W.Q. Siciid Jaamac Xuseen
AMBAD
Nin dan yar ah, xoogsade xalaal-quute ah, naftiisa ku kalsoon oo noloshiisa ka raalli ah, ayaa xilli aan caddo iyo gudcur toonna ahayn hees- walwaaleed loo tumaa, hammad beena la geliyaa, huguri waalan laga soo ridaa, meel uu nagaad ku ahaa laga dhuftaa oo loo haadiyaa hawaare iyo meel u daran. Darajo dhalanteed ah oo aanu marna haaweysan, haabkeedana hiyiga ku hayn – agaasime, maareeye, danjire, wasiir iwm – loo magacaabaa.
SUULCAYN iyo SAMAKAAB deris bay ahaan jireen toban sano ka hor. Samakaab dugsiga sare ee Yuusuf-al-Kawnayn ayuu bare ka ahaa. Suulcayn baabuur-waduu ka ahaa Wasaaradda Gaadiidka. Oori iyo dhawr carruur ah ayuu lahaa. Guri baraako ah oo aan Samakaab ka durugsanayn ayey ku jireen. Qoyskiisa, deriska iyo shaqadiisa dhexdooda dhammaan xurmo iyo maamuus ayuu ku lahaa. Barashada far Soomaalida ayuu waagaa billaabay. Tallaabadaas wanaagsan iyo dadaalka uu muujiyey, ammaan, dhiirrigelin iyo gacan waxaa ku siin jirey Samakaab jeer magaalo kale loo beddeley.
Muddo toban sano ah ayay is-mooganaayeen. Si kedis ah ayey maalin isugu soo baxeen, Samakaab oo lugaynaya iyo Suulcayn oo baabuur MAZDA ah wata. Mar qura ayuu baabuurkii joojiyey, kasoo degey, oo salaam diirran Samakaab ku boobay. Waraysi degdeg ah ka dib, inuu muddo dhawr sano ahba danjire dibedda ka ahaa ayuu ku kordhiyey. Muuqaalkiisa ayaa Samakaab u fiirsaday. Wuu ka cayilsanaa suu ahaan jirey goortii isugu dambeysey. Karafate iyo suudh jirkiisa ku giigsan ayuu xirnaa. Foodda iyo dhafoorrada cirradii kasoo weerartay sibaaq madow ayuu mariyey. Qofkii aan da’diisa aqooni kolleyba sannado badan ayuu ka yaraysiin lahaa intuu jirey. Qoyskiisii ayuu uga warramay oo dibedda ku nool. Noloshoodu inay wacan tahay, hase yeeshee xaaska iyo carruurtu aanay bukaan ka bixin ayuu la socodsiiyey.
Judhiiba waxaa Samakaab kusoo dhacay, “sabab kale ha joogtee, xanuunka qoyska sii deyn waayey waxaa ugu wacan qush-qushka ka soo gaaraya nolosha ay ka tageen iyo tan ay mar keliya dhex dabbaasheen iyagoon haba yaraatee u tabaabushaysan”. Suulcayn laftiisu wuu ku naxay in muddadaas dheer ee ay kala maqnayn wax la sheegi karaa shaqadii iyo darajadii uu Samakaab ku ogaa aanay wax iska doorin. Dacdarrada ka muuqateyna wuu u qaadan waayey. Waano iyo talooyin samata-bax leh wuxuu u qabey ayuu cabbaar daldalay. Inuu madax-adaygga iska dhaafo oo dantiisa usoo jeesto ayuu hadalkiisii kusoo gunaanaday.
Intuu waanadaas ku maqnaa, ayuu Samakaab mar labaad si fiican Suulcayn uga bogtey. Kaad timi… dheeraa! Aad ayuu intiisii ugala dheeraaday. Qoorta ayaa ku jebi gaartey. Hoos ayuu u dhugtey.. mise ninkuba cago dhulka kuma hayo. Qosol uu hayn waayey ayuu sii daayey.
“Maxaa kugu dhacay? Maxaa sidaas kaa dhigay? Tan iyo goormaad sidaas u deldelnayd?” ayuu isu daba-dhigay halkuu war kale uga fadhiyey. Suulcayn wuu isku naxay, la yaabay oo dib uga gurtay siduu yahay qof uu ku qaldamay oo kale. Baabuurkiisii ayuu ku dhaqaaqay isagoo madaxa ruxaya.“ Ilaahay ha ku cafiyo,” ayuu sii lahaa intuu baabuurka kusii socdey. “Wadaaggeenba,” ayaa Samakaab kasii daba tuuray.
IMTIXAAN
Raage waa toban jir, caata ah, da’diisa aad uga dheer. Indhahiisa iyo wejigiisa waxaa ka muuqda fariidnimo uu u dhashay iyo firfircooni. Hadalka wuu ku cad-cad yahay mana jecla in inammada faciisa ahi ay sina uga roonaadaan ama uga reeyaan. Yuhuun wanaagsan- qaddar kibir ahi ka marnayn- ayuu ku barbaaray.
Sannad ka hor ayaa adeerkii Cadan (Yaman) keenay oo korriinkiisa isu xil saaray. Dugsiga Baasarca ee Cadan ku yaal ayaa fasalka saddexaad ee tacliinta hoose lagu daray.
Dugsiga Baasarca waa dugsi-hoosaadka Cadan ugu magac iyo maqaam weynaa xilligaas. Maamul ahaan iyo tacliin ahaanba heerkiisa sare ayaa laysla wada qirsanaa oo looga marag kacay. Akhyaarkii la oran jirey Baasarca ee dugsigaas isaga lagu magacaabo dhisay waqfi iyo samafal ayuu ugu talo galay. Ardayda inta awoodi kartana kharash yar ayaa laga qaadi jirey, danyartana lacag la’aan ayey wax ku baran jireen. Dugsigu waddada Cadanweyn ugu caansan ayuu saaran yahay. Mudiirka dugsiga ee Baaxamiish ee waxbarashada iyo maamulka guud ee dugsiga u xilsaaran waxaa lagu wada yaqaan sida uu hoggaaminta iyo nidaamka ugu adag yahay.
Sannadkii waxbarashada ayaa durba dhaqso isu guray. Imtixaankii kala guurka ee fasallada cusub loo guurayey ayaa laga soo jeesgey. Maalintii natiijada la isa siinayey ayaa isa soo girin-girisay (is keentay).
Raage dhinaca waxbarashada dadaal kuma yarayn oo mar walba wuu ka hadli jirey si uu fasalkiisa uga dhex muuqdo. Qiyaastii lambarka kowaad ayuu meel sii dhigtay. Dhawr saaxiibbadiis ah oo ay isku da’ dhow yihiin wuu wargeliyey inay timi maalintii imtixaanka lagu kala baxayey, kana codsaday inay dugsiga u raacaan munaasabaddaas darteed. Raage in si fiican loo gelbiyo ayey isu diyaarsheen. Raage wuxuu usoo qoordiitey inu sannadka afraad ee dugsi hoosaadka ugu dambeeya isagoo tanaadaya
oo fasalkiisa calanka u sida u gudbo.
Maalintaas boqran wuu usoo labbistay. Shaati cad oo bafta ah iyo surwaal kaaki daba-gaab ah oo kaawiyad lagu jiq siiyey iyo kabo saan ah oo marka waddada laamiga lagu marayo jiiq-jiiqdooda si door ah loo maqli karo ayuu soo xirtay. Saaxiibbadiis way soo garabgaleen si ay munaasabaddaas uga tiiriyaan, farxaddana ula wadaagaan. Qado gaar ah iyo damaashaadkii loogu hambalyayn lahaa marka dugsiga laga soo rogaal celiyo way sii ballamiyeen. Raage inay kedis uga dhigaan ayey ku tala galeen oo lama ay socdsiin.
Tobankii subaxnimo ayey ardaydii dugsiga Baasarca iyo macallimiintoodii koox waliba fasalkoodii is hor safeen markii ay dawanka maqleen. Waa saacaddii la wada dhawrayey ee arday waliba ayaankii iyo halkuu natiijada ka galay la sugayey.
Raage haba yaraatee kama qasna. Natiijadiisa wuu ku kalsoon yahay siduu saaxiibbadiba ugu warramay. Wejigiisa farxad iyo rayrayn ayaa ka muuqata. Ardayda ay isku fasalka yihiin oo Yamantu u badan tahay kama uu da’ weyna ee wuu ka wada dheer yahay oo si roon ayuu ugu dhex muuqdaa. Saaxiibbadiis barbarkiisa ayey taagan yihiin. Iyaga laftoodu waxay u eg yihiin qaar imtixaankoodii ka dhursugaya.
Yeeristii lambarrada la kala galay ayaa lasoo gaarey. Shib ayaa la wada yiri. Macallinkii oo miis joog dheer daba taagan natiijooyinkiina hor yaalliin ayaa billaabay magac-wiciddii iyo sidii loo kala guuleystay:
Kan kowaad – Wiil Yamani ah ayaa loo yeeray. “Kaas waan filayey oo tartan kulul ayaa naga dhexeeyey,” ayaa Raage saaxiibbadiis ku yiri, isagoo lambarka ku xiga iska iimaansanaya.
Kan labaad: Yamani kale ayaa loo yeeray. “Kan laftiisu dab yar ma shidayn ee siduu ii dhaafay ma garan karo” ayuu Raage saaxiibbadiis u sheegay.
Kan saddexaad: Ku kaloo isna Yamani ah ayaa la wacay. “Kolleyba waxbaa si ah! Macallinka eex kuma aan ogeyn ee wax baa si ah,” ayaa Raage la socodsiiyey saaxiibbadiisa yaabban.
Kan afraad: Arday kale ayuu noqday. “Malaha magacaygii ayuu macallinku la’yahay, intaasi ima wada dhaafi kareene! Haddaan kan kowaad waayo, kan labaad waan isku hubey. Aar maa gadaal wax laga saxi doonaa” ayuu cod tag-taagan oo markan kalsoonidii ka yar shuuqsantay Raage ku sawaxay.
Macallinkii oo Raage codkiisa iyo xamxamta saaxiibbadiis dareemay ayaa isagoo dhinacooda soo eegaya si kulul ugu digey:
‘Raage, aammus oo mar dambe yaan hadal lagaa maqlin inta natiijooyinka la bixinayo. Idinkuna (saaxiibbadiis) si asluub leh meesha ku jooga, haddii kale dibedda ayaa laydin dhigi doonaa. Ma garateen?’
Kan shanaad: Waa wiil kale. Raage hadal laga ma hayo. In kolleyba qalad weyni jiro oo mar dhow la saxi doono ayuu isku qanciyey. Saaxiibadii shibtoodaay galeen oo sida wax ku dambayn doonaan ayey sugayeen.
Kan lixaad .. kan toddobaad kan… kan… kan… kan… kan… kan…
Kan shan-iyo-tobnaad (fasalkuna waa kan dugsiga ugu tirada yar waa 24). Raage Caateeye Sugulle ayaa la yeeriyey. Dhego wax lagu maqlo Raage mar hore ayuu furaystay. Saxiibbadiis ayaa ku baraarujiyey : “Raage waa laguu yeeray.” Intuu kala yara miiraabay, isagoo u qaba in qaladkii laga galay gadaal laga soo saxay, ayuu saaxiibbadiis weyddiiyey: “Lambarkee galay?” Shan-iyo-toban ayey ugu jawaabeen.
Sidii qof cirku kor kaga yimi ayaa Raage iyo bedladdiisii cusbayd, halkuu macallinka ka aadi lahaa, natiijaddiisana soo qaadan lahaa, ay mar qura isla dumeen oo ciidda wada galeen isagoo miyir la’. Judhiiba saaxiibbadiis ayaa sii walwaalay oo faarmashiye aan dugsiga ka fogayn kula cararay si daawo xisiga usoo celisa loola gaaro.
Casuumaddiina halkaas ayey ku baaqatay.
W,Q, Siciid Jaamac Xuseen
Email: sjx2005@hotmail.co.uk
—————————————-
Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, oo si joogto ah wax ugu soo qora degelka WardheerNews, waana guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed.
Leave a Reply