeedadeeduna tahay in dadyowga dunida si joogta ah loogu baraarujiyo qiimaha arrintaas iyo sida ay cid walba waajib ugu tahay in dadaal weyn la galiyo.

Maxaa yeelay waxaa la siku raacay inay tahay wax qof kasta iyo qolo kasta khuseeya, waajibna ku ah. Tusaalle waxaa ah ‘Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aaadana; ‘Maalinta Caalamiga ah ee la Dagaallanka Saboolnimada’; ‘Maalinta Caalamiga ah ee Daryeelka Afka Hooyo’ iwm.

Sidaas si la mid ah ayaa loo arkay ahmiyadda arrintan, heer caalamina loogu go’aamiyey in sannad kasta la xuso. Waxaa la garwaaqsaday xaqiiqda ah buuggu ama erayga qoran in uu yahay aqoonsidaha udub-dhexaadka ah; aqoontuna tahay furaha horumarka. Akhrisla’aan waa aqoonla’aan, aqoonla’aanna waa nolol la’aan. Been ma sheegin Cabdillaahi Qarshi markuu ku heesayey,

Aqoonla’aani waa, iftiin la’aane
Waa aqal iyo ilaysla’aanee

Waxaa la ogaadey ummaduhu sida ay u kala akhris badanyihiin in ay u kala aqoon badan yihiin. Dhanka kale waxaa la garwaaqsaday erayga qoran, aqoonsidahaas udub-dhexaadka ahi in uu yahay dalag ka soo go’ay feker badan oo qof isku hawlay, murti ama muguc ka soo maaxdey maskax la tuujiyey. Maskax hodan ah oo la hawlgaliyey. Waa sababta midhaha maskax ka soo go’a loogu aqoonsaday hanti ay leedahay cidda ku hawshootay. Waa sababta loogu bixiyey ‘hanti-maskaxeed’. Waana sababta dal kasta oo ka mid ah dunida aqoonta qiimaysa uu u degsado sharci lagu magacaabo copyright law (sharciga xuquuqda hanti-maskaxeedda).

Waa sharciga loo cuskado oo lagu maxkamadeeyo qof kasta ama cid kasta oo idanla’aan ku tagri-fasha hanti-maskaxeed cid kale leedahay. Halkaas ayaynu ka dheehan karnaa sababta loo mataaneeyey buugga iyo hanti-maskaxeedda; sababta labadooda loo wadaajiyey maalin midaysan. Halkaas ayuu ku cadyahay qiimaha dunida ilbaxa ah ay siiso labadaas isku mataansan, ayna tahay in aynu kaga dayanno.

Ujeeddooyinka caleema-saarka maalintan

  • In sannad kasta bulshoweynta lagu baraarujiyo qiimaha qalinka, qoraalka, qorayaasha,  buugga iyo dhiganayaasha kale; ama haddii si kale loo dhigo, qiimaha erayga qoran iyo ehelkiisa;
  • In sannad kasta dadka lagu boorriyo qiimaha akhriska iyo aqoon-kororsiga;
  • In la dhiirrigaliyo hal-abuurka, qoraal-curinta iyo qoraal-faafinta;
  • In la qiimeeyo qalinleyda la iskuna xiro iyaga iyo akhristeyaashooda;
  • Sannad kasta xuska maalintaan waxaa si gaar ah xoogga loo saaraa carruurta iyo da’yarta soo koraysa in lagu barbaariyo oo la jeclaysiiyo buuggaagta iyo akhris-jacaylka.

Tusaale ahaan dalka UK iyo dalal badan oo reer Yurub ah iskuullada iyo haya’daha arrimaha ubadka ku shaqada leh waxay ardayda ku dhiirrigaliyaan oo lagu tartansiiyaa in uu mid kastaaba maalintaas ku soo labbisto dharkii lagu yiqiin matalaha (character) xiddigga ama xiddigta ka ah sheekada uu ugu jecelyahay ee uu akhriyey. Fiicnaan lahaydaa in aynu kaga dayanno!

Innaga iyo Maalinta Buugga

Soomaali ahaan xuska munaasabaddan wali bulshadeenna kuma xididdaysan kamase maqna. Ogaalkey cid Soomaali ah oo abaabusha waxaa ugu horreeyey Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed (Somali Pen) oo 23kii Abriil, 1999kii munaasabaddan ku daahfuray magaalada London oo ahayd halkii ururkaas lagu asaasay (1996) una aheyd xarunta ilaa 2003, kolkaas oo uu u soo guurey magaalada Jabuuti oo wali xarun u ah.

Xilligaas ka dibna sannado kala duwan ayuu naadigu Jabuuti ka abaabulayey dabbaaldegga munaasabaddan; waliba sannadaha qaar waxay gaarsiisnayd heer qaran oo uu furitaankeeda iyo taakulaynteeda hormuud ka ahaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Dhawrkii sano ee la soo dhaafay, oo ku beegnaa xilli Naadiga PEN dib u dhac ku yimid, kaalintii xuska Munaasabaddan waxaa buuxin jirtey Akadeemieye-Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) taas oo munaasabado dad badan ku kulmaan ku qaban jirtey Muqdisho oo xarun u ah iyo magaalooyin kale oo ay ku leedahay laamo iyo wakiillo.

Tani waxay ka mid tahay munaasabadaha sannadlaha ah ee ku saabsan afka, dhaqanka iyo guud ahaan aqoonta ee ay sida joogtada ah u weyneyso Akadeemiyadu, sida Maalinta Caalamiga ah ee Afka hooyo, Maalinat akhris-qoridda, Maalinta Macallinka, iwm.

Haddaba, waxaa xusid mudan, sannadkan oo Naadiga Pen ama SSPen, oo dib loo dardar galiyey, iyo AGA mid walba ay u qorshaysnayd in ay abaabulaan dabbaldeg mug leh, waxaa qorshahaas caqabad ku noqday xilligii munaasabadda oo ku soo beegmay waqtigaan uu wax walba curyaamiyey ol’olaha ka hortagga cudur-sidaha Korona ( Covid-19).

Baahida Soomaalidu u qabto ka faai’deysiga munaasabaddan

Baahida Soomaalidu u qabto ku baraarugga arrimaha munaasabaddani u taagantahay, ee ku qodobbaysan ujeeddooyinka kore, way ka weyntahay tan ay u qabaan dalal badan oo iyagu mar hore heer sare ka gaarey horumarinta arrimahaas, sida qoraalka, akhris-jacaylka iyo ilaalinta xuquuqda hanti-maskaxeedka. Sidaa awgeed ayaan baahi gaar ahaaneed ugu qabnaa xus-sannadeedka munaasabaddan. Maxaa yeelay waxay na siinaysaa fursad an dadkeenna ku wacyigalino muhimnimada arrimahaas naga maqan. Baahidaas gaar ahaaneed sababeheeda waxaa ka mid ah:

  • Waxaan nahay bulsho ay ku cusubyihiin qoraalka, qorayaasha, buugga iyo akhrisku, sidaa awgeed u baahan wacyi-galin badan si ay ula qabsadaan ama u caadeystaan;
  •  Qoraalka Afkeenna oo wali curdan ah, burburkiina si xun u saameeyey waxaa ka jira dhibaatooyin u baahan sixitaan iyo wacyi-galin badan;
  •  Waxaa naga maqan ama naga wiiqan haya’dihii ay ahayd inay saldhigga u noqdaan buug-baahinta, buug-daabicidda iyo buug-faafinta, taas oo munaasabbaddani u noqon karto fursad lagu baraarujiyo dadka awoodda u leh daboolidda baahidaas;
  •  Waxaa marba marka ka dambeeya nugu sii faafaysa dhaqan-xumo lagu tilmaami karo “burcad-qalineed”, taasoo micneheedu yahay xatooyada ama ku tagri-falka hanti-maskaxeed cid kale leedahay. Sababaha keenayana waxaa ka mid ah aqoonla’aan aan la fahamsanayn inuu falkaasi dambi tahay; xatooyo bareer ah; iyo la’aanta sharcigii ilaalin lahaa hanti-maskaxeedda (copyright law) oo an wali jirin Soomaaliya.

Gunaanad

Haddaba, maadaama ay timid duruuf aan la kulmi karin, waxan soo jeedin lahaa in aynu ku camalfalno murtida Soomaaliyeed ee leh “Salaadiba siday kuu qabsataa loo tukudaa”. Yaynaan is dhiibin ee munaasabaddeenna mudan an ku xusno hababka kale ee suurtagalka ah, sida:

  • Buug-wadaag qof kastaa saaxiibkiis iyo walaalki hadiyad u siiyo buug tayo sare leh, hadduu toos u siin karo hagaag, hadduu ka fogyahayna ha ugu diro PDF ahaan ama wax la mid ah;
  •  Buug-wadaag kale: qofkii ay u suurtagal tahay ha ku dadaalo in uu asxaabtiisa baraha bulshada kula wadaago nuxurka buug uu akhriyey oo jeclaystay;
  •  Waalidku carruurta ha u abaabulaan akhris-wadareed buuggaag ay xiisanayaan, siiba sheeko-carruureed qoran; waa lagu tartansiin karaa. Arrintan waxaa igaga fiican oo khabiirad ku ah qoraa Saynab Daahir oo an filayo inay Hargeysa joogto aanna rajaynayo inay aragto qoraalkan. Iyada ayaa waalidiinta ku hagi karaysa talo-bixin cilmiyaysan. Waliba arrintan waxaa caawinaya xilligan guryaha la wada fadhiyo ee cudurka laga gabbanayo;
  •  Waxan idin xusuusinayaa halkudhegga caalamiga ah ee sannadkan in uu yahay “milyan sheeko wadaaga” (share a million stories). Dabcan waxaa loola jeedaa sheekooyin qoran;
  •  Ugu dambayn, sannadkan an ka dhiganno sannadkii akhriska iyo buug-wadaagga. Dhanka kalena sannadkii ka hortagga ku xadgudubka hanti-maskaxeedda dadka kale – sannadkii la dagaallanka “burcad-qalineedda” baddashey burcad-badeeddii la dabargooyey!

Dr. Maxamed Daahir Afrax
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.